You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Dowladda Japan oo roobabka kasoo saartay heerka ugu sarreeya digniinaha dalkaas

    Roobabkii xoogga badnaa ee Khamiistii ayaa ku qasbay Hay’adda Saadaasha Hawada Japan inay soo saarto Digniinta Degdegga ah ee Heerka 5, taas oo ah heerka ugu sarreeya ee nidaamka digniinta dalka.

    Subaxnimadii Jimcaha, digniinta ayaa hoos loogu dhigay Heerka 4, balse mas’uuliyiintu waxay weli dadka deegaanka ku boorinayaan inay feejignaadaan, gaar ahaan khatarta dhul-go’a, fatahaadaha iyo webiyada oo biyuhu ku fatahaan.

    Ciidamada Is-difaaca Japan ayaa saaka loo diray inay gacan ka geystaan daadgureynta dadka ku xayirmay saldhigyada tareennada.

    Qiyaastii 1,800 qof ayaa sidoo kale habeenkii ku hoyday dhismaha maamulka gobolka Chiba, kadib markii ay roobabka joojiyeen isu-socodka iyo adeegyada gaadiidka.

  2. War deg deg ah, Afar qof ayaa ku dhintay roobab waaweyn oo ka da’ay Japan

    Roobab aan hore loo arag oo ka da’ay gobolka Chiba ee Japan ayaa sababay dhimashada afar qof, halka kumannaan qof ay habeenkii ku xayirmeen garoonka diyaaradaha Narita ee magaalada Tokyo.

    Maamulka ayaa sheegay in gobolka Chiba oo ku dhow caasimadda Tokyo uu tan iyo galabnimadii Khamiista ka da’ayeen roob ka badan 100 millimitir saacaddii.

    Tani waxay ku dhowdahay saddex jeer celceliska roobabka bisha Agoosto, waxayna noqotay roobkii ugu badnaa ee abid laga diiwaangeliyo dalka Japan.

    Roobabkaan ayaa sidoo kale sababay dhul-go’, fatahaado iyo koronto la’aan, waxaana hakaday adeegyada tareennada, basaska iyo tagaasida.

    Illaa iyo hadda In ka badan 20,000 oo guri oo ku yaalla gobolka Chiba ayey sidoo kale korontadu ka go’day.

  3. Madaxa Hay’adda Hagaajinta iyo Tayeynta Iiraan oo ka dhawaajiyey in dowladdu aysan haynin qorshe ay ku beddeleyso qiimaha shidaalka

    Esmaeil Saqab Esfahani ayaa isagoo ka hadlayay qiimaha shidaalka ee 87,000 toman ayaa yiti: “Qaar ka mid ah maamulayaashu waxay tallaabooyin ka qaadeen meel ka baxsan qaabkii loogu talagalay, go’aanno noocaas ah si iska ah uma qaadan karno.”

    Khamiistii qiimaha shidaalka lugu iibinayey ayaa ahayd 87,000 toman gobolka Kerman, taas oo la hakiyay dhowr saacadood kadib markii faahfaahintiisa la shaaciyay. Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in shidaalka uu sii ahaan doono mid loo qaybinayo sidii hore.

    Sheekooyin kale

  4. War deg deg ah, Washington Post: Maraykanku waxa uu dagaalka Iiraan ku waayay ku dhowaad rubuc ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

    Wargeyska Washington Post, oo soo xiganaya saddex sarkaal oo Maraykan ah oo xog-ogaal u ah arrintan, ayaa sheegay in Maraykanku ay dagaalka Iiraan ku waayeen ugu yaraan 45 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo nooca MQ-9 Reaper ah. Tiradani waxay u dhigantaa qiyaastii 25 boqolkiiba dhammaan diyaaradaha noocan ah ee Maraykanka.

    Diyaaradahan oo midkiiba qiimihiisu u dhexeeyo 30 ilaa 50 milyan oo dollar ayaa si weyn loogu adeegsaday hawlgallada Maraykanka ee ka socda agagaarka Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah isu-socodka maraakiibta ganacsiga iyo shidaalka.

    MQ-9 Reaper waxaa loo isticmaalaa ilaalinta iyo la socodka hawada iyo fulinta weerarro bartilmaameed ah. Sida laga soo xigtay warbixinta, inkastoo ay muhiimad weyn u leeyihiin hawlgallada sirdoonka iyo milatari, hadana diyaaradaha Reaper ayaa si gaar ah ugu nugul weerarrada Iiraan iyo xoogagga ay gobolka ku leedahay ee xulafada la ah.

    Sarkaal kale oo Maraykan ah ayaa sheegay in dhammaan diyaaradaha la waayay aysan ahayn kuwo la soo riday ee waxaa jira qaar ka mid ah oo burburay kadib markii xiriirkii isgaarsiineed ee u dhexeeyay hawl-wadeennada iyo diyaaradaha uu go’ay.

    Washington Post ayaa sheegtay in khasaaraha diyaaradaha Reaper uu yahay calaamad kale oo muujinaysa culayska dagaalka Iiraan uu ku hayo hubka, qalabka iyo kaydka milatari ee Maraykanka.

    Warbixintu waxay sidoo kale xustay in qiimaha guud ee khasaaraha diyaaradaha Reaper oo keliya uu gaari karo in ka badan 1.3 bilyan oo dollar, iyadoo ku xiran qalabka iyo hubka ay diyaaradahaasi wateen.

    Sheekooyin kale

  5. Ethiopian Airlines oo magdhow $29 ah siisay qoyska mid kamid ah dadkii ku dhintay shilkii 2019

    Qoyska Michael “Mick” Ryan, oo ahaa injineer u shaqaynayay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay, ayaa helay magdhow dhan 29 milyan oo dollar, kadib markii maxkamad ku taalla magaalada Chicago ee dalka Maraykanka ay Boeing ku xukuntay inay bixiso lacagtaas.

    Ryan, oo ahaa aabbe laba carruur ah, kuna noolaa magaalada Cork balse asal ahaan ka soo jeeday County Clare ee Ireland, wuxuu ka mid ahaa 157 qof oo ku dhintay shilkii diyaaraddii Ethiopian Airlines ee Boeing 737 Max, kaas oo dhacay 10-kii Maarso 2019.

    Xaaskiisa, Naoise Connolly Ryan, ayaa dacwad madani ah ka gudbisay shirkadda Boeing, iyadoo dalbanaysay in shirkadda lala xisaabtamo geerida ninkeeda. Xeerbeegtida maxkamadda Chicago ayaa ugu dambayn qoyska Ryan u xukuntay 29 milyan oo dollar oo magdhow ah.

    Qareenka qoyska, Steven C Marks, ayaa sheegay in inkastoo lacag aysan dib u soo celin karin nolosha Michael Ryan ama aysan meesha ka saari karin murugada qoyskiisa, haddana go’aanka maxkamaddu uu yahay tallaabo muhiim ah oo dhinaca isla xisaabtanka iyo caddaaladda ah.

    Boeing ayaa sheegtay inay si qoto dheer uga xun tahay dhammaan dadkii ku waayay eheladooda shilalka diyaaradaha Lion Air iyo Ethiopian Airlines. Shirkaddu waxay sidoo kale sheegtay in qoysasku xaq u leeyihiin inay dacwadooda maxkamad geeyaan, ayna ixtiraamayso xaqaas.

    Shilku wuxuu dhacay lix daqiiqo kadib markii diyaaradda, oo ka duushay Addis Ababa kuna sii jeeday Nairobi, ay hawada gashay. Baaritaannadu waxay muujiyeen in laba dareemayaal oo cabbira jihada diyaaradda ay bixiyeen xog is-khilaafsan, taas oo dhaqaajisay nidaam otomaatig ah oo diyaaradda sankeeda hoos u riixayay. Inkastoo duuliyayaashu isku dayeen inay nidaamka damiyaan oo ay diyaaradda xakameeyaan, haddana diyaaraddii ayaa ugu dambayn dhulka ku dhacday.

  6. Xoghayaha Difaaca Maraykanka- "Innaga oo isku bed-beddeleyna maraakiibta go’doominta dekedaha Iiraan waa ay sii socon doontaa".

    Isagoo ka jawaabaya walaaca laga qabo in muddada hawlgalka markabka diyaaradaha qaada ee Abraham Lincoln ay dheeraato, Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku ay sii wadi doonaan go’doominta dekedaha Iiraan inta loo baahan yahay.

    “Ciidamadeenna badda waxay go’doominta ay hadda ku hayaan Iiraan sii wadi doonaan intii la doono, sababtoo ah waxaan sameynaa isku dhex dhefid dhanka maraakiibta ah, taas oo aan hore u samaynay, isla markaana aan sii wadi doonno,” ayuu Hegseth u sheegay wariyeyaasha magaalada Panama.

    Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Maraykanku qorsheynayo inuu markabka USS Abraham Lincoln ku beddelo USS George Washington, kaas oo hawlgal ku jiray in ka badan 250 maalmood.

    Hadda Iiraan iyo Maraykanka labaduba waxay sheeganayaan inay gacanta ku hayaan Marinka Hormuz.

  7. Israa’iil oo sheegtay in ay kordhineyso joogitaankeeda Koonfurta Lubnaan

    Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israa’iil Katz ayaa sheegay inuu ciidamada dalkiisa ku amray inay u diyaar garoobaan “in ay sii joogi doonaan” koonfurta Lubnaan.

    Hadalkan ayaa yimid kadib markii hadalkii Wasiirka Difaaca Israa’iil ee shalay, kaas oo uu ku sheegay in ciidamadiisu ay koonfurta Lubnaan sii joogi doonaan muddo aan la cayimin, isaga oo dhaleeceyn kala kulmay Maraykanka.

    Xisbullah ayaa marar badan beenisay inay hubka dhigeyso ka hor inta aysan Israa’iil ka bixin Lubnaan.

    Israa’iil ayaa qabsatay qaybo ka mid ah koonfurta Lubnaan intii lagu jiray dagaalkii ay horraantii sannadkan la gashay Xisbullah, waxayna sheegtay inay ciidamadeeda halkaas ku sii hayn doonto si ay waqooyiga Israa’iil uga ilaaliso weerarro uga yimaada Xisbullah.

    Laba maalmood kadib dagaalkii Maraykanka iyo Israa’iil ay la galeen Iiraan, Xisbullah ayaa weerarro ka dhan ah Israa’iil qaaday iyadoo taageeraysay Iiraan.

    Tan iyo markaas, weerarrada Israa’iil ka geysanayso koonfurta Lubnaan ayaa barakiciyay boqollaal kun oo Lubnaaniyiin ah oo ka soo jeeda koonfurta dalka oo ay u badan yihiin dadka Shiicada ah.

  8. Nin boqol iyo laba jir ah oo geeriyooday kadib weerar loo gaystay

    Nin 102 jir ah ayaa geeriyooday kadib markii la sheegay in lagu weeraray baar ku yaalla koonfurta Wales.

    Phillip Ormerod, oo ka soo jeeday Cwmbran, Torfaen, ayaa markii hore isbitaal loo qaaday isagoo xaaladdiisu deggan tahay, kadib dhacdadii dhacday bishii Agoosto. Booliska Gwent ayaa Khamiistii xaqiijiyay inuu geeriyooday.

    Nin 56 jir ah oo ka soo jeeda Llanelli, Carmarthenshire, ayaa loo xiray tuhunka ah inuu sababay dhaawac halis ah, waxaana weli socda baaritaanka kiiska.

    Adeegyada gurmadka ayaa baar-ka loogu yeeray, kadib markii la soo sheegay in nin la weeraray.

    Madaxa kormeerka amniga Shelley Comley, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Gwent, ayaa yiri: “Waxaan fahamsanahay in dadweynuhu ay aad u xiiseynayaan dhacdadan, laakiin waxaan dadka xusuusinaynaa in baaritaanka dembigu weli socdo, isla markaana ay jirto qoys la tacaalaya xanuunka ka dhashay geerida qof ay jeclaayeen.”

    Boolisku waxay ka codsanayaan qof kasta oo habeenkaas joogay baar-ka intii u dhaxaysay 22:00 iyo 23:00 habeenimo inuu la soo xiriiro booliska oo uu bixiyo wixii xog ah ee uu hayo.

  9. War deg deg ah, In ka badan 80 askari oo afduub loo haystay dalka Mali oo hadda la sii daayay

    Mali waxay sheegtay in 82 askari oo ka tirsanaa ciidankeeda, kuwaas oo la haystay tan iyo bishii Abriil, la sii daayay.

    Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee gobolka, oo la yiraahdo Jamaacada Nusratul Islaam wal-Muslimiin oo ay weheliyaan koox fallaago ah oo uu hoggaamiyo qabiilka Tuareg ee Jabhadda Xoreynta Azawad FLA, ayaa sheegtay inay mas’uul ka ahaayeen weerarradii dhacay 25-kii Abriil. Weerarradaasi waxay beegsadeen garoonka diyaaradaha ee ugu weyn dalka, waxaana lagu dilay wasiirkii gaashaandhigga.

    Dowladda Mali waxay bayaan ku sheegtay in askarta “loo afduubtay la haystayaal” ayna gacanta ugu jireen “kooxo argagixiso oo hubaysan oo xiriir la leh isbahaysiga JNIM iyo FLA.”

    Waxay sidoo kale sheegtay in sii-deynta askarta ay ahayd natiijada “qorsheyn wax-ku-ool ah iyo wacyigelin isku-dubbaridan oo ku saabsan khayraadka iyo awoodaha loo baahan yahay si loo fuliyo hawlgalkan oo kale.”

    Labada kooxood ayaa sidoo kale sheegtay inay mas’uul ka yihiin weerarro lagu qaaday saldhigyo militari oo ku kala yaalla dalka, kuwaas oo dhacay 4-tii Luulyo.

    Mali waxay wajahaysay kacdoon hubaysan tan iyo 2012. Kooxda JNIM, oo la aasaasay 2017, ayaa sii xoogaysatay kadib markii ciidanka Mali ay xukunka kula wareegeen afgambi militari sannadihii 2020 iyo 2021. Xukuumaddii milateriga ahayd waxay dalka ka saartay ku dhowaad 15,000 askari oo Faransiis ah iyo ciidamo Qaramada Midoobay, waxayna taageero militari ka raadsatay calooshood-u-shaqeystayaal Ruush ah.

  10. Japan oo sheegtay in booqashada Putin uu ku tagay jasiiradaha lagu muransan yahay ay tahay "wax aan gebi ahaanba la aqbali karin"

  11. War deg deg ah, Mareykanka oo ku dhawaaqay tallaabo sii xumeyn karta colaadda taagan

    Iyadoo laga jawaabayo walaaca laga qabo muddo-dheereynta howlgalka markabka diyaaradaha qaada ee Abraham Lincoln, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku ay sii wadi karaan xannibaadda dekedaha Iran muddo kasta oo loo baahdo.

    Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay Panama, Hegseth wuxuu yiri: “Ciidamadeenna badda waxay xannibaaddan sii wadi karaan muddo aan xad lahayn, sababtoo ah waxaan maraakiibta u kala wareejinnaa gudaha iyo dibadda, sidii aan horey u sameyn jirnay ayaan mustaqbalkana u sii sameyn doonno.”

    Hadalladiisa ayaa yimid xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Mareykanku qorsheynayo inuu markabka George Washington ku beddelo Abraham Lincoln, kaas oo howlgalkiisa ku jiray in ka badan 250 maalmood.

    Xilligaan, Iran iyo Mareykanka labaduba waxay sheeganayaan inay gacanta ku hayaan marin-biyoodka Hormuz.

  12. War deg deg ah, Xubno ka tirsan Daacish oo qorsheynayay weerar Masaajid lagu qaado oo la qabtay

    Dowladda Kuweyd ayaa xirtay saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen weerar lagu qaado masaajid ay leeyihiin Muslimiinta Shiicda ah iyo sidoo kale “xarumaha muhiimka ah” ee dalka, sida uu AFP u sheegay ilo dhinaca amniga ah.

    Isha aan magaceeda la shaacin ayaa sidoo kale sheegtay in raggaasi ay ka tirsanaayeen unug Daacish ah oo ay ku jiraan carruur aan qaangaarin. Waxay qorsheynayeen inay bartilmaameedsadaan masaajidka iyo goobo loo aqoonsan yahay inay yihiin xarumo muhiim u ah dalka.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kuweyd ayaa hore u sheegtay inay xirtay laba qof oo aan qaangaarin oo xiriir la lahaa Daacish, kuwaas oo loo tababaray samaynta walxaha qarxa si ay ugu weeraraan goob cibaado.

    Maalin kaddib, wasaaraddu waxay ku dhawaaqday in la xiray muwaadin Kuweyd u dhashay oo sameyay diyaarad aan duuliye lahayn si uu ugu weeraro “xarumaha muhiimka ah”.

    Tan iyo markii uu bilowday dagaalkii ka dhacaya Bariga Dhexe, dalalka Khaliijka oo ay Kuweyd ku jirto ayaa xiray tobannaan qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin unugyo lala xiriiriyo Iran, kuwaas oo badankoodu yihiin Muslimiin Shiico ah.

    Qiyaastii saddex meelood meel dadka Kuweyd ayaa ah Shiico.

  13. War deg deg ah, Afhayeenkii Trump oo ku dhawaaqday is casilaad

    Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa xilka iska casili doonta dhammaadka bishan, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Donald Trump.

    Trump ayaa sheegay in Leavitt, oo uu ku tilmaamo mid ka mid ah ku-xigeennadiisa ugu kalsoonida badan, ay go’aansatay inay xilka ka tagto si ay waqti badan ula qaadato carruurteeda iyo qoyskeeda.

    Wuxuu sheegay inuu fahmay go’aankeeda, isla markaana uu ixtiraamayo.

    Trump wuxuu intaas ku daray in Leavitt ay sii ahaan doonto mid ka mid ah la-taliyayaashiisa ugu sarreeya xitaa iyadoo ka baxsan maamulka, sidoo kalena ay door ka sii qaadan doonto Xisbiga Jamhuuriga.

    Leavitt oo 28 jir ah ayaa sanadkii hore noqotay afhayeenka Aqalka Cad, iyadoo noqotay qofkii ugu da’da yaraa ee abid xilkaas qabta.

    Weli lama oga qofka beddeli doona.

    Leavitt ayaa bishii May dhashay ilmaheedii labaad, oo ay u dhashay ninkeeda Nicholas Riccio. Waxay sidoo kale leedahay wiil laba jir ah.

    Waxay shaqada ku soo laabatay bishii hore kaddib markii ay qaadatay fasax umusha.

    Kaddib markii Trump uu ku dhawaaqay inay xilka ka degayso, Leavitt ayaa barta X ku qortay in qabashada xilka afhayeenka Aqalka Cad ay u ahayd “sharaf iyo khibraddii nololeed ee ugu weynayd.”

  14. War deg deg ah, Degdeg: Ciidamada Kacaanka Iran oo ku hanjabay weerar cusub

    Ciidamada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabooyin militari oo culus oo weerar ah, haddii uu mar kale qarxo dagaal u dhexeeya Iran iyo Maraykanka.

    Wakaaladda wararka ee Fars ayaa soo xigatay sarkaal sare oo militari, Rasoul Sanaei-Rad, oo yiri:

    “Cadowgu waxay u maleynayaan in iyagoo abuuraya kala qaybsanaan gudaha ah iyo cadaadis dhaqaale ay dib u soo celin karaan dhacdooyinkii Janaayo, waxayna qaadayaan tallaabooyin ay ku gaaraan ujeeddadaas.”

    Shalay sidoo kale, ku-xigeenka madaxa ciidamada qalabka sida ee Iran, Alireza Sheekh, ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay dagaal muddo dheer socda iyo inuu sii wado hawlgallada militari.

    Wuxuu sheegay in siyaasadda difaaca Iran ay ka soo wareegtay is-difaac oo keliya una gudubtay ujeeddo ah in cadowga laga hortago, isla markaana tallaabo toos ah laga qaado haddii loo baahdo.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in awoodda Iran u leedahay inay horumariso gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay tahay mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee u oggolaanaya inay sii waddo hawlgallada militari ee muddada dheer.

  15. Waqtiga saxda ah ee ay habboon tahay in la casheeyo

  16. War deg deg ah, Ruushka oo dad badan ku laayay Ukraine bishii la soo dhaafay

    Tirokoobyada Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay Ukraine bishii Luulyo ay gaartay heerkii ugu sarreeyay tan iyo bilihii ugu horreeyay ee duullaankii Ruushka.

    Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kormeerka Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in ugu yaraan 437 qof oo rayid ah lagu dilay bishii la soo dhaafay, taas oo ah tiradii ugu badnayd ee la diiwaangeliyo tan iyo May 2022.

    Tirooyinkan ayaa soo baxay iyadoo Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, uu sheegay in weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushku ku qaadeen tareen rakaab ah gobolka Odesa uu ku dilay ugu yaraan laba qof.

    Zelensky ayaa sheegay inuu maalin kasta ku howlan yahay sidii Ukraine ay u heli lahayd gantaallo badan) si ay uga difaacdo weerarrada cirka.

  17. War deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha Japan oo si adag u cambaareysay booqashada Putin

    Ra’iisul Wasaaraha Japan,Sanae Takaichi, ayaa cambaareysay safarka Madaxweyne Vladimir Putin uu ku tagay jasiiradaha Kuril ee lagu muransan yahay ee ku Taalla Badweynta Baasifigga, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay tahay “mid gebi ahaanba aan la aqbali karin.”

    Putin ayaa booqday Iturup, oo ka mid ah afar jasiiradood oo Ruushku maamulo balse Japan ay sheegato.

    Japan ayaa sidoo kale u yeertay safiirka Ruushka si ay ugu gudbiso waxa ay ku tilmaantay digniin iyo in ay si wyn u diidantahay tallabadaas.

    Labada dal ayaa muddo dheer ku jiray muran ku saabsan jasiiradaha Kuril, kuwaas oo gacanta Moscow galay dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

  18. War deg deg ah, Iran oo ku dhawaaqday in la burburiyay unugyo xiriir la lahaa sirdoonnada Israa'iil iyo Mareykanka

    Wasaaradda Warfaafinta Iran ayaa sheegtay in la burburiyay laba “unug oo abaabulan” oo ay ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin hay’adaha sirdoonka ee Maraykanka iyo Israa’iil, kuwaas oo ka howlgeli jiray gobolka Balochistan.

    Sida ay wasaaraddu sheegtay, afar qof ayaa la xiray, halka laba qof oo kale lagu dilay iska horimaadyo ay la galeen ciidamada ammaanka.

    Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in dadkaasi ay mas’uul ka ahaayeen qorshe lagu weerarayo kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka Sistan iyo Balochistan ee koonfur-bari Iran.

    Qayb kale oo ka mid ah bayaanka ayaa lagu sheegay in sidoo kale la xiray koox ka kooban afar qof, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen afduubka dadka rayidka ah ee magaalada Zahedan iyo inay lacag madax-furasho ah ka qaataan qoysaskooda.

  19. War deg deg ah, Israa'iil oo ciidamo ku daabuleysa Daanta Galbeed ee la haysto

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay ciidamo dheeraad ah geyn doonaan Daanta Galbeed ee la haysto.

    Go’aankan ayaa la qaatay kaddib markii ay ku guuldarreysteen inay halkaas ka saaraan dadka Israa’iiliyiinta ah ee deggan dhulkaas.

    Tan iyo Axaddii, waxay hareereeyeen laba qoys oo Falastiiniyiin ah oo ku jira guryahooda.

    Qoysaska Abu Ridi iyo Xasan waxay ku nool yihiin duleedka tuulada Qusra, oo koonfur ka xigta Nablus.

    Labada qoys ayaa codsaday in loo gurmado, kaddib markii laga jaray biyihii iyo korontadii, halka cuntadii ay guryaha ku haysteen ay sii yaraanayso.

    Dhacdadan ayaa indhaha caalamka oo dhan ku jeedisay xaqiiqda ah in dadka Israa’iiliyiinta ah ee deggan aaggaas ay si ka duwan dadka kale uga badbaadaan tallaabooyinka ciqaabta.

    Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa la sheegay inay ku adkaanayso sidii ay wax uga qaban lahaayeen rabshadaha sii kordhaya ee ay geystaan dadka Israa’iiliyiinta ah ee deggan dhulkaas.

  20. Digniinta nin indhihiisa ay waxyeello ka soo gaartay qorrax-madoobaadka