You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Basasha oo cagta hoosteeda la saaro ma daaweysaa hargabka?
"Haddii hargab ku hayo, waxa keliya ee aad u baahan tahay inaad samayso waa inaad basal ku riddo sharabaadadaada ama sokosk-ka habeenkii," ayay tiri haweeney sidata basal cas.
Muuqaalkan TikTok-ga ah ee hooyadan ayaa ka mid ah sheegashooyin badan oo ku saabsan awoodda bogsiineed ee basasha ceeriin, kuwaas oo weli si joogto ah uga soo muuqda baraha bulshada.
Qaar ka mid ah dadka ayaa xitaa waalidiinta carruurta xanuunsan kula taliya in daawadan loo isticmaalo, iyagoo ballanqaadaya inay "daaweyso qandhada sare," "disho jeermiska," isla markaana xitaa "hagaajiso wareegga dhiigga."
Laakiin ma jiraan wax caddayn ah oo muujinaya in basasha cagaha la saaro ay waxyaabahan midkood samayn karto?
Basashu waxay ka tirsan tahay qoyska khudaarta Allium, waxayna qayb ka noqon kartaa cunto caafimaad leh. Waxay hodan ku tahay fitamiin C iyo walxo ka hortaga ama walxaha jirka ka ilaaliya waxyeellada unugyada. (antioxidants), oo ay ku jirto quercetin, oo ah maaddo dhir laga helo oo si weyn loo daraaseeyay.
Cilmi-baaristu waxay muujinaysaa in maaddooyinkan ay gacan ka geysan karaan caafimaadka wadnaha iyo mindhicirka, sidoo kalena ay ka qayb qaadan karaan xakamaynta heerka sonkorta dhiigga.
Laakiin taasi way ka duwan tahay sheegashooyinka ah in basashu ay jirka ka sifayn karto sunta ama ay daaweyn karto caabuqyada, ayay tiri Dr. Katie Suleta, oo ah khabiir Maraykan ah oo ku takhasustay cudurrada faafa.
Sida laga soo xigtay Ururka Qaranka Basasha ee Maraykanka, sheegashadani waxay soo bilaabatay bartamihii qarnigii shan iyo tobnaad , xilligaas oo la aaminsanaa in basasha qolka la dhex dhigo ay dadka ka ilaalin karto cudur faafa oo loo yaqaan 'bulbous blight.
Maxay basashu jirka uga saari karin sunta?
Maqaarku waa difaaca ugu horreeya ee jirka, isagoo kaga hortaga jeermisyada iyo cudur-sidayaasha jirka soo gala. Laakiin khubaradu waxay sheegayaan in inkastoo sunta qaarkeed ay maqaarka ka geli karaan jirka, haddana aysan jirka uga soo bixi karin isla waddadaas, xitaa iyada oo loo marayo dhididka.
"Basashu ma laha wax maaddooyin gaar ah oo sunta jirka uga soo saari kara maqaarka ama cagaha hoostooda," ayay tiri.
Suleta, waxay sheegtay in isbeddelka midabka basasha habeenkii lagu dhex reebo sharabaadada mararka qaarkood loo soo bandhigo inuu caddayn u yahay in sunta jirka laga soo saaray. Hase yeeshee, waxay sheegtay in tani ay tahay oo keliya natiijada ka dhalata dhaqdhaqaaqa bakteeriyada ee maqaarka.
Baraha bulshada, erayga "sun" ayaa inta badan loo adeegsadaa xayeysiinta cuntooyin iyo walxo la sheegayo inay waxyeello u leeyihiin jirka.
Dhanka caafimaadka, toxins waa walxo sun ah oo ay soo saaraan noolaha, sida bakteeriyada. Waxay sidoo kale noqon karaan kiimikooyin waxyeello leh ama dawooyin la qaato xaddi aad u badan, sida ay sheegtay Maktabadda Qaranka ee Caafimaadka ee Maraykanka (U.S. National Library of Medicine).
Laakiin jirku wuxuu leeyahay nidaam u gaar ah oo sifaynta iyo nadiifinta ah. Beerku wuxuu sifaynayaa walxaha uusan jirku u baahnayn, wuxuuna ka caawiyaa jirka inuu iska saaro walxaha waxyeellada leh. Kelyuhuna waxay ka saaraan jirka biyaha xad-dhaafka ah iyo qashinka iyagoo ku saaraya habka kaadida.
Si beerka iyo kelyaha loo ilaaliyo caafimaadkooda, looma baahna dawooyin gaar ah. Cunista cunto caafimaad leh, ilaalinta miisaan caafimaad qaba iyo cabitaanka biyo ku filan waxay ka caawin karaan xubnahan inay si habboon u shaqeeyaan.
Halkii qofku isku dayi lahaa inuu guriga isaga "sifeeyo sunta" jirka, haddii uu ka shakiyo inuu liqay ama cunay walax waxyeello leh ama uu qaatay dawo ka badan intii loogu talagalay, waa inuu si degdeg ah u raadsadaa talo caafimaad, sida ay sheegtay Adeegga Caafimaadka Qaranka ee Boqortooyada Midowday (NHS).
Maxaa ka caawin kara hargabka?
Dhinaca kale, hargabka waxaa keena fayrasyada, wuxuuna badanaa u baaba'aa si iskiis ah, sida ay sheegtay NHS. Talooyinka kaa caawin kara inaad si dhakhso ah uga soo kabato hargabka waxaa ka mid ah inaad hesho nasasho kugu filan, cabto biyo iyo dareere badan, isla markaana cunto cunto caafimaad leh.
Waxyaabah sida maraqa basasha leh waxay kaa caawin karaan inaad hesho biyo iyo nafaqo, laakiin khubaradu waxay sheegayaan in ay jirto farqi weyn oo u dhexeeya bogsiinta cudurka iyo yareynta calaamadaha ama xanuunka.
"Hargabka caadiga ahi badanaa ma aha cudur halis ah, inta badan wuu iska baaba'aa qiyaastii toddobaad gudihiis, iyadoo aan loo eegin daaweynta la isticmaalo. Maraqa basashu muddadaas ma soo gaabiyo," ayay tiri Suleta.
Inkasta oo qaar ka mid ah fitamiin C-ga uu lumo marka basasha la kariyo, qayb ka mid ah fitamiin C-ga ayaa ku milanta biyaha, sidaas darteedna waxay ku sii jiri kartaa maraqa, taas oo jirka ka caawin karta inuu dhiso oo xoojiyo nidaamka difaaca.
Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baaristu waxay muujisay in basasha ceeriin ay ka kooban tahay fitamiin C badan, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la cuno qaddar ku filan.
Talo caafimaad ayaa loo baahan karaa haddii calaamadaha hargabka, sida qandho sare, ay sii jiraan in ka badan dhowr maalmood; carruurtana waxaa habboon in talo caafimaad loo raadsado waqti ka hor.
Dhanka bararka iyo caabuqa, khubaradu waxay sheegayaan in aan mar walba loo baahnayn in "lala dagaallamo". Xaqiiqdii, waa nidaamka difaaca jirka oo ka jawaabaya caabuq ama dhaawac. Jawaabtan difaaca ahi waxay jirka ka caawisaa inuu is-difaaco oo uu bilaabo hagaajinta unugyada dhaawacmay.
Si loo ogaado sababta bararku u dhacay, waa muhiim in la tixgeliyo meesha uu bararku jirka kaga yaallo iyo waxa sababay.
Calaamadaha caadiga ah waxaa ka mid noqon kara barar, kulayl iyo xanuun. Laakiin haddii calaamadahan ay sii jiraan, gaar ahaan marka ay la socdaan calaamado kale oo aan la garanayn sababtooda, khubaradu waxay sheegayaan in xalka ugu habboon uu yahay in talo caafimaad la raadsado, halkii basasha loo isticmaali lahaa daaweyn.