You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
Waxa kala qabsaday dagaalyahankii CIA-da iyo injineerkii al-shabaab
Bishii November ee sanadkii 2020-kii gawaari kolonyo ah oo ay leedahay hay'adda sirdoonka Mareykanka ee C.I.A ayaa xilli habeennimo ah u baxay si ay usoo fuliyaan howlgal khaas ah oo lagu bartilmaameedsanayay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee Al-Shabaab, balse sidii uu qorshuhu ahaa wax uma dhicin, sida lagu sharraxay maqaal uu qoray wargeyska New York Times.
Kolonyada oo ka baxay Muqdisho ayaa sii maray waddo xeebta barbar socota oo dhanka koonfureed ah, taasoo geyneysa dhulka ay gacanta ku hayaan xoogagga al-shabaab, oo sida uu wargeyskan xusay ka mid ah ururrada mintidiinta ee ugu halista badan qaaradda Afrika.
Tuulo badda dhinaceeda ah ayay gawaarida ku hakadeen, halkaasoo ay uga dageen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ee iskaashanayay, waxayna durbadiiba weerar gaadmo ah ku qaadeen guri ay ku dileen dhowr xubnood oo mintidiinta ka mid ah, sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah.
Laakiin hal nin ayaa ka baxsaday goobtaas wuxuuna islamarkiiba soo laabtay isagoo si xowli ah u kaxeynaya gaari laga buuxiyay walxaha qarxa oo loogu talogalay ismiidaamin, wuuna qarxiyay.
Qaraxaas waxaa ku dhintay saddex Soomaali ah, askari Mareykan ahna dhaawac culus ayaa kasoo gaaray. Wuxuu ahaa Michael Goodboe, oo 54 jir ahaa, ka tirsanaa saraakiisha tababarka khaaska ah leh ee C.I.A-da, horayna ugasoo mid ahaan jiray ciidamada isugu jira kuwa cirka, badda iyo dhulka ee Mareykanka.
Waxaa diyaarad loogu qaaday isbitaal ay militariga Mareykanka ku leeyihiin Jarmalka, balse 17 maalmood kaddib ayuu u geeriyooday dhaawicii.
Geerida Mr. Goodboe waxay ahayd mid ka mid ah kuwa dhifka ah ee Mareykanka Mareykanka kasoo gaara dagaalka dadban ee ay tobanka sano kula jiraan al-shabaab.
Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay dhul-go' ka dhacay kaniisad ku taalla Itoobiya
Dhul-go’ ka dhacay gobolka Amxaarada, gaar ahaan deegaanka Waooyiga Shewa ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 14 qof, halka 7 kale ay ku dhaawacmeen, shan ka mid ahna dhaawacoodu culus yahay.
Shilkan ayaa dhacay subaxnimadii 3-da Agoosto 2026, qiyaastii saacadda 6:00 aroornimo, kaddib roobab xooggan oo habeenkii oo dhan da’ay.
Ku-xigeenka madaxa maamulka deegaanka, Dagnachew Azbite, ayaa u sheegay BBC in dhul-go’gu uu ka dhacay Kaniisadda Tsadqane Maryam Monastery.
"God ka kaniisadda ka sarreeyay ayaa soo dumay kaddib roob culus oo habeenkii oo dhan da’ayay. Dhul-go’gu wuxuu dilay ugu yaraan 14 qof, wuxuuna dhaawacay toddoba kale. Shan ka mid ah dhaawacyada waxaa loo qaaday Isbitaalka magaalada Debre Berhan si loogu daweeyo," ayuu yidhi.
Sida uu sheegay Dagnachew, masiibadu waxay dhacday xilli dad cibaadaysanayay ay ku sugnaayeen kaniisadda.
Trump oo shirkadaha Maraykanka ugu baaqay in ay shidaalka jebiyaan
Madaxweyneha Maraykanka, Donald Trump, ayaa mar kale ugu baaqay shirkadaha shidaalka inay hoos u dhigaan qiimaha shidaalka ee ay bixiyaan macaamiisha Maraykanka.
Isniintii ayaa waxa uu dhaliilay Mike Wirth, maamulaha guud ee shirkadda Chevron, isagoo ku eedeeyay in aanu uga mahadcelin dadaallada maamulkiisa ee lagu taageerayo warshadaha shidaalka intii lagu jiray wareysi telefishan.
Maxay tahay eedda culus ee uu Trump u jeediyay madaxda Iiraan?
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hoggaanka Iiraan ku eedeeyay "laba-wejiilenimo" qoraal uu ku daabacay barta bulshada ee Truth Social.
Trump ayaa qoraalkiisa ku yiri: "Hoggaanka Iiraan wuxuu leeyahay laba waji oo aan la rumaysan karin. Waxay codsadaan kulammo, wada-hadalladna way bilowdeen, waxaana sidoo kale la qorsheeyay kulammo kale oo dhici doona mustaqbalka dhow. Laakiin haddana si cad ayay u sheegaan in aanay wax wada-hadal ah jirin, isla markaana ay wada-xaajood la leeyihiin oo keliya Cummaan."
Trump waxa kale oo ku eedeeyay Iiraan inay mar kale ku celinayso hadalkeedii caadiga ahaa, iyadoo sheegaysa inay si awood leh u maamuli doonto Marinka Hormuz, inkastoo uu sheegay in marinku uu si buuxda gacanta ugu jiro Ciidanka Badda ee Maraykanka iyo go'doomintooda.
Wuxuu intaas ku daray: "Waxba ma gaaraan Iiraan ilaa aan annagu oggolaanno, waxbana ma gaari doonaan ilaa heshiis la gaaro. Haddii Iiraan ay qirato ama ay diiddo, xaqiiqadu waa inaan ka wada hadlayno xallinta dhibaato ay iyagu abuureen tobannaan sano ka hor."
Trump ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay: "Arrintu waa mid aad u fudud: Iiraan waligeed ma yeelan doonto hub nukliyeer."
Baakistaan oo dalkeeda ku casuuntay masuuliyiin u dhashay Iiraan
Isniintii maanta, Raysalwasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Senator Muhammad Ishaq Dar, ayaa ku casuumay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Seyyed Abbas Araqchi, inuu booqasho ku tago Islamabad.
Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan, "labada mas’uul waxay ka wada hadleen horumarrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, oo ay ku jirto xaaladda sii xumaanaysa ee Bariga Qudus ee la haysto."
Bayaanka ayaa intaas ku daray: "Raysalwasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda in uu ku casuumay Wasiir Araqchi in uu booqasho ku tago Pakistan."
Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa fariin uu ku daabacay baraha bulshada ku sheegay in "ciidamada Maraykanku ay sii wadaan hirgelinta si adag ee go'doominta Iiraan."
Hay'addu waxay sheegtay in tan iyo markii uu billowday go'doominta badda ee Iiraan, illaa 3-da Agoosto, CENTCOM ay 44 markab oo ganacsi ku qasabtay inay beddelaan waddadooda, laba markab ay hawlgab ka dhigtay, isla markaana laba kale ay fuushay oo baaritaan ku samaysay.
Xogta shirkadda dabagalka ganacsiga badda ee Kepler ayaa muujinaysa in isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee Marinka Hormuz uu mar kale hoos u dhacay.
Sida ku cad xogta shirkadda, 51 markab ayaa maray marinka intii u dhaxaysay 30-kii Luulyo iyo 2-dii Agoosto.
Tiradani waxay ka dhigan tahay hoos u dhac ku dhow 28 boqolkiiba marka loo eego afartii maalmood ee ka horreysay, xilligaas oo 71 dhaqdhaqaaq oo maraakiib ah laga diiwaangeliyey Marinka Hormuz.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:
Trump: Tani waa fursaddii ugu dambeysay ee Iiraan ay ku saxeexi karto heshiis wanaagsan
Isaga oo maanta kula hadlayay weriyeyaasha xafiiskiisa Aqalka Cad ayaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxa uu sheegay in wada-hadallada lala leeyahay Iiraan ay "haatan socdaan," isagoo carrabka ku adkeeyay in "tani ay tahay fursaddii ugu dambaysay ee ay ku saxeexi karaan heshiis wanaagsan."
Trump wuxuu sheegay in wada-hadalladan ay "ku yimaadeen codsi ay Iiraan ka yimid."
Hadalladan ayaa imanaya xilli Trump uu maanta hoggaanka siyaasadda Iiraan ku eedeeyay "laba-wejiilenimo" isagoo qoraal ku daabacay barta bulshada ee Truth Social.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:
Nin qirtay in uu sanduuq ku qaaday maydka haweeneey la waysanaa kadibna uu geeyay dhismo cidlo ah
Trump: Hoggaamiyeyaasha Iran waxay codsanayaan wada-hadal, haddana waxay sheegayaan in aysan jirin wada-hadal
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku eedeeyay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Iran in ay yihiin "laba-wajiileyaal", hadalkaasna wuxu ku qoray bartiisa bulsho.
Madaxweynaha wuxuu yiri, “"Hoggaanka Iran waa kuwo si aan caadi ahayn u ah laba-wajiile."
Wuxu intaas ku daray madaxweyne Trump, “"Waxay codsadaan kulammo, ama sida dadka qaarkood dhihi karaan, way baryootameen. Wada-hadalladu way bilaabmaan, waxaana la qorsheeyaa kulammo kale oo dhowaan dhaca. Haddana si cad oo faan ah ayay u sheegaan in aysan wax wada-hadal ah jirin, in aan wax laga wada hadlin, isla markaana waxa kaliya ee ay ka welwelsan yihiin ay tahay Cumaan."
Madaxweyne Trump wuxuu kaloo sheegay, “"Waxay weli ku celcelinayaan hadalladoodii caadiga ahaa, iyagoo leh waxay si buuxda u maamuli doonaan Marinka Hormuz, halka uu hadda gebi ahaanba gacanta ugu jiro marinkaas ciidanka badda Maraykanka”
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:
Shisheeye kumanyaal ah ayaa weli ka baxaya Koonfur Afrika kaddib hanjabaado loo jeediyay muhaajiriinta
Kumannaan qof oo ajaanib ah ayaa ka baxay Koonfur Afrika kaddib markii kooxo ka soo horjeeda soogalootiga ay soo saareen hanjabaado, iyagoo dalbaday in dadka si sharci-darro ah ku jooga dalka ay ka baxaan ugu dambayn 30-ka Juun, 2026.
Bilihii la soo dhaafay, bannaanbaxyo looga soo horjeedo muhaajiriinta ayaa ku sii kordhay magaalooyin dhowr ah. Rabshadaha ka dhacay gobollada KwaZulu-Natal iyo Western Cape ayaa sababay dhimashada saddex qof, oo ay ku jireen hal qof oo u dhashay Malawi iyo laba qof oo u dhashay Mozambique.
Dowladda Koonfur Afrika ayaa billowday hawlgal gaar ah oo boolisku fulinayaan si looga hortago rabshado kale, iyadoo sidoo kale ku dhawaaqay tallaabooyin lagu xoojinayo amniga xuduudaha iyo wax ka qabashada dadka dalka ku jooga iyagoo aan haysan dukumentiyo sharci ah.
Iyadoo laga baqayo weeraro ayey boqolaal muhaajiriin ah isugu yimaadeen dibadda xafiisyada waaxda arrimaha gudaha ee Durban, waxayna sugayaan in la celiyo.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:
Uganda oo taallo u dhistay Netanyahu walaalkiis oo ku dhintay howl-galkii samatabbixinta Entebbe
Boqolaal ayaa ka qaxay dagaalka waqooyiga Itoobiya
Boqolaal ka mid ah dadka deggan gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa u qaxay dalka Suudaan kaddib markii dagaallo culus ay ka dhex qarxeen ciidamada dowladda Itoobiya iyo dagaalyahannada Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF.
Sida uu sheegay xubin ka tirsan TPLF, dagaalladu waxay ka billowdeen maalintii Sabtiga deegaanka Shererina, oo ku dhow xadka Suudaan, waxaana la adeegsaday taangiyo iyo diyaarado aan duuliye lahayn. Dagaalkaas ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa kii ugu cuslaa tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye ee 2022.
TPLF waxay ku eedeysay dowladda Itoobiya in ay bilowday waxa ay ku tilmaantay "dagaal furan", iyadoo sheegtay in tallaabadaasi ay jabinayso heshiiskii nabadeed ee ay dhexdhexaadiyeen Midowga Afrika.
Dagaalka labada sano ka socday Waqooyiga Itoobiya ee u dhexeeyay TPLF iyo dowladda federalka ayaa sababay dhimashada boqollaal kun.
Waxaa hadda laga cabsi qabaa in dagaalka xoogeysto maadama aan la fulin heshiiska, iyadoo TPLF ay dib ugu soo laabatay maamulka Tigray kaddib markii ay meesha ka saareen mamulkii kumeel gaarka ahaa ee la sameeyay kaas oo qeyb ka aha xal u helista dagaalka.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:
Ismari-waaga Trump iyo Iran: Balanqaadka sagaalaad ma dhaboobi doonaa? - Wall Street Journal
Militeriga Mareykanka ayaa raadinaya "hab cusub oo aan caadi ahayn" si loo cadaadiyo Iran
Warbaahinta CNN oo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah ayaa sheegtay in ciidamada Maraykanku ay raadinayaan fikrado "Cusub oo aan caadi ahayn" oo lagu cadaadinayo laguna ciqaabayo Iran.
Sida laga soo xigtay mid ka mid ah ilahaasi oo ah sarkaal ka tirsan Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa dhowaan email u diray koox ballaaran oo falanqeeyayaal ciidan ah, isagoo ku yiri, "Waxaan raadineynaa habab cusub oo lagu cadaadiyo laguna ciqaabo Iran."
Ilo kale ayaa CNN-ka u sheegay in Taliska Dhexe ay fahmeen in ay dib u eegaan xeeladahooda dagaalka, sidaas darteedna ay eegayaan dhammaan wixii suuragal ah.
Warbixinta CNN ayaa sidoo kale soo xigatay saraakiil ciidan oo sheegay in habkan fikradaha loogu ururinayo emailada ay yihiin kuwa ku cusub militeriga. Afhayeen u hadlay Taliska Dhexe ayaa bayaan ku sheegay in "Taliska Dhexe uu leeyahay taariikh dheer oo ku saabsan curinta iyo hirgelinta fikrado cusub."
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in taliyaha Taliska Dhexe, Brad Cooper, uu ku dhiirrageliyay dhammaan xubnaha, iyadoon loo eegayn darajadooda ciidan, in ay ka qayb qaataan sidii loo gaari lahaa heerka ugu sarreeya ee hawlgallada.
Mid ka mid ah ilaha ayaa CNN u sheegay, "Ugu dambayn, madaxweynaha Maraykanku wuxuu doonayaa heshiis, sidaas darteed wuxuu si joogto ah u raadinayaa siyaabo uu cadaadis ugu saaro, ugana baxo xaaladdan. Mararka qaarkood waxaad u baahan tahay maskax hal-abuur leh, gaar ahaan marka hababkii caadiga ahaa ay sii dhammaanayaan."
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:
Uganda oo taallo u dhistay Netanyahu walaalkiis oo ku dhintay howl-galkii samatabbixinta Entebbe
Maraakiibta Shiinaha ayaa la siiyay mudnaan gaar ah oo ay ku maraan marin-biyoodka Hormuz iyo Bab al-Mandeb.
Shirkadda Windward ee la socota dhaqdhaaqa maraakiiba iyo howlaha laga shakiyo ee badaha ka dhaca ayaa sheegtay in Xuutiyiinta Yemen ay siiyeen maraakiibta Shiinaha "fursad marin oo ka duwan tan maraakiibta kale" si ay uga gudbaan Bab al-Mandeb.
Xuutiyiintu waxay ku dhawaaqeen xannibaad dhinaca badda ah oo ka dhan ah Sacuudi Carabiya laga soo bilaabo 17-kii Luulyo ee sannadkan.
Sida laga soo xigtay xog ay shirkaddu ururisay, “Badda Cas gudaheeda, 22 markab oo xiriir la leh Shiinaha ayaa ka gudbay Bab al-Mandeb, kuna xirtay dekedaha Sacuudiga intii u dhaxaysay 20-kii Luulyo iyo 2-dii Agoosto, iyada oo aan la soo sheegin hal weerar oo lagu qaaday. Isla muddadaas, Xuutiyiintu waxay weerareen afar markab oo shidaal oo Sacuudigu leeyahay.”
Sida ku cad xogta shirkadda, markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah oo wata calanka Hong Kong ayaa maray marinka Hormuz 30-kii iyo 31-kii Luulyo.
Markabka ayaa markii uu marayay Bab al-Mandeb calaamaddiisa aqoonsiga baddelay oo ku qoray "Shaqaale/Milkiile Shiine ah".
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:
Uganda oo taallo u dhistay Netanyahu walaalkiis oo ku dhintay howl-galkii samatabbixinta Entebbe
Maxay dadka qaar u badalaan lahjadooda ama dhaqankooda marka ay safar ka soo noqdaan?
Ruushka iyo Ukraine ayaa kordhiyay weerarada midba kan kale ku qaadayo
Ruushka iyo Ukraine ayaa dhammaadkii toddobaadka sii waday is-weydaarsiga weerarro culus oo dhimasho iyo dhaawac sababay, iyadoo labada dhinacba ay xoojiyeen duqeymaha lagu beegsanayo magaalooyinka waaweyn, xarumaha tamarta iyo bakhaarrada.
Sabtigii, ugu yaraan sagaal qof ayaa lagu dilay, tobannaan kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarrada Ruushku ku qaaday magaalada Kyiv, sida uu sheegay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.
Dab ayaa ka kacay meelo kala duwan oo magaalada ah, waxaana la sheegayaa in qaybo ka mid ah magaalada ay korontada ka go’day. Duqa magaalada Kyiv, Vitali Klitschko, ayaa sheegay in dhisme la deggan yahay oo ku yaalla degmada Shevchenkivskyi uu qayb ahaan dumay, waxaana la la’yahay dad ku jiray dhismaha.
Dhanka kale, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ayaa Sabtigii quusiyay markab xamuul oo ay leedahay shirkad Ruush ah oo marayay Badda Madow. Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in dhammaan 17-kii shaqaale ee saarnaa markabka si nabad ah loo badbaadiyay.
Weerarrada ayaa sii socday ilaa iyo Axaddii, iyadoo Ukraine ay sheegtay in ay weerarro ku qaaday warshad weyn oo sifeysa shidaalka iyo saldhig diyaaradeed oo ku yaalla gobolka Saratov, halkaas oo ay ku sugan yihiin diyaaradaha Ruushka. Gobolkaasi wuxuu qiyaastii 600 kiiloomitir u jiraa xadka Ukraine.
Ruushka ayaa sheegay in siddeed qof ay ku dhinteen weerarrada Ukraine, isla markaana ay ciidamadoodu soo rideen ama ka hortageen 635 drones ah.
Sidoo kale waxay wasaaradda difaaca Ruushka Axaddii sheegtay in ciidamadeedu ay weerareen laba dekedood oo Ukraine leedahay iyo laba markab oo ku sugnaa Badda Madow.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:
Uganda oo taallo u dhistay Netanyahu walaalkiis oo ku dhintay howl-galkii samatabbixinta Entebbe
UEFA ayaa ku hanjabtay tallaabo sharci ah oo ka dhan ah FIFA oo la xiriirta qorshaha maalgashiga.
Xiriirka kubbadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ku hanjabay in ay qaadi doonaan tallaabo sharci ah kaddib markii laga noqday qorshihii Gianni Infantino ee ahaa in saamiyo ka mid ah tartamada FIFA laga iibiyo maalgashato.
Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ayaa sidoo kale la filayaa in uu warqad u diro Infantino, isagoo kala noqonaya taageeradii hore ee uu u muujiyay.
Xiriirada kubbadda cagta Yurub, Waqooyiga Ameerica, Karabiyaanka iyo UEFA ayaa hore si cad u dhaliilay hoggaanka Infantino iyagoo soo saaray qoraallo ay uga horjeedaan qorshaha maalgashiga.
Wales ayaa maanta oo Isniin ah noqotay dalkii ugu horeeyay ee si cad ugala noqdo taageerada Infantino uu ku sii ahaanayo madaxweynaha.
Infantino wuxuu doonayay in uu sameeyo shirkad ganacsi oo FIFA hoos timaada si ay u maamusho tartamada waa weyn sida Koobka Adduunka iyadoo maalgeliyeyaal shisheeye loo oggolaan lahaa in ay saamiyo ka iibsadaan shirkaddaas.
Sida uu hore u baahiyay wargeyska The Telegraph, UEFA ayaa warqad ay u dirtay Infantino ku sheegtay in ay “si dhab ah uga fiirsanayso in ay qaaddo tallaabo sharci, dacwad garnaqsi ama tallaabooyin anshaxeed kuwaas oo la xiriira qorshaha FIFA.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:
Uganda oo taallo u dhistay Netanyahu walaalkiis oo ku dhintay howl-galkii samatabbixinta Entebbe
Boqollaal qof oo ka qaxay isku dhacyo ka dhacay waqooyiga Itoobiya iyadoo xiisadaha gobolka ay sii kordhayaan
Baqaei: Hadda wax wadahadal ah kulama jirno Mareykanka
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sheegay in hadda aysan jirin wax wadahadal ah oo u socda Iiraan iyo Mareykanka.
Ka dib markii uu ku dhawaaqay in la baajiyay weerar la qorsheeyay, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay sheegay in wadahadallo cusub oo lala yeelanayo Iiraan ay bilaaban doonaan Isniinta.
Esmail Baghaei ayaa sheegay in Tehran ay hadda diiradda saarayso wadahadallada ay la leedahay Cumaan ee ku saabsan Marinka Hormuz, kuwaas oo socday muddo siddeed maalmood ah.
Wuxuu yiri:
"Dadaalkayagu waa inaan sida ugu dhaqsaha badan u go'aaminno marin, annagoo la tashanayna isla markaana la shaqeynayna Cumaan; marin ay u badan tahay inuu noqdo mid ku-meel-gaar ah, kaas oo aan ku xaqiijin karno badqabka maraakiibta isticmaasha Marinka Hormuz."
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sidoo kale ku celiyay hadalkiisii xalay ee ahaa in xiritaanka Marinka Hormuz uu ka dhashay weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil, balse uusan la xiriirin wax khilaaf ah oo kala dhexeeya Cumaan.
Wuxuu sheegay in isfahamka lala gaarayo Cumaan uusan si toos ah uga dhignayn in Marinka Hormuz dib loo furi doono.
"Isfaham laga gaaro waddada maraakiibtu mari doonaan iyo xaqiijinta badqabka gaadiidka badda ee Marinka Hormuz waa shardi muhiim ah oo lagu furi karo marinkan, balse keligiis kuma filna."
Baghaei ayaa sidoo kale sheegay in marinka koonfureed ee ku yaalla biyaha Cumaan, oo hadda ay maraan maraakiibta,"lala xiriirinayo amni-darro ka jirta gobolka isla markaana uu waxyeello u geysanayo danaha qaranka ee Iiraan, sidaas darteed Tehran ma aqbalayso."
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in marinka cusub ee lagu heshiin doono uusan noqon doonin marinka waqooyi ee hadda jira iyo kan koonfureed toona, balse uu noqon doono marin cusub oo ay labada dhinac ku heshiiyaan.
Shalay, Telefishinka Channel 12 ee Israa’iil ayaa, isagoo soo xiganaya laba diblomaasi oo xog-ogaal ah, sheegay in marinka ay Iiraan iyo Cumaan ka wada xaajoonayaan uu yahay marin dhexe, halkaas oo maraakiibtu ay ka soo galaan dhinaca ay Iiraan maamusho, kana baxaan dhinaca ay Cumaan maamusho.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: