You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Masar oo markii ugu horray la beegsaday tan iyo dagaalkii Bariga Dhexe ee Iran

    Dowladda Masar ayaa xaqiijisay in dabkii Arbacadii ka kacay laba markab oo kuwa kaydka gaaskaa qaada ah oo ku sugnaa dekedda Dumyaat ee Badda Mediterranean-ka uu ka dhashay weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drone).

    Drone-ka ayaa la sheegay inuu ku dhacay markabka Energos Winter, oo ay leedahay shirkad Mareykan ah, dabkiina wuxuu ku fiday markabka GasLog Salem, oo ay leedahay shirkad Giriig ah.

    Mas'uuliyiinta Masar ayaa sheegay in dabka la damiyay, wax khasaare naf ahna uusan dhicin, isla markaana dekeddu ay si caadi ah u shaqaynayso. Labada markab ayaa markii dambe ka baxay dekedda.

    Tani waa markii ugu horreysay ee Masar si toos ah loo beegsado tan iyo markii uu billowday dagaalka Iiraan muddo shan bilood ah.

  2. Israa'iil oo Qasa ka dhisaysa xayndaabyo cusub isla markaana barakicinaysa qoysas

  3. Tobannaan Maroodi ah oo la soo werinayo in ay ku dhinteen koonfurta Kenya

    Ugu yaraan 15 maroodi ayaa meydkooda laga helay koonfurta Kenya, meel ka baxsan Beerta Qaranka Amboseli, iyada oo loo maleynayo inay u dhinteen sunta cayayaanka ee lagu buufiyo beeraha.

    Hay'adda Ilaalinta Duurjoogta Kenya (KWS) ayaa sheegtay in baadhitaannada hordhaca ah lagu ogaaday cyanide oo ku jiray muunado laga qaaday maroodiyada. Toban ka mid ah maroodiyada ayaa markii hore laga arkay calaamado xanuun ka hor inta aysan dhiman laba maalmood gudahood, halka shanta kale meyd ahaan loo helay.

    Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in baaritaanku weli socdo, balse aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in si ula kac ah loo sumeeyay. Dhacdadan ayaa walaac ka dhalisay ballaarinta beeraha ku dhow Beerta Amboseli, halkaas oo maroodigu inta badan u galaan si ay cunto iyo biyo uga raadsadaan. Waxaa la sheegay inay tani tahay dhacdadii ugu horreysay ee muddo tobannaan sano ah mar keliya ay ku dhintaan maroodi tiro intaas le'eg ah gobolkaas.

  4. Iiraan oo sheegtay inay diyaarado kasoo ridday Mareykanka

    Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegtay in saddex diyaaradood oo dagaal oo nooca F-35 ah oo Maraykanku leeyahay gebi ahaanba lagu burburiyay, halka saddex kale ay si daran ugu dhaawacmeen weerar gantaallo ah oo lagu qaaday saldhigga cirka ee Al-Azraq ee dalka Urdun. Si kastaba ha ahaatee, sheegashadan weli ma xaqiijin saraakiisha Maraykanka ama Urdun, mana jirto ilo madax-bannaan oo xaqiijisay.

    Waaxda xiriirka dadweynaha ee Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in weerarku uu jawaab u ahaa duqeymo cirka ah oo Maraykanku ku qaaday laba guri oo la degganaa oo ku yaalla Jasiiradda Qeshm. Duqeymahaas ayaa la sheegay inay dileen saddex xubnood oo ka tirsan hal qoys, oo uu ku jiray hal ilmo, isla markaana ay ku dhaawaceen laba carruur ah oo kale.

    Ilaalada Kacaanka ayaa sidoo kale sheegay in hangar lagu rakibo laguna dayactiro diyaaradaha dagaalka oo ku yaalla saldhigga cirka ee Al-Azraq la beegsaday, taas oo ay ku dhinteen dhowr sarkaal oo Maraykan ah iyo xubno ka tirsan shaqaalaha farsamada. Hase yeeshee, lama bixin tirooyin gaar ah ama faahfaahin dheeraad ah.

    Maraykanka ayaa isaguna weli soo saarin wax bayaan rasmi ah oo ku saabsan sheegashada ah in diyaaradaha F-35 la burburiyay ama in ay jiraan wax khasaare naf ah oo soo gaaray ciidamadiisa.

    Warar dheeraad ah:

  5. Yareynta sonkorta ka hor da'da labo sano oo lala xiriiriyo caafimaad maskaxeed oo ka wanaagsan

  6. Hoggaamiyihii mucaaradka Uganda oo ku dhex suuxay maxkamadda xilli 'khiyaano qaran' loo hayto

    Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda Kizza Besigye ayaa la dhigay qeybta daryeelka degdegga ah (ICU) ee isbitaal ku yaalla Kampala, kadib markii uu suuxay xilli ay socotay maxkamadeyntiisa ku aadanayd dacwad khiyaano qaran ah oo kal hore lagu soo oogay.

    Besigye oo 70 jir ah ayaa xabsi ku jiray tan iyo Nofeembar 2024. Wuxuu diiday qareenno ay dowladda u magacawday inay difaacaan, waxaana kaddib markii xanuunku kusoo booday ee si gaar ah uu suuxay, ay ay askarta xabsigu u qaadeen isbitaal.

    Xaaskiisa Winnie Byanyima ayaa sheegtay inuu miyir beelay, uusanna hadli karin.

    Besigye ayaa afar jeer u tartamay xilka madaxweynaha Uganda isagoo la loollamay Madaxweyne Yoweri Museveni, waxaana la sheegay in sanadkii 2024 laga afduubtay Kenya ka hor inta aan dib loogu celin Uganda.

    Kizza Besigye iyo kaaliyihiisa Obeid Lutale ayaa kula xiran xabsi, waxaana lagu soo oogay dacwad ah khiyaano qaran, eedeyntaas oo ay labadooduba beeniyeen.

    Xeer-ilaalintu waxay ku eedeysay inay qorsheynayeen afgambi lagu ridayo dowladda Madaxweyne Yoweri Museveni. Dambiga ah khiyaano qaran ee Uganda waxaa lagu mutaysan karaa xukun dil ah haddii lagu helo.

  7. Pakistan: 10 askari oo boolis ah ayaa lagu dilay weerar ay fuliyeen mintidiin

    Ugu yaraan 10 askari oo ka tirsan booliska Pakistan ayaa lagu dilay weerar ay mintidiin Islaami ahi ku qaadeen saldhig boolis oo ku yaalla degmada Hangu, waqooyi-galbeed ee dalka, meel u dhow xadka Afghanistan.

    Booliska ayaa sheegay in weerarku ku billowday diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo lagu rakibay walxaha qarxa, ka hor inta aysan mintidiintu weerar toos ah ku qaadin saldhigga. Dagaal socday dhowr saacadood kadib, mas'uuliyiintu waxay sheegeen in sidoo kale la dilay 15 ka mid ah weeraryahannadii.

    Cidna weli ma sheegan mas'uuliyadda weerarkan, balse wuxuu imanayaa maalmo uun kadib weerar ismiidaamin ah oo lagu dilay 15 qof, oo ay ku jireen 12 askari, kaas oo ay sheegatay kooxda Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP).

    Pakistan ayaa muddooyinkii u dambeeyay la kulmaysay koror ku yimid weerarrada kooxaha hubeysan ee ka dhaca gobollada ku teedsan xadka Afghanistan, iyadoo Islamabad ay ku eedeyso mintidiinta inay saldhigyo ku leeyihiin Afghanistan, arrintaas oo dowladda Taliban ay beenisay.

  8. War deg deg ah, Reuters: Iiraan oo la filayo inay goor dhaw soo gaaraan nidaamyada difaac cirka ee uu Shiinuhu sameeyo

    Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters waxaa la filayaa in Iiraan ay toddobaadyada soo socda heli doonto shixnaddii ugu horreysay oo nidaamka diifaca cirka ah oo ka kooban ilaa 400 gantaal oo kuwo garabka laga gano ah, kuwaas oo uu soo saaro Shiinaha, sida ay u sheegeen Reuters saddex ilo oo xog-ogaal u ah heshiiska.

    Sida ay ilahaasi sheegeen heshiiskan ayaa qiimahiisu ku kacayaa 60 illaa 70 milyan oo doollar, waxa uuna ka dhigan yahay in Iiraan ay iibsatay 300 illaa 400 nidaam oo ah gantaallada difaaca cirka ee askarta garabka ku qaadaan.

    Ilahaasi waxay intaas ku dareen in heshiiska lala saxiixday shirkadda Zhongqing Baoshang International Investment oo fadhigeedu yahay Hong Kong, taas oo ay sheegeen inay dhex-dhexaadinaysay Iiraan iyo shirkadda Shiinaha ee qalabkaasi soo saarta.

    Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa beenisay warbixinta Reuters, waxa ayna bayaan ay wasaaradda soo saartay ku sheegtay: “Wararka la xiriira arrintan gabi ahaanba waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Shiinuhu wuxuu si joogto ah door uga qaatay dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo soo afjaridda colaadaha”.

    Sii akhri Sheekooyin kale:

  9. War deg deg ah, Masar oo sheegtay in Markab Maraykanka leeyahay oo ku xirnaa dekedda Damiyaad duqeyn lala eegtay

    Dowladda Masar ayaa Khamiistii sheegtay in dabkii ka kacay dekedda Damiyaad maalintii Arbacada uu ka dhashay weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn, taas oo lala eegtay Markab Gaas oo uu leeyahay Maraykanka.

    Tani waa weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaado dhulka Masar tan iyo markii uu billowday dagaalkii u dambeeyay ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iiraan.

    Mas'uuliyiinta Masar ayaa hore u shaaciyay in laba markab oo sida gaaska ay waxyeello ka soo gaartay dabkii ka kacay Arbacadii.

    Shirkadda Kepler, oo dabagasha ganacsiga maraakiibta badda, ayaa sidoo kale sheegtay in dhacdadan ay hakad gelisay howlihii mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee lagu soo dejiyo gaaska dabiiciga ah ee la dareereeyay.

    Weli lama oga cidda ka dambeysay weerarkan, kaas oo dhacay wax yar kaddib markii Iiraan ay gantaallo ku weerartay ciidamada Maraykanka ee ku sugan Urdun, isla markaana Maraykanka iyo Sacuudigu ay duqeymo ka fuliyeen kooxo ay ku eedeeyeen inay Iiraan taageerto oo ku sugan Ciraaq.

    Khamiistan, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa warbixin ay daabacday ku faahfaahisay xog ku saabsan maraakiibtaasi.

    Arbacadii, shirkadda amniga badda ee Ingiriiska ee Embry ayaa sheegtay in qiimeyn hordhac ah ay muujisay in diyaarad aan duuliye lahayn ay ku dhacday markab kaydiya gaaska oo ay leedahay shirkad Maraykan ah, kaas oo ku xirnaa dekedda Damiyaad ee Masar.

    Reuters ayaa sheegtay in dhacdadani ay noqon karto calaamad muujinaysa in colaadaha Bariga Dhexe ay sii fidayaan.

    War kale oo ay soo saartay shirkadda Inchcape Port Services ayaa lagu sheegay in laba markab oo sida gaaska ay dab qabsadeen iyagoo ku sugnaa dekedda Damiyaad.

    Reuters oo soo xiganeysa saddex ilo oo ka tirsan ganacsiga maraakiibta, ayaa sheegtay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ay ku dhacday markabka Energos Winter, taasoo dhalisay dab, dabkaa ayaana markii dambe ku fiday markab kale oo lagu magacaabo Gazlog Selim. Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in laba ilo oo amni ay rumeysan yihiin in weerarka diyaaradda aan duuliyaha lahayn uu ahaa sababta dabka.

    Reuters waxay sheegtay inay xaqiijisay nooca iyo aqoonsiga maraakiibtan iyadoo falanqaysay sawirro laga helay goobta.

    Sida ay Reuters qortay, Energos Winter waa markab sabbeeya oo loogu talagalay kaydinta iyo dib-u-beddelidda gaaska dabiiciga ah, (LNG), waxaana iska leh shirkadda Maraykanka ee Energos Infrastructure.

    Wasaaradda Batroolka ee Masar ayaa Arbacadii war ay soo saartay ku sheegtay in dab uu ka kacay markab lagu kaydiyo laguna beddelo gaaska dabiiciga ah iyo markab kale oo kayd ah oo ku xirnaa dekedda Damiyaad, balse kooxaha gurmadka degdegga ah oo ay ku jiraan dab-demis iyo ciidamada ammaanka ayaa si dhaqso leh u xakameeyay.

    Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in Wasiirka Batroolka ee Masar, Kariim Badawi, uu gaaray goobta si uu u kormeero howlaha gurmadka iyo daminta dabka. Waxay sidoo kale sheegtay in dabku uusan sababin wax dhimasho ama dhaawac ah, isla markaana kooxaha farsamada iyo gurmadka ay weli wadaan baaritaanka sababta dhacdada iyo qiimeynta khasaaraha ka dhashay.

  10. FIFA oo $40 Malyan siinaysa dalkii taageera qorshaheeda muranka leh

  11. Immaaraadka Carabta oo cambaareeyey weerarradii lagu qaaday xarumaha shidaalka Sacuudiga

    Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee laga soo qaaday dhulka Ciraaq, kuwaas oo lagu beegsaday xarumaha shidaalka ee ku yaalla Gobolka Bari ee Boqortooyada Sacuudiga.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in weerarradaasi ay yihiin xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Sacuudiga, isla markaana ay halis ku yihiin amnigiisa iyo xasilloonidiisa.

    Sacuudiga ayaa Talaadadii shaaciyay in xarumihiisa shidaalka lagu qaaday weerarro diyaarado aan duuliye lahayn. Kadibna boqortooyadu waxay si wadajir ah ula fulisay Maraykanka duqeymo lagu beegsaday waxa ay ku tilmaameen "kooxo xiriir la leh Iiraan oo ku sugan Ciraaq." Kooxahaasi ayaa sheegay in duqeymahaas lagu dilay ugu yaraan 20 xubnood oo ka tirsanaa Ciidamada Xoogagga Abaabulka Dadweynaha ee Ciraaq.

    Sii akhri Sheekooyin kale:

  12. Maxay yihiin saddexda hub ee muhiimka ah ee ka dhamaanaya Maraykanka?

    Markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka hadlayay Shir-madaxeedka Difaaca iyo Hal-abuurka ee Pennsylvania horraantii bishan, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen madaxda sare ee qaar ka mid ah shirkadaha difaaca ee ugu waaweyn Mareykanka wuxuuna u sheegay in ay soo-saara hub badan, si degdeg ahna u sameeyaan. Munaasabaddan, Trump wuxuu ku boorriyay shirkadaha difaaca Mareykanka inay u baahan yihiin "xawaare dheeraad ah."

    Maamulka Trump ayaa sidoo kale dhacdadani ku tilmaamay inay qayb ka tahay istiraatiijiyad lagu soo nooleynayo warshadaha Mareykanka, laguna xoojinayo awoodda dagaal ee dalka.

    Dhanka kale, Ilaa hadda, sida ay sheegtay dowladda Mareykanka, dagaalka waxaa ku baxay 37.5 bilyan oo dollar, waxaana qeyb weyn oo ka mid ah qarashkaas lagu bixiyay rasaas.

  13. Daraasad cusub: Faa'iidada ay caruurta u leedahay in laga ilaaliyo sokorta labada sano ee ugu horreysa

    Daraasad cusub ayaa lagu ogaaday caddeymo muujinaya in ilmaha la yareeyo cunista sonkorta ilaa laba sano jirka ay gacan ka geysan karto ilaalinta maskaxdooda tobanaanka sano ee ka dambe.

    Natiijooyinka daraasadda ayaa muujinaya in dadkii yaraantoodii laga ilaaliyey sokorta iyo cuntooyinka macaanka ku badan yahay ay noqdeyn kuwa 23% ay ku yartahay khatarta uu ugu dhici karo cudurka waallida ee maskaxda saameeya.

    Inkastoo daraasaddu aysan bixin karin caddeyn kama dambays ah oo xiriirkaas xaqiijinaya, haddana khubaradu waxay sheegeen in cunista cunto caafimaad leh oo isku dheelitiran ay si guud faa'iido u leedahay caafimaadka maskaxda.

    Sii akhri Sheekooyin kale:

  14. Waa imisa tirada askarta Maraykanka uga dhimatay ama uga dhaawacantay dagaalka Iiraan?

  15. War deg deg ah, IRGC: "Marin-biyoodka Hormuz ma furmi doono inta weerrarada Maraykanku socdaan"

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in marin-biyoodka Hormuz aan dib loo furi doonin inta ay sii socdaan waxa ay ku tilmaameen buunbuuninta, hanjabaadaha iyo faragelinta maamulka Maraykanka ee dhaq-dhaqaaqa maraakiibta badda ee gobolka.

    Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda Iiraan ee IRNA, ciidamada ayaa sheegay in: "Hanjabaadaha iyo faragelintu ay xaaladda ka dhigi doonaan mid sii adkaata oo sii murugsan."

    Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay, iyada oo aan dal gaar ah la magacaabin, in: "Dalalka ka qayb qaata taageeridda cidda gardarrada wada waxay la kulmi doonaan jawaab adag haddii aysan saxin hab-dhaqankooda."

    IRGC waxay intaas ku dareyn in laba markab oo shidaal siday ay xalay isku dayeen inay maraan waddo aan ammaan ahayn oo ku taalla koonfurta marin-biyoodka Hormuz uu dab xooggan ka kacay mid ka mid ah maraakiibtaas ay labaduba si degdeg ah dib ugu laabteen.

    Shalay, taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) aysan lahayn awood ay ku go'aamiyaan waddada ay maraakiibtu u marayaan marin-biyoodka Hormuz.

    Sii akhri Sheekooyin kale:

  16. 'Guusha Netanyahu ee doorashooyinka soo socda waa waxa ay rabaan cadowga Israa'iil' - maqaal lagu daabacay Newsweek

  17. War deg deg ah, Maxaa u baahan tahay inaad ka ogaato doorashada ka dhacaysa maamulka Galmudug?

    Deegaannada Galmudug saaka waxaa ka dhacaya doorashooyinka qof iyo codka ah ee Golaha deegaanka iyo tan wakiillada mamaulkaasi. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariim Axmed oo saaka warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saaaka toddobadii subaxnimo ay furmeyn goobaha cod bixinta.

    Doorashada ayaa loo qorsheeyey in ay ka kala qabsoonto illaa iyo 11 degmo, kuwaas oo laga soo diiwaan galiyey sida uu guddiga doorashooyinku sheegay dad gaaraya 267,420 qof oo la filayo in ay codkooda dhiibtaan.

    Doorashadu waxa ay iskugu jirtaa golaha Wakiillada oo ay ku tartamayaan 12 urur siyaasadeed oo ay iska soo sharraxeyn musharixiin gaareysa 369 musharax, kuwaas oo ku tartamaya 89 kursi, iyo golaha deegaanka waxaa deegannada yaallada kuraas dhan 243 kursi oo ay ku tartamayaan16 urur siyaasadeed, kuwaas oo uu guddiga sheegay in ay ka sharaxan yihiin 924 musharax.

    Galmudug ayaa noqoneysa goobtii 3-aad ee Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya uu ka qabto doorashada qof iyo codka ah, halka ay tahay dowlad-goboleedkii 2-aad ee nidaamkan doorasho lagu hirgeliyo, kaddib maamulka Koonfur Galbeed.

    Maamulka Galmudgu ayaa hore u sheegay in uu jiro manta Bandow guud oo lagu soo rogayo magaalooyinka inta ay doorashada socoto.

    Sii akhri

  18. Axios: Sacuudiga oo doonaya in xiisadda Maraykanka iyo Iiraan la dejiyo, xilli ay weerar wadajir ah qaadeyn

    Warbaahinta Maraykanka ee Axios ayaa sheegtay in kulankii Arbacadii dhexmaray Wasiirka Difaaca Sacuudiga iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maraykanka JD Vance, Amiir Khaalid bin Salmaan uu sheegay in xiisadda la dejiyo, inkastoo Maraykanka iyo Sacuudigu ay si wadajir ah u weerareen maleeshiyaad taageersan Iiraan oo ku sugan Ciraaq, haddana Riyad waxa ay weli taageersan tahay in xiisadda Maraykanka kala dhexeysa Iiraan la yareeyo.

    Axios ayaa intaas ku dartay in ilo xog-ogaal u ahaa kulanka ay sheegeen in ujeeddada kulanka ay ahayd gudbinta farriin uu Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, ku saabsanayd dagaalka Iiraan iyo xaaladda guud ee gobolka Bariga dhexe.

    Talaadadii ayey ahayd markii Sacudiga oo garab ka helay Maraykanka ay weerarro ku qaadayn qeyb kamid ah Ciraaq halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ay Iiraan taageerto.

  19. War deg deg ah, Saddex kamid ah ciidanka dab damiska oo ku geeriyoodaay dabka Keymaha

    Saddex ka mid ah dab-demiyeyaasha Giriigga ayaa ku geeriyooday iyagoo la tacaalaya dababka kaymaha ee ka kacay jasiiradda Kereetee (Crete) iyo gacanka Peloponnese.

    Dabeylo xooggan ayaa sii huriyay ololka dabka Jasiiradda Kereetee, taasoo sababtay in dadka laga daadgureeyo dhowr tuulo.

    Laba dab-demiyeyaal ah ayaa halkaas ku dhintay kaddib markii ay dabku ku go'doomiyeen xilli uu ku fiday gobolka Rethymno ee galbeedka jasiiradda.

    Dhanka kale, dab-demis kale ayaa geeriyooday kaddib markii isagoo miyir beelay laga helay meel u dhow magaalada dekedda ah ee Gytheio, oo ku taalla koonfurta gacanka Peloponnese.

    Mowjaddii afraad ee kulaylaha daran ee xagaagan ayaa ka billowday dalalka Isbaanishka iyo Faransiiska, halkaas oo dab-demiyeyaashu ay ku dadaalayaan inay ka hortagaan in dabab waaweyn oo dhawaan la xakameeyay ay mar kale dib u holcaan.

    Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhowr dab ay ka qarxeen jasiiradda Kereetee, kuwaas oo si xawli ah u fiday. Dabka ugu weyn ayaa ku fiday dhul gaaraya ilaa 15 kiiloomitir.