Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa amar ku bixiyay in dadka
ajaanibta ah ee ku hawlan ganacsiyada yaryar gaar ahaan iibinta badeecadaha tafaariiqda
ee dalka Kenya ay joojiyaan, isagoo sheegay in dowladda ay qaadi doonto
tallaabooyin lagu ilaalinayo ganacsatada gudaha, lagana hortagayo tartanka aan
caddaaladda ahayn.
Isagoo ka hadlayay kulan uu Arbacadii, 2-dii Sebtembar,
Qasriga Madaxtooyada ee Nairobi kula yeeshay ganacsatada ganacsiyada yaryar,
kuwa dhexdhexaadka ah iyo kuwa waaweyn (MSME), Ruto wuxuu soo hadal qaaday
walaac laga muujiyay in qaar ka mid ah dadka ajaanibta ay dalka ka sameysteen
ganacsiyo ay ku iibiyaan badeecado ay ka mid yihiin bustayaal iyo alaabooyin
kale, taas oo ay si toos ah ugu tartamayaan ganacsatada yaryar iyo kuwa
tafaariiqda iibiya ee gudaha.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in hindise-sharciyeed haatan
horyaalla Baarlamaanka Kenya uu ujeedkiisu yahay in laga hor istaago
muwaadiniinta ajaanibta ah inay ku lug yeeshaan noocyo ganacsi oo gaar ah oo
dalka ka jira.
Wuxuu ugu baaqay ganacsatada iyo daneeyayaasha kale inay ka
doodaan sharciga la soo jeediyay ka hor inta aan la ansixin, si loo hubiyo in
la xiro dhammaan meelaha sharciga ka baxsan ee u oggolaan kara ajaanibta inay
ku lug yeeshaan ganacsiga tafaariiqda iyo ganacsiyada kale ee yaryar.
“Waxaa jira hindise-sharciyeed Baarlamaanka horyaalla oo
qeexaya in ay jiraan qaar ka mid ah hawlaha ganacsi ee aysan ajaanibtu ka
samayn karin Kenya. Sida uu sharcigu dhigayo, waxaan rabaa inaad fariisataan oo
aad ganacsatada kala tashataan, maadaama aan weli la ansixin, si aan u xirno
dhammaan meelaha sharciga ka baxsan si uusan qof Shiinaha ka yimid uga noqon
ganacsade tafaariiqle ah,” ayuu yiri Ruto.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xitaa inta dowladda ay sugayso
in Baarlamaanku ka doodo oo uu ansixiyo sharciga la soo jeediyay, la qaadi
doono tallaabooyin maamul oo lagu wajahayo muwaadiniinta ajaanibta ah ee ka
shaqeeya tafaariiqda iyo ganacsiyada yaryar.