Ereteriya oo Itoobiya ku eedeysay in ay hooy siiso "dhaqdhaqaaqyo Islaami ah iyo kooxo kacaan-doon ah"

Xigashada Sawirka, AP
Ereteriya ayaa ka jawaabtay hadallo uu Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ka yiri arrimaha Badda Cas iyo xiriirka u dhexeeya labada dal, iyadoo si adag u dhaleeceysay hadalladiisa.
Wasiirka Warfaafinta Ereteriya, Yamane Gebremeskel, ayaa hadallada Abiy Axmed ee ku saabsan Ereteriya, kuwaas oo uu ka jeediyay baarlamaanka, ku tilmaamay "been aan sal iyo raad lahayn iyo xeelado marin-habaabin ah".
Wuxuu sheegay inaan loo baahnayn in si adag looga jawaabo arrinta, maadaama hadallada soo noqnoqday ee ra'iisul wasaaruhu ay yihiin been, dacaayad naceyb hurin ah iyo xeelado lagu marin-habaabinayo dadka.
"Arrintani waa aflagaaddo dhaawacaysa qalbiyada shacabka Itoobiya. Beenta iyo marin-habaabintu ma sii jiri doonaan muddo dheer, dhammaadkoodana waa la arki doonaa," ayuu yiri wasiirku.
Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa dhowaan khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka ku sheegay inuu Ereteriya ka doonayo laba arrimood.
Tan koowaad, ayuu yiri, waa inay joojiso hubaynta cadowga Itoobiya, inay noqoto marin hub lagu soo tahriibiyo, iyo inay iskaashi la yeelato cadowga Itoobiya.
Tan labaadna waa in labada dal ay iska kaashadaan horumar ay wadaagaan.
" Haddii ay nabad rabaan, Badda Cas ayaa nagu filan. Waan wada isticmaali karnaa.
Wax qiimo ah ma leh in la yiraahdo ma isticmaali doontaan hal kiiloomitir oo waddo laami ah ayaadna isticmaalin muddo 30 sano ah," ayuu yiri Abiy Axmed.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Iyagunaha ka faa'iideystaan, annaguna aan ka wada faa'iideysanno," ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya aysan weerari doonin Ereteriya si ay u hesho marin ay badda ku gaarto.
"Ma doonayno duullaan. Waxaan rabnaa in waddada nabadeed ay guuleysato. Dowladda Eritrea waa inay arrintan ogaataa," ayuu yiri.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu muujiyay kalsooni ah in danaha Itoobiya ay mustaqbalka fog rumoobi doonaan.
Dhanka kale, wasiirka warfaafinta Ereteriya, Yamane GebraMasqal, ayaa eedeyn kale u jeediyay dowladda Itoobiya, isagoo ku eedeeyay inay taageerto kooxaha mucaaradka Eritrea.
Mas'uuliyiinta dowladda Eritrea ayaa inta badan ka gaabsada inay si cad uga hadlaan jiritaanka mucaaradka gudaha dalkaas.
Hase yeeshee, Yamane ayaa ka jawaabay digniintii Abiy, isagoo ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay hoy siiso hubna siiso kooxo mucaarad ah oo Eritrean ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ururka Dimuqraadiga Canfarta Badda Cas, dhaqdhaqaaqyo Islaami ah iyo kooxo kacaan-doon ah.
Dhankiisa, Abiy ayaa hadalkiisa ku sheegay in haddii Jabhadda Xoraynta Shacabka Eritrea ay sii wado waxa uu ku tilmaamay "khaladaad aan laga soo kaban karin" marka laga eego aragtida Itoobiya, khatarta ka dhalan karta ay dib ugu noqon doonto Ereteriya.

Xigashada Sawirka, Yemane G. Meskel
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dadaalladii ay Itoobiya ku doonaysay inay Eritrea kala shaqeyso horumarinta dhaqaalaha, korontada, waddooyinka iyo dekedaha ay fashilmeen, kaddib markii dowladda Ereteriya ay diidday soo jeedintaas.
Abiy ayaa ku eedeeyay dowladda Eritrea inaysan danaynayn horumarinta dalka, taasoo caro ka dhalisay Asmara.
Dhankiisa, wasiirka warfaafinta Ereteriya, Yamane GebraMasqal, ayaa ku eedeeyay Itoobiya inay ku tiirsan tahay gargaar shisheeye, isagoo sheegay inay heshay tobannaan bilyan oo doollar oo taageero ah, oo ay ku jirto lacag uu sheegay inay Imaaraadka ka heshay. Waxa uu sidoo kale sheegay in boqolkiiba 70 dadka Itoobiya ay ku nool yihiin saboolnimo daran, balse ma uusan soo bandhigin caddeyn taageeraysa tiradaas.
BBC-da ma aysan helin ilo la xaqiijiyay oo taageeraya tirooyinka uu xusay mas'uulka Eritrea.
Dhanka kale, dhaqaalaha Eritrea ayaa hoos u dhacayay muddo ku dhow 30 sano, inkastoo dakhliga macdanta uu sannadihii dambe soo hagaagay. Horumarkaasi ma sii waarin, iyadoo ay jiraan caqabado ka dhashay siyaasadaha dowladda.
Kaabayaasha dhaqaalaha dalka, gaar ahaan waddooyinka iyo biyaha la cabbo, ayaa xaalad liidata ku jira. Waddooyinka caasimadda Asmara iyo dekedaha Massawa iyo Assab ayaa sidoo kale dayactir u baahan.
Dowladda Eritrea ayaa qiyaastii sannadkii 2004 go'aansatay inay dalka ka saarto hay'adaha gargaarka caalamiga ah, taasoo xaddiday gaarsiinta gargaarka bani'aadannimo.























