You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waxaan uun ogaaday inaan qabo kansar markii wiilkeyga afar jirka ah uu iga laadey xiniinyaha
- Author, Owain Clarke
- Role, Weriyaha caafimaadka ee Wales
- Author, Matthew Bassett
- Role, BBC Wales
- Published
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Ben Lidgey ayaa beerta kula ciyaarayay wiilkiisa isaga oo "iska maaweelinaya", markaasoo si kama' ah looga laadey xiniinyaha, hase yeeshee dhacdadaas ayaa laga yaabaa inay badbaadisay noloshiisa.
Markii xanuunku uu sii socday muddo toddobaad ah, wuxuu raadsaday gargaar caafimaad, waxaana loo sheegay inuu qabo kansarka xiniinyaha.
Warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda samafalka ragga ee Movember ayaa sheegtay in saddex-meelood meel ragga ku nool Wales, UK ay dhintaan ka hor inta aysan gaarin da'da 75 jirka, waxayna ugu baaqday dowladda Wales inay dejiso qorshe gaar ah oo lagu horumarinayo caafimaadka ragga.
Dowladda ayaa sheegtay in xeeladaha ay hadda ku shaqeyso ee ka hortagga ismiidaaminta iyo is-dhaawaca, caafimaadka dhimirka, iyo kansarka ay ka shaqeynayaan wax ka qabashada qaar ka mid ah caqabadaha caafimaad ee ay ragga wajahaan.
Digniin: Qoraalkan waxa uu ka hadlayaa ismiidaamin
Ben Lidgey oo ka soo jeeda Cardiff ayaa sheegay in xiniinyihiisu ay aad u barareen oo adkaadeen "sida kubbadda cricket-ka" kadib markii wiilkiisu ka laadey. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka labalabeeyay inuu booqdo dhakhtarka guud, maaddaama uu u maleeyay in dhibaatadu iska baabi'i doonto.
"Waa mid ka mid ah waxyaabaha caadiga ah ee ragga ku dhaca, markaas ayaad iska indho-tirtaa oo aad is leedahay, 'way iska hagaagi doontaa'," ayuu yiri.
"Waxaan ku jiray nolol qoys oo mashquul badan, waxaan lahaa labo carruur ah oo yaryar, waxaana jiray arrimo kale oo badan oo mudnaan lahaa."
Kadib markii loo xaqiijiyay inuusan kansarku dib ugu soo laaban ama uu ka bogsaday, Ben wuxuu wajahay caqabad kale.
Wuxuu yiri: "Waxaan dareemayay inaan fiicanahay, laakiin shan sano kadib xaaskayga ayaa igu tiri, 'Uma malaynayo inaad fiican tahay. Waxaan u malaynayaa inaad u baahan tahay inaad qof la hadasho.'
"Waxay dareentay inaan noqday qof xanaaq badan, dood badan, dulqaad yar dadka u leh, isla markaana aanan ahayn qofkii aan hore u ahaan jiray."
Kadib markii uu helay la-talin nafsiyeed, Ben wuxuu arkay isbeddel wanaagsan iyo horumar muuqda. Hadda wuxuu u ololeeyaa in la kordhiyo taageerada loo fidiyo ragga iyo wiilasha, si ay u helaan gargaar caafimaad iyo mid nafsiyeed marka ay u baahdaan.
Maxay raggu u dhintaan iyagoo da'yar?
Sababta raggu guud ahaan uga caga-jiidaan raadinta gargaar caafimaad, ha ahaato mid jireed ama mid dhimir, ayaa inta badan lagu tilmaamaa inay tahay sababta ay raggu celcelis ahaan uga da' yar yihiin marka ay dhimanayaan.
Warbixinta Movember ayaa sheegtay in ku dhowaad 7,000 oo nin ay dhinteen ka hor intaysan gaarin sannad-guuradooda 75-aad sannadkii 2024. Heerka dhimashada hore ee dumarka ayaa si weyn uga hooseeya, isagoo gaaraya 28%.
Warbixintu waxay sheegaysaa in rag badan ay u dhintaan cudurro laga hortagi karo ama xaalado caafimaad oo si fiican looga bogsan karo haddii goor hore la ogaado lana daweeyo, sida noocyo ka mid ah kansarka, cudurrada wadnaha, sambabbada iyo beerka, dhibaatooyinka la xiriira mukhaadaraadka iyo khamriga, iyo sidoo kale ismiidaaminta.
Meesha uu ninku ku nool yahay ayaa sidoo kale saamayn weyn ku leh caafimaadkiisa iyo cimrigiisa. Tusaale ahaan, heerka dhimashada xilli hore ee ragga ku nool Blaenau Gwent, UK ayaa qiyaastii 60% ka sarreeya kan ragga ku nool Powys. Sidoo kale, ragga ku nool bulshooyinka ugu saboolsan waxay filan karaan inay noolaadaan celcelis ahaan 7.5 sano ka yar kuwa ku nool bulshooyinka ugu dhaqaalaha wanaagsan.
Falanqaynta warbixintu waxay sidoo kale muujinaysaa in shanta sababood ee ugu waaweyn ee keena dhimashada xilli hore ee ragga ay dhaqaalaha Wales ku kacaan qiyaastii £1.4 bilyan sanadkii.
Jonathan Scourfield, oo ah borofeesar cilmiga daryeelka bulshada ka dhiga Jaamacadda Cardiff, ayaa sheegay: "Ragga dhalinyarada ah, gaar ahaan, waxay aad ugu nugul yihiin inay dhaawacmaan ama ay u dhintaan khataraha ay qaataan. Waxa kale oo jira filasho bulsho oo ah inay muujiyaan xoog jidheed."
Wuxuu sheegay in ragga qaarkood ay sidoo kale iska indho-tiraan muhiimadda ay leedahay dhisashada shabakad bulsheed oo saaxiibbo iyo taageero ah, ama ay ku tiirsanaadaan lammaanahooda dumarka ah si ay arrintaas u maareeyaan.
"Marka ay waayaan lammaanahooda ama ay hawlgab noqdaan, waxay si weyn ula daalaa dhacaan kalinimada," ayuu yiri.
"Cuntadu waa arrin aad muhiim u ah. Cuntooyinka caafimaadka leh sida miraha iyo khudaarta ayaa mararka qaarkood aan loo arkin wax si gaar ah ragannimo ula xiriira. Dhanka kale, dhaqamada caafimaadka waxyeellada u leh sida cabitaanka khamriga badan ayaa mararka qaar loo arkaa astaan uu wiilku ku noqonayo nin."
Scourfield ayaa sheegay in inkastoo ay hoos u dhaceen shaqooyinkii warshadaha culus iyo shaqooyinkii gacanta ku salaysnaa, haddana sawirradii iyo fikradihii dhaqameed ee "ragannimada" ay weli saameyn ku leeyihiin ragga da'da yar, iyagoo ku faafaya baraha bulshada iyo dadka saamaynta ku leh bulshada.
Warbixintu waxay sheegaysaa in haddii la hirgeliyo, qorshe gaar ah oo caafimaadka ragga ah uu dhammaystiri doono qorshaha caafimaadka haweenka ee la daabacay sannadkii 2024. Waxaa kale oo ay xustay in arrintani aysan noqon doonin in wax walba meel eber ah laga bilaabo, maadaama hay'ado badan ay durba ka shaqeynayaan hagaajinta taageerada iyo adeegyada loo fidiyo ragga.
Sidaa darteed, qorshaha caafimaadka ragga ayaa la filayaa inuu iskugu keeno dadaallada jira, isla markaana uu xoojiyo tallaabooyinka lagu horumarinayo caafimaadka iyo daryeelka ragga.
- Tebin dheeraad ah Michela Riva