Hoggaamiyaha darbijiifka ahaa ee saddex madaxweyne iyo Shabaab la diriray
Waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu saameynta weynaa Soomaaliya ee xukumi jiray mid ka mid ah gobolada ugu kheyraadka badan. Waxa uu saameyn weyn oo ciidan iyo hoggaamin ku lahaa isbaheysiga dooxada jubba, Shabeelada Hoose iyo gobolka Banaadir. Waxa uu la dagaalay saddex madaxweyne, Cabdulaahi yuusuf, Shariif Sheekh Axmed, iyo Maxamed Farmaajo, iyo kooxda Al-Shabaab, oo uu mar ka mid ahaa 'dadkii barbaariyay'.
Waa Janaraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde, oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha dagaalka ee loogu cabsida badnaa, laakiin lagu tilmaamo in uu yahay nin kadhaadh badan oo hadba shaati cusub tosha. Waxa uu ka badbaaday duulaankii ay Maxkamadaha Islaamiga ah ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kaga saareen qabqablayaashii la midka ahaa, isaga oo ba ka mid noqday hoggaankii sare ee maxkamada Islaamiga ah. Waxa uu qeyb ka ahaa dagaalkii dhexmaray maxkamadaha iyo ciidamada Itoobiya, isaga oo la shaqeeyay Shabaab kahor inta uusan ku biirin Xisbul Islaam iyo kahor heshiiskii uu la galay dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Waxaa uu ahaa hoggaamiyehii ku dhawaaqay inay qabsanayaan Addis Ababa, eray loo arkay inay eersadeen maxkamadihii Islaamiga ahaa ee awoodda isbidayay. Marka kale, sanadkii hore waxa uu isaga oo ciidamo wata ku dhawaaqay in aysan dowlad ka jirin Soomaaliya xilli lagu muransanaa mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Farmaajo. Hoggaamiyaha xabsi guriga ku jira ee mar ahaa ninka ugu awoodda badan xarakooyinka hubeysan, Xasan Daahir Aweys, waxa uu Indho-cadde ku tilmaamay ‘nin burburiya koox walba oo uu qeyb ka noqdo’.
Nolosha darbi-jiifnimada iyo kabo-caseynta