Xisbiga Netanyahu oo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Israa'iil ku sheegay "argagixiso"

Xigashada Sawirka, EPA
Xildhibaannada baarlamaanka Israa'iil ayaa Talaadadii doortay guddoomiye cusub oo ka tirsan garabka ka soo horjeeda ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu, taas oo noqonaysa tallaabadii ugu horreysay ee lagu soo afjarayo awoodda uu weli hayo Netanyahu, inkasta oo uu dadaal ugu jiro inuu xilka sii joogo.
Xafiiska afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in xisbiyada taageersan Gadi Eisenkot, oo ah ninka ugu weyn ee la loollamaya Netanyahu doorashadii aan natiijo cad laga gaarin ee bishii Oktoobar, ay u codeeyeen in Matan Kahana loo doorto guddoomiyaha baarlamaanka.
Kahana ayaa helay codadka 66 mudane, halka 52 xildhibaan ay taageereen musharrax kale.
Kahana oo ka tirsan xisbiga Yeshar ee garabka midigta dhexe, kaas oo uu hoggaamiyo Eisenkot, ayaa xilka kala wareegaya Amir Ohana oo ka tirsan xisbiga Likud ee Netanyahu.
Khudbaddiisii ugu horreysay kaddib doorashadiisa, Kahana ayaa yiri: "Baarlamaanka Israa'iil waa hoyga dhammaan muwaadiniinta dalka, waxaana damacsanahay inaan guddoomiye u noqdo dhammaantood."
Baarlamaanka Israa'iil oo loo yaqaan Knesset wuxuu ka kooban yahay hal aqal oo leh 120 kursi.
Xilka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ah mid awood badan, maadaama uu saameyn weyn ku leeyahay howlaha baarlamaanka, oo ay ku jirto go'aaminta hindise-sharciyeedyada loo gudbinayo codbixinta.
Kahana ayaa awood u yeelan doona inuu horgeeyo baarlamaanka hindise-sharciyeedyo mudnaan u leh isbahaysiga uu hoggaamiyo Eisenkot iyo xisbiyada kale ee taageeraya dadaalkiisa ku aaddan inuu noqdo ra'iisul wasaaraha Israa'iil.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hindise-sharciyeedyadaas waxaa ka mid ah dhismaha guddi madax-bannaan oo baaritaan ku sameeya weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo uu Netanyahu ka soo horjeedo.
Waxaa sidoo kale qorshayaasha ka mid ah in la xaddido muddada uu ra'iisul wasaaruhu xilka hayn karo, iyo in la buriyo sharciyo ay ansixisay dowladdii hore ee Netanyahu, kuwaas oo dadka dhaliila ay sheegeen inay wiiqeen awoodda garsoorka.
Xisbiga Likud ee Netanyahu ayaa dhaleeceeyay codbixinta, isagoo sheegay in xildhibaannadii Kahana doortay ay ku taageereen "codadka dadka taageera argagixisada".
Intii lagu jiray ololihii doorashada, Netanyahu ayaa weerarro afka ah ku qaaday xisbiyada ay hoggaamiyaan siyaasiyiinta Carabta ah ee Israa'iil, isagoo ku eedeeyay inay khatar ku yihiin jiritaanka Israa'iil. Xisbiyadaasi ayaa hadalladiisa ku tilmaamay kuwo cunsuriyad iyo takoor ku dhisan.
Xubno ka tirsan isbahaysiga uu hoggaamiyo Eisenkot ayaa sidoo kale loo magacaabay inay hoggaamiyaan dhowr guddi oo muhiim ah oo ka tirsan baarlamaanka Knesset, kuwaas oo door weyn ku leh horumarinta iyo meelmarinta hindise-sharciyeedyada.
Baarlamaanka ayaa la dhaariyay 10-kii Nofeembar, iyadoo aan weli la soo dhisin dowlad cusub. Arrintan ayaa timid kaddib doorashadii guud ee 27-kii Oktoobar oo aan natiijo cad laga gaarin, taasoo Netanyahu ka qaaday aqlabiyaddii uu baarlamaanka ku lahaa, balse aan sidoo kale mucaaradkiisa siin waddo cad oo ay xukunka kula wareegaan.






















