TOOS , Qarax ka dhacay Afghanistan oo ay ku dhinteen 10 arday, in ka badan 100 kalena dhaawacmeen

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay dalka Afghanistan kaas oo ay ku dhinteen 10 arday isla markaana ku dhawaacmeen dad ka badan boqol qof.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Haweeney sixir lagu eedeyay iyo cidda ay u adeegsatay

    .

    "Waxa ay igu qeyliyeen, iyaga oo i leh 'adiga ayaa dilay," Monica Boulos ayaa si kal iyo laab ah u sheegtay wixii ku dhacay markii caafimaadka aabbaheed uu xumaaday ee uu u dhintay xanuun dhanka wadnaha ah, walaalkeed ayaa ku eedeeyay inay dishay iyada oo adeegsaneysa sixir, waxaana loogu hanjabay jidhdil.

    "Naxdin ayay igu ahayd," ayay tidhi Monica. "Dhammaan saaxiibadayda iyo qoyskayga way iga tageen waxayna i dareensiiyeen inaan ahay qof xun. Markii ay i dacweeyeen, waxaan dareemayay in ay i raacday ceeb lixaad leh."

  2. War deg deg ah, Qaraxa ka dhacay Afghanistan oo laga helayo warar hor-leh iyo xogo cusub

    Afghanistan

    Ugu yaraan 10 arday ayaa ku dhintay, 110 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaalla Afghanistan, sida uu BBC-da u sheegay afhayeen.

    Qaraxu wuxuu ka dhacay saaka, xaafadda Anderseir ee magaalada Asadabad, caasimadda gobolka Kunar, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowladda Taliban.

    Abdul Mateen Qani oo qoraal ku baahiyay bartiisa X ayaa sheegay in baaritaannadii hordhaca ahaa ay muujinayaan in qaraxu ka dhashay “dayacaad iyo taxaddar la’aan” ka dhacday bakhaar ay shirkado macdanta qoda ku kaydinayeen walxaha qarxa, kaas oo ku dhowaa goobta.

    Wuxuu intaa ku daray in baaritaanka dhacdadu uu weli socdo.

    Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay carruur dhaawac ah oo baabuur laga soo dejinayo, laguna qaadayo qeybta gargaarka degdegga ah ee isbitaal ku yaalla Asadabad, iyadoo dad badan ay daawanayaan.

    Sawirro laga qaaday gudaha isbitaalka ayaa sidoo kale muujinayay carruur sariiraha isbitaalka jiifta, kuwaas oo madaxyada faashado looga duubay.

    Macdan qodistu waa mid ka mid ah waxyaabaha ay dadka dalkaasi nolosha ka raadsadaan, balse heerarka badbaadada ayaa inta badan hooseeya, taasoo keenta shilal.

  3. Waxyaabaha yaabka leh ee uu sheegay duuliyihii isagoon ogayn Osama Bin Laden ka qaaday Sudan geeyeyna Afqaanistan

    Osama bin Laden

    Tani waa sheekada duulimaad la sheegay inuu Osama bin Laden ka soo qaaday Suudaan kuna geeyay Afgaanistaan.

    Bishii May sanadkii 1996-dii duulimaad ayaa ka duulay Afqaanistaan iyadoo ku sii jeedda Khartuum, oo ah caasimadda Suudaan.

    Wareysi uu BBC siiyay, xilli la xusayay sannad-guuradii 25-aad ee weerarradii 11-kii Sebtembar 2001, ayaa duuliye hore oo ka tirsanaa shirkadda diyaaradaha Ariana Afghan Airlines, Mohammad Omar Afzal, ku sheegay in Osama bin Laden uu saarnaa duulimaadkaas soo baxay Suudaan tagayna Afgaanistaan, balse ma uusan ogayn xilligaas in hoggaamiyaha Al-Qaacida uu ka mid ahaa rakaabka diyaaradda.

    Waxaa xusid mudan in Osama bin Laden uu ahaa hoggaamiyihii ururka xagjirka ah ee Al-Qaacida.

    Waxaa lagu eedeeyay inuu qorsheeyay weerarradii ka dhacay Mareykanka 11-kii Sebtembar 2001. Waxaa lagu dilay howlgal milatari oo Mareykanku ka fuliyay Abbottabad, Pakistan, bishii May 2011.

  4. War deg deg ah, Qarax ka dhacay Afghanistan oo khasaare badan dhaliyay

    .

    Ugu yaraan toddoba carruur ah, laba nin iyo haweeney ayaa ku dhintay, ku dhowaad 100 qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaalla magaalada Asadabad, oo ah caasimadda gobolka Kunar ee bariga Afghanistan.

    Cabdul Matin Qane, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowladda Taliban, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in baaritaannadii hordhaca ahaa ay muujinayaan in qaraxu ka dhashay “dayacaad iyo taxaddar la’aan” ka dhacday bakhaar ay shirkado macdanta qoda ay ku kaydinayeen walxaha qarxa, kaas oo ku dhowaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

    Sida uu sheegay mas’uul maxalli ah, walxaha qarxa waxaa lagu kaydinayay guri ku yaalla magaalada Asadabad. Darbiga guriga ayaa ku dhegganaa iskuul, waxaana qaraxa walxahaasi uu sababay masiibada.

    Samiullah Haqbiyan, afhayeenka Waaxda Warfaafinta iyo Dhaqanka ee gobolka Kunar, ayaa BBC-da u sheegay in qaraxu dhacay abbaaraha 10-ka subaxnimo ee Sabtidii, 27-ka Diseembar, isla markaana uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

    Haqbiyan ayaa sheegay in aan weli la xaqiijin tirada saxda ah ee dadka waxyeelladu soo gaartay.

    Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay kordhi karto, iyagoo intaa ku daray in aan weli si buuxda loo ogeyn faahfaahinta dhacdada iyo sida uu qaraxu u dhacay.

    Warar dheeraad ah

  5. Muxuu yahay baasaboorka cusub ee Soomaaliya yeelanayso, muxuuse uga duwan yahay kuwii hore?

    Socdaalka

    Dawladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday in bisha Diiseembar ee sannad kan 2026 la daabici doono Baasaboor nooc cusub ah oo ay yeelanayso Soomaaliya.

    Boosaboorka cusub ayaa ka kooban sida kuwii horeba seddexda heer ee kala ah kan shaqaalaha, kan diblomaasiyiinta iyo kan caadiga ah.

    Baasaboorka waxaa jaldigiisa iyo gudihiisaba ka muuqda qoraal iyo astaamo muujinaya in Soomaaliya ay kamid tahay wadamada ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika, waxaana loogu safri doonaa sida dallalka kale ee ku jira ururka.

    Agaasimaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya Xuseen Qaasim Yuusuf (Iidow) oo waraysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in horraanta bisha Diiseembar ee sannad kan la bixin doono noocyadii ugu horeeyay ee Baasaboorka cusub.

    "Soomaaliya waxay yeelanaysaa Baasaboor cusub oo casriya, Baasaboorkaas oo waafaqsan nidaamka caalamiga ah ee lagu qiimeeyo, Baasaboorada casriga ah" ayuu yiri Agaasime Xuseen Iidow.

  6. War deg deg ah, Hindiya oo cabsi ka muujisay tallaabooyinka Pakistan ay qaadayso

    Hindiya

    Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Hindiya, Jeneraal NS Rajasubramanian, ayaa sheegay in awoodda Pakistan ee dhinaca hawada sare ay sii kordhayso, iyadoo taageero ka helaysa Shiinaha, isla markaana ay mustaqbalka taageero ka heli karto Turkiga.

    Isagoo Jimcihii ka hadlayay munaasabad, ayuu sheegay in hay’adda hawada sare ee Pakistan, SUPARCO, ay sidoo kale ku howlan tahay xoojinta awooddeeda.

    Jeneraal Rajasubramanian ayaa sheegay in Hindiya ay tahay inay tixgeliso kobaca awoodda Pakistan ee hawada sare marka ay dejinayso istaraatiijiyaddeeda difaaca, maadaama horumarkaasi uu sare u qaadi karo awoodda Pakistan ee xog-ururinta sirdoonka, kormeerka iyo sahanka.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in awoodaha Shiinaha ee dhinacyada sirdoonka, kormeerka, hagidda iyo nidaamyada lagu ogaado goobta iyo waqtiga ay suuragal tahay in Pakistan ay hesho.

    Taliyaha ayaa intaas ku daray in Hindiya ay tahay inay xoojiso awooddeeda difaac, iyadoo arrimahaas tixgelinaysa.

    Wuxuu sheegay in bilowga wejiga saddexaad ee barnaamijka kormeerka hawada sare uu si weyn u kordhin doono awoodda Hindiya.

    Sidoo kale, Hindiya ayaa ka shaqaynaysa sidii ay u horumarin lahayd dayax-gacmeedyo dheeraad ah oo hawada sare loo diri doono, iyadoo arrintaas kala kaashanaysa shirkadaha gaarka loo leeyahay.

    Warar dheeraad ah

  7. War deg deg ah, Xeebaha Yemen oo Markab lagu afduubtay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    .

    Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Britain ayaa sheegtay in koox hubeysan ay afduubteen markab xamuul ah, xilli uu marayay xeebaha koonfureed ee Yemen.

    Hay’addu waxay sheegtay in dad aan la oggolayn ay la wareegeen gacan ku haynta markabka, isla markaana ay dhacdada ku wargelisay hay’adaha ay khuseyso.

    Sida ay sheegtay hay’addu, kooxdan hubeysan ayaa markabka fuulay meel qiyaastii 120 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan deegaanka Balhaf ee Yemen.

    Maraakiibta ku sugan aaggaas ayaa looga digay inay si taxaddar leh u socdaan.

    Tan iyo markii Maraykanka iyo Israa’iil ay bishii Febraayo weerarro ku qaadeen Iiraan, kuwaas oo horseeday dagaalka Bariga Dhexe, maraakiibta ku sugan Jasiiradda Carabta iyo nawaaxigeeda ayaa dhowr jeer la kulmay rasaas is-weydaarsi iyo weerarro aargoosi ah.

    Warar dheeraad ah

  8. War deg deg ah, "Waxaa la i tusay sheydaanka iyo irdaha cadaabta'

    .

    Baadarigii mad-habta katooligga ee geeriyooday Pope Francis ayaa sheegay inuu saddex jeer noloshiisa ku arkay shaydaanka, iyo sidoo kale "albaabada cadaabta" sida lagu sheegay qaybo cusub oo laga soo xigtay xusuus qorkiisa gaarka ah.

    Buugga cinwaankiisu yahay Xusuus qorka Gaarka ah ee Baadari Francis (The Private Diary of Pope Francis) oo la daabacay Talaadadii, ayaa waxaa ku jira qoraal laga qoray sannadkii 2021-kii oo tilmaamaya inuu saddex jeer arkay shaydaanka: mar isagoo gaari saaran, mar kale oo uu ku arkay "goobta heesaaga kaniisadda" intii lagu guda jiray cibaadada, iyo markii saddexaad oo uu ku arkay kulan uu la lahaa mas'uuliyiinta Vatican-ka.

  9. War deg deg ah, Milatariga Israa'iill sheegay in ay dileen saraakiil Xamaas ka tirsan

    .

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay dileen laba xubnood oo ka tirsan Xamaas, kuwaas oo ka shaqaynayay xarun caafimaad oo ay maamusho hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn ee MS oo ku taalla magaalada Gaza.

    Sida uu milatarigu sheegay, labada nin ayaa xarunta ka ahaa ilaalo, midkoodna wuxuu ahaa taliyaha cutub ka tirsan Xamaas.

    Hay’adda MSF ayaa muujisay naxdin iyo murugo ku aaddan dhimashada labada nin, iyadoo sheegtay in weerarku uu si toos ah u saameeyay hawlaheeda.

    War ay ku baahisay barta X ayay hay’addu ku sheegtay in calaamadaha lagu aqoonsado xarunteeda si cad uga muuqdeen dhismayaasha, isla markaana goobta xarunta caafimaadka hore loogu wargeliyay milatariga Israa’iil.

    Hase yeeshee, milatariga Israa’iil ayaa beeniyay inuu bartilmaameedsaday isbitaallo ama uu burburiyay kaabayaasha caafimaadka intii uu howlgalka socday.

    Farriin uu milatarigu ku baahiyay Telegram ayuu ku sheegay in dhacdadani muujinayso waxa uu ku tilmaamay saameynta Xamaas ku leedahay hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Marinka Gaza.

    Dhacdadan ayaa timid iyadoo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas uu weli ka socdo qaybo kala duwan oo Gaza ah, hay’adaha gargaarkuna ay ka digayaan khatarta sii kordheysa ee wajahaysa adeegyada caafimaadka.

    Warar dheeraad ah

  10. Kooxaha jihaad-doonka caalamka sida al-Shabaab ma fashilmeen, mise istaraatijiyaddooda oo keliya ayay beddeleen?

    Alshabaab

    Bariis, baasto, sonkor, saliidda cuntada lagu karsado iyo digir ma aha waxyaabaha aad filayso in lagu arko dacaayadaha kooxaha jihaad doonka ah. Hase yeeshee, agabkan ayaa ka mid ahaa raashin ay garabka Al-Qaacida ee Soomaaliya, Al-Shabaab, sheegtay in hay'ad samafal oo ay leeyihiin ay bishii Agoosto u qaybisay boqollaal qoys oo dhibaatooyin nololeed haystaan.

    Kooxdu waxay gargaarkaas ku baahisay baraha ay bulshada ku wada xiriirto iyo idaacaddeeda.

    Al-Shabaab, oo maamusha qaybo badan oo ka mid ah miyiga koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa sannadka 2026 si weyn u soo bandhigaysay waxa ay ku tilmaamayso hawlaheeda samafalka.

    "Alle ha ka abaalmariyo," ayay tiri haweeney deegaanka ah oo ka dhex muuqatay mid ka mid ah muuqaallada Al-Shabaab.

    Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaalka kooxda ay ku doonayso inay ku kasbato taageerada bulshada deegaanka, isla markaana ay isu muujiso inaysan ahayn oo keliya koox jihaad doon ah.

  11. Imaaraadka Carabta oo loo fasaxay filimada anshax xumada

    .

    Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa go'aansatay in hadda wixii ka billowda filimada loogu talo galay dadka waaweyn aan la xakameyn doonin, markii shaleemooyinka laga sii deynayana shuruud looga dhigi doono oo kaliya in da'da dadka la fiiriyo, qof walba oo 21 jir ah ama ka weynna loo fasixi doono.

    Wasaaradda Dhaqanka, Dhallinyarada iyo Shuruucda Warbaahinta ayaa sheegtay in ilaalinta da'da ee ku asteysan 21 la hirgeliyay laga billaabo 19-kii bsihii December, taasoo ka dhigan in dadka da'daas leh ay daawan garaan filimada aan oo aan waxba laga jarin.

    Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu qeexay in filimada caalamiga ah laga daari doono shaleemooyinka, hase ahaatee aad loo adkeyn doono sharciga da'da, sida uu qoray wargeyska dowladda Imaaraadka.

  12. War deg deg ah, "Guriga qiyaamaha" maxaa keenay arrinkaan yaase ka dambeeya?

    .

    Iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha iyo colaadaha ballaaran ee ka jira meel badan oo adduunka ah ayay shirkadaha dhismaha guryaha waxay bilaabeen inay horumariyaan qorshe ku habboon in la helo aag looga dhuuman karo khatarta ku xeeran.

    Guryahan ayaa loogu talogalay inay dadku helaan guryo ammaan ah oo ay muddo dheer ku noolaadaan, ugana nabad galaan khataraha oo dhan, taas oo ku kacaysa adduun lacag oo malaayiin doolar dhan.

    Warbixintaan oo BBC-du horey u baahisay, iyadoo dhameystiran hoos ka sii akhri.

  13. War deg deg ah, Diyaarado Mareykanku leeyahay oo baallaha isku dhuftay xilli ay duulayeen

    Diyaarad

    Shilkan ayaa dhacay abbaare 5:10 galabnimo waqtiga maxalliga ah ee Jimcihii, xilli labada diyaaradood ay ku sii jeedeen dhabaha ay diyaaraduhu ka duulaan.

    Maamulka Duulista Hawada ee Maraykanka ee Faa, ayaa xaqiijiyay dhacdadan. Shirkadda American Airlines ayaa sheegtay in garabka mid ka mid ah diyaaradaha uu ku dhacay garabka diyaaradda kale, balse aanu jirin qof wax ku noqday.

    Faa, ayaa sheegtay inay baaritaan ku samayn doonto dhacdada.

    American Airlines ayaa intaas ku dartay in labada diyaaradood dib loogu celiyay halkii ay rakaabka ka qaadi lahaayeen, isla markaana shaqada laga joojiyay si kooxaha farsamadu u baaraan.

    Faa, waxay sheegtay in garabka diyaaradda Flight 638 uu ku dhacay garabka diyaaradda Flight 2152, xilli ay ku sii jeedeen dhabaha ay diyaaraduhu ka haadaan.

    Dhacdadan ayaa ka dhacday isla garoonkii ay bishii Janaayo 2025 isku dhaceen diyaarad rakaab ahayd iyo helikobtar milatari oo Maraykanka laga leeyahay, shilkaas oo ay ku dhinteen 67 qof.

  14. War deg deg ah, Xuutiyiinta oo si joogta ah gantaallo ugu weerara Sacuudiga

    Dagaalka Yemen iyo Sacuudiga

    Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa Sabtidii sheegay inuu soo riday gantaal nooca cruise-ka ah oo lagu bartilmaameedsaday caasimadda dalkaas ee Riyad.

    Warkan ayaa soo baxay kaddib markii warbaahinta Xuutiyiinta ay baahisay warar ku saabsan weerarro ay Sacuudigu ka geysteen Yemen.

    Afhayeenka isbahaysiga, Turki al-Maliki, ayaa bartiisa bulshada ee X ku qoray in nidaamka difaaca cirka uu qabtay oo burburiyay gantaal ay Xuutiyiintu ku soo rideen gobolka Riyad.

    Dhanka kale, warbaahin xiriir la leh Xuutiyiinta ayaa horay u sheegtay in siddeed guri iyo saddex dukaan ay waxyeello ka soo gaartay weerar ay ciidamada Sacuudigu ka geysteen xaafadda la deggan yahay ee Bir Abu Shamlah, degmada Tahrir ee magaalada Sanca, isla markaana ay ku dhaawacmeen 13 qof.

  15. War deg deg ah, Degdeg: Xamaas oo ku dhawaaqday inuu fashilmay weerar lagu dili rabay wiilka Khalil al-Hayya

    Gaza

    Xamaas ayaa sheegtay in uu fashilmay isku day ay Israa’iil ku doonaysay inay ku disho Cizzudiin al-Hayya, oo ah wiilka Khalil al-Hayya, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxda.

    Bassem Naim, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas, ayaa sheegay in ciidanka Israa’iil ay waaberigii hore weerar ku qaadeen Cizzudiin al-Hayya iyo qoyskiisa, xilli ay ku sugnaayeen Marinka Gaza.

    Mr Naim ayaa sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen weerarka, balse aanu jirin qof ku dhintay.

    Cizzudiin ayaa ah wiilka keliya ee u nool Khalil al-Hayya. Afartiisa carruur ah ee kale ayaa waxaa dilay ciidamada Israa’iil.

    Hammam, oo mataan la ahaa Cizzudiin al-Hayya, ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil sannadkii 2025 ka fulisay dalka Qadar, taas oo lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyeyaal ka tirsan Xamaas.

    Milatariga Israa’iil ayaan weli ka hadlin warkan.