Madaxweynihii hore ee Iiraan oo ku baaqay "in dagaalka la soo afjaro"

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Madaxweynihii hore ee Iraan, Xasan Ruuxaani, ayaa ku baaqay "in dagaalka si sharaf leh loo soo afjaro", wuxuuna sheegay in "dadka qaar ay u muuqato inay neceb yihiin wada-xaajoodyada."

Ka sokow dagaalka Ruuxaani waxa uu sidoo kale dhaliilay sida hogaamiyeyaasha Warbaahinta Qaranka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan, isagoo su'aal geliyey in la gaaray waqtigii "Warbaahinta Qaranka laga dhigi lahaa mid ay wada leeyihiin shacabka Iraan?"

Mar uu ka hadlayey Rooxaani shir uu la yeeshay guddoomiyayaashii gobollada xilligii madaxtinimadiisa ku yiri: "Qof kasta oo doonaya inuu wada xaajood galo ha galo. Waxba kama jiraan cidda mas'uulka ka ah wada xaajoodka; dhammaanteen waa inaan garab istaagnaa."

Wuxuu ku baaqay "in dagaalka si sharaf leh loo soo afjaro," isagoo yiri: "Waa inaan, annagoo raacayna rabitaanka aqlabiyadda shacabka, dagaalka si sharaf leh ku soo afjarnaa, si aan dalka dib ugu dhisno, isla markaana aan uga soo kabanno khasaaraha gaaray".

Waxa uu sidoo kale, dhaliin usoo jeediyey dadka taageersan in dagaalka uu sii socdo, isaga oo yiri: "Kooxda tirada yar ee hadda gacanta ku haysa warbaahinta ee buuqaysa, way ka duwan tahay aqlabiyadda bulshada. Aqlabiyadda si fudud ayaan u garan karnaa".

Xasan Ruuxaani wuxuu sheegay: "Marinka Hormuz waa inuusan noqon marin dagaal. Ma doonayno inaan ka dhigno marin dagaal oo dagaal lagu dhex qaado."

Ruuxaani wuxuu intaas ku daray: "Marinka Hormuz, 2dabcan, waa inuu noqdaa marinkeena oo amni ah, waa inuu noqdaa marin barwaaqo ah. Haddii uusan barwaaqo noqon oo maraakiibtuna aysan dhex marin, maxaan samaynaynaa? Maxay faa'iido leedahay marin aan maraakiib dhex marin"?

Toddobaadyadii u dambeeyay, qaar ka mid ah garabyada dowladda Iraan ayaa dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo Masuud Pezeshkian iyo kooxda wada-xaajoodka. Iraan ayaa sheegtay inay dib u furi doonto Marinka Hormuz oo keliya haddii Maraykanku ku soo laabto heshiiskii.

Ruuxaani ayaa sidoo kale ka digay, in la adkeeyo difaaca "Maanta waxaan ku jirnaa xaalad ay waajib tahay inaan isu diyaarinno difaac. Waxaa dhici karta in cadowgu uusan jilcin. Waxaa dhici karta inuusan cadowgu iman miiska wada-xaajoodka. Taasi waa arrin kale, xaaladdaasna waa inaan adkaysanno".

Markale waxa uu soo hadal qaaday arrinta aargoosiga, isagoo yiri: "Iyadoo laga hadlayo wada-xaajoodka, isla markaana la raadinayo waddo dagaalka lagu soo afjarayo, waxaa soo baxay dad leh marka hore waa inaan aargoosannaa. Waa run in aan aargoosanno, laakiin sidee? Sidee loo fulinayaa aargoosigaas? Asalka dooddu mar walba waa arrinta mudnaanta leh".

Doodda ku saabsan aargoosiga dadka lagu dilay weerarradii Maraykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iraan, oo uu ku jiray hoggaamiyihii hore ee Iraan, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa sii xoogaysatay kaddib markii Mojtaba Khamenei uu farriin qoraal ah oo uu ku mahadcelinayay dadkii ka qaybgalay aaska aabbihii ku yiri: "Waxaan ballanqaadaynaa inaan ka aargoosanno dhiiggiinna daahirka ah iyo dhiigga dhammaan shuhadada labadan dagaal, kuwa dilay ee dambiilayaasha ah ee aan sharafta lahayn. Aargoosigan waa rabitaanka ummaddeenna, waana in si dhab ah loo fuliyaa".

Ruuxaani: "Miyaan Warbaahinta Qaranka Iraan laga dhigi karin mid qaran oo loo dhan yahay"?

Kaddib kulankii dhacay habeenkii Isniinta, Ruuxaani wuxuu sidoo kale si adag u dhaliilay Hay'adda Warbaahinta Qaranka Iran (IRIB).

Wuxuu ku baaqay in IRIB laga dhigo hay'ad si dhab ah ugu adeegta qaranka, isagoo yiri: "Taasi ma waxay ka dhigan tahay in weli ay jirto koox yar oo la ixtiraamo? Aqlabiyadda weli ma bannaanka ayay taagan tahay? Taasi ma waxay ka dhigan tahay inaan IRIB laga dhigin mid qaran oo loo dhan yahay? 12 maalmood kaddib weli ma in la qarameeyo? 40 maalmood kaddib weli ma in la qarameeyo? Ma weli koox gaar ah ayaa meesha ku sii jiri doonta? Madaxweynaha wuxuu leeyahay anigu ma daawado, laakiin yaa daawan kara? Yaa u dulqaadan kara inuu daawado? Yaa awood u leh inuu dhegeysto waxaas?"

Wuxuu sheegay in warbaahintan laga dhigo mid "ay heli karaan dhammaan shacabka Iraan," halkii ay u adeegi lahayd koox kooban oo ka kooban dhowr iyo toban ama dhowr boqol oo qof, kuwaas oo iyagu keliya danaynaya, halka dadka kale aysan xitaa rabin inay daawadaan.

Masuud Pezeshkian ayaa toddobaadyadii u dambeeyay dhowr jeer dhaliilay IRIB, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay sii xoogaysanayeen hadallada ku saabsan qofka noqon doona madaxa xiga ee IRIB.

Bisha Oktoobar ee sanadkan, waxaa dhammaanaya muddada shanta sano ah ee uu guddoomiyaha IRIB hayay Peyman Jebali.

Sida uu dhigayo Dastuurka Iraan, Hoggaamiyaha Sare ee Iraan ayaa si toos ah u magacaaba madaxa Hay'adda Warbaahinta Qaranka Iraan.