Shan dal oo ka mid ah waddamada Yurub ee Soomaalidu iska dhiibto oo dal Afrikaan ah kula heshiiyey inuu qaabilo qaxootiga la soo celinayo

Tahriib
    • Author, Olivia Ireland iyo Bethany Bell
    • Reporting from, Vienna
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Shan waddan oo Midowga Yurub ah ayaa Rwanda ka furi doona xarun lagu masaafuriyo muhaajiriinta sannadka soo socda, taasoo qayb ka ah dadaal ballaaran oo lagu xoojinayo masaafurinta.

Jarmalka, Denmark, Austria, Giriigga iyo Netherlands ayaa la filayaa inay furaan "xarun dadka la soo celinayo " oo diyaar u ah inay aqbasho wareejinta sannadka 2027, sida ay ku dhawaaqeen dowladaha Holland iyo Denmark.

Wadamadu waxay sheegeen in qorshahani uu khuseyn doono muhaajiriinta sharci darrada ku jooga dalalkooda ee laga masaafurinayo, iyadoo dowladda Holland ay ku dartay inay bixin doonto beddel haddii dadka la masaafuriyo aan lagu celin karin waddankoodii asalka ahaa.

Dadka la masaafurinayo waxay awoodi doonaan inay ku biiraan bulshada Rwanda ama ay ku laabtaan waddankoodii hooyo, sida ay yiraahdeen dalalkaas.

Qorshahan wuxuu khuseyn doonaa dadka soo maray dhamaanba dariiqyada sharciga ah si ay ugu sii nagaadaan shanta waddan, si ka duwan heshiiskii Ingiriiska ah ee la baabi'iyay oo la filayay in dadka loo diro Rwanda si dacwadahooda halkaa loogu dhegeysto. Caqabadaha sharciga waxay la macno ahaayeen in heshiiska UK uusan waligiis dhaqan gelin, ugu dambayntiina waxaa jebisay dowladda Xisbiga Shaqaalaha ee Talada la wareegtay sannadka 2024.

Downing Street meesha kama saarin in UK ay ku biirto qorshaha, iyagoo sheegay inay isha ku hayn doonaan.

Shanta waddan ayaa sheegay in qorshaha lagu dirayo muhaajiriinta dibadda uu waafaqsan yahay sharciga Midowga Yurub iyo kan caalamiga ah, laakiin hay'adaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya inay ku xadgudbi karto xuquuqda muhaajiriinta.

Heshiiskan ayaa daba socda dib u habayn dhawaan uu Midowga Yurub sameeyay oo u oggolaatay abuurista xarumo ka baxsan ururka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Shir jaraa'id oo wadajir ah oo ay Isniintii ku qabteen Vienna, Ra'iisul Wasaaraha Austria Christian Stocker ayaa sheegay in shanta waddan ay doonayaan inay yareeyaan nidaamyada magangalyada Yurub iyo inay joojiyaan tahriibiyeyaasha abaabulaya safarrada dhimashada leh ee ka gudbaya Badda Mediterranean-ka.

War qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Netherlands ayaa lagu sheegay in shanta waddan ay "soo celin doonaan ragga keligood ah oo keliya" taas oo qayb ka ah wejiga koowaad ee heshiiska, waxayna intaa ku dartay in Netherlands ay diiradda saarayso "dadka ka soo jeeda waddamada ay Rwanda isku gobolka ku yaallaan".

Marka ay Rwanda yimaadaan, dadku waxay awoodi doonaan inay ku milmaan bulshada, taasoo la macno ah inay heli doonaan xuquuqda degenaanshaha, iyo sidoo kale helitaanka waxbarashada, daryeelka caafimaadka, suuqa shaqada iyo nidaamka sharciga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Rwanda Vincent Biruta ayaa sheegay in waddankiisu ay ka go'an tahay inuu la shaqeeyo bahwadaagta Yurub si loo siiyo "xal ammaan ah, sharci ah oo sharaf leh oo loogu talagalay muhaajiriinta".

Wuxuu intaas ku daray inay sidoo kale ka shaqeyn doonaan "sixitaanka dheelitir la'aanta caalamiga ah ee fursadaha dhaqaale", kaas oo uu ugu yeeray "arrinta ugu muhiimsan ee wadda socdaalka aan caadiga ahayn".

Kahor inta aan la shaacin, ilo diblomaasiyadeed ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in xarunta la filayo inay marka hore u shaqeyso si tijaabo ah, iyadoo martigelinaysa qiyaastii 100 qof, iyadoo mid kasta oo ka mid ah shanta waddan ay u badan tahay inuu diro ilaa 20 muhaajiriin ah.

Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM) ayaa ciyaari karta door kaaliye ah.

"IOM waxay leedahay taariikh dheer oo ah inay gargaar siiso muhaajiriinta xaaladaha safarka ee adag ku jira" ayuu yiri afhayeenka IOM, isagoo intaa ku daray in hay'addu ay wadahadallo kula jirtay qaar ka mid ah waddamada Midowga Yurub "qorshayaasha lagu dhisayo xarumaha soo noqoshada ama qaabab kuwaa la mid ah".

Iyada oo doorashooyinku ay ku soo dhow yihiin dhowr waddan oo Midowga Yurub ah, maamullada waxaa lagu cadaadiyay inay muujiyaan inay xakameyn karaan socdaalka.

Walaaca ku saabsan amniga, mushaakilka dhaqaalaha iyo niyad jabka xisbiyada xukunnada dalalkaas haya ayaa dhammaantood door weyn ka qaatay qaabeynta aragtida dadka ka baxaya dalalkooda hooyo.

Clementine de Montjoye oo ah cilmi baare sare oo ka tirsan Human Rights Watch ayaa sheegay in xulashada Rwanda ay noqon doonto sabab walaac leh maadaama ay lahayd "rikoor si fiican loo diiwaangeliyey oo ah caburinta mucaaradka, xarig aan kala sooc lahayn, si xun ula dhaqanka maxaabiista" iyo taageerada fallaagada hubaysan ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ee deriska la ah.

"Lacag in la siiyo Kigali si ay u martigeliso barnaamijka masaafurinta ma aha oo kaliya inay dhibaato iyo waxyeello u geysan doonto kuwa la masaafuriyo, waxay maalgelin doontaa oo siin doontaa awood siyaasadeed dowlad mas'uul ka ah xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee daran ee gudaha iyo dibadda."

Hay'adda madaxa bannaan ee Midowga Yurub ee Xuquuqda Aasaasiga ah ayaa ku dooday in waddan kasta oo saddexaad oo martigeliya xarun lagu soo celiyo uu "ixtiraamo xuquuqda aasaasiga ah" oo ay ku jirto in dadka aan loo dirin waddan ay ku wajahayaan khatar daran oo cadaadis ah.

Hay'addu sheegtay in carruurta aan lala socon waa in aan loo dirin xarun lagu soo celiyo.

Sida ay sheegtay Hay'adda Ilaalada Xuduudaha iyo Xeebaha ee Yurub, waxaa jiray ku dhawaad 110,000 oo kiis oo ah ka gudbid xuduudeed oo aan sharci ahayn oo lagu galay Midowga Yurub tobankii bilood ee ugu horreeyay sanadka 2026-ka; tiradan ayaa ka dhigan hoos u dhac dhan 29% marka la barbar dhigo sanadkii ka horreeyay.

Bishii Oktoobar waxaa la diiwaangeliyay qiyaastii 18,100 kiis oo xuduud ka gudbid ah, taas oo qiyaastii 6% ka yar tiradii la diiwaangeliyay bishii Oktoobar 2025, balse in 22% ka badan tii bishii Sebtembar; arrintan ayaa inta badan ka dhalatay koror weyn oo ku yimid dadka soo gaaraya iyagoo isticmaalaya waddada Galbeedka Afrika ee ku socda Jasiiradaha Canary.