Faahfaahin ka soo baxaysa burcad markab ku afduubtay xeebaha Yemen

Koox hubeysan ayaa afduubatay markab xamuul ah
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Hay'adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee dalka Ingiriiska oo magaceeda loo soo gaabiyo UKMTO, ayaa sheegtay in rag hubeysan ay la wareegeen markab xamuul ah oo marayay xeebaha koonfureed ee Yemen.

Hay'addu waxay sheegtay in "dad aan fasax u haysan" ay fuuleen markabka, kadibna ay la wareegeen gacan-ku-hayntiisa, meel qiyaastii 120 kiiloomitir u jirta magaalada xeebta ku taalla ee Balhaf.

Dhacdadan ayaa timid xilli ay kordhayeen falalka burcad-badeednimada ee badda, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika, muddadii sanadkii la soo dhaafay.

Isbahaysiga Sacuudiga oo sheegay inuu soo riday gantaallo ay Xuutiyiintu rideen

Yemen colaad aya amuddaba ka taagan

Afhayeenka rasmiga ah ee Isbahaysiga Taageerada Dowladda Yemen, Sarreeye Guuto Turki al-Maliki, ayaa bartiisa X ku sheegay in difaaca cirka ee Sacuudigu uu qabtay oo burburiyay gantaal ballistic ah oo kooxda Xuutiyiintu ku soo rideen gobolka koonfureed ee Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa maanta sheegay inuu soo riday gantaal nooca cruise-ka ah oo lala beegsaday caasimadda Riyad, kadib markii warbaahin xiriir la leh kooxda Xuutiyiinta ay sheegtay in Sacuudigu duqeymo ka fuliyay Yemen.

Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo, ee taageera dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, ayaa marar badan duqeymo cirka ah ka fuliyay deegaannada ay maamusho kooxda Xuutiyiinta oo Iiraan taageerto, tan iyo markii uu dib u soo cusboonaaday dagaalka Yemen.

Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa ku dhowaad maalin kasta weerarro ku qaada Sacuudiga. Weerradaas ayaa horey u beegsaday xarumaha tamarta, garoomada diyaaradaha iyo xarunta dhaqaalaha ee Riyad.

Turki al-Maliki ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in la qabtay lana burburiyay gantaal cruise ah oo uu sheegay inay maleeshiyaadka Xuutiyiinta u soo rideen dhanka Riyad.

Xuutiyiinta oo sheegay in 104 duqeymo iyo weerarro gantaallo ah laga fuliyay Yemen muddo 24 saacadood ah

Xuutiyiinta
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta, Yaxya Sariic, ayaa sheegay in ciidamada Sacuudigu ay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay 104 duqeyn cirka ah iyo weerarro gantaallo ah ka fuliyeen caasimadda Sanca iyo sagaal gobol oo kale oo Yemen ah.

Sariic ayaa bayaan ay baahisay wakaaladda wararka Tasnim ee Iiraan ku sheegay in weerarradu ay beegsadeen goobo uu ku tilmaamay kuwo rayidku isticmaalo, kuwaas oo ku yaalla gobollada Al-Jawf, Taciz, Camraan, Xajja, Sacda, Al-Xudeyda, Laxj, Al-Bayda iyo Al-Dhaali, marka laga soo tago Sanca.

Wuxuu intaa ku daray in duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee noocyada F-15 iyo Typhoon, kuwaas oo ka duulay saldhigyada Khamis Mushait iyo Daa'if, halka weerarrada gantaallada laga soo qaaday gobolka Najraan.

Sariic wuxuu sheegay in weerarrada ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray tobannaan qof oo rayid ah, kuwaas oo badankoodu carruur ahaayeen.

Wuxuu sidoo kale sheegay in tirada guud ee duqeymaha cirka iyo weerarrada gantaallada Sacuudiga tan iyo markii ay xiisaddu bilaabatay ay gaartay 6,038.

.
Qoraalka sawirka, Booyad shidaal

Warbaahinta Yemen ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Sacuudigu ay duqeymo ku qaadeen xarunta korontada ee magaalada Mokha, iyo xarumo iyo haamo loo adeegsado gaadiidka iyo qaybinta gaaska oo ku yaalla gobollada Taciz, Ibb iyo Sanca.