You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Caasha-badhi: Muxuu yahay maxaase lagu arkay xayawaankan laga dhoofinayo Somaliland?
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Somaliland ayaa shaacisay in ciidanka boolisku ay gacanta ku dhigeen muwaadin u dhashay dalka Australia oo isku dayayay inuu dalka ka tahriibiyo nooc ka mid ah xamaaratada loo yaqaanno Caasha-badhi ama Daba-saqafle oo xeebaha laga helo.
Agaasimaha Waaxda Duur-joogta ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland, Cabdinaasir Xuseen Saciid ayaa BBC u sheegay in xayawaankan uu ka mid yahay noocyada qarka u saaran inay dabar-go'aan.
"Waxaa na soo wargeliyay shacabka deegaanka oo arkay nin ajaanib ah oo duurka ka guraya xamaarato. Ciidanka Booliska ayaa si degdeg ah u qabtay, waxaana lala qabtay darawalkii waday," ayuu yiri Cabdinaasir.
Waxa uu intaas ku daray in ninkan oo dalxiis ku yimid Somaliland uu duurka ku dhex uruursanayay xamaaratadan, kadib markii ay bulshada deegaanka ka shakiyeen.
Agaasimaha ayaa sheegay in eedeysanaha loo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud, halkaas oo Maxkamaddu ay ku riday xukun ah inuu bixiyo ganaax dhan 40 Milyan oo Shilinka Somaliland ah iyo inuu dalka ka baxo muddo 24 saacadood gudahood ah.
"Eedeysanaha waxaan u gudbinnay Xeer Ilaalinta, Maxkamadduna waxay ku xukuntay 40 Milyan oo Shilinka Somaliland ah iyo inuu dalka kaga baxo 24 saac gudahood," ayuu yiri.
Darawalkii la socday ninkan ayaa isna xabsi ku jira, halka ay socdaan baaritaanno lagu beegsanayo dadkii dalka soo geliyay iyo shabakadda ka dambeysa tahriibinta duur-joogta.
Wasaaraddu waxay sheegtay in kiisas kale oo la xiriira tahriibinta duur-joogta loo qabtay dad kale, ayna qaadi doonto tallaabooyin adag si mustaqbalka looga hortago falalka noocan ah.
Xeerka Ilaalinta Duur-joogta ee Somaliland ayaa si cad u mamnuucaya in duur-joogta la dilo, la qabto ama laga ganacsado, waxaana ciqaab adag ay ka dhalanaysaa cid kasta oo ku xad-gudubta, ajaanib iyo muwaadinba.
"Xeerka Ilaalinta Duur-joogtu wuxuu si cad u mamnuucayaa in la qabto, la dilo ama laga ganacsado duur-joogta dalka, cid kasta oo ku xad-gudubtana waxay wajihi doontaa ciqaab adag."
Ugu dambeyn, Cabdinaasir Xuseen Saciid ayaa baaq u diray shacabka Somaliland, isagoo ka codsaday in ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka si loo ilaaliyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
Haddaba waxaa su'aal la iska waydiin karaa waxa uu yahay xayawaanka Caasha-badhi, maxaase lagu jeclaaday?
Muxuu yahay Caasha-badhi?
Waa xayawaan ka mid ah xamaaratada, gaar ahaan bahda mulacyada ee noocyada kala duwan leh.
Xayawaannada ay isku haybta yihiin waxa uu uga duwan yahay qaabka ay u samaysan tahay sayntiisa, oo u eg sida gaashaanka loo adeegsado dagaalka.
Waxaa markii ugu horraysay la arkay sanadkii 1935-kii, xilligaas oo uu askari ka tirsanaa ciidamadii gumaysiga Ingiriiska ka helay dhul saxare ah oo ka mid ah deegaannada kulul, sida lagu shaaciyay bogagga wax ka qora arrimaha xayawananada ee Backwater Reptiles iyo BION.
Soomaaliya iyo Itoobiya oo keliya ayaa laga helaa xayawaankan oo ka mid ah noocyada dhiigga qabow.
Ma aha xayawaan wayn. Dhirirkiisu waa 10 cm oo ay ku jirto seyntiisa cajiibka ah.
Maxaa loo xiisaynayaa?
Suuqyada online-ka haddii aad eegto waxaad arkaysaa bogag badan oo lagu kala iibiyo Caasha-badhida.
Halkii xabbo ee Caasha-badhi ah ayaa lagu iibiyaa qiyaastii $600, taasoo dabcan u muuqata inay tahay sababta ay dad badan u danaynayaan inay dhoofiyaan noolahan ay qaniga ku tahay Soomaaliya.
Mid ka mid ah sababaha loo xiisaynayo ayaa noqon karta maaddaama uu xayawaankan yahay mid dhif ah oo aan meelo badan laga helin.
Waxyaabaha kale ee uu gaarka la yahay waxaa ka mid ah in sayntiisa ballaaran ee u eg gaashaanka ay u tahay hub uu isku difaaco.
Marka uu godkiisa ku xaroodo waxa uu albaabka godka ku daboolaa seynta, waxa uuna sidaas uga nabadgalaa xayawaannada kale ee ay suurtagalka tahay inay ugaarsadaan.