Cristiano Ronaldo oo guursaday Georgina Rodríguez 10 sano kadib
Xiddiga kubadda cagta ee caanka ah Cristiano Ronaldo ayaa guursaday lammaanihiisa muddada dheer, ay wada joogeen ee model-ka ah saamayntana ku leh baraha bulshada, Georgina Rodríguez, kadib xaflad ka dhacday Portugal.
Weeraryahanka reer Portugal ayaa akoonkiisa Instagram-ka soo dhigay sawir muujinaya laba gacmood oo midkood la rumaysan yahay inay tahay gacantiisa, iyo gacanta xaaskiisa. Labadooduba waxay xirnaayeen faraantiga arooska.
Warbaahinta Portugal ayaa arooska ku tilmaantay “arooska sanadka”, waxayna sheegtay in lammaanuhu isku guursadeen 11-kii Agoosto magaalada xeebta ku taalla ee Cascais, oo u dhow Lisbon. Waxaa sidoo kale la sheegay in shantooda carruur ah ay ka qaybgaleen xafladda.
Qoraalka Ronaldo ee Instagram-ka ayaa helay in ka badan saddex milyan oo falcelin ah muddo 30 daqiiqo gudahood ah.
Lammaanuhu waxay wada socdeen muddo 10 sano ah, kaddib markii ay isku barteen dukaan Gucci ah oo ku yaalla Madrid, halkaas oo Rodríguez ka shaqaynaysay. Xilligaas Ronaldo wuxuu u ciyaarayay kooxda reer Spain ee Real Madrid.
Waxay ku dhawaaqeen inay is doonteen 11-kii Agoosto ee sannadkii hore. Rodríguez ayaa markaas soo dhigtay sawir ay ku muujinayso faraanti dheeman ah, iyadoo ku qortay afkeeda hooyo ee Isbaanishka: “Haa, waan aqbalay.”
Ronaldo wuxuu leeyahay shan carruur ah guud ahaan, laba ka mid ahna waxaa dhashay Rodríguez. Waxay sidoo kale gacan ka geysatay korinta saddexdiisa carruur ah ee kale. Qoyska ayaa hadda ku nool magaalada caasimadda u ah Sacuudiga, Riyadh.
Gabadhooda curudda ah, Alana Martina, waxay dhalatay 2017-kii. Gabadhooda ugu yar, Bella, waxay dhalatay Abriil 2022, iyadoo mataan la ahayd wiil walaalkeed ah oo geeriyooday.
Ronaldo ayaa xirfaddiisa kubadda cagta ku dhaliyay ku dhowaad 1,000 gool. Wuxuu u ciyaaray kooxo ay ka mid yihiin Sporting Lisbon, Manchester United, Real Madrid, Juventus, Al-Nassr ee Sacuudiga iyo xulka qaranka Portugal.
Ronaldo, oo hadda ah kabtanka xulka Portugal, ayaa dhawaan ka qaybgalay Koobkiisii Adduunka ee lixaad, kaas oo noqday kii ugu dambeeyay. Tiradaas wuxuu rikoodhka kula wadaagaa Lionel Messi oo u dhashay Argentina.
Ronaldo oo 41 jir ah ayaa shan jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d'Or, taasoo ah tirada labaad ee ugu badan marka laga yimaado Messi, oo ku guuleystay siddeed jeer.
Kooxdiisa hadda ee Al-Nassr, oo uu ku biiray 2022, ayaa sannadkii hore xaqiijisay inuu saxiixay heshiis cusub oo laba sano ah, taasoo ka dhigan inuu kooxda Riyadh ku sii jiri doono ilaa 2027.
Sannadkii hore, Bloomberg Billionaires Index waxay hantidiisa Ronaldo ku qiimeysay $1.4 bilyan (£1.04 bilyan), taasoo ka dhigtay ciyaaryahankii kubadda cagta ee ugu horreeyay ee noqda bilyaneer.