You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sidee ayuu ku dhammaan karaa dagaalka Maraykanka iyo Iiraan? Saddex khabiir oo aragtidooda ka dhiibtay
- Author, Alex Boyd
- Published
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Rajada ah in heshiis lagu soo afjaro colaadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan ayaa mar kale u muuqata mid aan suuragal ahayn, iyadoo dhinacyada dagaallamaya ay is-weydaarsanayaan duqeymo iyo hadallo aan wax tanaasul ah lahayn.
Weerarradan ayaa dhacay maalmo kadib markii Maraykanku sheegay inuu u gudbayo marxalad cusub — taas oo ah go'doomin dhaqaale oo ballaaran oo lagu soo rogo Iiraan iyo dalalka ganacsi la sameeya.
Ujeeddada Maraykanku waxay ahayd inuu Iiraan ku qasbo inay miiska wadaxaajoodka timaaddo, isla markaana ay joojiso weerarrada ay ku hayso maraakiibta maraysa Gacanka Hormuz. Marin-biyoodkan muhiimka u ah ganacsiga caalamka ayaa xirmay tan iyo markii Maraykanka iyo Israa'iil ay bilaabeen colaadda bishii Febraayo.
Heshiis Is-afgarad ay labada dhinac saxiixeen bishii Juun, kaas oo loogu talagalay in uu horseedo xabbad-joojin rasmi ah iyo heshiis muddo 60 maalmood gudahood ah, ayaa hadda dhacay oo waqtigiisu dhammaaday.
Iyadoo colaaddani galayso bishii toddobaad, waxaan saddex khabiir weydiinnay aragtidooda ku aaddan sida ay xaaladdu u soo bixi karto.
Maraykanku wuxuu rajaynayaa in cadaadiska milatari iyo kan dhaqaale uu wiiqo awoodda gorgortan ee Iiraan
Jason Campbell, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka Bariga Dhexe, Washington DC.
Dhibaatadu waxay tahay in aynaan weli si dhab ah u ogeyn waxa ay yihiin ujeeddooyinka istiraatiijiyadeed ee Maraykanka ee Iiraan. Aqalka Cad ayaa si joogto ah dib ugu qiimaynaya waxa uu dhinaca siyaasadda diyaar u yahay inuu aqbalo.
Waxaa loo qaatay in qaybta milatari ay ku filnaan doonto in si degdeg ah guul loo gaaro, balse taasi ma aysan keenin natiijadii la filayay.
Waxa aan hadda aragno waa in Maraykanku isku dayayo inuu adeegsado cadaadisyo kala duwan — kuwo milatari iyo kuwo dhaqaale — si uu u gaaro ujeeddooyinkiisa.
Waqtigan xaadirka ah, maamulka Maraykanka wuxuu u muuqdaa inuu ku qanacsan yahay in xaaladdu sida ay tahay loo sii hayo. Waxaan u malaynayaa inay ku qanacsan yihiin in la sii wado go'doominta iyo in waqtiyo kala duwan la beegsado awoodda Iiraan ee ay ku carqaladayn karto marin-biyoodka maraakiibta ee Gacanka Hormuz.
Mas'uuliyiinta Maraykanku waxay rajaynayaan in cunaqabateynaha cusub ay ku filnaan doonaan in lagu qasbo xukuumadda Iiraan inay miiska wadaxaajoodka timaaddo iyadoo ku jirta xaalad gorgortan oo ka daciifsan tii hore.
Ciidamada Maraykanka ayaa maalmahan u muuqda inay suurtageliyeen in xaddi ku filan oo maraakiib ah ay si tartiib ah uga gudbaan Gacanka Hormuz, taas oo ka hortagtay in qiimaha shidaalku si lama filaan ah u kaco ama dhaqaalaha caalamku uu burburo. Balse taasi ma ahayn ujeeddooyinkii Maraykanku lahaa markii uu dagaalka bilaabay.
Aragtidaydu waxay tahay in Iiraan ay u badan tahay inay dalbato qiime siyaasadeed oo aad u sarreeya si xal loo gaaro, taasina waxay u badan tahay inay siyaasad ahaan ku adkaato maamulka Trump inuu aqbalo.
Iiraan waxay sugi doontaa tanaasulaadyo ka yimaada Maraykanka
Dr Aniseh Bassiri Tabrizi, oo ah cilmi-baare ku-xigeen ka tirsan Barnaamijka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee Chatham House, London.
Uma malaynayo in duqeymihii ugu dambeeyay ay si dhab ah wax uga beddeleen xisaabta istiraatiijiyadeed ee Iiraan ee ku aaddan dagaalka. Waxaan u malaynayaa in Tehran ay isu diyaarinayso cadaadis dhaqaale oo sii kordha, iyo in weerarrada is-daba jooga ah ee aan kala joogsi lahayn ay sii socdaan, kuwaas oo aan labadii bilood ee la soo dhaafay aragnay. Ujeeddadoodu waxay noqon doontaa inay weerarradan uga jawaabaan si aan xad-dhaaf ahayn, si looga fogaado in xaaladdu isu beddesho dagaal ka sii ballaaran.
Dhinaca dhaqaalaha, dabcan, tani waxay u badan tahay inay dhaawacdo dhaqaalaha Iiraan, kaas oo durba uu dagaalku saameeyay, isla markaana lahaa dhibaatooyin dhismeed oo salka ku hayay, sida aan ka ognahay dibadbaxyadii ka dhacay Iiraan bilihii Diseembar iyo Janaayo.
Laakiin ma dareemayo in dhinaca Iiraan ay ka jirto aragti ah in cadaadiska dhaqaale uu mustaqbalka dhow wax ka beddeli doono xisaabtooda, oo ay ku jirto mowqifkooda ku aaddan wadaxaajoodka.
Taas macnaheedu ma aha in Iiraan aysan raadinayn waddo ay uga baxdo colaadda, balse waxaan u malaynayaa in waxa aan hadda arkayno ay tahay inay sugayso in Maraykanku dib ugu laabto heshiiskii is-afgaradka, ama ugu yaraan uu bixiyo nooc ka mid ah tanaasul.
Tehran ma doonayso inay u hoggaansanto cadaadiska Maraykanka ama ay wax ka beddesho mowqifkeeda iyadoo ka jawaabaysa cunaqabateynada ama weerarrada dheeraadka ah.
Maraykanku wuu garanayaa waxa uu sameyn lahaa — waa inuu dib ugu laabtaa heshiiskii xabbad-joojinta
Nicholas Hopton, Khabiir Sare oo ku takhasusay amniga caalamiga ah kana tirsan machadka daraasaadka Royal United Services Institute ee London, isla markaana ahaa safiirkii hore ee UK u fadhiyay Iiraan.
Kororka ugu dambeeyay ee tallaabooyinka milatari ma keeni doono in Iiraan is-dhiibto — waa uun isbeddelkii ugu dambeeyay ee xaaladda. Cadaadiska dhaqaale sidoo kale uma badna inuu shaqeeyo, sababtoo ah Shiinaha, Ruushka iyo dalal kale oo badan oo ganacsi la leh Iiraan ma taageeri doonaan cunaqabateynada hal dhinac ah ee Maraykanka.
Iiraan waxay sii wadi kartaa inay carqaladeyso marinka Gacanka Hormuz — waxay gacanta ku haysaa halbowlaha dhaqaalaha caalamka.
Waa maxay qorshaha Aqalka Cad ee uu dagaalka uga bixi karo?
Hagaag, Maraykanku hore ayuu u helay. Haddii Trump uu dadaal joogto ah gelin lahaa wadaxaajoodka heshiiska lagu qeexay MoU-dii bishii Juun, taasi waa waddada looga bixi karo dagaalka.
Heshiisku Maraykanka wuxuu siin lahaa nooc ka mid ah guul, sababtoo ah wuxuu wiiqi lahaa kooxaha mayalka adag ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, sidoo kale wuxuu qof walba u xaqiijin lahaa in Iiraan aysan heli doonin hub nukliyeer ah.
Heshiiska waxaa ku jira qodob aad muhiim u ah, kaas oo ah in dhammaan cunaqabateynada Maraykanka ee Iiraan laga qaado.
Waxa qaadista cunaqabateynadaasi ay muddo ka dib samayn lahayd waa inay wiiqdo awoodda xooggan ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC). Is-dhexgal dhaqaale oo cusub oo dhex mara dunida dibaddeeda iyo Iiraan ayaa si tartiib-tartiib ah u qasbi lahaa isbeddel siyaasadeed iyo bulsho oo weyn — sidaas darteed waxaad ku dambayn lahayd nidaam Islaami ah, balse dabeecad ahaan aad uga duwan.
Dabcan, arrintaasi ma noqon doonto mid si fudud loo gaari karo, sababtoo ah IRGC waxay si weyn ugu dhex milantay dhaqaalaha Iiraan. Laakiin waa inay shaqayso haddii la siiyo waqti ku filan, iyo haddii Maraykanka iyo saaxiibbadiisu muujiyaan dulqaad istiraatiiji ah, taas oo nasiib darro xilligan aad u yar.
Waqtigan xaadirka ah, waxaan u malaynayaa inay sii jiri doonto xaalad jahawareer leh oo aan natiijo cad lahayn, taas oo qof walba u xun.