Shiinaha, Ruushka iyo Maraykanka oo bayaan wadajir ah soo saaray kaddib kulankii saddex-geesoodka ahaa

Hadda waxaan idiin soo gudbineynaa qodobadii ugu muhiimsanaa ee ku jiray bayaanka wadajirka ah ee ku saabsan nabadda, kaas oo Shiinaha, Ruushka iyo Maraykanku soo saareen kaddib kulankoodii saddex geesoodka ahaa.

Kooban

  • Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka: Maraykanku ma oggolaan doono in dagaalka Iran uu isu beddelo dagaal laba sano soconaya
  • Ciraaq iyo Urdun oo mamnuucay Telegram sababo la xiriira walaac amni
  • Ronaldinho oo dib garoomada ugu soo noqday isagoo 46 jir ah
  • Shan dal oo ka mid ah waddamada Yurub ee Soomaalidu iska dhiibto oo dal Afrikaan ah kula heshiiyey inuu qaabilo qaxootiga la soo celinayo

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Ciidamada Kacaanka Iran oo jabsaday nidaamka hagista diyaaradaha Mareykanka

    .

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sheegay in ciidamadoodu ay jabsadeen nidaamka hagista diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykanku leeyahay, nooca MQM-10, kaddibna ay soo rideen oo gacanta ku dhigeen.

    War-saxaafadeed ay milatarigu soo saareen saaka ayay ku sheegeen in diyaaradda lagu qabtay hawada koonfurta Jasiiradda Qeshm, ka hor inta aan si nabad ah dhulka loo soo dejin.

    IRGC ayaa sheegtay in tallaabadan ay ku fuliyeen hawlgal dagaal dhanka elektaroonig ah oo ay ciidamadooda cirka si xirfad iyo guul leh u sameeyeen.

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka CENTCOM, weli kama uusan jawaabin sheegashada Iiraan.

    Warar dheeraad ah

  2. War deg deg ah, Trump oo hal mar dhowr Ra'iisul wasaare mid wax ku tilmaamay

    .

    Trump oo su’aalo ka jawaabayay xilli sawirro laga qaadanayay.

    Markii wax laga weydiiyay qorshaha kulankiisa hoggaamiyeyaasha Japan, Hindiya iyo Australia, Donald Trump wuxuu yiri: “Xiriir wanaagsan ayaan la leenahay dadkan iyo dalalkan.”

    “Bilowgiiba... waa saaxiibbaday, taasina way waxbey taraysaa,” ayuu raaciyay.

    Isaga oo tilmaamaya Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, ayuu Trump yiri: “Waa nin aad u adag, iyaduna Ra’iisul Wasaaraha Japan Sanae Takaichi waxaa laga yaabaa inay ka sii adag tahay.”

    Markii uu u jeestay Ra’iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese, ayuu Trump ku daray: “Annaga iyo isaga... xiriirkeennu waa hagaagsan yahay.”

  3. Wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo safiiro dalal kala duwan ka socda oo gaaray magaalada Mekelle

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, safiiro ka kala socda dalal kala duwan iyo mas’uuliyiin caalami ah ayaa markii ugu horreysay booqday gobolka Tigray, tan iyo markii dowladda federaalka Itoobiya ay la wareegtay magaalooyinka waaweyn ee gobolka.

    Wafdiga waxaa ka mid ah safiiro ka socda siddeed dal, oo uu ku jiro safiirka Mareykanka u fadhiya Itoobiya, Ervin Masinga, iyo mas’uuliyiin sare oo ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, sida ay baahisay Telefishinka Tigray.

    Ujeeddada booqashada ayaa lagu sheegay inay tahay in wafdigu si toos ah u qiimeeyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta Tigray, isla markaana uu qorsheeyo taageerada loo baahan yahay mustaqbalka.

    Wafdiga ayaa sidoo kale wadahadallo la bilaabay maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray. Ajendayaasha kulamada waxaa ka mid ah gargaarka bani’aadannimo, dadka barakacay, hub-ka-dhigista iyo dib-u-dhexgelinta dagaalyahannada bulshada, iyo dadaallada nabadda ee gobolka.

    Ato Assefa Abraha, oo ah madaxa fulinta arrimaha maamulka iyo adeegyada dadweynaha, ayaa martida u sheegay in maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray uu dhisay nidaam maamul oo ka shaqeeya heer gobol ilaa heer degmo.

    Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inuu booqasho shaqo oo rasmi ah oo laba maalmood soconaysa ku tagayo magaalada Mekelle.

    Inta ay booqashada ku sugan yihiin, waxay sidoo kale kulamo la yeelan doonaan hoggaamiyeyaasha sare ee maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray, hoggaamiyeyaasha diinta, odayaasha dhaqanka iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah.

    Warar dheeraad ah

  4. Walaac laga muujiyay Xuutiyiinta oo ku sii siqaya magaalada Cadan iyo dib u gurashada ciidamada Sacuudigu taageero

    Gaari dagaal
    Qoraalka sawirka, Gaari dagaal

    Dagaalyahannada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran ayaa ku sii siqaya xeebaha Badda Cas, iyagoo ku qasbay ciidamada dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay inay dib u gurtaan, si ay u difaacaan magaalada Cadan oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee dowladda.

    Xuutiyiinta ayaa qaybo badan oo Yemen ah qabsaday sannadkii 2014-kii.

    Horumarka ay sameynayaan dagaalyahannada Xuutiyiinta ayaa walaac ku abuuray dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, xulafadeeda Sacuudiga iyo guud ahaan beesha caalamka.

    Yemen waa dal buuraley ah oo sabool ah, bulshadiisuna ay ku dhisan tahay qabaa’il. Wuxuu ku yaalla koonfur-galbeed ee Jasiiradda Carabta, waxaana sidoo kale dalkaasi ku baahsan hub aad u badan.

    Nicholas Hopton, oo hore u ahaa safiirka Britain u fadhiya Yemen iyo Iran, haddana ah agaasimaha guud ee ururka Middle East Association ee fadhigiisu yahay Britain, ayaa sheegay in dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ay mudnaanta siisay difaaca magaalada Cadan, taasoo sababtay inay ciidamadeeda kala baxdo deegaanno kale.

    Wuxuu sheegay in arrintani muujinayso in dagaalku aanu si wanaagsan ugu socon dowladda Yemen ee uu Sacuudigu taageero, isla markaana ay tahay xaalad ay tahay in dunida inteeda kale ay ka walaacdo.

    Wuxuu ka digay in haddii magaalada Cadan, oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 1.25 milyan oo qof, ay gacanta u gasho Xuutiyiinta, ay taasi sii hurin karto xiisadda gobolka, isla markaana khalkhal gelin karto dhaqaalaha dunida.

    Sida uu sheegay, sababaha waaweyn ee xaaladdan keenay waxaa ka mid ah dagaalka weli u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.

    Warar dheeraad ah

  5. Ilaalada Kacaanka Iran: Waxaan weerarnay nidaam raadaar oo ku yaalla Baxreyn

    Waaxda xiriirka dadweynaha ee Ilaalada Kacaanka Iran ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay weerartay “nidaam raadaar” oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka, kaasoo ku yaalla saldhigga Sheekh Ciise ee dalka Baxreyn.

    Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in weerarka loo qaaday si looga hortago dhaqdhaqaaqyada ay ku tilmaantay kuwa cadowtinimada ah ee ciidamada Mareykanka ee gobolka.

    Maalmo ka hor ayay Ilaalada Kacaanku sidoo kale sheegtay in raadaarkoodu bartilmaameedsaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan Baxreyn, hase yeeshee Taliska Dhexe ee ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa xilligaas beeniyay sheegashadaas.

    CENTCOM weli kama uusan hadlin weerarka ay Ilaalada Kacaanka Iran sheegtay inay maanta fulisay.

    Warar dheeraad ah

  6. Iran: Marin-biyoodka Hormuz dib waxaa dib loo furi doonaa oo keliya marka la aqbalo toddobada shuruudood ee Iran

    Markab
    Qoraalka sawirka, Markab

    Afhayeenka milatariga Iran ayaa sheegay in marin-biyoodka Hormuz aan dib loo furi doonin ilaa Mareykanku aqbalo toddobada shuruudood ee Iran. Wuxuu sidoo kale uga digay maraakiibta inay ku kadsoomaan waddooyin uu sheegay in Mareykanku si been ah u tilmaamayo.

    Amir Akraminia oo hadalkan ka jeediyay magaalada Bandar Abbas ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee Iran ay heegan buuxa ku jiraan, isla markaana ay si istaraatiiji ah ula wareegeen gacan-ku-haynta bariga iyo galbeedka marin-biyoodka Hormuz.

    Wuxuu intaas ku daray in marin-biyoodkan muhiimka ah aan dib loo furi doonin ilaa Mareykanku aqbalo shuruudaha Iran.

    Sida uu sheegay sarkaalkan milatari, maraakiibta isticmaasha waddooyin aysan Iran oggolaan waxay halis ugu jiraan miinooyinka badda, rasaas iyo qaraxyo.

    Wuxuu sheegay in ammaanka maraakiibta lagu sugi karo oo keliya in lala shaqeeyo ciidamada Iran, lana raaco waddooyinka ay tilmaamaan milatariga iyo Ilaalada Kacaanka Iran.

    Afhayeenku wuxuu sidoo kale ka digay suuragalnimada inuu dib u qarxo dagaal milatari, isagoo sheegay in haddii mar kale la sameeyo tallaabo khaldan, ama dalalka gobolka ay u hoggaansamaan dalabaadka Washington ee uu ku tilmaamay sharci-darro, saldhigyada iyo danaha cadowga ay wajihi doonaan jawaab degdeg ah oo xooggan, taasoo gaari doonta meelo ka baxsan xuduudaha juqraafiyeed.

    Warar dheeraad ah

  7. Taliyaha ciidamada Uganda oo sheegay inuu u tartami doono xilka madaxweynaha marka aabbihii xilka ka dego

    Janaraal Muhoozi Kainerugaba
    Qoraalka sawirka, Janaraal Muhoozi Kainerugaba

    Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Uganda (UPDF), Janaraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay inuu u tartami doono xilka madaxweynaha dalka marka uu aabbihii, Madaxweyne Yoweri Museveni, xilka ka dego.

    Wuxuu ku adkaystay inaysan jirin cid ka hor istaagi karta inuu xaqiijiyo hamigiisaas.

    Farriin uu Talaadadii ku baahiyay barta X ayuu Muhoozi ku sheegay inuu rajadiisa ku qabo Alle iyo shacabka Uganda.

    “Waxaan u tartami doonaa xilka madaxweynaha dalka marka uu Mzee xilka ka dego. Cidna ima hor istaagi doonto. Rajadayda waxaan saarayaa Alle iyo muwaadiniinta aan isku dalka nahay,” ayuu qoray.

    Hadalkan ayaa imanaya maalmo kaddib markii xisbiga talada haya ee Dhaqdhaqaaqa Iska-caabbinta Qaranka (NRM) uu beeniyay warar sheegayay in guddigiisa dhexe uu diiday soo jeedin lagu taageerayay Muhoozi inuu xilka kala wareego aabbihii.

    Xoghayaha guud ee xisbiga NRM, Richard Todwong, ayaa sheegay in wararka ku saabsan kulan albaabadu u xirnaayeen oo guddigu yeeshay 10-kii Nofeembar ay yihiin kuwo aan sax ahayn.

    Wuxuu intaas ku daray in xisbigu go’aannadiisa ku dhawaaqi doono xilliga ku habboon, isagoo adeegsanaya habraacyadiisa rasmiga ah.

    Hadalkii Muhoozi ayaa sidoo kale su’aalo ka keenaya suuragalnimada isbeddel hoggaamineed oo ka dhaca xisbiga talada haya ee NRM, xilli ay jiraan xiisado la xiriira doorka Muhoozi ee siyaasadda dalka.

    Hase yeeshee, weli ma cadda inuu taageero ku filan ka heli doono gudaha xisbiga si uu u xaqiijiyo damaciisa ah inuu u tartamo xilka madaxweynaha.

    Warar dheeraad ah

  8. Ilaalada Kacaanka Iran: Waxaan gacanta ku dhignay diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykanku leeyahay

    Diyaarad
    Qoraalka sawirka, Diyaarad

    Ilaalada Kacaanka Iran ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegtay in ciidamadoodu ay jabsadeen nidaamka hagista diyaarad aan duuliye lahayn oo nooca MQM-10 ah, oo uu leeyahay Mareykanka, kadibna ay si nabad ah dhulka ugu soo dejiyeen oo ay gacanta ku dhigeen.

    Bayaanka oo ay Ilaalada Kacaanku soo saareen subaxnimadii Talaadada ayaa lagu sheegay in diyaaradaasi “lagala wareegay gacan ku haynteeda hawada koonfurta jasiiradda Qeshm, kadibna si nabad ah loo soo dejiyay”, intii lagu jiray howlgal dagaal elektaroonig ah oo ay si sax ah oo guul leh u fuliyeen khubaro ka tirsan ciidamada cirka ee Ilaalada Kacaanka.

    Taliska Dhexe ee ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaan weli ka jawaabin sheegashada Ilaalada Kacaanka Iran.

    Warar dheeraad ah

  9. Muxuu yahay habka cusub ee kuu ballan qaadaya luminta miisaanka jirka 16 bilood gudahood

    Miisaanka
    Qoraalka sawirka, Miisaanka

    Iskudayada maalinlaha ah ee kiniinka cayilka ayaa muujiyay inay caawin karto bukaanada inay lumiyaan ku dhowaad 12 boqolkiiba ee miisaanka jirkooda muddo ilaa 72 asbuuc ah.

    Waxa ay sheegtay shirkada samaysay dawooyinka ee aan weli la meel marin, inay diyaar ahaan doonto sannadka soo socda.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose.

  10. Khabiir baarista meydadka: Geerida Epstein waxay ahayd dil, ma ahayn is-dil

    Jeffrey Epstein
    Qoraalka sawirka, Jeffrey Epstein

    Khabiir ku takhasusay baaritaanka meydadka ayaa aaminsan in Jeffrey Epstein, oo lagu helay dambi la xiriira xadgudubyo galmo, lagu dilay xabsiga, geeridiisuna aysan ahayn mid uu isagu isu geystay.

    Michael Freeman, oo ah bare jaamacadeed isla markaana khabiir ku ah baaritaanka meydadka, ayaa wareysi uu siiyay barnaamijka Newsnight ee BBC-da ku sheegay in markii uu dib u eegay warbixinta baaritaanka meydka ee magaalada New York, uu ku soo gabagabeeyay in Epstein ceejo lagu dilay, isla markaana qofkii dilay ay u badan tahay inuu gadaal kaga yimid oo ka soo weeraray.

    Hase yeeshee, dhakhtarkii baaritaanka meydka ku sameeyay Epstein sannadkii 2019 ayaa xilligaas ku soo gabagabeeyay baaritaankooda in dhaawacyada jirkiisa laga helay ay waafaqsanaayeen isdil, isla markaana aan la helin calaamado muujinaya inuu iska difaacay weerar, kuwaas oo la filan lahaa haddii la dili lahaa.

    Jeffrey Epstein ayaa meydkiisa laga helay xabsi ku yaalla magaalada New York 10-kii Agoosto 2019, xilli uu sugayay maxkamadeyntiisa dacwado la xiriiray ka ganacsiga dadka si loogu sameeyo xadgudubyo galmo.

    Dukumentiyada laga helay jasiiraddiisa iyo eedeymaha la xiriira gabdho da'yar oo uu Epstein u adeegsan jiray in ay galmo la sameeyaan dad caan ah ayaa muddo dheer ka mid ahaa murannada ka taagan dalka Maraykanka.

    Baahinta dadweynaha ee dhammaan xogta kiiska, gaar ahaan magacyada dadka caanka ah ee booqday jasiiradda Epstein ama xiriir bulsho la lahaa, ayaa weli ka mid ah dalabaadka kumannaan qof oo ka mudaaharaadaya arrintan.

    Warar dheeraad ah

  11. Imran Khan oo warqad u diray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, kuna dalbaday adeeg caafimaad:

    Imran Khan
    Qoraalka sawirka, Imran Khan

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, oo ku xiran xabsiga Adiala ee magaalada Rawalpindi, ayaa warqad u diray Maxkamadda Sare, Maxkamadda Dastuuriga ah ee Federaalka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Islamabad, isaga oo u sii maray qareenkiisa Salman Safdar.

    Warqadda ayuu kaga codsaday in si degdeg ah wax looga qabto xaaladda caafimaad ee isaga iyo xaaskiisa Bushra Bibi.

    Imran Khan ayaa warqaddiisa ku sheegay in noloshiisa iyo caafimaadkiisa ay wajahayaan khataro culus. Dhanka kale, xaaskiisa ayaa qareennadeeda u marisay dacwad ay ka gudbisay Maxkamadda Sare ee Islamabad, iyadoo dalbanaysa in xabsiga laga soo wareejiyo loona qaado isbitaal.

    Waxaa xusid mudan in ra’iisul wasaarihii hore habeenkii 10-ka iyo 11-ka November ee toddobaadkii hore la geeyay Isbitaalka Machadka Cilmibaarista Caafimaadka ee Pakistan (PIMS), magaalada Islamabad.

    Maamulka isbitaalka ayaa sheegay in halkaas lagu sameeyay baaritaan caafimaad, laguna sii waday daaweynta indhihiisa.

    War-saxaafadeed uu isbitaalka PIMS soo saaray ayaa lagu sheegay in Imran Khan laga qaaday baaritaan caafimaad oo ay ku jirtay baaritaanka indhaha, iyadoo la raacayay tilmaamaha dhakhtar ku takhasusay cudurrada indhaha.

    Wasiirka Federaalka u qaabilsan arrimaha baarlamaanka, Tariq Fazal Chaudhry, ayaa warqadda Imran Khan ku tilmaamay mid “aan waafaqsanayn xaqiiqooyinka”.

    Waxa uu ku andacooday in caafimaadka ra’iisul wasaarihii hore uusan khatar ku jirin, isla markaana dhakhaatiirtu sheegeen in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

    Dowladda Pakistan ayaa marar badan sheegtay in ra’iisul wasaarihii hore, oo ishiisa midig uu ka soo gaaray xanuunka loo yaqaan Central Retinal Vein Occlusion (xannibaadda xididka dhiigga ee bartamaha xuubka dambe ee isha), xabsiga loogu diyaariyay adeegyo caafimaad oo heer sare ah, isla markaana aanay jirin wax dib-u-dhac ah oo ku yimid helitaanka daaweynta uu u baahnaa.

    Warar dheeraad ah

  12. Sacuudiga oo xilka ka qaaday taliyihii isbahaysiga milatari ee Yemen, kaddib markii ciidamada dowladda ay ka baxeen aagga Baabul Mandab

    Taliyaha ciidamada isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo, Fahad Al-Salman.
    Qoraalka sawirka, Taliyaha ciidamada isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo, Fahad Al-Salman.

    Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis ayaa xilka ka qaaday taliyihii ciidamada isbahaysiga milatari ee Sacuudigu hoggaamiyo, kuwaas oo taageera dowladda Yemen, janaraal Fahad Al-Salman, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Sacuudiga.

    Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ay ku sii siqayso magaalada Cadan ee Yemen, halka ciidamada dowladda Yemen ay isaga baxayaan deegaanno kale oo ku dhow marin-biyoodka Baabul Mandab.

    Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA), wareegto boqortooyo ayaa lagu magacaabay Sareeye Guuto Fahad bin Hamad bin Cabdulcasiis Al-Salman inuu noqdo la-taliyaha arrimaha milatariga ee wasiirka gaashaandhigga.

    Dhanka kale, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Sareeye Guuto Fayyad bin Xamiid bin Raqaad Al-Ruwaily, ayaa loo xil saaray waajibaadka taliyaha ciidamada isku dhafka ah, isaga oo sii haynaya xilkiisa hadda.

    Sareeye Guuto Fahad Al-Salman ayaa bishii Agoosto 2024 loo magacaabay taliyaha ciidamada isku dhafka ah ee isbahaysiga milatari ee taageera dowladda Yemen. Isbahaysigaas ayaa faragelin milatari ka bilaabay Yemen bishii Maarso 2015.

    Inkasta oo isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo uu toddobaadyadii la soo dhaafay bixiyay taageero dhinaca cirka iyo milatariga ah, haddana ciidamada dowladda Yemen ayaa la kulmay khasaare xooggan, waxaana lagu qasbay inay dib uga gurtaan deegaanno badan oo muhiim ah.

    Arrintan ayaa timid kaddib weerar lama filaan ah oo kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ay qaadday bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, kaas oo u suurageliyay dagaalyahannadooda inay la wareegaan deegaannada xeebaha galbeed ee Yemen iyo aagga ku xeeran marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Baabul Mandab.

    Warar dheeraad ah

  13. Ciraaq iyo Urdun oo mamnuucay Telegram sababo la xiriira walaac amni

    Telegram
    Qoraalka sawirka, Telegram

    Ciraaq iyo Urdun ayaa ku dhawaaqay inay mamnuuceen barnaamijka farriimaha la isku dhaafsado ee Telegram, iyagoo sabab uga dhigay walaacyo dhinaca amniga ah iyo in loo adeegsado faafinta waxyaabaha xagjirnimada la xiriira.

    Sida ay sheegtay Waaxda Amniga Guud ee Urdun, go’aankan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta amniga dhijitaalka ah, ka hortagga dambiyada internet-ka, hanjabaadaha, baadda iyo faafinta waxyaabaha sharci-darrada ah.

    Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale sababaha mamnuucidda ku dareen faafinta xagjirnimada iyo khataraha amniga qaranka.

    Dhanka kale, Guddiga Isgaarsiinta iyo Warbaahinta ee Ciraaq ayaa ku dhawaaqay in isticmaalka Telegram laga mamnuucay dalka, kaddib amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Cali Zaidi.

    Guddiga ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in laga hortago adeegsiga baraha bulshada ee lagu dhiirrigeliyo xagjirnimada, laguna huriyo rabshadaha iyo nacaybka.

    Waxa kale oo uu Telegram siiyay muddo 30 maalmood ah si uu hawlihiisa ula waafajiyo shuruucda iyo xeerarka Ciraaq.

    Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya ra’iisul wasaaraha Ciraaq iyo koox maleeshiyaad ah oo awood badan, isla markaana ay taageerto Iran. Xubnaha kooxdaas ayaa si weyn u isticmaala Telegram.

    Barnaamijkan farriimaha la isku dhaafsado waxaa sidoo kale isticmaala hay’adaha dowladda, warbaahinta iyo kooxaha hubeysan ee Ciraaq.

    Telegram oo ka jawaabtay go’aannadan ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin lagu tirtirayo waxyaabaha waxyeellada leh, balse aysan faafreeb ku sameyn doonin saxafiyadda baaritaanka, xorriyadda hadalka ee nabadeed ama baaqyada dibadbaxyada.

    Shirkaddu waxay sheegtay inay qaaday tallaabooyin ballaaran oo looga hortagayo argagixisada, kuwaas oo ka badan waajibaadka sharci ee saaran, si loo ilaaliyo in ka badan hal bilyan oo qof oo isticmaala barnaamijkeeda.

    Warar dheeraad ah

  14. Ayatollah Vahid Khorasani oo geeriyooday

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in Ayatollah Vahid Khorasani, oo ka mid ahaa culimada diinta dalkaas, uu geeriyooday.

    Waxay ay dadiisu ahayd 108 jir ah, geeridiisa ayaana timid ka kaddib markii uu dhowr maalmood ku jiray isbitaal.

    Ayatollah Vahid Khorasan ayaa ka mid ahaa culumada ugu caansan dalka Iran.

  15. Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka: Maraykanku ma oggolaan doono in dagaalka Iran uu isu beddelo dagaal laba sano soconaya

    Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka, JD Vance iyo madaxwayne Trump
    Qoraalka sawirka, Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka, JD Vance iyo madaxwayne Trump

    Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka, JD Vance, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Fox News ku sheegay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uusan oggolaan doonin in dagaalka Iran uu isu beddelo mid laba sano soconaya.

    Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in barnaamijka nukliyeerka Iran uu weli khatar ku yahay Maraykanka.

    “Waxaan shacabka Maraykanka u ballanqaadnay inaanan mar dambe ku lug yeelan doonin dagaallo aan dhammaad lahayn,” ayuu Vance Isniintii ku yiri wareysi uu la yeeshay weriyaha Fox News, Laura Ingraham.

    Wareysiga ayaa la sheegay in la baahin doono fiidnimada Isniinta, waqtiga bariga Maraykanka (EST).

    “Waa run in madaxweynuhu aaminsanaa inay khasab tahay in la burburiyo barnaamijka nukliyeerka Iran, sidoo kalena waa run in barnaamijkaasi khatar ku yahay Maraykanka. Hase yeeshee, ma oggolaan doonno in dagaalkani isu beddelo mid soconaya 10 ama 15 sano, ama xitaa, run ahaantii, laba sano,” ayuu yiri.

    Hadalkiisa Vance ayaa u muuqda inuu tixraacayo muddada labada sano ah ee ka harsan xilliga labaad ee Trump uu xilka hayo.

    Maraykanka iyo Israa’iil ayaa dagaalka Iran bilaabay dabayaaqadii bishii Febraayo. Madaxweyne Donald Trump ayaa intii uu dagaalku socday marar badan sheegay in Iran aan loo oggolaan karin inay hesho hub nukliyeer ah.

    Dhanka kale, Iran ayaa muddo sannado ah ku adkaysanaysay in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid nabadeed, isla markaana aysan doonayn inay samaysato bam nukliyeer ah.

    Hadalka Vance ee ku saabsan dagaalka Iran ayaa yimid maalmo kaddib markii Donald Trump uu sheegay inuu madaxweyne ku-xigeenkiisa u xil saaray inuu diiradda saaro eedeymaha musuqmaasuqa ee ka jira gobollada ay maamulaan Dimuqraadiyiintu, isla markaana uu ka reebay wadaxaajoodyada iyo kormeerka dagaalka Iran.

    Warar dheeraad ah