You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ma ogtahay in Jabuuti ay kaalinta koowaad ka gashay dalalka ugu mushaarka badan Afrika?
Warbixin cusub oo ay daabacday hay'adda LiveGDP ayaa iftiimisay kala duwanaanshaha weyn ee u dhexeeya mushaaraadka laga bixiyo dalalka Afrika, iyadoo Jabuuti lagu sheegay inay tahay dalka ugu horreeya qaaradda ee bixiya mushaarka ugu badan, marka la eego celceliska dakhliga nadiifka ah ee shaqaaluhu jeebka ku shubto bishiiba, ka dib marka laga jaro canshuuraha iyo wixii sharci ah.
Warbixintu waxay tilmaantay in kala duwanaanshahan mushaar uu ka dhasho arrimo badan, sida heerka kobaca dhaqaale ee waddan kasta, tayada iyo xirfadda shaqaalaha, iyo xoogga ay leeyihiin laamaha dhaqaalaha muhiimka u ah sida shidaalka, macdanta, dalxiiska, iyo adeegyada maaliyadda, iyo sidoo kale doorka ay ciyaaraan ururrada shaqaalaha.
Waxaa kale oo dakhliga shaqaalaha saameeya arrimo ay ka mid yihiin culayska canshuuraha, sicir-bararka, qiimaha sarrifka lacagta dalka iyo fursadaha shaqo ee ka jira waddan kasta.
Sida lagu sheegay warbixintan, Kenya ayaa ku jirta kaalinta 10-aad marka la is barbar dhigo 54-ka waddan ee Afrika, marka laga hadlayo celceliska mushaarka saafiga ah ee bishii la bixiyo canshuur-jarta kadib.
Xogtu waxay caddeyneysaa in shaqaalaha Kenya uu bishii qaato celcelis ahaan 44,553 Shilinka Kenya oo u dhiganta 344-ka doollar ee Mareykanka, taas oo waddankaas ka dhigaysa 132-aad caalamka oo dhan.
"Kenya celceliska mushaarka bishii ee nadiifka ah waa 344 doollar, waxayna kaga jirtaa kaalinta 10-aad ee Afrika," ayaa lagu yiri warbixinta.
Haddii Bariga Afrika keliya la eego, Kenya waxay ka horreysaa dalalka ay jaarka yihiin ee Tanzania, Uganda iyo Rwanda, balse waxaa ka horreeya Jabuuti oo hoggaanka u haysa Bariga Afrika iyo guud ahaan qaaradda, iyadoo mushaarkeedu gaarayo 2,836 Dollar bishii.
Si kastaba, hay'adda LiveGDP waxay ka digtay in mushaarka oo keliya aan lagu qiyaasi karin tayada nolosha ama awoodda wax iibsiga, maadaama qiimaha kirada guryaha, cuntada, gaadiidka, caafimaadka, waxbarashada iyo heerka sicir-bararku uu aad ugu kala duwan yahay waddan ilaa waddan kale.
Waa kuwan 7-da waddan ee Afrika ugu mushaarka badan:
1. Jabuuti
Jabuuti ayaa kaalinta koowaad kaga jirta Afrika marka la eego celceliska mushaarka nadiifka ah ee shaqaaluhu qaato bishiiba, kaas oo gaaraya ku dhawaad 367,311 Shilinka Kenya oo u dhiganta 2,836 doollar.
Waddankani wuxuu ku yaallaa isgoyska Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo ah mid ka mid ah marin-biyoodka ugu mashquulka badan caalamka. Goobtan istaraatiijiga ah ayaa ka dhigtay xudun weyn oo ay ku xiran yihiin ganacsiga caalamiga ah iyo adeegyada dekedaha waaweyn.
Mawqifkeeda muhiimka ah ee waddooyinka ganacsiga Badda Cas iyo saldhigyada ciidamada caalamka ee ku yaalla gudihiisa ayaa si weyn u xoojiyay kobaca dhaqaalaheeda.
2. Koonfur Afrika
Kaalinta labaad waxaa gashay Koonfur Afrika, iyadoo celceliska mushaarka bishii uu yahay 164,486 Shilinka Kenya oo u dhiganta 1,270 doollar.
Maadaama ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha xooggan qaaradda, waxay horumar ballaaran ka samaysay qaybaha qodista macdanta, adeegyada maaliyadda, warshadaha iyo shaqooyinka kale ee muhiimka ah.
3. Jasiiradda Seychelles
Kaalinta saddexaad waxaa ku jirta Jasiiradda Seychelles, oo celceliska mushaarka bishii uu yahay 102,318 Shilinka Kenya oo u dhiganta 790 doollar.
Dhaqaalaha Seychelles wuxuu inta badan ku dul-taagan yahay dalxiiska, kalluumeysiga iyo adeegyada maaliyadda, halka dadkeeda oo tiradoodu yar tahay ay suurtogelisay in dakhliga qofkiiba uu noqdo mid sarreeya.
4. Mauritius
Mauritius waxay ka mid tahay waddamada Afrika ugu mushaarka badan, taas oo ay u sabab tahay dhaqaalaheeda kala duwan oo ka kooban dalxiiska, bangiyada iyo maaliyadda, dhar-xidhka iyo warshadaha sonkorta. Sidoo kale, waddanku wuxuu caan ku yahay inuu leeyahay jawi ganacsi oo furan oo soo jiita maalgashadayaasha.
5. Gabon
Gabon waxay si weyn uga faa'iideysataa kheyraadka shidaal ee hodanka ah iyo macdanta kale ee dabiiciga ah ee dalkeeda ku jirta.
Inkasta oo ay leedahay dad tiro yar, haddana dakhliga shidaalka ka soo xarooda ayaa u sahlay inay ka mid noqoto waddamada ugu mushaarka badan Afrika.
6. Botswana
Botswana waxay caan ku tahay xasilloonida siyaasadeed iyo hufnaanta ay u maamusho dhaqaalaha kasoo gala dheemanta.
Qaybta macdanta ayaa ah laf-dhabarta dhaqaalaheeda, taas oo waddanka ka caawisay inuu ilaaliyo heer mushaar oo ka sarreeya dalal badan oo Afrika ah.
7. Namibia
Namibia ayaa soo xiraysa liiska 7-da waddan ee ugu mushaarka badan Afrika. Dhaqaalaheedu wuxuu ku dhisan yahay qodista macdanta, kalluumeysiga iyo dalxiiska, waxaana mushaarka wanaagsan keenaya dadkeeda oo kooban iyo nidaam dhaqaale oo adag oo si wanaagsan loo maamulo.
Sida laga soo xigtay xogta tirakoobka, Kenya waxay ku jirtaa kaalinta 10-aad ee Afrika, iyadoo celceliska mushaarka saafiga ah uu yahay 44,553 Shilinka Kenya oo u dhiganta 344 doollar bishii. Tani waxay ka dhigeysaa inay ka horreyso waddamo badan oo Bariga Afrika ah, sida Tanzania, Uganda iyo Rwanda.
Dhanka kale, dalalka ugu mushaarka yar Afrika waxaa ugu hooseeya Koonfurta Suudaan oo uu mushaarku yahay 9,066 Shilinki oo u dhiganta 70 doollar, waxaa ku xiga Burundi oo ah 9,713 Shilinki (75 doollar), Sierra Leone oo ah 10,361 Shilinki (80 doollar), Gambia oo ah 11,008 Shilinki (85 dollar), iyo Malawi iyo Suudaan oo min ah 11,656 Shilinki (90 doollar).
Ugu dambeyn, LiveGDP waxay mar kale ka digtay in mushaarka oo keliya aan lagu cabbiri karin heerka nolosha ama faqriga, maadaama arrimaha noloshu ay ku xiran yihiin waxyaabo kale oo badan.
Qiimaha kirada guryaha, cuntada, gaadiidka, daryeelka caafimaadka, waxbarashada, heerka sicir-bararka iyo isbeddelka sarrifka lacagaha ayaa aad ugu kala duwan waddan iyo waddan kale.