Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa
xaqiijisay in dhammaan diyaaradaha dagaalka ee nooca B-1 ee Mareykanka ay dib
ugu laabteen dalkaas, kaddib markii ay ka baxeen saldhigga cirka ee RAF
Fairford ee Britain.
Wargeyska Wall Street Journal ayaa markii hore warkan
baahiyay, waxaana saacad kaddib xaqiijiyay Pentagon-ka oo sheegay in sababo
amni awgood aan hore loo shaacin dhaqdhaqaaqa diyaaradaha iyo ciidamada.
War-saxaafadeed ay Pentagon-ku soo saartay xalay ayay ku
sheegtay in diyaaradaha duqeynta ee Mareykanka, oo ay ku jiraan B-1, B-2 iyo
B-52, ay weli diyaar u yihiin inay weerarro sax ah ka fuliyaan meelo kala duwan
oo caalamka ah, xitaa iyagoo ka duulaya gudaha Mareykanka kuna soo laabanaya
saldhigyadooda.
Wall Street Journal ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid la
xiriirta walaaca amni ee ka dhashay dhacdo ka dhacday meel u dhow saldhigga
Fairford toddobaadkii hore. Dhowr qof oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen
qorshe weerar ayaa la xiray, balse markii dambe damiin ayaa lagu sii daayay.
Booliska Britain ayaa sheegay in baaritaanno lagu sameeyay saddex gaari aan
laga helin waxyaabo qarxa, marka laga reebo shidaal.
Intii uu socday baaritaanku, Israel, Mareykanka iyo
Britain ayaa Iran ku eedeeyay inay ku lug lahayd dhacdada, balse Tehran ayaa si
adag u beenisay eedeymahaas. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji,
ayaa ka jawaabay hadallo uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Britain Andy Burnham,
isagoo yiri “sii deynta dadka la tuhunsanaa ayaa wax badan muujinaysa”.
Horey, intii uu socday dagaalkii Mareykanka ee Iran,
Tehran ayaa Britain ku dhaliishay in Mareykanku saldhigga Fairford u adeegsaday
weerarro ka dhan ah Iran. Waxay sidoo kale sheegtay inay xaq u leedahay inay
beegsato saldhig kasta oo militari oo Mareykanku adeegsado.