You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Israa'iil iyo Lubnaan oo uu wadahadal uga bilowday Rome

    Lubnaan iyo Israa’iil ayaa Salaasadii magaalada Rome ku yeeshay wareeg cusub oo wadahadallo ah oo uu dhexdhexaadinayo Maraykanka, iyadoo Lubnaan ay doonayso in ciidammada Israa’iil si tartiib tartiib ah uga baxaan koonfurta dalka.

    Kolonyooyin siday wafdiyada labada dal ayaa saaka gaadhay safaaradda Maraykanka ee caasimadda Talyaaniga, halkaas oo wadahadalladu ay qorshaysan yihiin inay sii socdaan ilaa Khamiista.

    “Maraykanku wuxuu weli ka go’an yahay in uu si buuxda u taageero labada dawladood iyagoo raacaya hannaan horseedaya amni waara oo labada dal ah, in meesha laga saaro khataraha amni ee Israa’iil, isla markaana dib loo soo celiya awoodda dawladda Lubnaan ee dhammaan gobollada koonfureed,” ayuu afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Tommy Pigott ku qoray barta X.

    Intii lagu jiray wadahadalladii Washington bishii Juun, Israa’iil iyo Lubnaan waxay ku heshiiyeen qaab-dhismeed heshiis oo ay ku jiri doonaan hub ka dhigista Xisbullah, bixitaanka tartiib tartiibka ah ee ciidamada Israa’iil ee koonfurta Lubnaan, iyo in ciidamada Lubnaan la geeyo gobolkaas, iyadoo hannaankaasi uu ka bilaaban doono deegaanno tijaabo ah oo loo yaqaan “pilot zones.”

  2. Soomaaliya iyo Baaksitaan oo kala saxeexday heshiis difaac

    Waddamda Pakistan iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada difaaca iyo amniga, isla markaana lagu horumarinayo awoodaha millitariga.

    War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiskan is-afgaradka ah lagu saxiixay magaalada Islamabad, maalintii Talaadada.

    Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Asif, ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiiskaasi.

  3. Shidaalka adduunyada oo hoos u dhac sameeyay iyo sababta

    Qiimaha shidaalka ayaa maanta sii hoos u dhacay, kaddib markii saraakiil Mareykan ah ay muujiyeen rajo ah in heshiis lala gaadho Iiraan oo lagu furayo marin-biyoodka Hormuz uu “aad u dhow yahay”.

    Qiimaha hal foosto oo shidaalka caydhiin ayaa hoos u dhacay in ka badan 4% maanta, isaga oo ka degay heerka 80 Doollar.

    Toddobaadkii hore, markii ay sii xoogeysatay suurtagalnimada in Mareykanku weeraro kaabayaasha tamarta ee Iiraan, qiimaha shidaalku wuxuu gaadhay in ka badan 93 Doollar halkii foosto.

  4. Israa'iil iyo Lubnaan oo uu wadahadal uga bilowday Rome

    Lubnaan iyo Israa’iil ayaa Salaasadii magaalada Rome ku yeeshay wareeg cusub oo wadahadallo ah oo uu dhexdhexaadinayo Maraykanka, iyadoo Lubnaan ay doonayso in ciidammada Israa’iil si tartiib tartiib ah uga baxaan koonfurta dalka.

    Kolonyooyin siday wafdiyada labada dal ayaa saaka gaadhay safaaradda Maraykanka ee caasimadda Talyaaniga, halkaas oo wadahadalladu ay qorshaysan yihiin inay sii socdaan ilaa Khamiista.

    “Maraykanku wuxuu weli ka go’an yahay in uu si buuxda u taageero labada dawladood iyagoo raacaya hannaan horseedaya amni waara oo labada dal ah, in meesha laga saaro khataraha amni ee Israa’iil, isla markaana dib loo soo celiya awoodda dawladda Lubnaan ee dhammaan gobollada koonfureed,” ayuu afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Tommy Pigott ku qoray barta X.

    Intii lagu jiray wadahadalladii Washington bishii Juun, Israa’iil iyo Lubnaan waxay ku heshiiyeen qaab-dhismeed heshiis oo ay ku jiri doonaan hub ka dhigista Xisbullah, bixitaanka tartiib tartiibka ah ee ciidamada Israa’iil ee koonfurta Lubnaan, iyo in ciidamada Lubnaan la geeyo gobolkaas, iyadoo hannaankaasi uu ka bilaaban doono deegaanno tijaabo ah oo loo yaqaan “pilot zones.”

  5. Markab Hindiya laga leeyahay ayaa degay kaddib markii uu ku dhacay gantaal meel u dhow biyaha Yemen

    Wasiirka dekadaha dalka Hindiya ayaa sheegay in uu gantaal ama madfac ku dhacay markab Hindiya laga leeyahay, taas oo sababtay in uu rogmado kaddibna ku dego meel u dhow biyaha Yemen.

    Wuxuu yidhi: “Dhammaan 14-kii badmaax ee saarnaa markabka waxaa si nabad ah u soo badbaadiyay Ilaalada Xeebaha Yemen.”

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaa bayaan ay soo saartay si adag ugu cambaareysay weerarka.

  6. Duugtii ugu wayneed oo ka dhacday Gaza: 112 qof oo laba qoys ka kala dhashay ayaa maanta la aasay

  7. Nin iska dhigay garsoorwe maxkamadeed oo khiyaano ah oo la maxkamadaynayo

    Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Masar ayaa amray in nin u dhashay dalkaas l in oo gudbiyo dacwad maxkamadeed kaddib markii lagu eedeeyay inuu iska dhigay garsoore muddo saddex sano ah.

    Ninkan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu dadka ka khiyaaneeyey lacag dhan ku dhowaad 200,000 oo doollar intii uu ku guda jiray falkaas.

    Xeer-ilaaliyayaashu waxay sheegeen in ninkan oo 33 jir ah, shaqo la’aan ah, laguna magacaabay oo keliya Mustafa, uu laaluush dhan 60,000 oo doollar siiyey saddex shaqaale oo ka tirsan maxkamadaha Qaahira si uu u helo oggolaansho uu ku galo dhismaha maxkamadda, halkaas oo uu isaga duubay muuqaallo u eg inuu dacwado xukumayo.

    Eedaysanuhu xitaa wuxuu kasoo muuqday qaar ka mid ah barnaamijyada doodaha ee telefishinnada si uu sumcad u yeesho oo loo rumaysto.

    Arrintiisa ayaa soo shaac baxday kaddib markii mid ka mid ah dadkii uu la sheegay inuu khiyaameeyey uu dacwad uga gudbiyey mas'uuliyiinta.

    Dacwaddiisa ayaa bilaaban doonta 1-da Sebtembar.

  8. Xafiiska Mojtaba Khamenei oo beeniyey warar loo nisbeeyey oo la faafiyey

    Xafiiska xiriirka dadweynaha ee Hoggaamiyaha Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Mojtaba Khamenei, ayaa beeniyay isaga oo aan magaciisa si toos ah u xusin hadal loo nisbeeyay Mohammad Baqer Kharrazi oo ku saabsanaa arrinta iscasilaadda madaxweynaha.

    Bayaanka xafiiska xiriirka dadweynaha ayaa lagu yiri:

    "Maalmihii u dambeeyay, qaar ka mid ah hadallada loo nisbeeyay Hoggaamiyaha Sare ee Kacaanka Islaamiga ah ayaa lagu faafiyay baraha internetka, kuwaas oo nasiib darro saldhig u noqonaya jahawareerinta ra’yiga dadweynaha iyo abuuridda kala-qaybsanaan iyo khilaaf bulshada dhexdeeda ah."

    Sida lagu sheegay bayaanka, "qoraalka lagu daabacay internetka ee uu qof ku sheeganayo jawaabta Hoggaamiyaha Kacaanka Islaamiga ah ee ku aaddan warqadda Madaxweynaha sharafta leh, gebi ahaanba waa been oo ma aha mid sax ah."

    Bayaanku wuxuu carrabka ku adkeeyay in "isha rasmiga ah ee lagu daabaco farriimaha, wararka iyo qoraallada la xiriira Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah" ay yihiin madasha warfaafinta ee Xafiiska Hoggaamiyaha Kacaanka ama madasha kaydinta iyo daabacaadda qoraallada Hoggaamiyaha Kacaanka.

    Hadalladii dhowaan kasoo baxay Mohammad Baqer Kharrazi, oo ah wadaad xiriir dhow la leh qoyska hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, ee ku saabsanaa Masoud Pezeshkian ayaa si weyn loogu baahiyay warbaahinta Iiraan iyo baraha bulshada.

    Kharrazi ayaa sheegay in Mojtaba Khamenei, oo ah hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, uu qoray:

    "Haddii Pezeshkian mar kale iscasilo, waan aqbalaynaa iscasilaaddiisa."

  9. Sida Ruushku uu askar, gubatay, dhaawacantay oo xabado ku dhaceen ugu dirayo furumaha

  10. Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka oo war wanaagsan ka sheegay wadahallada Iiran lala leeyahay.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegay in wada-hadallada lala leeyahay Iiraan iyo Cumaan ee ku saabsan isu-socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz ay sameeyeen horumar, balse aan weli la gaarin heshiis kama dambeys ah.

    "Waxaa jiray horumar ka mid ah wada-hadalladan, laakiin weli waxba si rasmi ah looma soo gabagabeyn. Waxaan rajaynaynaa in arrintan ay dhowaan dhacdo," ayuu yiri Marco Rubio xilli uu shir jaraa’id qabanayay.

    Mar sii horreysay, Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka ayaa sheegay in wada-hadallo ay socdaan oo lala leeyahay Iiraan, isla markaana laga yaabo in heshiis laga gaaro berri dib-u-furista Marinka Hormuz.

    Rajada ay mas'uuliyiinta Maraykanku ka muujiyeen in si dhow loo furo Marinka Hormuz ayaa timid xilli Iiraan iyo Cumaan ay in ka badan toddobaad ka wada hadlayeen sidii loo maamuli lahaa marinkan, inkastoo mas'uuliyiinta Iiraan ay diideen in ay la yeeshaan wada-hadallo toos ah Maraykanka.

    Reuters, ayaa soo xigatay sarkaal sare oo Iiraani ah oo sheegay in Tehran, inta ay wada-hadallada kula jirto Muscat, ay doonayso in ay maamusho jidka ay maraakiibtu kaga soo galaan Marinka Hormuz iyo in la siiyo xog ku saabsan xaaladda bixitaankooda ee marinkan biyaha.

    Dhanka kale, Qadar ayaa sheegtay in dadaallada dhexdhexaadiyeyaasha ee lagu raadinayo xal diblomaasiyadeed oo khilaafka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka lagu xalliyo ay weli socdaan, balse aysan jirin qorshe wada-hadal toos ah oo labada dhinac dhex mara.

    Rajada laga qabo in heshiis laga gaaro furitaanka Marinka Hormuz ayaa keentay in qiimaha shidaalka uu sii hoos u dhaco.

  11. Trump oo dhaliilay shirkadaha waaweyn ee shidaalka adduunka ka dib war ay shaaciyeen

    Shirkadaha waaweyn ee shidaalka ayaa soo sheegay faa’iidooyin rikoor ah, iyadoo dagaalka Iiraan uu sare u qaaday qiimaha shidaalka.

    Saudi Aramco, oo ah shirkadda ugu weyn ee soo saarta shidaalka adduunka, ayaa sheegtay in faa’iidadeedu ay korodhay 44% rubucii ugu dambeeyay ee sannadka, inkastoo Iiraan ay xannibaad ku soo rogtay Marinka Hormuz iyo weerarrada ay Xuutiyiintu ku qaadeen maraakiibta Sacuudiga ee Badda Cas.

    Shanta shirkadood ee ugu waaweyn tamarta ee reer Galbeedka — BP, Chevron, ExxonMobil, Shell, iyo TotalEnergies — ayaa si wadajir ah u diiwaangeliyay faa’iido saafi ah oo ku dhow 47 bilyan oo doollar.

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa dhaliilay shirkadaha shidaalka, isagoo sheegay inay faa’iido aad u badan ka helayaan dagaalka, isla markaana ka dalbaday inay hoos u dhigaan qiimaha shidaalka ee macaamiisha.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  12. Reuters: Iiraan ayaa wada-hadallo ay la leedahay Cumaan ku dalbanayso arrimo ku saabsan marinka Hormuz

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay sarkaal sare oo Iiraani ah oo sheegay in Tehran ay wada-hadallada ay la leedahay Muscat ku dalbanayso inay gacanta ku hayso gelitaanka maraakiibta ee Marinka Hormuz, isla markaana loo soo sheego marka ay ka baxayaan marinkan biyoodkan.

    Magaca sarkaalkan lama shaacin, balse waxaa la sheegay inuu ka mid yahay masuuliyiinta ku lug leh wada-hadallada socda ee u dhexeeya Iiraan iyo Cumaan.

    Sarkaalkan Iiraani ah ayaa Reuters u sheegay in, iyadoo lagu saleynayo "fikraddan guud ee hadda laga wada hadlayo," marinka bixitaanku uu noqon doono mid u dhexeeya Iiraan iyo Cumaan, halka Muscat ay bixin doonto oggolaanshaha bixitaanka kaddib marka ay Tehran ogeysiiso.

    Isha laga soo xigtay Iiraan ayaa sidoo kale carrabka ku adkaysay in "aysan u badnayn in Tehran ay beddesho mowqifkeeda arrintan ku saabsan."

  13. Ma taqaanaa gantaalka ugu halista badan ee yalla Afrika xilligaan?

  14. Qatar oo war ka soo saartay wadahadallada Maraykanka iyo Iiraan

    Qadar ayaa sheegtay in dhexdhexaadiyeyaashu ay sii wadaan dadaalladooda ay ku raadinayaan xal diblomaasiyadeed oo lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, balse aysan jirin wada-hadallo toos ah oo la qorsheeyay.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar, Majid Ansari, ayaa yiri: "Waxaan xaqiijinaynaa in dadaallada dhexdhexaadiyeyaasha ee lala wado dhammaan dhinacyadu ay weli socdaan."

    Wuxuu wariyeyaasha u sheegay in diiradda wada-hadalladu ay saaran tahay "xal muddo-gaaban ah oo gacan ka geysan doona dib u soo nooleynta wada-hadallada iyo ku soo laabashada geeddi-socodka guud ee dhexdhexaadinta."

    Qadar, iyadoo ay weheliso Pakistan, ayaa ka mid ah dalalka dhexdhexaadiya khilaafka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka.

  15. In ka badan 150 tahriinayaal ah oo la badbaadiyey ka dib doontii ay la socdeen oo dab qabsaday

    In ka badan 150 muhaajiriin ah ayaa la badbaadiyay kadib markii doontii ay ku doonayeen inay kaga gudbaan marin-biyoodka Channel uu dab qabsatay subaxnimadii Talaadada, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Faransiiska.

    Sida ay sheegtay hay'adda Faransiiska ee ilaalisa amniga badda ee Channel iyo Waqooyiga Badda, doonta ayaa ku sii jeeday UK, markii matoorkeedu dab qabsaday.

    Hay'addu waxay sheegtay in 157 qof la badbaadiyay, kuwaas oo loo qaaday dekedda Boulogne-sur-Mer. Ilaa hadda lama soo sheegin cid ku dhaawacantay ama ku geeriyootay shilka.

    Dhacdadan ayaa timid hal maalin kadib markii Ra'iisul Wasaaraha Andy Burnham uu ballanqaaday in dowladdiisu ay si joogto ah oo adag uga shaqayn doonto yareynta tirada dadka ku imanaya UK iyagoo adeegsanaya doonyo yaryar.

    Mas'uuliyiinta Faransiiska ayaa sheegay in doontu ay ka baxday Faransiiska habeenkii Isniinta.

    Hay'adda amniga badda ayaa sheegtay in habeenkii ay shan qof oo saarnaa doonta u baahdeen in la badbaadiyo, halka dadka kale ee saarnaa ay diideen gargaarkii ay u fidiyeen doomaha ilaalada Faransiiska.

    Waxay sidoo kale sheegtay in muhaajiriinta ku safraya doonyaha yaryar ee isku dayaya inay gaaraan UK ay inta badan diidaan gargaarka ay bixiyaan adeegyada gurmadka Faransiiska, iyagoo aqbala oo keliya marka xaaladdu gaarto heer aad u halis ah.

  16. Ilmo aan dhalan oo qallin lagu sameeyey isagoo weli ku jira uurka hooyadii

  17. War deg deg ah, Markab gantaal lagu dhuftay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    Ururka UK Maritime Trade Operations ayaa sheegay inuu helay warbixin ku saabsan shil badda ka dhacay meel qiyaastii 20 mayl waqooyi-bari kaga beegan magaalada Al Khasab ee dalka Cumaan.

    Sida lagu sheegay warbixinta, markab xamuul ah ayaa isagoo adeegsanaya kanaalka degdegga ah ee VHF 16 ku dhawaaqay in lagu bartilmaameedsaday madfac ama gantaal aan la aqoonsan.

    "Hay'adaha ay khusayso ayaa baaraya dhacdadan," ayaa lagu yiri warbixinta ay daabacday UKMTO, oo la socota dhacdooyinka amniga badda.

    Shalay, markab shidaal qaada ayaa sidoo kale soo sheegay inuu maqlay ama arkay qarax ka dhacay meel u dhow isla deegaankaas. Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegtay UKMTO, qaraxaasi wax dhaawac ah uma geysan shaqaalihii markabka iyo marakabkaba.

  18. Isbahaysi ka dhisan Koonfur Afrika oo dacwad ka gudbiyay sharci uu Trump ka carooday

    Xisbiga Democratic Alliance (DA) ee Koonfur Afrika, oo ah xisbiga labaad ee ugu weyn isbahaysiga xukuumadda, ayaa Isniintii maxkamad ka gudbiyay dacwad uu kaga hor imanayo sharciga la wareegidda dhulka; kaas oo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump uu ku xusay markii uu sannadkii hore hakiyay gargaarka uu siinayay dalkaas.

    Dacwaddan ayaa xiisad ka dhex dhalisay xisbiga ugu weyn ee isbahaysiga, African National Congress (ANC), xilli dalka uu isu diyaarinayo doorashooyinka dawladaha hoose ee bisha Nofeembar.

    Sharciga Expropriation Act wuxuu dowladda u oggolaanayaa inay qaadato dhul loo adeegsanayo dan guud, mararka qaarna iyadoo aan magdhow la siin milkiilaha, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in wax looga qabto saameyntii nidaamkii midab-takoorka.

    Sharcigan ayaa sannado badan ahaa arrin dhalisay dood dheer marar badan, waxaana uu Madaxweyne Cyril Ramaphosa u saxiixay inuu noqdo sharci bishii Janaayo 2025.

    Ha yeeshee, iIlaa hadda, wax dhul ah laguma qaadan sharcigan.

    Xisbiga DA, oo inta badan taageero ka hela ganacsatada isla markaana ay hoggaankiisa u badan yihiin dadka caddaanka ah, wuxuu sheegay in sharcigu dowladda siinayo “awoodo aan caddayn lahayn oo aad u ballaaran” isla markaana uu hoos u dhigi karo maalgashiga.

    Dowladda Koonfur Afrika ayaa diidday dhaleeceynta Trump ee ku saabsan siyaasadaha dib-u-qaybinta dhulka, waxayna sheegtay in Sharciga La Wareegidda Dhulka uu la mid yahay sharciyo ka jira dalal kale oo badan.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  19. Spain oo mar kale ka hadashay qaxootigii Morocco ee dhawaan soo galay dalkeeda

    Spain ayaa sheegtay in ku dhowaad dhammaan muhaajiriintii toddobaadkii hore ka soo tallaabay Morocco una gudbay dhulka Isbaanishka ee Ceuta ay hadda dib ugu laabteen Morocco.

    Tobannaan kun oo muhaajiriin ah ayaa Khamiistii ku qulqulay Ceuta, oo ah dhul Isbaanishku ku leeyahay waqooyiga Afrika, taas oo dhalisay qalalaase dhinaca amniga iyo diblomaasiyadda ah oo soo wajahay Madrid.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Isbaanishka, José Manuel Albares, ayaa sheegay in qof kasta oo si sharci-darro ah isku dayaya inuu uga gudbo Ceuta ama Melilla una gudbo dhul weynaha Isbaanishka, uusan yeelan doonin xuquuq uu ku sii joogo.

    Madrid waxay sheegtay in ugu yaraan 72 qof ay ku dhinteen badda iyagoo isku dayayay inay gaaraan Ceuta.

    Midowga Yurub ayaa la filayaa inuu qabto wadahadallo degdeg ah maalinta Talaadada si looga arrinsado xaaladdan.

    Madaxweynaha Guddiga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa ku baaqday “tallaabo mideysan” oo ku saabsan amniga xuduudaha kaddib markii tobannaan kun oo tahriibayaal ah ay si jahawareer ku dheehan uga soo gudbeen Morocco una gudbeen dhulka Isbaanishka ee Ceuta toddobaadkii hore.

    Isbaanishku wuxuu qiyaasayaa in ku dhowaad 69,500 muhaajiriin ah ay hadda dib ugu laabteen Morocco, taas oo ka badan qiyaastii hore ee ahayd 50,000.

    Tirada rasmiga ah ee dhimashada ee dhinaca Isbaanishka ee xuduudda waxay taagan tahay 72 qof, halka 11 qof ay ku dhinteen dhinaca Morocco.

    Dhacdooyinka ka dhacay Ceuta waxay xiisad ku abuureen xiriirka u dhexeeya qaar ka mid ah 27-ka dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub.

    Dhacdooyinka toddobaadkan ayaa sidoo kale gilgilay siyaasadda Yurub, iyagoo mar kale bannaanka soo dhigay kala qaybsanaanta ka jirta arrinta xasaasiga ah ee socdaalka.

    Waxay sidoo kale reebeen su'aalo wali jawaab loo la'yahay oo ku saabsan waxa sababay qulqulkan lama filaanka ah: in qoraallo lagu baahiyay baraha bulshada oo ballanqaadayay waddo sahlan oo Yurub lagu galo ay si weyn u faafeen, mise arrintu waxay ahayd wax si ula kac ah loo abaabulay, xitaa si nidaamsan loo qorsheeyay.

    Sidoo kale akhriso

  20. “Tobnaan nin ayaa diiday inay i guursadaan”

    Sooryada ayaa sharci-darro ka ahaa Hindiya tan iyo sanadkii 1961, balse qoyska caruusadda ayaa weli laga filayaa inay lacag, dhar iyo dahab u hadiyeeyaan qoyska caruuska.

    Haatan, macallimad 27 jir ah oo ku nool magaalada bartamaha Hindiya ku taalla ee Bhopal ayaa billowday codsi ay booliiska ku weydiisaneyso inay saraakiil ciidan u diraan goobaha aroosyada lagu dhigo si ay usoo afjaraan dhaqankan.

    Gunjan Tiwari (ma aha magaceeda saxda ah) ayaa BBC u sheegtay in dalabkeeda ay sabab u tahay dhacdooyinka iyada qudheeda qabsaday ee ah in tobnaan nin ay u diideen guurkeeda sababo la xiriira sooryada.

    Dhacdadii ugu dambeysay ayaa dhacdya bishii February markii aabbaheeda uu nin dhlainyaro ah ku casuumay gurigooda isagoo rajo ka qaba inuu gabadhiisa u guuriyo.

    Kaddib markii waaliddiinteeda ay martidu isa salaameen oo sheekeysteen, Gunjan ayaa soo gashay qolka fadhiga, iyadoo martida sidda shaah kulul iyo macmacaan.

    Waxay marxaladdaas ku tilmaameysaa mid "cabsi leh".

    "Qof walba adiga ayuu indhaha kugu gubayaa, dhammaantood way ku imtixaanayaan," ayay tiri.

    Qorshooyin badan ayaa loo degay goorta iyo xilliga ay Gunjan soo hor mareyso martida. Hooyadeed ayaa u doortay dhar cagaaran sababtoo ah waxay dareemeysay in gabadheedu ay kusoo baxeyso. Waxay sidoo kale Gunjan kula Talisay inaysan qoslin maaddaama ay dadka kusoo jeedineyso ilkaheeda aan toosneyn.