You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Dadkii caalamka oo ku tartamaya daawashada qorrax-madoobaadka

    Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay Calton Hill ee Edinburgh, Scotland, eedalka UK, si ay u daawadaan qorrax-madoobaadka.

    Calton Hill waxay qiyaastii 100 mitir ka sarreysaa heerka badda, waxayna leedahay muuqaal furan, gaar ahaan dhinaca galbeed. Haddii daruuruhu aysan soo dhowaan, dadka halkaas jooga waxay heli doonaan fursad ay ku daawadaan qorrax-madoobaadka.

    Waxaa goobta ka dhacay dad badan oo isugu soo yaacay, kaddib markii shaqaalaha Astronomical Society of Edinburgh ay qaybiyeen 500 oo ah muraayadaha qorrax-madoobaadka lagu daawado.

    Dad badan ayaa nasiib u yeelan waayay inay helaan muraayadaha, balse weli goobta ayay joogaan, iyagoo weydiinaya haddii muraayado dheeraad ah la heli karo. Qaar waxay rajaynayaan in dadka helay muraayadaha ay la wadaagaan dhowr daqiiqo, si iyaguna ay fursad ugu helaan inay si caadi ah u daawadaan qorrax-madoobaadka.

  2. Muxuu waddankaan saaxiibka la ah Soomaaliya u diiday in uu ku biiro heshiiska Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan?

  3. War deg deg ah, Qorrax Madoobaadka oo sii baahaya iyo dadyow daawanaya

    Qorrax-madoobaadku hadda wuxuu ka gudbayaa Alaska Maraykanka, Canada iyo Greenland, balse meelahaas waxaa laga arkayaa oo keliya qayb ka mid ah qorraxda oo madoobaanaysa.

    Taas beddelkeeda, Spain ayaa ka mid noqon doonta meelaha uu madoobaadku si weyn uga muuqan doono, iyadoo qorraxdu ay daboolmi doonto ilaa 99%.

    Magaalada Madrid, qorrax-madoobaadku wuxuu bilaabanayaa 6:36 fiidnimo halka uu heerkiisa ugu sarreeya gaari doono 7:32 fiidnimo,taas oo ah 8:32 fiidnimo waqtiga maxalliga ah.

    Daawo sawirrada dadka la socda qorrax madoobaadkaan

  4. War deg deg ah, Qorrax madoobaad ka bilowday qaybo ka mid ah Mareykanka

    Qorrax-madoobaadka ayaa qayb ahaan bilowday, waxaana la filayaa in uu socdo dhowr saacadood.

    Qorrax madoobaadku wuxuu hadda ka bilowday Anchorage, Alaska, Maraykanka, halkaas oo waqtiga maxalliga ahi ku dhow yahay 07:45 subaxnimo. Waxaa la filayaa inuu gaaro heerkiisa ugu sarreeya, inkastoo madowgu uu dabooli doono qorraxda kaliya 28%.

  5. War deg deg ah, Israa'iil oo duqeyn ka gaysatay koonfurta Lubnaan iyo faahfaahin

    Wakaaladda wararka ee dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay laba duqeyn oo xagga cirka ah ka fuliyeen koonfurta dalka.

    Sida lagu sheegay warbixinta, deegaanka Al-Mansouri ee koonfurta Lubnaan ayaa ahaa bartilmaameedka weerarradan.

    Ilaa hadda, wax war ah lagama hayo dad ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarrada, sidoo kalena lama soo sheegin khasaaraha soo gaaray dhismayaasha.

  6. War deg deg ah, Booliiska Zimbabwe oo shaaciyay tirada dadka ku dhintay shilkii ay la kulantay doon dad badan ay saarnaayen

    Booliiska Zimbabwe ayaa sheegay in 44 qof la xaqiijiyay inay dhinteen kadib markii doon rakaab ah ay ku rogmatay harada Kariba.

    Waxaa la badbaadiyay 77 qof. Booliisku waxay sheegeen in doonta, oo sida la sheegay ay rakaab ka badnaayeen intii loogu talagalay, ay la kulantay hir xooggan, taasoo sababtay inay qalibantay.

    Muuqaallo lagu baahiyay internetka ayaa muujinaya qaybta hoose ee doonta oo rogmatay, iyadoo biyaha dul sabaynaysa.

    Harada Kariba waxay ku taallaa xadka u dhexeeya Zimbabwe iyo Zambia, waana mid ka mid ah kaydadka biyaha macmalka ah ee ugu waaweyn adduunka. Waxay muhiim u tahay gaadiidka iyo kalluumeysiga, sidoo kalena waxay labada dal siisaa koronto laga dhaliyo tamarta biyaha.

  7. Farmaajo oo ka hadlay sidii loola dhaqmay Sacdiyo Bajaaj intii ay xirneed

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweyay siideynta Sacdiya Macalin Cali oo loo yaqaan (Sacdiyo Bajaaj), taasoo muddo kiiskeedu uu taagnaa.

    Waxaa uu sheegay in muddadii ay xirneed lagula kacay gabadood fallo aaney sii deyntu meesha ka saari karin.

    Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Waa tallaabo soo dhoweyn mudan, balse ma tirtirayso gabood-falkii lagula kacay, xariggii dheeraa iyo sida hay’adaha dowladda loogu adeegsanayo caburinta dhallinyarada Soomaaliyeed,”.

    Wuxuu intaas ku daray: Dhallinyarada Soomaaliyeed lama cabsi gelin karo, lama aamusiin karo, mana aha dad lagu hoggaamin karo cadaadis iyo dano shakhsi ah, waxa ay leeyihiin awood, karti iyo rabitaan ay ku xaqiijin karaan Soomaaliya horumarsan”.

  8. Maxay diinta islaamku qabtaa in la sameeyo marka uu dhaco qorax madoobaadku?

  9. Madaxweynaha Ruushka oo u hanjabay Midowga Yurub

    Madaxweynaha Putin ayaa ku hanjabay inuu la wareegi doono maraakiibta Yurub, taasoo jawaab uga noqonaysa qorshayaasha Midowga Yurub ee lagu joojinayo maraakiibta looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin waxa loo yaqaan “maraakiibta qarsoon ee Ruushka.

    Putin ayaa hadalkan sheegay xilli uu daawanayay dhoolatusyo ciidan oo ay ciidamada badda Ruushku ka wadeen bariga fog ee dalka. Wuxuu xannibaadaha lagu soo rogo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta Ruushka ku tilmaamay “burcad-badeednimo iyo dhac.”

    Wuxuu sheegay in Moscow lagu qasbi doono inay si la mid ah uga jawaabto tallaabooyinka Midowga Yurub, isla markaana Ruushku uu samayn doono wax kasta oo uu u arko inay lagama maarmaan iyo ku habboon yihiin, meel kasta oo ay taasi ka dhacdo.

    Ruushka ayaa muddo isticmaalayay waxa loo yaqaan “maraakiibta aan la sixi karin calamada ay wataan”, oo ah maraakiib ku socda calan qaran oo aan sax ahayn ama aan lahayn diiwaangelin cad, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in looga baxsado cunaqabataynta caalamiga ah ee lagu soo rogay dhoofinta iyo ganacsiga saliidda Ruushka.

  10. Lixda meelood ee aan qorraxdu ka dhicin in ka badan 70 maalmood

    Nolasheennu waxay ku wareegtaa saacadaha kooban ee maalintii iyo habeenkii oo badanaa ah 24 saacadood.

    Hasa-yeeshee ma ogtahay in dunida ay ka jiraan meelo aanay qorraxdu ka dhicin in ka badan 70 maalmood?

    Bal qiyaas sida sheekadaan ay xiiso ugu leedahay dalxiisayaasha iyadoo xitaa dadka deegaannadaas ay ku jaha wareeraan qoroxda oo aan dhacaynin 70 maalmood oo xiriir ah.

    Haddaba Lixda meelood ee aaney qorraxdu ka dhicin wax badan ka ogow.

    Sii akhri:

  11. War deg deg ah, Trump oo sheegay inuusan weligii aamini doonin Iran

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan ku kalsoonayn Iran, isla markaana Mareykanku si buuxda gacanta ugu hayo marin-biyoodka Hormuz.

    Isagoo Talaadadii ka jawaabayay su’aalo ay wariyayaashu weydiiyeen, madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay inuusan Iran ku kalsoonayn.

    “Anigu waxaan noqonayaa qofka ugu dambeeya ee ku kalsoonaada Iran; mar walba way ii been sheegeen.”

    Trump ayaa mar kale ku celiyay sheegashada ah in Mareykanku si buuxda u maamulo marin-biyoodka Hormuz.

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka, ayaa sheegay in uu qabtay oo hawl-geliyay markab ku sii jeeday deked ku taalla Iran. Taliska ayaa bayaan ku sheegay in markabka oo sitay calanka Panama uu isku dayayay inuu maro Gacanka Cumaan.

    Dhanka kale, Mohsen Rezaei, oo ah xoghayaha cusub ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa sheegay:

    “Marin-biyoodka Hormuz lama furi doono ilaa Mareykanku beddelo hab-dhaqankiisa oo uu aqbalo shuruudaha Iran.”

    Warbixinnada maanta ayaa sidoo kale muujinaya in khilaafka Mareykanka iyo Iran uu weli saameyn ku leeyahay isu-socodka maraakiibta iyo qiimaha shidaalka caalamka.

  12. War deg deg ah, Doon dab ka kacay iyo faahfaahin ka soo baxaysa dadkii la socday

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, doon weyn oo rakaab ah ayaa ka amba baxday jasiiradda dalxiiska ee Bali, Indonesia, saaka, balse dab ayaa ka kacay xilli ay ku guda jirtay safarkeeda.

    Ilaa hadda, 172 qof ayaa la soo badbaadiyay, iyadoo sidoo kale socda baaritaanno lagu raadinayo rakaab kale oo la la’yahay.

    Haryadi, oo ah madaxa hay’adda samatabixinta deegaanka, ayaa sheegay in doontu ay ka shiraacatay deked ku taalla Bali, iyadoo ku sii jeedday Lombok oo ka tirsan gobolka West Nusa Tenggara.

    Wuxuu Reuters u sheegay in shilku uu ka dhacay Marinka Lombok abaare 04:39 subaxnimo Arbacadan maanta ah =.

    Ilaa hadda, waxaa la xaqiijiyay in hal qof oo Indonesian ah uu dhintay, halka 172 qof laga daadgureeyay lagana soo badbaadiyay dekedaha Bali iyo Lombok.

    Mid ka mid ah dadka la badbaadiyay ayaa ahaa muwaadin Australian ah, halka dadka kale ay dhammaantood ahaayeen Indonesian.

    Harry Vianto, oo ah sarkaal ka tirsan maamulka dekedda Bali, ayaa u sheegay telefishinka maxalliga ah ee Kompas TV in liiska rakaabka lagu qoray 114 rakaab ah iyo 17 shaqaale ah.

    Indonesia oo ka kooban in ka badan 17,000 jasiiradood, ayaa si weyn ugu tiirsan maraakiibta waaweyn ee rakaabka si ay u noqdaan gaadiid muhiim ah, maadaama safarka badda uu ka jaban yahay safarka hawada isla markaana si fudud loo heli karo.

    Hase yeeshee, heerarka badbaadada mar walba si adag looma ilaaliyo, taasina waxay sababtaa in shilalka doonyaha iyo maraakiibtu ay weli yihiin kuwo soo noqnoqda.

    Sidoo kale akhri

  13. War deg deg ah, Degdeg: Doon ku qalibantay haro ku taalla Zimbabwe iyo dad badan oo la'yahay

    Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay, halka 27 kalena la la’yahay, kadib markii doon ay ku degtay harada Kariba ee Zimbabwe Talaadadii, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

    Booliska ayaa sheegay in doonta loogu talagalay inay qaaddo 90 rakaab ah iyo shan shaqaale ah, balse sarkaal ka tirsan maamulka harada ayaa sheegay in markabka ay saarnaayeen 120 qof, oo ay ku jireen 12 carruur ah.

    Booliska ayaa intaa ku daray in doonta uu ku dhufatay hir xooggan, taas oo sababtay inay qalibanto. Muuqaallo lagu baahiyay baraha internet-ka ayaa u muuqda inay muujinayaan qaybta hoose ee doonta oo rogmanaysa kuna sabbaynaysa biyaha.

    Madaxweynaha Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa, ayaa ku dhawaaqay xaalad musiibo qaran, iyadoo la dardargelinayo hawlgallada lagu baadigoobayo laguna samatabixinayo dadka. Ilaa hadda, 77 qof ayaa la soo badbaadiyay.

    Harada Kariba, oo ku taalla xadka u dhexeeya Zimbabwe iyo Zambia, ayaa ka mid ah kayd-biyoodka macmalka ah ee ugu waaweyn dunida. Waxay muhiim u tahay gaadiidka iyo kalluumeysiga, sidoo kalena waxay labada dal siisaa koronto laga dhaliyo biyaha.

    Xildhibaanad deegaanka ah, Mutsa Murombedzi, ayaa baraha bulshada ku baahisay muuqaal ay sheegtay inuu muujinayo doonta xilli ay safarkeeda bilaabaysay. Waxay sheegtay in dadka deegaanka ay doonida u isticmaali jireen inay uga safraan harada una gudbaan magaalada Kariba, safarkaasi oo qaata qiyaastii shan saacadood.

  14. Trump oo qirtay in si qarsoodi ah loo saaray diyaarad aan ahayn tan madaxweynaha cabsi laga qabo Iran

  15. War deg deg ah, Soomaaliya oo ka hortimid go'aanka Colombia ugu aqoonsatay in Buuraleyda Golan ay Israa'iil leedahay

    Dowladda Soomaaliya ayaa cambaaraysay go’aanka Colombia ay ugu aqoonsatay Israa’iil in ay leedahay Buuraleyda Golan.

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsiga noocan ah uu yahay mid aan sharci ahaan waxba ka jirin, isla markaana uu ka hor imanayo sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

    Soomaaliya waxay sheegtay in Buuraleyda Golan ay tahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil haysato.

    Waxay sidoo kale ku baaqday in khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Suuriya lagu xalliyo wada-hadal iyo iyadoo la raacayo qaraarrada Qaramada Midoobay.

    Sida ay sheegtay Soomaaliya, qaraarradaasi waxay xaqiijinayaan xaqa Suuriya u leedahay inay dib u hesho dhulkeeda ay Israa’iil haysato, oo ay ku jiraan dhulalkii ka horreeyay xuduudihii 1967.

    Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dalalka, oo ay ku jirto Colombia, inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah iyo madax-bannaanida dhuleed ee dalalka, ayna diidaan aqoonsiga dhulalka la haysto.

  16. War deg deg ah, Iran oo hanjabaad adag u dirtay Mareykanka iyo xulafadiisa

    Mas’uul ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ii la yiraahdo Hossein Mohebi, ayaa sheegay in Mareykanka iyo xulafadiisa ay la kulmi doonaan weerarro lagu qaado saldhigyada muhiimka ah haddii Iran mar kale la weeraro.

    Mohebi wuxuu ka digay in Iran ay bartilmaameedsan karto warshadaha korontada, khadadka gudbiya korontada iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah ee Mareykanka iyo xulafadiisa.

    Waxa kale oo uu sheegay in haddii Iran mar kale la weeraro, qayb weyn oo ka mid ah shabakadaha internet-ka ee dunida ay halis geli karto.

    Intaa waxaa dheer, Mohebi wuxuu sheegay in xilligan aysan jirin maraakiib dagaal oo Mareykan ah oo ku sugan Gacanka Faaris.

    Hadalkan sarkaalka IRGC ayaa yimid saacado kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuusan kalsooni ku qabin Iran, isagoo ku eedeeyay Tehran inay khiyaamaysay oo ay marin-habaabisay.

    Trump wuxuu sidoo kale ku adkaystay in Marinka Hormuz uu gacanta ku hayo Mareykanka, isla markaana uu sheegay inuu yahay meel uu leeyahay Mareykanku.

  17. War deg deg ah, Xuutiyiinta Yemen oo dilay dad Pakistaaniyiin ah iyo dowladda oo shaacisay tirada

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Maxamed Ishaq Dar, ayaa maanta sheegay in saddex qof oo Pakistani ah ay ku dhinteen weerar ay maleeshiyaadka Xuutiyiintu ku qaadeen markab dalxiis oo marayay Badda Cas.

    Qoraal uu ku daabacay barta X, Ishaq Dar ayaa yiri: “Saddex Pakistaniyiin ah ayaa naftooda ku waayay dhacdadan, halka hal qof uu ku dhaawacmay.”

    Hadalkiisa ayaa yimid maalin kadib markii ilaalada xeebaha Yemen ay xaqiijiyeen in ugu yaraan lix qof lagu dilay weerar ay dagaalyahannada Xuutiyiintu ku qaadeen doon ku sugnayd meel ka baxsan xeebta Yemen.

    Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay, iyo xaaladda markabkii ay weerarka ku qaadeen, weli lama soo bandhigin.

  18. War deg deg ah, Degdeg: Sirdoonka Israa'iil oo shaaciyay xog ku saabsan nukliyeerka Iran

    Yossi Cohen, oo ahaa madaxii hore ee hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, ayaa sheegay in inkasta oo Iran ay haysato uranium la tayay ilaa 60%, haddana taasi aysan ka dhignayn inay ku dhowdahay samaynta hub nukliyeer ah.

    Wuxuu intaas ku daray in dalka Iran uu weli haysto shaqo badan oo uu qabto ka hor inta uusan gaarin heerka soo saarista hub noocaas ah.

    Yossi Cohen ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo dhacay Talaadadii, isagoo sheegay in Mossad ay muddo ku bixisay la socodka xarunta nukliyeerka ee dhulka hoostiisa ku taalla ee Fordow ee Iran, isla markaana ay baaritaan qoto dheer ku samaysay xaruntaas.

    Si kastaba ha ahaatee, madaxii hore ee sirdoonka Israa’iil ma uusan faahfaahin dheeraad ah ka bixin nooca xogta ay ka heleen xarunta Fordow.

  19. Cabdi Daysane oo BBC uga warramay guusha uu ka gaaray doorashada Minnesota

  20. War deg deg ah, Sacdiyo Bajaaj oo laga siidaayay xabsiga

    Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta siideysay Sacdiyo Macalin Cali oo loo yaqaano Sacdiyo Bajaaj, oo horey Maxkamadda Gobolka Banaadir ugu xukuntay 3 sano oo xabsi ah.

    Maxkamadda ayaa go’aankeeda ku sheegtay in xukunkii hore uusan ku qotomin sabab rasmi ah oo la xirriirta eedeymihii loo heystay, sidaa aawgeedna dib loogu soo celiyay xoriyadeeda.

    Maxamed Sheekh Cismaan Siciid oo kamid ah qareenada doodayay Sacdiyo ayaa BBC-da u xaqiijiyay siideynteeda isagoo soo dhoweeyay go’aanka maxkamadda.