You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Muxuu salka ku hayaa khilaafka keenay in Muuse Biixi uusan ka qeybgelin kulanka Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye?

  2. Maxaa lagu heshiiyey kulankii qarsoonaa ee Trump iyo Netanyahu?

  3. War deg deg ah, Dhimashada dhulgariirka Japan oo gaadhay 13 qof

    Ra’iisul Wasaaraha Japan, Sanae Takaichi, ayaa sheegtay in 13 qof ay ku dhinteen dhulgariirkii ku dhuftay koonfurta galbeed dalka Japan, iyadoo intaas ku dartay in hawlgallada samatabbixintu ay yihiin “tartan ka dhan ah waqtiga”.

    Hawlgallo samatabbixin ayaa ka socda xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Kumamoto, halkaas oo dad badan ay ku xanniban yihiin.

    Mid ka mid ah goob-joogayaashu ayaa sheegay in dabaqa labaad ee xaruntaasi uu dumay.

    Mas’uul u hadlay dowladda Japan ayaa hore u sheegay BBC-da in dad badan weli lagu la’yahay xarunta ganacsiga iyo warshad kale, kaddib markii ay duntay dhuun-qiiqdii warshadd halkaas ku taalay.

  4. War deg deg ah, Iiraan iyo Maraykanka oo isweydaarsaday weerarro, taas oo soo afjartay hakadkii koobnaa ee colaadda

    Iiraan ayaa ridday dhowr gantaal oo ballistic ah oo ay ku sheegtay “weerar lama filaan ah” oo lagu beegsaday ciidamada Maraykanka ee ku sugan Bariga Dhexe, sida ay sheegeen ciidamada Maraykanka, taas oo soo afjartay xasilloonidii ku-meelgaarka ahayd ee colaadda.

    Weerarkan ayaa dhacay 5:45 galabnimo waqtiga Bariga Maraykanka (21:45 GMT) maalintii Talaadada, waxaana dhammaan gantaalladii “si guul leh ayaa loo qabtay loona burburiyey”, sida uu sheegtay Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM), kaas oo aan shaacin goobaha la beegsaday.

    Dhanka kale, ciidamada Maraykanka iyo kuwa Sacuudiga ayaa duqeymo ku qaaday “argagixisada taageersan Iiraan” ee ku sugan Ciraaq, iyagoo sheegay in ay jawaab u tahay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn (drone) oo Iiraan hagaysay, sida uu sheegay taliska CENTCOM.

    Iiraan weli wax war ah kama soo saarin arrintan. Haddii wararkani sax noqdaan, is-weydaarsiga weerarradu wuxuu soo afjari doonaa hakad kooban oo colaadda u dhexeeyey Maraykanka iyo Iiraan, kaas oo loogu talagalay in dib loogu bilaabo wadaxaajoodyada labada dhinac.

    CENTCOM ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka iyo Sacuudigu ay duqeeyeen “goobo badan oo lagu kaydiyo hubka iyo saadka argagixisada” oo ku yaalla bariga Ciraaq.

    Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay “jawaab adag oo ka dhan ah in ka badan 30 weerar oo diyaarado aan duuliye lahayn ah oo uu hagayey Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) intii lagu jiray 72-kii saacadood ee la soo dhaafay.”

    CENTCOM waxa uu sheegay in ciidamada Iiraan iyo kooxaha ay taageerto ay tahay inay joojiyaan weerarradan si looga baaqsado jawaab milatari oo dheeraad ah oo uga timaadda Maraykanka.

    Hore maalintii Talaadada, Sacuudiga ayaa sheegay in ciidamadiisu ay qabteen oo burburiyeen diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu beegsaday xarumaha shidaalka ee gobolka bari ee dalkaas.

    Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Sacuudiga, Sarreeye Guud Turki Al-Maaliki, ayaa ku eedeeyey maleeshiyaad xiriir la leh Iiraan oo ku sugan dhulka Ciraaq inay ka dambeeyeen weerarradaas.

    Dib u soo cusboonaanshaha colaaddan ayaa imanaya maalin kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu sheegay in wadaxaajoodyo “aad u saaxiibtinimo badan” ay la leeyihiin Iiraan. Xilligaas, labada dhinac saddex maalmood oo xiriir ah iskuma ay qaadin wax weerar ah.

    Xakamaynta iyo marin-u-helidda marin-biyoodka Hormuz ayaa weli ah qodobka ugu weyn ee muranka ka taagan wadaxaajoodyada, inkasta oo Iiraan ay beenisay in wadaxaajoodyo noocaas ahi ayba socdaan.

  5. War deg deg ah, Iiraan iyo Maraykanka oo isweydaarsaday weerarro soo afjaray hakadkii koobnaa ee colaadda

    Iiraan ayaa ridday dhowr gantaal oo ballistic ah oo ay ku sheegtay “weerar lama filaan ah” oo lagu beegsaday ciidamada Maraykanka ee ku sugan Bariga Dhexe, sida ay sheegeen ciidamada Maraykanka, taas oo soo afjartay xasilloonidii ku-meelgaarka ahayd ee colaadda.

    Weerarkan ayaa dhacay 5:45 galabnimo waqtiga Bariga Maraykanka (21:45 GMT) maalintii Talaadada, waxaana dhammaan gantaalladii “si guul leh ayaa loo qabtay loona burburiyey”, sida uu sheegtay Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM), kaas oo aan shaacin goobaha la beegsaday.

    Dhanka kale, ciidamada Maraykanka iyo kuwa Sacuudiga ayaa duqeymo ku qaaday “argagixisada taageersan Iiraan” ee ku sugan Ciraaq, iyagoo sheegay in ay jawaab u tahay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn (drone) oo Iiraan hagaysay, sida uu sheegay taliska CENTCOM.

    Iiraan weli wax war ah kama soo saarin arrintan. Haddii wararkani sax noqdaan, is-weydaarsiga weerarradu wuxuu soo afjari doonaa hakad kooban oo colaadda u dhexeeyey Maraykanka iyo Iiraan, kaas oo loogu talagalay in dib loogu bilaabo wadaxaajoodyada labada dhinac.

    CENTCOM ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka iyo Sacuudigu ay duqeeyeen “goobo badan oo lagu kaydiyo hubka iyo saadka argagixisada” oo ku yaalla bariga Ciraaq.

    Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay “jawaab adag oo ka dhan ah in ka badan 30 weerar oo diyaarado aan duuliye lahayn ah oo uu hagayey Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) intii lagu jiray 72-kii saacadood ee la soo dhaafay.”

    CENTCOM waxa uu sheegay in ciidamada Iiraan iyo kooxaha ay taageerto ay tahay inay joojiyaan weerarradan si looga baaqsado jawaab milatari oo dheeraad ah oo uga timaadda Maraykanka.

    Hore maalintii Talaadada, Sacuudiga ayaa sheegay in ciidamadiisu ay qabteen oo burburiyeen diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu beegsaday xarumaha shidaalka ee gobolka bari ee dalkaas.

    Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Sacuudiga, Sarreeye Guud Turki Al-Maaliki, ayaa ku eedeeyey maleeshiyaad xiriir la leh Iiraan oo ku sugan dhulka Ciraaq inay ka dambeeyeen weerarradaas.

    Dib u soo cusboonaanshaha colaaddan ayaa imanaya maalin kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu sheegay in wadaxaajoodyo “aad u saaxiibtinimo badan” ay la leeyihiin Iiraan. Xilligaas, labada dhinac saddex maalmood oo xiriir ah iskuma ay qaadin wax weerar ah.

    Xakamaynta iyo marin-u-helidda marin-biyoodka Hormuz ayaa weli ah qodobka ugu weyn ee muranka ka taagan wadaxaajoodyada, inkasta oo Iiraan ay beenisay in wadaxaajoodyo noocaas ahi ayba socdaan.

  6. War deg deg ah, Iraan oo qaaday weeraro horleh iyo Taliska Dhexe ee Maraykanka oo ka hadlay

    Daqiiqado kaddib markii la soo sheegay in dhowr gantaal laga soo tuuray gudaha Iiraan kuwaas oo ku wajahnaa Urdun, Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa soo saaray bayaan uu ku xaqiijiyey arrintaas, isagoo sheegay in dhammaan gantaalladii la qabtay lana burburiyey.

    Bayaan uu CENTCOM soo saaray ayaa lagu yidhi:

    “Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa weerar lama filaan ah oo ay ku qaadday ciidamada Maraykanka ee ku sugan Bariga Dhexe ku ridday dhowr gantaal oo nooca ballistic-ga ah.”

    CENTCOM waxa uu sheegay in dhammaan gantaalladii Iiraan “si guul leh loo qabtay loona burburiyey, isla markaana aanu midkoodna gaadhin bartilmaameedkiisii.”

    Warbaahin ku dhow ilo milatari oo Iiraan ah ayaa iyaguna baahiyey warar sheegaya in gantaallo lagu weeraray Urdun. Isla waqtigaasna, warar kala duwan ayaa sheegay in gantaallo laga soo riday Iiraan lagu arkay hawada magaalooyin ku yaalla bartamaha dalka, sida Khumayn.

    Wakaaladda wararka ee Fars, oo ku dhow Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, ayaa qortay:

    “Ilo Carbeed ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay saldhig ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Urdun, kaddib weerarkii gantaallada ee Iiraan.”

    Wakaaladdu waxay sidoo kale sheegtay in nidaamyada difaaca gantaallada ee Patriot ee Maraykanka laga hawlgeliyey gudaha Urdun.

    Dhanka kale, kanaalka Telegram-ka ee Vahid Online ayaa helay farriimo kala duwan oo sheegaya in gantaallo laga soo riday Iiraan lagu arkay hawada magaalooyinka Khumayn, Nahavand iyo Boroujerd.

  7. War deg deg ah, Sacuudiga oo sheegay in lagasoo weeraray dhanka Ciraaq

    Sacuudi Carabiya ayaa Talaadadii ku dhawaaqday in nidaamyadeeda difaaca cirka ay qabteen isla markaana burburiyeen dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo laga soo diray dhulka Ciraaq, kuwaas oo ku wajahnaa xarumaha shidaalka ee ku yaalla Gobolka Bari ee dalkaas.

    Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee Sacuudiga, Turki Al-Maaliki, ayaa ku eedeeyay in diyaaradahaas ay soo direen maleeshiyaad ay Iiraan taageerto oo ka hawlgala Ciraaq.

    Sacuudi Carabiya ayaa isla eedeyntan ku celcelisay maalin ka hor, xilligii weerarrada lagu qaaday xarumaha shidaalka ee Abqayq, hase yeeshee, kooxda Xuuthiyiinta ee Yemen oo ay Iiraan taageerto ayaa markaas sheegatay mas’uuliyadda weerarradaas.

    Wasaaradda Difaaca ee Sacuudiga ayaa, iyadoo adkaynaysa “xuquuqdeeda ay isku difaacayso” kaabeyaasha muhiimka ah ee dalka, sheegtay inay xaq u leedahay inay ka jawaabto weerarradan “waqtiga iyo goobta ay ku habboon tahay.”

    Mas’uuliyiinta Ciraaq ayaa shalay ku dhawaaqay inay baadhitaan ku hayaan dhacdadan, iyagoo carrabka ku adkeeyay in aan loo oggolaan doonin in dhulka Ciraaq loo adeegsado weerarro lagu qaado dalalka deriska la ah.

  8. War deg deg ah, Wasiirada arrimaha dibadda Ukraine iyo Iiraan oo ka wada hadlay weerarkii markab Iiraani ah loogu geystay

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine, Andrii Sibiiha, ayaa Talaadadii shaaciyay inuu khadka taleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraaqi, kaddib markii Tehran ay cambaareysay weerar diyaarado aan duuliye lahayn oo Ukraine ay ku qaadday markab laga leeyahay Iiraan.

    Sibiiha ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay in intii uu socday wada hadalkaasi uu carrabka ku adkeeyay in laga fogaado tallaabooyin hurin kara xiisadda, isla markaana uu Iiraan ugu baaqay inay soo afjarto nooc kasta oo taageero ah oo ay siiso dagaalka uu Ruushku ka wado Ukraine.

    Wuxuu yidhi, “Waxaan adkeeyay in laga fogaado tallaabo kasta oo xiisad abuuri karta, isla markaana la joojiyo dhammaan taageerada loo fidinayo dagaalka uu Ruushku ku hayo Ukraine. Dagaalkani waa sharci-darro waana in la soo afjaraa.”

    Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa isaguna qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay in Andrii Sibiiha uu u xaqiijiyay in weerarka lagu qaaday markabka Iiraan aanu ahayn mid ula kac ah, isla markaana Kyiv aysan doonayn inay xaaladda sii cakirto.

    Caraqji wuxuu intaas ku daray, “Iiraanna ma doonayso inay xaaladda sii huriso, balse waxay carrabka ku adkaynaysaa in weerar kasta oo lagu qaado muwaadiniinteeda ama danaha ay leedahay uu yahay mid aan la aqbali karin, isla markaana khasaaraha ka dhashay la magdhabo.”

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa Axaddii sheegay in weerarka Ukraine ay ku qaaday markab ganacsi oo Iiraan leedahay oo ku sugnaa Badda Caspian, kaas oo uu ku dhintay hal badmaax halka mid kalena uu ku dhaawacmay, “uusan noqon doonin mid jawaab la’aan ku dhammaada.”

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka dalkiisu qaaday ay ahaayeen kuwo lagu difaacayo Ukraine oo keliya kana dhan ah duullaanka Ruushka, isla markaana aysan marna bartilmaameedsan maraakiib rayid ah ama dad rayid ah.

  9. War deg deg ah, Dhulgariir xooggan oo saamayn baaxadleh ku yeeshay Japan

    Hay'adda dab-demiska ee Japan ayaa sheegtay in dad badan ay ku dhex xaniban yihiin xarun ganacsi kaddib dhulgariir ku dhuftay gobolka Kumamoto, iyadoo qof goob-joog ah uu sheegay in dabaqa labaad ee dhismaha uu dumay.

    Mas'uul ka tirsan dowladda Japan ayaa u sheegay BBC-da in weli la la'yahay dad ku sugnaa xarunta ganacsiga, iyo sidoo kale warshad ay ku duntay dhuun dheer oo qiiqa warshaddu ka baxo.

    Dhulgariirka oo Hay'adda Sahanka Juqraafiyeed ee Mareykanka ay ku qiyaastay inuu gaarayay xoogga 6.8 ayaa ku dhuftay gudaha jasiiradda Kyushu saacaddii 4:27 galabnimo ee waqtiga maxalliga ah (07:27 GMT) maalintii Talaadada.

    Tobannaan xarumood oo caafimaad ayaa waxyeello soo gaartay

    Wasaaradda Caafimaadka ee Japan ayaa sheegtay in ugu yaraan 45 xarumood oo caafimaad oo ku yaalla Kumamoto ay waxyeello ka soo gaartay dhulgariirka.

    Ilaa 11:45 habeenimo ee waqtiga maxalliga ah, xarumahaasi waxay la tacaalayeen koronto la'aan, biyo-gelin go'an, iyo waxyeello soo gaartay nidaamyada gaaska caafimaadka.

    Dhulgariirku wuxuu saameeyay magaalooyin iyo degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Kumamoto, kuwaas oo ay ka mid yihiin Uki iyo Hikawa.

  10. War deg deg ah, Iiraan oo qorshe ku meel gaadh ah ka hirgelinaysa Marinka Hormus

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC Somali

    Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Kaazim Ghariibaabaadi, ayaa Talaadadii sheegay in Iiraan ay Cumaan u soo bandhigtay qorshe ku-meel-gaadh ah oo dib loogu furayo Marin-biyoodka Hormus.

    Isagoo la hadlayay telefishinka dowladda Iiraan, wuxuu sheegay in qorshahan uu dhigayo in mid ka mid ah marinnada ay maraakiibtu isticmaalaan uu dhex maro biyaha Iiraan, halka qayb ka mid ah marinka ka soo horjeedana uu isaguna maro biyaha Iiraan.

    Ghariibaabaadi wuxuu intaas ku daray in Tehran ay diidday soo-jeedintii Cumaan ee ahayd in labada waddan si siman loogu qaybsado marinada maraakiibta, maadaama qorshahaas aanu wax ka qabanayn walaacyada amni ee Tehran ilaa laga xaqiijinayo xasillooni waarta oo gobolka ka dhalata.

    Wuxuu sheegay in haddii Muscat ay diiddo soo-jeedinta Iiraan, Marin-biyoodka Hormus uu sii ahaan doono mid xidhan, isagoo carrabka ku adkeeyay in Tehran aysan weligeed aqoonsan marin-biyoodka dhinaca koonfureed ee ku teedsan xeebaha Cumaan.

  11. Xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA oo si adag uga hortimi qorshe ay wado FIFA

    Hay’adda maamusha kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si adag uga hortimid qorshe ay FIFA ka fiirsanayso, kaas oo lagu dhisayo shirkad cusub oo saamiyo ay ku yeelan doonaan maal-gashadeyaal gaar loo leeyahay, si ay u maamusho Koobka Adduunka iyo tartamada kale ee waaweyn.

    UEFA ayaa sheegtay in soo jeedintani ay ka gudubtay xuduuddii la aqbali karay, iyadoo ka digtay in, sida ay hadalka u dhigtay, "ruuxda iyo maamulka kubadda cagtu aysan ahayn hanti la kala iibsado."

    FIFA, dhankeeda, waxay sheegtay in ujeeddada qorshahan ay tahay kor u qaadista iyo horumarinta kubadda cagta caalamka.

    Warkan waxaa markii ugu horreysay baahiyay wargeysyada Financial Times iyo The Times ee London. Wargeyska The Times ayaa sheegay in qorshahan uu suuragal ka dhigi karo in madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, uu helo dakhli gaari kara tobannaan milyan oo doollar.

  12. Aqalka Cad oo ka hadlay siday ku soo dhammaadeen kulamadii Trump la yeeshay Netenyahu iyo Zelensky

    Afhayeenka Aqalka Cad ayaa ku sheegtay in ay soo dhammaadeen kulamadii uu Donald Trump la yeeshay Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky iyo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.

    Afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa daqiiqado ka hor ku qortay barta X:

    "Madaxweyne Trump ayaa soo gabagabeeyay kulamadiisii uu ku yeeshay Xafiiska Oval-ka Madaxweyne Zelensky iyo Ra'iisul Wasaare Netanyahu. Labada kulanba waxay ahaayeen kuwo wanaagsan oo miro-dhal ah."

    Kulammada uu Donald Trump la yeeshay Madaxweyne Volodymyr Zelensky iyo Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu waxay u dhaceen si gooni-gooni ah oo albaabadu u xirnaayeen, balse waxay ahaayee kuwo is xigey.

    Kadib kulammadaas, waxay aadeen Koongareeska Maraykanka si ay uga qayb galaan aas-qaran loo sameeyay Lindsey Graham.

  13. Sawirro: Natenyahu iyo Trump oo kulan ku leh Aqalka Cad

    Wax yar kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, uu gaaray Aqalka Cad, waxaa la baahiyay sawirro muujinaya kulankiisa uu la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

    Sidoo kale waxaa la sii daayay sawirro muujinaya Mudane Netanyahu oo gacan qaadaya Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, halka Wasiirka Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, isna lagu arkayay gadaasha kulanka.

  14. Muxuu jacaylka ugu horreeya u noqdaa mid aan la ilaawi karin?

  15. Xulka Talyaaniga oo loo magacaabay tababare cusub

    Roberto Mancini ayaa markii labaad loo magacaabay tababaraha xulka qaranka Italy, maalin kaddib markii Andrea Pirlo uu ka baxay tartanka loogu jiray xilkaas, halka agaasimaha farsamada Paolo Maldini uu is casilay.

    Gennaro Gattuso ayaa ka tagay xilka tababaraha Italy bishii Abriil, kadib markii xulka Azzurri uu ku guuldareystay inuu u soo baxo Koobka Adduunka markii saddexaad oo xiriir ah.

    Pirlo ayaa loo maleynayay inuu xilka la wareegi doono, balse Isniintii ayuu ka noqday go’aankaas kadib muran ka dhashay xiriirkiisa shirkad khamaar oo Ruush ah.

    “Waxaan aaminsanaa in qofka ugu habboon ee noqon kara tababaraha xulka uu yahay Roberto Mancini,” ayuu yiri madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Italy, Giovanni Malagò.

    Claudio Ranieri, oo Leicester City ku hoggaamiyay ku guuleysiga horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii 2015-16, ayaa beddeli doona Maldini.

    Maldini, oo xilkaas loo magacaabay laba toddobaad ka hor, iyo la-taliyaha Leonardo ayaa is casilay kadib go’aankii ahaa inaan Pirlo loo magacaabin tababaraha.

  16. Wasiirka difaaca Israa’iil oo sheegay halka ay ka duulayeen diyaaraha Maraykanka ee duqaynayey Iiraan

    Wasiirka Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in dagaalkii dhowaan dhacay, diyaaradaha milatariga Mareykanka ay saldhigyo ku yaalla Israa’iil uga isticmaaleen inay weeraraan Iran.

    Israel Katz ayaa intaas ku daray in Iiraaniyiintu ay arrintan ka warqabaan, balse aysan weli weerar ku qaadin Israa’iil.

    “Xaqiiqadu waxay tahay in Iiraaniyiintu hadda weerarro ka wadaan meel kasta oo gobolka ah marka laga reebo hal dal: Israa’iil. Inkastoo arrintaasi ay is beddeli karto saacad gudaheed,” ayuu u sheegay kanaalka Israa’iil ee Channel 14.

    Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad ka hor kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Mudane Katz wuxuu ka digay in Israa’iil ay uga jawaabi doonto “xoog buuxa” haddii Iran ay soo weerarto.

    “Ra’iisul Wasaaraha iyo aniguba waxaan ku dhawaaqnay oo aan si cad u sheegnay in haddii Israa’iill la weeraro, aan uga jawaabi doonno xoog buuxa,” ayuu yiri.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  17. Masaajidkii ugu horeeyay oo laga dhisayo magaalo ku taalla Japan oo muran badan ka dhashay

  18. Dowladda Soomaali oo markii ugu horreysay jawaab ka bixisay warqad furan oo ay Golaha Mustaqbal direen

    Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay jawaab ka bixisay warqad furan oo uu isbahaysiga mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya u diray shirweynaha Kampala ee dhacaya dabayaaqada bishan, kaas oo looga hadli doono mustaqbalka hawlgalka nabad ilaalinta midowga afrika ee Soomaaliya.

    isbahaysiga ugu weyn mucaaradka, ayaa warqad furan oo uu u diray hoggaamiyayaasha wadamada ciidamadoodu joogaan Soomaaliya, ee kamidka ah hawgalka Midowga Afrika, ku booriyay in ajandaha shirkooda ka dhacaya magaalada Kampala ee dalka Uganda ay ku darsadaan, in xoogga la saaro sidii xal loogu heli lahaa khiaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada.

    Wasiir kuxigeenka warfaafinta ee dawladda federaalka Cabdiraxmaan Yuusuf al-Caddaala oo waraysi siiyay BBC-da isaga oo jooga gobolka Mudug ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay, qaabka mucaaradku u qoreen warqaddaasi.

  19. Wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya iyo Soomaaliya oo kulmay kana wadahadlay arrimo dhowr ah

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa Kenya wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Musalia Mudavadi, intii uu socday shirka Golaha Fulinta ee Midowga Afrika ee 49-aad oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

    Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin socdaalka, iskaashiga adeegyada qunsuliyadaha, iyo fududeynta isu socodka shacabka labada dal.

    Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  20. Uganda oo ku dhawaaqday war weyn ka dib 42 maalmood

    Uganda ayaa si rasmi ah looga dhawaaqay in uusan jirin cudurka Ebola kadib markii ay muddo 42 maalmood ah diiwaangelin wayday wax kiis cusub ah.

    Wasaaradda Caafimaadka Uganda ayaa sheegtay in tirinta 42-ka maalmood ay bilaabatay markii bukaankii ugu dambeeyay ee u dhashay Uganda laga sii fasaxay isbitaalka 16-kii Juun.

    Saraakiishu waxay sheegeen in kormeer caafimaad oo la xoojiyay oo laga sameeyay dalka oo dhan aanu muujin wax faafin ah oo cudurku ku yeeshay bulshada muddadaas.

    Guud ahaan waxaa la xaqiijiyay 20 kiis, oo ay ku jiraan laba dhimasho oo soo gaartay laba qof oo u dhashay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, kuwaas oo xadka Uganda uga soo gudbay si ay u helaan daaweyn.

    Dillaacii ugu dambeeyay ee Ebola ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah looga dhawaaqay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo bartamihii bishii May.