You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
5 talo oo ay dhallinyaradu ku daryeeli karaan maqaarkooda - khuburo ayaa soo jeedisay
Baraha bulshada waxay sii xoojiyeen dadaalka dhallinayarada ku doonayaan in ay yeeshaan "maqaar si buuxda nadiif u ah" iyagoo isticmaalaya habab kala duwan.
Qaar badan waxay qaataan talada ka timaada kuwa baraha bulshada saameynta ku leh halkii ay ka qaadan lahaayeen talooyinka xirfadlayaasha caafimaad. Balse dhallinyaradu ma u baahan yihin habab badan oo maqaarka lagu daryeelo?
Sida uu sheegay Jonathan Kentley oo ah dhakhtar ku takhasusay maqaarka oo Britian u dhashay, mid ka mid ah saamaynta ugu xun ee baraha bulshada waa "sawirrada aan kala go'a lahayn ee muujinaya heerar qurux oo aan dhab ahayn."
"Waxaan daaweeyaa bukaano kumanyaal gaaraya, weligayna ma arag qof leh 'maqaar si buuxda nadiif u ah'. Uma malaynayo in uu jiro. Waxaa jiro sawirro si xad-dhaaf ah loo tafatiray oo dhallinyarada ka dhaadhiciya in ay sidaas gaari karaan, iyadoo aysan taasi dhab ahaan, suurtagalna ahayn."
Daloollada maqaarka ee muuqda, finanka, midabka maqaarka oo meelaha qaar madoobaada, casaanka iyo nabarradu waa wax aad ugu badan maqaarka dhallinyarada, ayuu yiri Kentley.
"Uma malaynayo in ay jiraan wax runtii aan caadi ahayn oo arrintan ku saabsan," ayuu yiri.
Wax caadi ah, dabiici ah iyo wax la daaweyn karo
In ka badan 80%, dhallinyarada da'doodu u dhaxayso 13 iyo 18 sano waxaa ka soo baxa finin marka ay qaan-gaarayaan.
Zainab Laftah oo u dhalatay Britan waxay ku takhasustay cudurada maqaarka, waxay sheegtay in inta badan waxa loogu yeero dhibaatooyinka dhaca xilliga qaan-gaarnimada ay la xiriiraan testosterone-ka, kaas oo kordhiya soo saarista saliidda dabiiciga ah ee maqaarka, isla markaana keena finan.
Wiilashu waxay la kulmi karaan dhibaatooyin badan oo noocaan ah, sidoo Kalena gabdhuhuna way la kulmi karaan calaamado badan oo sida kuwa wiilasha ah.
"Daloollada timaha oo xirma iyo caabuqa, waxay iyaguna keenaan waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin finan," ayey tiri Laftah oo intaas ku dartay, "Finanku waa wax aad u badan, caadi ah, lana daaweyn karo."
Salicylic acid, oo ah walax kiimikeed oo loo isticmaalo daryeelka maqaarka, ayaa gudaha u gala daloollada maqaarka si ay uga caawiso in laga saaro saliidda iyo unugyada maqaarka dhintay ee ku jira. Waxay "si gaar ah waxtar ugu yeelan kartaa dhallinyarada leh maqaar saliid badan ama u nugul finanka," ayay tiri Laftah.
Si kastaba ha ahaatee, khabiirku wuxuu ka digayaa hadii walaxdan loo isticmaalo si aan loo baahnayn ama xad-dhaaf ah in ay keeni karto qallayl iyo cuncun ku dhaca maqaarka.
Haddii aad qabto finan daran ama xaalad kale oo halis ah oo maqaarka ah, Kentley wuxuu kugula talinayaa in aad la tashato dhakhtarkaaga guud ama dhakhtar maqaar, halkii aad baraha bulshada ka raadin lahayd talo ku saabsan sida loo maareeyo.
Hadaba waa maxay habka ugu wanaagsan ee loo daryeeli karo maqaarka qofka dhallinyarada ah? Dr. Zainab Laftah iyo Jonathan Kentley waxay soo jeediyeen tallooyinkan.
- Habka daryeelka maqaarkaaga ha noqdo mid fudud. Waxaad u baahan tahay saddex shey oo aasaasi ah sida nadiifiye maqaarka oo jilicsan, qoyaan-bixiye aan caraf lahayn, iyo kareemka qorraxda ee ka ilaaliya maqaarka noocyo badan oo shucaaca qorraxda ah. Intaas ayaa kugu filan.
- Waxyaabo badan oo maqaarka lagu daryeelo mar walba macnaheedu ma ahan natiijo wanaagsan. Hab adag sida in maqaarka aad loo xoqo ama asiidhyo xooggan ayaa dhibaato u keeni kara maqaarka dhallinyarada. Xusuusnow in difaaca dabiiciga ah ee maqaarku weli korayo, waxayna tani keeni kartaa dhaawac. Kentley wuxuu sheegay in uu arkayo koror aad u weyn oo ku yimid xaalad ah in maqaarku casaado oo bararo oo ka dhex jirta dhallinyarada, taas oo lala xiriiriyay isticmaalka xad-dhaafka ah ee walxaha dhaawici kara difaaca maqaarka. Laftah waxay intaas ku dartay, "Dhallinyaradu waxay si weyn u qaadanayaan hababka daryeelka maqaarka ee dadka waaweyn sida maaskaro iyo walxo firfircoon oo badan. Walxahan firfircoon waxay dhaawici karaan difaaca maqaarka, waxayna sababi karaan dhibaatooyin maqaarka oo dheeraad ah."
- Helitaanka hurdo ku filan iyo cunista cunto dheellitiran waa muhiim. Heerarka koristaroolka, taas oo ay keeni karaan cuntooyinka ay ku badan yihiin karbohaydraytyada la sifeeyey iyo sonkorta, iyo sidoo kale hurdo la'aantu, ayaa lala xiriiriyay soo-baxa finanka. Laftah waxay ku talinaysaa in la helo hurdo ku filan.
- Ha taaban hana tuujin finankaaga. Khatarta ayaa ah in aad kordhineyso caabuqa adigoo waxa ku jira finanka si qoto dheer ugu riixaya maqaarka, taas oo keeni karta nabarro iyo isbeddel midabka maqaarka ah.
- La tasho dhakhtarkaaga ama dhakhtar maqaarka haddii aad qabto finan waaweyn ama finan ay la socdaan nabarro joogto ah oo xanuun leh, maadaama inta badan loo baahan yahay daawo uu kuu qoro dhakhtar.
Dhibaatooyinka ugu badan ee xiliga dhallinyaranimada waxaa lala xiriiriyaa nooc ka mid ah hormunada.
"Mararka qaar maqaarka ragga wuxuu noqon karaa mid ka saliid badan kan dumarka. Xiirashada timaha wajiga ayaana keeni kara in jirka isbaddelo," ayuu yiri Kentley.
"Haddii aadan si sax ah u xiiran, waxaad yeelan kartaa caabuq ku dhaca xididada timaha oo ah xaalad u eg finanka. Tani waxay si weyn u dhaawici kartaa difaaca maqaarka, waxayna keeni kartaa caabuq badan."