Soomaaliya oo soo dhaweysay go'aanka cusub ee Mareykanku ka qaatay howlgalka milatari ee dalka

Xigashada Sawirka, BBC/Ed Habershon
Dowladda Soomaaliya ayaa Isniintii soo dhaweysay go'aanka Mareykanka uu dib ugu bilaabayo taageerada howlgalka milatari ee caalamiga ah ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaddib markii uu hore u jaray dhaqaalihii uu siin jiray howlgalka, taasoo halis gelisay sii socoshadiisa.
Dowladda Soomaaliya ayaa Mareykanka ugu mahadcelisay inay dib u cusboonaysiisay maalgelinta, iyadoo ku tilmaantay Mareykanka "saaxiib aan leexleexad lahayn".
Waxay sheegtay in go'aankaasi uu xoojinayo iskaashiga muddada dheer ee Soomaaliya iyo Mareykanka ee dagaalka wadajirka ah ee ka dhanka ah argagixisada.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada Soomaaliya ay si tartiib ah ula wareegayaan mas'uuliyadda howlgalada milatari ee ay hore u hoggaaminayeen ciidamada caalamiga ah, isla markaana "magaalooyinka waaweyn badankood iyo qaybo badan oo Soomaaliya ka mid ah ay hadda ka jiraan nabad iyo xasillooni ka wanaagsan sidii hore".
Mareykanka ayaa horay u joojiyay maalgelinta Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), kaasoo taageero dhinaca saadka ah siiya howlgalka milatari ee Midowga Afrika. Washington ayaa sidoo kale xafiiska siisay illaa dhammaadka sannadka 2027 si uu gebi ahaanba u soo afjaro shaqadiisa.
Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida ayaa muddo labaatan sano ah dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya. Kooxdu weli waxay maamushaa dhul ballaaran oo ku yaalla bartamaha dalka, inkastoo uu jiro howlgalka milatari ee Midowga Afrika. Howlgalkaasna waxaa adkaan lahayd inuu sii socdo haddii uusan helin taageerada UNSOS.
S ida ay qortay wakaalada wararka ee AFP, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in, kaddib qiimeyn, Washington ay go'aansatay inay taageerto muddo hal sano ah oo lagu kordhinayo waajibaadka UNSOS iyo Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Diblomaasi ajnabi ah oo ka shaqeeya arrimaha Soomaaliya, kana hadlay wakaaladda wararka ee AFP, ayaa sheegay in dib u soo laabashada taageerada Mareykanku tahay arrin wanaagsan, balse isbeddellada degdegga ah ee siyaasadda Washington uu ku tilmaamay kuwo aan macquul ahayn.
Diblomaasiga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, maadaama uusan awood u lahayn inuu si rasmi ah uga hadlo arrintan, ayaa la yaab ka muujiyay in Mareykanku uusan ka faa'iidaysan ballanqaadka maalgelinta cusub si uu cadaadis ugu saaro dowladda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in xiisadaha siyaasadeed ee dhowaan dalka ka dhacay ay wiiqayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isku dayay inuu dalka u jiheeyo doorashooyin dimuqraadi ah oo buuxa, balse tallaabo uu bishii March ku meel mariyay wax ka beddelka dastuurka, taasoo muddo hal sano ah u kordhisay xilkiisa, ayaa dhalisay iska horimaadyo rabshado wata oo dhex maray dowladda iyo mucaaradka.
Toddobaadkii hore ayuu xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, xilli maxkamaddu isu diyaarinaysay inay sharci-darro ku tilmaanto muddo-kordhinta xilkiisa.
Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo wajahaya caqabado

Xigashada Sawirka, AFP
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kooxda al-Shabab ayaa bishii hore sheegatay inay weerar gaadmo ah ku dishay boqollaal askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya. Weerarkaas ayaa suuragal ah inuu ka mid yahay kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxdu sannadihii u dambeeyay fuliso, inkastoo dowladda aysan shaacin tirada askarta ku dhimatay.
Maalmo kaddib, Uganda oo ciidanka ugu badan ku biirisa howlgalka caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ciidamadeeda oo dhan kala bixi doonto dalka dhammaadka sannadka soo socda.
Hase yeeshee, bishii July, Mareykanka ayaa jaray maalgelinta, isagoo ka cabanayay in dowladda Soomaaliya aysan horumar joogto ah ka samayn dagaalka Al-Shabaab, aysan si buuxda ula wareegin mas'uuliyadda amniga dalka, isla markaana aysan hirgelin dib-u-habayn dhab ah oo lagu sameeyo hay'adaha amniga.
Mareykanka ayaa sheegay xilligaas inuu tan iyo sannadkii 2007 ku dhowaad laba bilyan oo dollar ku bixiyay howlgalada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, halka in ka badan 1.6 bilyan oo dollar uu siiyay ciidamada Midowga Afrika ee dalka loo soo diray.
Al-Shabaab ayaa weli maamusha dhul ballaaran oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya, waxayna sidoo kale leedahay shabakado ganacsi oo awood leh oo ku baahsan dalka, oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.
Shabakadahaas ayaa kooxda u suurtageliya inay hesho dhaqaale ay ku maalgeliso howlaheeda.
Inkasta oo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay dhulal ka qabsatay Al-Shabaab kaddib markii uu xukunka qabtay sannadkii 2022, haddana inta badan guulahaas waxaa dib u rogay guluf dagaal oo ay kooxda qaadday sannadihii xigay.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay Axaddii in dib u cusboonaysiinta taageerada UNSOS ay gacan ka geysan doonto xakameynta khataraha ka imanaya Soomaaliya, isla markaana laga hortagi doono inay gobolka ka dhalato xaalad amni oo ballaaran oo wax u dhimaysa danaha Mareykanka.
Diblomaasiga ajnabiga ah ayaa sheegay in isbeddelka go'aanka Mareykanka uu yimid kaddib qiimeyn gudaha ah oo ay samaysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taasoo muujisay walaac laga qabo in Soomaaliya isu beddesho dal fashilmay oo dowladnimadiisu burburto.
Wuxuu soo jeediyay in arrintaasi laga yaabo inay walaac ku abuurtay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, gaar ahaan maadaama uu suuragal tahay inuu u tartamo xilka madaxweynaha Mareykanka doorashada 2028-ka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka kama aysan jawaabin su'aalo dheeraad ah oo laga weydiiyay sababaha keenay isbeddelka siyaasadeed.
Hase yeeshee, afhayeenku wuxuu carrabka ku adkeeyay in taageerada Mareykanku aysan ahayn mid aan xad lahayn ama weligeed soconaysa.
Wuxuu sidoo kale sheegay inay lagama maarmaan tahay in Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay dardargeliyaan qorsheynta sidii loo heli lahaa xalal amni oo gobolka ku salaysan, kuwaasoo mustaqbalka sii jiri kara.

























