Qisada 24-kii saac ee ugu dambeeyay nolosha khabiirkii isku muday ee misna diiday in laga daweeyo sunta Abeesada si uu uga warkeeno

Abeeso
Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Maalin uu ku guda jiray cilmi baaris uu ku sameynayay abeeso aad u sun badan oo laga keenay qaaradda Afrika, ayaa waxaa si lama filaan ah u qaniintay abeesadii uu gacanta ku hayay khabiirkii caanka ahaa ee noolaha, Carl P. Schmidt.

Xaalad noocaas ah, qof caadi ah isla markiiba isbitaal ayuu u carari lahaa si loo badbaadiyo, balse Schmidt taas beddelkeeda wuxuu diiday in la daweeyo. Wuxuu doortay inuu jirkiisa tijaabo ahaan u adeegsado, si uu si faahfaahsan u diiwaangeliyo waxa dhabta ah ee ku dhaca qofka marka uu u dhimanayo sunta abesada, isagoo qorayay xaalad kasta oo soo wajahday ilaa neeftii ugu dambeysay.

Bishii September ee sanadkii 1957, Agaasimihii Beerta Xayawaanka ee Lincoln Park ee magaalada Chicago wuxuu Matxafka Taariikhda Dabiiciga ah ee Field Museum ee isla magaaladaas u soo diray abeeso yar si loo aqoonsado.

Abeesadaas yar oo dhererkeedu ahaa 76 sentimitir, waxaa loo dhiibay inuu baaro khabiirkii weynaa Carl Patterson Schmidt, oo ahaa caalim caan ku ah daraasaadka xamaaratada iyo berri-biyoodka, isla markaana ka soo shaqeeyay matxafkaas muddo 33 sano ah.

Wuxuu ahaa khabiir si gaar ah ugu xeel dheer abeesooyinka dhulka hoostiisa ku nool. Shaqada ayuu ka fariistay sanadkii 1955 isagoo ahaa Maamulaha Sare ee matxafka. Intii uu joogay muddadii dheereyd ee 33-da sano ahayd, wuxuu soo aruuriyay noocyo kala duwan oo berri biyood ah iyo xamaarato aan tiro lahayn.

Sidaas darteed, inkastoo uu hawlgab ahaa, markii looga codsaday inuu baaro oo aqoonsado abeesadaas yar, wuxuu aqbalay isagoon ka labalabayn.

Qaniinyadii Abeesada

Abeesadaas waxay lahayd oogo oo ay ku yaalleen xariijimo midab dhalaalaya, halka madaxeeduna uu si weyn ugu ekaa kan abeesada cagaaran ee geedaha ku nool ee Koonfur Afrika, taas oo caan ku ah magaca boomslang. Tilmaamahaas oo dhan Schmidt si fiican ayuu u aqoonsaday.

Hase yeeshee, waxaa la yaab ku noqotay markii ay arkeen in aagga u dhow daloolka saxarada ee abeesada uusan lahayn wax dildillaac ah.

Isla markii uu abeesada kor u qaaday, ayay si kedis ah ugu soo boodday Schmidt waxayna ka qaniintay suulka gacantiisa bidix. Suulkiisa waxaa ka soo muuqday laba dhibcood oo dhiig ah oo yaryar, waxaana isla markiiba ku billowday xanuun.

Degdeg ayuu Schmidt u bilaabay inuu suulkiisa nuugo. Laakiin intii uu gargaar caafimaad raadsan lahaa, wuxuu doorbiday inuu bilaabo diiwaangelinta saameynta suntaas ay ku yeelaneyso jirkiisa.

Ugu dambayntii, wuxuu u dhintay wax ka yar 24 saac kaddib markii abeesadu qaniintay.

Qaniinyo abeeso

Maalintii ugu dambeysay noloshiisa

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xilligaas dhammaan khubarada abeesooyinka, oo uu Schmidt ku jiray, waxay aaminsanaayeen in abeesada nooca Boomslang aysan awood u lahayn inay sun ku filan oo khatar ku ah nolosha aadanaha ku mudo jirka bani aadamka.

Sidaas darteed, kaddib markii abeesadu qaniintay, Schmidt wuxuu si deggan ugu laabtay gurigiisa, wuxuuna bilaabay inuu qoro xusuus qor faahfaahsan oo ku saabsan saameynta suntaas ay ku yeelaneyso jirkiisa.

Muuqaal cinwaankiisu ahaa 'Diary of a Snakebite Death' (Xusuus-qorkii Geerida Qaniinyada Abeesada) ayaa lagu baahiyay barnaamijka caanka ah ee Science Friday ee Idaacadda Dadweynaha ee Mareykanka ee PRI.

Barnaamijkaas wuxuu soo bandhigay xogtii uu Schmidt laftiisu ku qoray xusuus qorkiisa. Faahfaahintii uu qoray waxay ahayd sidan:

Waxaan dareemay lallabo aad u daran intii aan guriga ku soo laabanayay ee aan tareenka soo saarnaa inta u dhaxaysay 10:30 iyo 11:30 fiidnimo. Inkastoo aan lallabada dareemayay, ma aanan matagin.

  • 11:30 fiidnimo - 12:30 saqda dhexe: Hawadu si lama filaan ah ayay isku bedeshay, qabow daran ayaa i galay, jirkayguna wuxuu bilaabay inuu gariiro. Kadibna qandho ayaa i qabatay, heerkulkeeduna wuxuu gaaray 101.7º F [38.7º C].
  • 11:30 fiidnimo, dhiig ayaa bilaabay inuu ka yimaado cirridkayga.
  • 2:30 habeeenimo waxaan cunay laba xabbo oo rooti qallalan oo caano lagu qooyay.
  • 3:00 habeeenimo ilaa 6:20 subaxnimo si fiican ayaan u seexday.
  • 6:20 subaxnimo ayaan kaadi u baxay, waxaana kaadida ku jiray dhiig yar.
  • 10:30 subaxnimo, hal koob oo biyo ah ayaan cabbay. Isla markiiba lallabo xoog leh ayaa i qabatay waana matagay. Cuntadii oo dhan ee aan habeeenkii cunay ayaa dibadda u soo baxday, taas oo muujinaysa in calooshaydu aysan shiidin. Inkastoo taas jirto, mar dambe waan fiicnaaday oo si fiican ayaan mar kale u seexday ilaa 12:30 duhurnimo.

Diidmadii Daaweynta

Saacado yar ka hor geeridiisa, waxaa Schmidt laga codsaday inuu dhakhtar la kulmo, laakiin wuu diiday inuu daaweyn raadsado, isagoo ku doodaya in daaweyntu ay faragelin ku noqonayso daraasadda saameynta sunta abeesadu ku leedahay jirka aadanaha.

Beddelkeeda, xiisihii cilmiyeed dartii, wuxuu bilaabay inuu qoro faahfaahin kasta oo ku dhacda jirkiisa quraacda kaddib.

Sebtembar 26, 12:30 duhurnimo Qandhadu waxay ahayd 98.2°F (36.7°C). Quraacdu waxay ka koobnayd badar, rooti la dubay, ukun, maraq tufaax ah, iyo qaxwo.

Ma jirin xitaa dhibic dhiig ah oo ku jirtay kaadida la soo saarayay 3-dii saacba mar. Waxaa jiray dhiig si joogto ah uga imaanayay sanka iyo afka, laakiin ma badnayn.

Sida lagu soo wariyay barnaamijka Science Friday, ereygii ugu dambeeyay ee uu Schmidt ku qoray xusuus qorkiisa wuxuu ahaa 'xaddi aad u badan' (excessive).

Wuxuu cunay cashada qiyaastii 7:30 fiidnimo, kadibna wuxuu bilaabay inuu matago. Degdeg ayuu xaaskiisa u soo wacay. Markii kooxdii gargaarka caafimaadka ay timid, wuu miyir beelay, jirkiisana waxaa qooyay dhidid.

Dhakhaatiirta ayaa markiiba loogu yeeray, waxaana la isku dayay in nolosha Schmidt la badbaadiyo ka hor inta aan isbitaalka la geynin.

Ugu dambayntii, 9:00 fiidnimo ayaa lagu dhawaaqay inuu dhintay, sababta geeridiisana waxaa lagu sheegay 'habka neefsashada oo curyaamay' (Respiratory Paralysis), taas oo ka dhigtay in neefsashadu ku adkaato.

Warbixinta baaritaanka meydkiisa waxay muujisay inuu la kulmay dhibaato xagga neefsashada ah, oo uu sababay dhiigbax gudaha ah oo ku dhacay sambabadiisa.

Wuxuu u dhintay dhiig bax ballaaran oo ku dhacay indhaha, sambabada, kelyaha, wadnaha, iyo maskaxda.

Sun

Sun Aad u Daran

Ku dhawaad labaatan sano ka dib geeridii Schmidt, tijaabooyin cilmiyeed oo lagu sameeyay abeesada nooca Boomslang ayaa lagu ogaaday inay ka mid tahay abeesooyinka ugu khatarta badan Afrika.

Qaniinyada abeesadani waxay keentaa xaalad caafimaad oo sababta in dhiiggu ku xirmo meelo badan oo yaryar oo ku dhex jira xididdada dhiigga, taas oo keenta in dhiiggu lumiyo awooddiisii caadiga ahayd ee xinjirowga. Natiijadaas waxay horseedaa dhiigbax ka dhaca xubnaha kala duwan ee jirka, kaas oo ugu dambayn keena dhimashada qofka la qaniinay.

Abeesooyinkan geedaha ku nool waxay si aad ah ugu badan yihiin dhulalka Bartamaha iyo Koonfurta Afrika. Abeesada Boomslang ee qaangaartay waxay leedahay dherer u dhexeeya 100 ilaa 160 sentimitir, iyadoo qaar ka mid ah ay gaari karaan ilaa 183 sentimitir.

Abeesadani waxay quudataa qorratada, raha geedaha iyo raha caadiga ah. Marmar waxay sidoo kale cuntaa naasleyda yaryar, shimbiraha, iyo ukunta ku jirta buulasha.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo arkaa abeeso jecel inay dhuumato oo aan jeclayn buuqa. Caadi ahaan way ka fogaataa inay ugaarsato xayawaan aad uga weyn.

Sida ay sheegeen goobjoogayaal, Schmidt wuxuu ahaa mid aan taxadar ku filan muujin markii uu abeesadaas la tacaalayay, waxaana laga yaabaa in taasi ay ahayd sababtii keentay in abeesadu ay soo weerarto.

Abeesada nooca Boomslang ah aad bay u yareyd. Sidoo kale, Schmidt waxaa qaniinay hal ilig oo keliya. Dhaawacu wuxuu ahaa mid aad u yar, cabbirkiisuna wuxuu ahaa qiyaastii saddex milimitir, Schmidt-na caafimaad ahaan wuu fiicnaa. Sidaas darteed, guud ahaan waxaa la aaminsan yahay in Schmidt iyo asxaabtiisu aysan si weyn u qaadan arrinta qaniinyada abeesadaas.

Si kastaba ha ahaatee, dadka qaar ayaa aaminsan in Schmidt uu ogaa in xilligaas aysan jirin dawo ka hortagta sunta Boomslang, isla markaana aysan jirin wax kale oo uu sameyn karo aan ka ahayn inuu rajo ka qabo bogsasho.

Si kasta oo ay ahaayeen waxyaabihii maskaxda Schmidt ku jiray saacadihii ugu muhiimsanaa ee ugu dambeeyay qaniinyada kaddib, hal shay oo hubaal ah ayaa wuxuu ahaa inuusan cabsida darteed dib u guran, balse wuxuu xaaladdaas kula tacaalay geesinimo aan caadi ahayn.