Soomaaligii loo beegsaday magaciisa 'Maxamed' dartiis oo geeriyooday iyo kororka walaaca Soomalida Maraykanka

Xigashada Sawirka, Qoyska
Allaha u naxariiistee, waxaa isbitaal ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Maxamd Yuusuf oo ahaa Soomaali darawal ka ahaa gawaarida Uber-ka kaas oo bartamahii Bishan dhaawac daran ka soo gaaray markii qof rakaaba oo uu siday uu weeraray sida ehelkiisu xaqiijiyeen.
Marxuunka ayaa tan iyo maalintaas ku jiray koomo isagoo qabay dhaawacyo halis ah oo ay ka mid yihiin feeraha iyo lugta oo jabay, dhaawac laf-dhabarta ah, sanbabada oo burburay iyo dhiig-bax gudaha ah.
Ninka weerarka ku qaaday Maxamed, ayaa lagu magaacaa Samit Apurva Patel oo 25 jir, Sida ay sheegeen qoyskiisa iyo gal-dacwadeedka maxkamadda.
Eedeysanaha ayaa weydiiyay magaciisa, markii uu u sheegay in la yiraahdo Maxamedna wuxuu yiri "ma jecli magacaas", kadibna wuxuu gadaal kaga ceejiyay suunka gaariga, isagoo kaddibna gaariga ka tuuray dhowr jeer taayirka gaariga jiirsiiyey sida ehelkiisu sheegeen, wuxuu ugu tagay waddada geeskeeda.
Diiwaannada Uber ayaa muujinaya in Yusuf uu Patel ka qaaday meel u dhow baar ku yaalla waqooyi-bari Minneapolis, saacaddu markay ahayd 12:47 habeenimo ee 14-kii November, sida ku cad dacwadda dembiyeedka. Yusuf wuxuu telefoon kula hadlayay walaalkiis oo isaguna darawal ka ahaa Uber, waxaana wicitaanku socday intii ay dhacdadu dhacaysay sida dacwada lagu xusay.
Ehelladu Marxuunka ayaa weerarka ku tilmaamay mid 'nacayb ah'
Ururka Golaha Xiriirka Islaamka iyo Maraykanka ee gobolka Minnesota (CAIR-Minnesota), oo ah ururka ugu weyn dalka ee u dooda xuquuqda madaniga ah ee Muslimiinta, ayaa muujiyay murugo weyn oo ku aaddan geerida Maxamed Yuusuf, oo ku geeriyooday Isbitaalka Hennepin County Medical Center (HCMC), kadib dhaawacyo ka soo gaaray weerar dhacay 14-kii November.
War-saaxafeed ay ururku soo dhigeen bartooda internetka ayaa guddoomiyaha CAIR, Jaylani Xuseen ku yiri.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Alle xagiisa ayaan ka nimid, isaga ayaana u noqonaynaa. Aad ayaan uga murugaysanahay geerida Maxamed Yuusuf. Tani waa dhacdo naxdin iyo xanuun badan ku ah bulshadeenna. Waxaan Alle uga baryaynaa inuu naxariistiisa janno ku abaalmariyo, qoyskiisana samir iyo xoog siiyo. Waxaan sii garab taagnaan doonnaa qoyskiisa iyagoo raadinaya jawaabo iyo caddaalad."
Horaantii bishan, CAIR-Minnesota, ayaa ku biirtay kooxaha bulshada oo ka qaybgalay isu-soo-bax lagu taageerayay Yuusuf, darawalkii Uber-ka ee si arxan darro ah loo weeraray, kadib markii la sheegay in wax laga weydiiyay magaciisa.
CAIR-Minnesota ayaa sidoo kale soo dhoweysay go'aanka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Degmada Hennepin ee ah in Samit Apurva Patel lagu soo oogo isku-day dil oo heerka labaad ah iyo afduub baabuur oo heerka koowaad ah, kuwaas oo la xiriira weerarkii arxan darrada ahaa ee dhacay 14-kii November. Ururku wuxuu sidoo kale ku baaqay in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo suurtagalnimada in weerarka uu salka ku hayay naceyb.

Xigashada Sawirka, Social
Dhacdada weerarka, dhaawaca iyo geerida Maxamed Yuusuf oo 51 sano jir ahaa ayaa kordhisay walaaca Soomaalidu ku nool gobolka Minnesota ka qabaan falalka nacaybka ee sii kordhaya kuwaas oo sii xooggaystay tan iyo markii masuulliyiinta sare ee Maraykanku weeraro adag oo afka ku qaadeen Soomaalida.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa si tiro beela u weeraray Soomaalida ku nool gooblkas isagoo mararka qaar ku sheegay "qashin" iyo erayo kale oo la xiririyey "Musuq maasuq"
Trump ayaa marar badan si fagaare ah ama isagoo qabanayey shirar jaraa'id si cad u weeraray Soomaalida Maraykanka, iyadoo la aaminsanyahay in tallaabooyinka Trump ay kordhiyeen naceybka Soomalaida loo qaaday.
Dadka u dooda xaquuqda aadanaha ayaa muujiyey walaaca ah in hadaladaas oo ay ku tilmaameen kuwo takoor ku ah bulshadaas ay sababi karaan kororka nacaybka.
Eheladda Marxuunka ayaa la filayaa inay hadlaan, sidoo kale dadka kiiska la socday ayaa muujinaya suurtagelnimada ah in kiisku weji cusub yeellanayo kaddib geerida Maxamed.
Eedeysanaha Patel ayaa xabsiga laga sii daayay iyadoo lagu xiray shuruudo, kadib markii uu bixiyay dammaanad dhan 800,000 oo dollar.


























