7-da dal ee Afrika ugu ‘halista badan’ dhanka amniga
Koonfurta Saxaraha Afrika waxay sanad ka hor la kulantay hoos u dhac ku yimid heerarka nabadda, iyadoo celceliska xaaladda nabadeed ee gobolka uu hoos ugu dhacay 0.17%.
Inkasta oo qaar ka mid ah dalalka ay horumar ka sameeyeen dhinaca nabadda, haddana kala bar dalalka gobolka ayaa xaaladdoodu sii xumaanaysay.
Sida lagu sheegay Warbixinta Nabadda Adduunka ee sanadkii hore (GPI), tirada colaadaha ka jira gobolka ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Dalal badan ayaa uga jawaabaya xaaladdan iyagoo xoojinaya ciidamadooda milatari.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DR Congo): Waxay caqabado waaweyn oo dhinaca amniga ah, gaar ahaan kororka qalalaasaha siyaasadeed iyo argagixisada, siiba gobolka Saaxilka Dhexe.
Koonfurta Suudaan: Waxaa lagu qiimeeyay inay tahay dalka ugu nabad-darrada badan ee gobolka Koonfurta Saxaraha Afrika.
Mali: Sida ku cad Warbixintii Nabadda Adduunka ee 2025, xaaladda nololeed ee dalka Mali ayaa sii ahaanaysa mid aad u adag, gaar ahaan bishii Luulyo 2025-kii.
Deegaanno dhowr ah ayaa muddo dheer la daalaa-dhacayay amni-darro iyo xasillooni-darro joogto ah.
Burkina Faso: Tan iyo sanadkii 2015, Burkina Faso waxay wajaheysay colaad sii xumaanaysa, taas oo ay hurinayaan kooxo hubeysan oo Islaamiyiin ah.
Soomaaliya: Dhinaca Soomaaliya, xaaladda amni ayaa weli ah mid aan si buuxda u degganayn. Kooxda Al-Shabaab ayaa fulisay weerarro culus oo ay u adeegsanayso qaraxyo, ismiidaamin iyo dilal qorshaysan oo lala beegsado shaqsiyaad gaar ah. Deegaano qaar ah ayay weli heystaan oo iyagu gacanta ku hayaan, inkastoo dowladdu la wareegay deegaanada qaar ee ay qabsadeen.
Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe: Xaaladda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe (CAR) ayaa iyaduna ah mid adag. Shacabka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa weli la kulmaya dhibaatooyin ka dhashay dagaallada u dhexeeya kooxo iska soo horjeeda.
Nigeria: Tirakoobyada ku jira Warbixinta Nabadda Adduunka ee 2025, gaar ahaan kuwa ku saabsan “aragtida dambiyada iyo waayo-aragnimada amni-darrada ee Nigeria”, ayaa ah kuwo walaac leh.
Sidoo kale akhriso