Maxaa ka jira in dhaawaca Taliye Shub loo qaaday dalka Itoobiya?

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn xalay ka dhacday guri uu magaalada Doolow ee gobolka Gedo ka deggan yahay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ku magac dheer Taliye Shub.

Duqeynta oo la rumeysan yahay in ay geysatay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ayaa gantaal ku dhufatay guriga abbaare 11:45 habeennimo, waxaana halkaasi ku dhaawacmay shan qof oo ay ku jiraan taliyaha iyo xaaskiisa, sida uu BBC-da u sheegay taliye kuxigeenka ciidamada daraawiishta Jubbaland ee gobolka Gedo Cali Xasan Deer (Cali Abshir).

"Lix saac oo dhiman rubuc ayaa waxaa Doolow soo weerartay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah, iyadoo duqeyn u geystay guryo ku yaalla magaalada, si gaar ah waxay u bartilmaameedsatay guri uu dagganaa Janaraal Shub," ayuu yiri taliye Cali.

Warar is khilaafsan oo ka soo baxaya dhaawaca taliye Shub ayaa sheegaya in loo qaaday dalka Itoobiya, hayeeshee waxaa warkaasi beeniyay taliye kuxigeenka daraawiishta Jubaland ee gobolka Gedo oo markii weerarku dhacayay aan ka fogeyn guriga la duqeeyay.

"Janaraal Mahad Doolow ayuu ku sugan yahay waa fiican yahay, wax dhibaato ahna ma qabo, maya taasi ma jirto, dhaawiciisa looma qaadin Itoobiya." Ayuu yiri.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay weerarka ka dhacay degmada Doolow oo ku dhow xadka gobolka Gedo uu la wadaago dalka Itoobiya.

Taliye Shub ayaa la aaminsan yahay in uu kaalin weyn ku leeyahay dagaalka ciidamada Laftagareen ay ka wadaan duleedka magaalada Baydhabo, lamase oga in sababtaas loo bartilmaameedsaday.

Xaaladda haatan ee Baydhabo

Shalay ayaa ugu dambeysay markii magaalada Baydhabo ee gobolka Bay uu ka dhacaydagaal culus oo aroortii ka qarxay bartamaha iyo hareeraha magaalada. Khasaare xoog leh ayaa la soo weriyay oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Illo wareedyo ku dhow Isbitaalka Guud ee Baydhabo ayaa BBC-da u sheegay in dad gaaraya 25 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan la dhigay Isbitaalka.

Maamulkii hore ee Koonfur Galbeed ee Cabdicasiis Laftagareen, ayaa sheegay in iyaga ay duullaan ku qaadeen saldhigyada ciidamada dawladda ee gudaha iyo daafaha magaalada Baydhabo.

Maamulka Cusub ee Koonfur Galbeed ee Aadan Madoobe ayaa iyagana sheegay in iska difaaceen weerar ay ku tilmaameen "in ay si wadajira u soo qaadeen al-Shabaab iyo miliishiyada Laftagareen."

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen - balse isagu sheegay inuu weli yahay madaxweynaha saxda ah ee maamulkaasi - ayaa dhowaan beeniyay in xiriir uu kala dhaxeeyo al-Shabaab kadib markii dowadda federaalka ah iyo maamulka cusub ee Koonfur Galbeed ay ku eedeeyeen wada shaqeyn in ay kala dhaxeyso Shabaab iyo ciidamo isaga taabacsan oo ku sugun duuleedka Baydhabo.

Laftagareen oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dadka reer Koonfur Galbeed ay u adkeysan la'yihin dhibaatada lagu hayo shacabka deegaannadaasi, isla markaana ay doonayaan in ay ka dulqaadaan wax uu ku tilmaamay ciidamo ku soo duulay oo deegaanno kale laga keenay.

Maamulkii uu hogaaminayey Cabdicasiis Laftgareen ayaa bishii Maarso magaalada looga saaray dagaal dhex maray ciidan ay hogaaminayeen siyaasiyiin kasoo hor jeeday xukunkiisa oo garab ka haleyey ciidamada dowladda FS iyo ciidanka isaga taabacsanaa.

Dhanka kale, Sheekh Adan Maxamed Nuur oo ku magac dheer Adan Madoobe ayaa horraantii bishii Juun 2026, baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed u doorteen xilka hugaamiyaha ee dowlad goboleedka sida uu ku dhawaaqay guddoonka baarlmaanka ee dowlad goboleedka.

Sida uu ku dhawaaqay guddoomiyuhu, cod qarsoodi ah oo ay dhiibteen xubnaha baarlamaanka ayuu Aadan helay 88 cod, kaa oo uu ku noqday hugaamiyaha cusub ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed.