Xoghayaha Maaliyadda ee Mareykanka: Waxaan la soconnaa hantida IRGC ee caalamka oo dhan
Wasiirka Maaliyadda Maraykanka ayaa sheegay in cid kasta oo ganacsi la samaysa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ay wajihi doonto cunaqabateyn.
Hadalkan ayuu ka sheegay shirka G20 ee wasiirrada maaliyadda iyo madaxda bangiyada dhexe oo ka dhacay Asheville, North Carolina.
“Waxay noqon karaan hay’ado kala duwan. Waxaa ka mid noqon kara shirkado kireeya diyaaradaha oo aan baaritaan ku samayn doonno. Waxay noqon karaan cid kasta oo ganacsi la samaysa IRGC. Waxaan raadraacaynaa hantida IRGC,” ayuu yiri.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Maraykanku “aanu wax dulqaad ah u yeelan doonin, isla markaana uu dhaqaale ahaan nidaamkan jilbaha dhulka dhigi doono.”
Wuxuu sidoo kale digniin u diray hoggaanka militariga Iran:“Waxaan ognahay akoonnadiinna iyo halka ay ku jiraan, oo ay ku jiraan shirkadaha kalsoonida ee British Virgin Islands. Waxaan ognahay guryaha qiimahoodu yahay $100 milyan ee aad ku leedahiin meelo kala duwan oo dunida ah, waxaana doonaynaa inaan xannibno hantidaas.”
Mr Besant ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanku “si gaar ah” ugala hadlay Shiinaha sidii looga hortagi lahaa in Iran ay hesho hubka nukliyeerka iyo sidii loo ilaalin lahaa xorriyadda maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz.
Wasiirka Maaliyadda Maraykanka ayaa sheegay in maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doono cunaqabateyn ka dhan ah bangi, taas oo qayb ka ah qorshaha lagu kordhinayo cadaadiska dhaqaale ee Iran.
Tallaabadii ugu horreysay ee cunaqabateynta bangiyada, Maraykanka ayaa dhowr maalmood ka hor cunaqabateyn saaray laamaha Bank Masart ee ku yaalla Imaaraadka Carabta.