Kooxda caanka ah BTS oo ka soo horjeestay bandhigga caanka ah Grammy
Kooxda caanka ah ee musigga Pop-ka ee ka dhisan dalka Kuuriyada Koonfureed ee BTS ayaa ku dhowaaqday inaysan heesahooda u tartami doonin Abaalmarinta Grammy ee sannadka 2027.
Warkan ayaa ku soo baxay qoraal isku mid ah oo dhammaan toddobada xubnood ee kooxdu ay si wada jir ah ugu daabaceen bahaooda Instagram-ka.
"Waxaan go'aansannay in aannaan sannadkan ka qaybgalin Abaalmarinta Grammys," ayaa lagu yiri tarjumaadda warsaxaafadeedkooda. "Waxaan rajaynaynaa in musigga loo dhageysto oo loo jeclaado sida uu yahay, halkii loo qaybin lahaa gobol ama luqad."
Kooxda ayaa si weyn looga filayay inay ku tartamaan qaar ka mid ah qaybaha ugu waaweyn ee Grammys, oo uu ka mid yahay Albamka Sannadka, ka dib markii albamkooda cusub ee Arirang uu noqday mid ka mid ah kuwa ugu iibka badan sannadka.
Heesta qaybta ka ah ee Swim, oo noqotay heesta ugu dhegaysiga badan ee dalka Mareykanka, ayaa iyana loo saadaalinayay inay u tartanto Heesta Sannadka.