You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxkamadda dambiyada ee caalmiga ah oo saartay faahfaahinta amaro lagu xirayo ragga ugu sarreeya Taliban
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa soo saartay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan amarada xariga ee ay sanadkii hore ka soo saartay hoggaamiyaha Taliban Haibatullah Akhundzada iyo madaxa Maxkamadda Sare ee dowladda Taliban, Abdul Hakim Haqqani.
Qoraalka buuxa ee amaradan ayaa ilaa hadda ahaa mid qarsoodi ah, balse maalintii Isniinta, maxkamadda caalamiga ah ayaa shaacisay natiijooyinka garsoorayaashii soo saaray amaradaas.
Dhanka kale, Zabihullah Mujahid, oo ah afhayeenka dowladda Taliban ee Afghanistan, ayaa cambaareeyay tallaabadan isagoo adeegsanaya barta bulshada ee X, wuxuuna ku sheegay jawaabtiisa ku aaddan go'aankan inaysan aqoonsanayn "Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada" isla markaana aysan qiimo u lahayn mowqifkeeda.
Mudane Mujahid ayaa hadalkiisa ku daray: "Alle mahaddii, hoggaamiyeyaasha Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan ma aysan sameyn wax u qalma in lagu xiro ama lagu ciqaabo. Arrin kale oo muhiim ah ayaa ah inaan ku dhaqanno xukunnada Sharciga Islaamka, ee aysan noo talin hay'adaha sirdoonka iyo waxa loogu yeero maxkamadaha."
Bayaankii ugu dambeeyay ee ICC ayaa lagu yiri: "Qeybta Labaad ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (oo qaabilsan marxaladda ka horreysa dacwadda) ayaa go'aansatay inay shaaciso afar amar oo xarig ah oo la soo saaray 8-dii July iyo 9-kii Sebtembar, 2025, kuwaas oo la xiriira kiiska Afghanistan. Amaradan ayaa laga soo saaray Haibatullah Akhundzada, Abdul Hakim Haqqani, Habibullah Agha iyo Nida Mohammad Nadeem. Jiritaanka labada amar ee ugu horreeyay ayaa horay loo shaaciyay 8-dii July, 2025."
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa bishii July 2025 shaacisay in laba sarkaal oo sarsare oo ka tirsan Taliban lagu soo oogay dacwad la xiriirta "dambiyo ka dhan ah bini'aadamnimada, kuwaas oo ku lug leh dhibaateyn iyo cadaadis ku salaysan jinsiga oo lala beegsaday gabdhaha, haweenka iyo dad kale."
Sida ay sheegtay maxkamaddu, dambiyadan ayaa dhacay intii u dhaxaysay 15-kii Agoosto 2021—markii ay Taliban la wareegtay talada Afghanistan—ilaa ugu yaraan 20-kii Janaayo 2025.
Maxkamaddu waxay sidoo kale sheegtay in Taliban ay dadka u dooda xuquuqda gabdhaha iyo haweenka ku tilmaantay "cadaw siyaasadeed," isla markaana ay ku soo rogtay xayiraado iyo cadaadis.
Garsoorayaasha maxkamaddu waxay ku soo gabagabeeyeen in tuhmanayaashu "ay hirgeliyeen siyaasad dowladeed oo horseeday xadgudubyo halis ah oo loo geystay xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadaha dadka rayidka ah ee Afgaanistaan, oo ay ku jiraan dilal, xabsi, jirdil, kufsi, iyo dad la waayo."
Garsoorayaashu waxay sidoo kale sheegeen in inkastoo Taliban ay ku soo rogeen sharciyo iyo xayiraado adag dhammaan dadka Afgaanistaan, haddana ay si gaar ah u bartilmaameedsadeen haweenka iyo gabdhaha. Sida laga soo xigtay garsoorayaasha, gabdhaha iyo haweenka waxaa laga qaaday xuquuqdooda waxbarasho, xorriyadda hadalka, iyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa.
Ururku wuxuu sheegayaa in xayiraadaha lagu soo rogay waxbarashada haweenka iyo gabdhaha, shaqada, iyo ka qaybgalka bulshada aysan kaliya xaddidin xuquuqdooda aasaasiga ah, laakiin sidoo kale ay saameyn xun ku leedahay horumarka bulshada iyo dhaqaalaha Afgaanistaan.
Suurtagal ma tahay in la fuliyo amarrada xarigga?
Haddii hoggaamiyaha dowladda Taliban, Haibatullah Akhundzada, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Abdul Hakim Haqqani, ay abid gaaraan Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC), waxaa lagu qaadi doonaa dacwad.
Haddii maxkamaddu ku hesho dambi, waxay xukunka xabsiga ku qaadan doonaan dalalka xubnaha ka ah maxkamadda ee aqbala mas'uuliyadda ilaalinta maxaabiista.
Haddii lagu helo dambi, maxkamaddu waxay soo rogi kartaa xukun gaaraya ilaa 30 sano oo xabsi ah, xaaladaha qaarkoodna xabsi daa'in, iyadoo la raacayo Qodobka 77-aad ee Heshiiska Rome.
Intaas waxaa dheer, maxkamaddu waxay sidoo kale amar ku bixin kartaa in dhibbanayaasha la siiyo magdhow ama dib-u-celin xuquuqdooda ah.
Ilaa hadda, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada waxay soo saartay 61 amar oo lagu soo xirayo dad loo haysto dambiyo.
22 qof oo looga shakisan yahay dambiyo ayaa la xiray oo maxkamadda hor yimid, halka 30 kale weli la raadinayo.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada waxay leedahay 124 dal oo xubno ka ah.
Dalalkan waxaa waajib ku ah, iyadoo la raacayo waajibaadkooda caalamiga ah, inay fuliyaan go'aannada iyo amarrada maxkamadda, oo ay ku jiraan amarrada lagu soo xirayo dadka dambiyada lagu eedeeyay. Sidaa darteed, haddii qof dambi lagu eedeeyay uu galo dhulka dal xubin ka ah maxkamadda, waxaa waajib ku ah dalkaas inuu xiro qofkaas oo uu ku wareejiyo maxkamadda oo fadhigeedu yahay The Hague, Netherlands.
Laakiin xaaladaha qaarkood, cadaadisyo siyaasadeed iyo kuwa diblomaasiyadeed ayaa hor-istaagay in si buuxda loo fuliyo amarrada lagu soo xirayo hoggaamiyeyaasha awoodda badan sida Vladimir Putin, Benjamin Netanyahu, iyo kuwa kale. Dalalka qaar ayaa diiday inay ficil ahaan u fuliyaan amarradaas. Dabcan, dalalka aan xubnaha ka ahayn maxkamadda kuma qasbana sharci ahaan inay la shaqeeyaan codsiyada maxkamadda.
Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, iyadoo kaashanaysa dalalka xubnaha ka ah, ayaa ilaa hadda xirtay tiro dad ah oo dambiyo lagu eedeeyay, waxayna ku qaadday dacwad magaalada The Hague. Tani waxay muujinaysaa in maxkamaddu, inkastoo ay jiraan caqabado siyaasadeed iyo kuwo la xiriira fulinta, ay weli awood u leedahay inay xaaladaha qaarkood la xisaabtanto dadka geysta dambiyada caalamiga ah.