Sababta ay Yurub uga walaacsan tahay kulan dhex mara Xi, Trump iyo Putin

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa jira walaac, gaar ahaan dalalka Yurub, laga qabo in kulan saddex geesood ah oo ay yeeshaan madaxweynayaasha Shiinaha, Mareykanka iyo Ruushka, Xi Jinping, Donald Trump iyo Vladimir Putin, uu u ekaado shirkii Yalta ee 1945-kii, xilli uu dhammaad ku dhowaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Shirkii Yalta waxaa ka qaybgalay madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas, Franklin D. Roosevelt, ra’iisul wasaarihii hore ee Britain Winston Churchill iyo hoggaamiyihii Midowgii Soofiyeeti Joseph Stalin.
Shirkaas waxaa si weyn loogu dhaliilay go’aanno lagu go’aamiyay mustaqbalka dalal yaryar, iyadoo aan dalalkaasi ka qaybgelin wada-hadallada.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka digay in aan la qaban shir uu ku tilmaamay “Yalta 2, 3 ama 4”, kaas oo lagu qaybsanayo saamaynta iyo awoodda siyaasadeed ee dunida.
Wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay in kulankaasi horseedi karo heshiis laga gaaro mustaqbalka Ukraine, iyadoo aan Kyiv, qayb ka ahayn wada-hadallada.
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegaya in Mareykanka iyo Shiinaha ay wax badan lumin karaan haddii dalalka Yurub laga reebo wada-hadallada.
“Moscow hubaal way soo dhoweyn lahayd arrintaas. Hase yeeshee, Washington iyo Beijing, oo labaduba Yurub u arka saaxiib dhaqaale oo weyn oo muhiim ah, waxay taasi ku noqon lahayd kharash aan loo baahnayn oo aan mudnayn in la galo,” ayay ku qoreen David Abramson iyo Evgeny Roshchin faallo ay u diyaariyeen Xarunta Falanqaynta Siyaasadda Yurub (CEPA).
Warar dheeraad ah


















