Dhalmo la’aanta waxay saameysaa toddobo boqolkiiba dhedigga
dunida ku nool. Laakiin hadda mashiino casriga ah ee Garaadka Macamalka
(artificial intelligence, AI) ayaa hadda muujinaya rajo ah inay dhibaatadaas
wax ka qaban karaan.
Dhibaatada dhalmo la'aanta ee ku dhacda ragga qaar waxa ay
walaac aad u wayn ku keentaa lamaaneyaasha isguursada, waana mid ka mid ah
sababaha ugu waawayn ee keena furriinka.
Guurka kaddib, ragga ay caqabaddaas caafimaad haysato
xaasaskooda uma suurtagasho in ay uur yeeshaan. Dalalka qaar, lamaaneyaasha
arrintan la kulma waxaa xitaa soo kala dhex gala shaki aad u wayn oo la xiriira
gogol dhaaf.
Sida uu sheegay Dhakhtar Steven Vasilscue, barnaamijka
Garaadka Macamalka ee isaga iyo saaxiibadii soo saareen waxa uu ku ogaan karaa
shahwada ragga aan dhaleynin kun jeer in ka degdeg badan indhaha qof loo
tababaray helista.Dhakhtar Vasilescu wuxuu sheegay in sameynta howshan ay dad
badan ku qaadaneyso 6 ilaa 7 saacadood, waana howl leh daal iyo khalad.
“Marka uu dhakhtarka eego mikroskoobka waxa uu arkayaa waa
unugyo birbirqaya.”
Wuxuu intaas ku daray “Waa dhiig iyo hilib. Waxaa suuragal
ah in shahwada ay tahay 10 balse waxaa ku jira malaayiin kale.”
SpermSearch waxa uu manida caafimaadka qabta ku heli karaa
ilbiriqsiyo marka muuqaallada baarista shahwada lagu shubo kombuyuuterka. Si
loogu qabto howsha degdeg waxay Dhakhtar Vasilescue iyo saaxiibadii sameeyeen
Garaadka Macmalka (AI) kaas oo heli kara shahwada.
Kooxda jaamacadda UTS waxay sheegeen in SpermSearch oo kun
jeer ka dheereeyo dhakhaatiirta khibradda leh. Tan ma ahan in ay meesha ka
saareyso dhakhaatiirta shaqadooda ee howsha ayey fududeynee.Dr. Sarah Martins
da Silva waxay aaminsan tahay in xawaaraha ceynkan oo kale uu muhiim yahay.
“Muhiimadda waa waqtiga,” ayey tiri.
Waxyaabo badan ayaa ragga ka dhiga in aysan waxba dhalin
sida cabista sigaarka, cunto xumo, jimicsi la’aan, walbahaarka badan iyo
waxyaabo kale.Dhakhtar Adebayo Bamisebi, oo ah dhaqtar ku takhasusay cilmiga la
xiriira taranka ragga ayaa BBC-da u sheegay sababaha ugu waawayn ee keena
dhalmo-la'aanta ragga ay yihiin xowliga soo bixitaanka biyaha oo yar,
xaddigooda oo yar iyo in uu jiro xanuun dhaawac u gaystay shahwada.
Dhaqtarka ayaa sheegay in haddii lamaanaha ay gogosha
wadaagaan muddo lix bilood ah ama hal sano intaasna uu uur ku imaan waayo ay
tahay calaamad muujinaya in labadooda mid uu dhib hasyto.
Dhinaca kale, shirkad bacriminta qaabilsan ee fadhigeedu
yahay Belfast, caasimadda Waqooyiga Ireland, Examen, ayaa adeegsata farsamo
lagu ogaanayo hiddosidaha waxyeeleysan ee ku jira shahwada qofka.Prof. Sheena Lewis iyo kooxdeeda waxay sameynayeen
farsamadan in ka badan 20 sano.
Barafasoor Lewis oo ka tirsan jaamacadda Belfast ayaa
aaminsan inkastoo Garaadka Macmalka uu horumarayo hadana caafimaadka wuxuu ku
socdaa si aad gaabis ah.Kaddib tijaabooyin aan badneyn SpermSearch waxay ku jirtaa
marxalad bilow ah. Labo ilaa shan sano ayey qaadaneysaa in ay suuqa timaado.
Howsha ma dhawa. Wax kasta oo aan sameyn karno waa farxad
balse ma noqoneyso daawo suuqa taal.