TOOS , Xi Jinping oo Trump garoonka diyaaradaha ee Shenzhen ku soo dhoweeyay, una sameeyay maamuus gaar ah

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa gaaray magaalada Shenzhen ee dalka Shiinaha.

Kooban

  • Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka: Maraykanku ma oggolaan doono in dagaalka Iran uu isu beddelo dagaal laba sano soconaya
  • Ciraaq iyo Urdun oo mamnuucay Telegram sababo la xiriira walaac amni
  • Ronaldinho oo dib garoomada ugu soo noqday isagoo 46 jir ah
  • Shan dal oo ka mid ah waddamada Yurub ee Soomaalidu iska dhiibto oo dal Afrikaan ah kula heshiiyey inuu qaabilo qaxootiga la soo celinayo

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Dowladda Uk oo loo hanjabay iyo arrinta la isku haysto

    .

    Dowladda Mauritius ayaa ku hanjabtay inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto Britain haddii aan la dhammaystirin heshiiska la xiriira jasiiradaha Chagos ugu dambayn dhammaadka bisha soo socota.

    Heshiiska ayaa dhigaya in madaxbannaanida jasiiradahaasi, oo uu ku yaallo saldhig milatari oo Maraykanku leeyahay, laga wareejiyo Britain loona gacan geliyo Mauritius, iyadoo Britain ay dib uga kireysanayso.

    Dowladda Britain ayaa bishii Sebtembar dib u eegis ku samaysay qorshaha, kaddib markii madaxweyne Donald Trump uu ku tilmaamay heshiiska mid aad u xun.

    Ra'iisul wasaaraha Mauritius, Navin Ramgoolam, ayaa sheegay in inkasta oo wada-hadallada ku saabsan madaxbannaanida jasiiraduhu ay socdaan, aanu oggolaan doonin in arrintan muddo dheer la sii jiitamo.

    Britain ayaa sheegtay inay ka go'an tahay in xal diblomaasiyadeed laga gaaro khilaafka.

    Warar dheeraad ah

  2. War deg deg ah, Putin iyo Trump oo kulmay iyo wixii dhexmaray

    .

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dalka Shiinaha kula kulmay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin.Saddexda hoggaamiye ayaa isku goob ku sugnaa taas oo loo dhigay roogga cas ka hor casho ka dhacaysay magaalada Shenzhen, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Muuqaal ay baahisay warbaahinta madaxtooyada Ruushka ee Kremlin-ka ayaa muujinayay Donald Trump oo garab taagan dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping iyo xaaskiisa, xilli uu goobta soo gaaray Vladimir Putin.

    Muuqaalka ayaa sidoo kale muujinayay Trump iyo Putin oo gacmaha isqabanaya, si diirranina isu salaamaya.

    Tani waa kulankoodii ugu horreeyay ee fool-ka-fool ah tan iyo shirkii ay ku yeesheen gobolka Alaska bishii Agoosto 2025.

    Saddexda hoggaamiye ayaa la filayaa inay Khamiista yeeshaan kulan rasmi ah oo saddex geesood ah, kaas oo looga hadli doono arrimaha caalamka iyo mowduucyada la xiriira nabadda adduunka.

    Warar dheeraad ah

  3. 'Ragga bidaarta leh oo halis ugu jira wadne xanuunka'

    Daraasad la sameeyay sanado kahor ayaa lagu ogaaday in ragga bidaarta leh ay halis ugu jiraan xanuunada wadnaha in ka badan ragga cayilan ee da'doodu ka hooseyso 40 jirka.

    Daraasada oo lagu sameeyay illaa 2,000 oo rag dhalinyaro ah oo Hindiya ku nool in ay badankood qabaan xanuunada wadnaha, intooda badana waa kuwa qaba bidaarta ama cirro.

    Mac-hadka xanuunada wadnaha ee Yurub ayaa daraasadan sameeyay 2017-kii, waxaana laga shaaciyay shirweynaha ururka dhaqaatiirta wadnaha ee Hindiya.

    Cilmi baarayaasha ayaa sheegay in 50% ragga qaba xanuunada wadnaha ay durba cirro kasoo baxdo iyaga oo aanan gaarin xiligii tintooda ay cirroobi lahayd.

  4. Xi Jinping oo Trump garoonka diyaaradaha ee Shenzhen ku soo dhoweeyay, una sameeyay maamuus gaar ah

    “Sawir muujinaya Trump iyo Xi Jinping.”
    Qoraalka sawirka, “Sawir muujinaya Trump iyo Xi Jinping.”

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa gaaray magaalada Shenzhen ee dalka Shiinaha.

    Waxaa halkaas ku soo dhoweeyay madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, oo ah martigeliyaha booqashadiisa.

    Daawo sawirrada muujinaya sida Trump loogu soo dhoweeyay dalka Shiinaha.

    “Sawir muujinaya Trump iyo Xi Jinping.”
    Qoraalka sawirka, “Sawir muujinaya Trump iyo Xi Jinping.”
    “Sawir muujinaya Trump iyo Xi Jinping.”
    Qoraalka sawirka, “Sawir muujinaya Trump iyo Xi Jinping.”
    “Sawir muujinaya Trump iyo Xi Jinping.”
    Qoraalka sawirka, “Sawir muujinaya Trump iyo Xi Jinping.”
  5. Diblomaasiyadda soo dhoweynta: Yaa garoonka diyaaradaha ku qaabili doona Trump marka uu Shiinaha gaaro?

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Arrimaha sida dhow isha loogu hayn doono waxaa ka mid ah hoggaamiyaha Shiinaha ee garoonka diyaaradaha ku soo dhoweyn doona Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, marka uu dalkaas gaaro.

    Go’aanka Beijing ee ku saabsan mas’uulka Shiinaha ee qaabilaya madaxweynaha Mareykanka ayaa muujin doona sida ay muhiim ugu aragto booqashadiisa.

    Intii uu Trump booqashada rasmiga ahayd ku tagay Shiinaha bishii May, hoggaanka dalkaas wuxuu garoonka diyaaradaha ugu diray Madaxweyne-ku-xigeenka, Han Zheng, si uu u soo dhoweeyo.

    Sidoo kale, markii Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu booqasho rasmi ah ku tagay Mareykanka bishii Sebtembar, Trump ayaa tallaabo aan caadi ahayn qaaday, isaga oo shaqsi ahaan garoonka diyaaradaha ugu tegay Xi.

    Shiinaha ayaa la filayaa inuu doonayo inuu muujiyo ixtiraam la mid ah kii Trump sameeyay, isagoo u diraya mas’uul sare oo ka tirsan Guddiga Siyaasadda ee Xisbiga Shuuciga Shiinaha, oo loo yaqaan Politburo.

    Hase yeeshee, uma badna in Xi Jinping laftiisu uu garoonka ku soo dhoweeyo Trump, maadaama uu leeyahay jadwal shaqo oo mashquul ah.

    Cai Qi, oo ah mas’uulka sida weyn u maamula hawlaha xafiiska madaxweynaha Xi, ayaa noqon kara qof ku habboon inuu xilkaas qabto.

    Cai ayaa sidoo kale saaka garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

    Tallaabadaas waxay Beijing siin kartaa fursad ay ku muujiso inay booqashooyinka hoggaamiyeyaasha Mareykanka iyo Ruushka si isku mid ah u qiimeyso.

    Warar dheeraad ah

  6. Shirkadda shidaalka Abu Dhabi oo faahfaahin ka bixisay weerar lagu qaaday markabkeeda

    Shirkadda Shidaalka Qaranka Abu Dhabi (ADNOC) ayaa saaka sheegtay in hal shaqaale oo ka tirsanaa shaqaalaha markabkeeda la la’yahay, halka 11 kalena ay ku dhaawacmeen weerar Talaadadii lagu qaaday markabkaas oo marayay marin-biyoodka Hormuz.

    Shirkaddu waxay sheegtay in shaqaalihii kale ee markabka laga daadgureeyay.

    ADNOC oo ka hadlaysay shaqaalaha la la’yahay ayaa tiri: “Waxaa socda hawlgallo goobidda iyo samatabbixinta ah, kuwaas oo lala kaashanayo hay’adaha ay khusayso.”

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo ka tirsan amniga maraakiibta, sheegtay in shaqaalaha markab shidaal gaas dabiici ah (LNG) siday ay Talaadadii ka baxeen markabka, kaddib markii uu haleelay walax gantaal u eg.

    Ilaalada Kacaanka Iran iyo ciidamada badda ee dalkaas ayaa Talaadadii sheegay in markab siday gaaska dabiiciga ah iyo laba markab oo shidaal siday ay dab qabsadeen iyagoo marayay marin-biyoodka Hormuz.

    Warar dheeraad ah

  7. Wafdiga nabadda Gaza oo ka digay in xabbad-joojintu qarka u saaran tahay inay burburto

    Guddiga Nabadda Gaza ee uu Mareykanku taageero ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbiyay warbixin walaac leh, isaga oo diblomaasiyiinta uga digay xaalado halis gelinaya xabbad-joojinta Gaza oo muddo sanad ah jirtay.

    Warbixinta ugu dambeysay ee guddiga, oo Talaadadii la soo bandhigay, ayaa ka digtay in haddii aan si degdeg ah loo qaadin tallaabooyin lagu dhaqan-gelinayo heshiiskii xabbad-joojinta ee 2025, xabbad-joojinta Israel iyo Xamaas ay qarka u saaran karto inay burburto.

    “Farqiga u dhexeeya wixii lagu heshiiyay iyo waxa dhab ahaan ka dhacaya goobta ayaa weli ah khatarta ugu weyn ee hortaagan geeddi-socodka,” ayaa lagu yiri warbixinta, nuqul ka mid ah oo ay heshay wakaaladda wararka ee Associated Press.

    Warar dheeraad ah

  8. Sababta ay Yurub uga walaacsan tahay kulan dhex mara Xi, Trump iyo Putin

    Churchill (bidix) iyo Roosevelt (dhexda) ayaa lagu dhaliilay inay u tanaasuleen Stalin intii uu socday shirkii Yalta
    Qoraalka sawirka, Churchill (bidix) iyo Roosevelt (dhexda) ayaa lagu dhaliilay inay u tanaasuleen Stalin intii uu socday shirkii Yalta

    Waxaa jira walaac, gaar ahaan dalalka Yurub, laga qabo in kulan saddex geesood ah oo ay yeeshaan madaxweynayaasha Shiinaha, Mareykanka iyo Ruushka, Xi Jinping, Donald Trump iyo Vladimir Putin, uu u ekaado shirkii Yalta ee 1945-kii, xilli uu dhammaad ku dhowaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

    Shirkii Yalta waxaa ka qaybgalay madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas, Franklin D. Roosevelt, ra’iisul wasaarihii hore ee Britain Winston Churchill iyo hoggaamiyihii Midowgii Soofiyeeti Joseph Stalin.

    Shirkaas waxaa si weyn loogu dhaliilay go’aanno lagu go’aamiyay mustaqbalka dalal yaryar, iyadoo aan dalalkaasi ka qaybgelin wada-hadallada.

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka digay in aan la qaban shir uu ku tilmaamay “Yalta 2, 3 ama 4”, kaas oo lagu qaybsanayo saamaynta iyo awoodda siyaasadeed ee dunida.

    Wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay in kulankaasi horseedi karo heshiis laga gaaro mustaqbalka Ukraine, iyadoo aan Kyiv, qayb ka ahayn wada-hadallada.

    Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegaya in Mareykanka iyo Shiinaha ay wax badan lumin karaan haddii dalalka Yurub laga reebo wada-hadallada.

    “Moscow hubaal way soo dhoweyn lahayd arrintaas. Hase yeeshee, Washington iyo Beijing, oo labaduba Yurub u arka saaxiib dhaqaale oo weyn oo muhiim ah, waxay taasi ku noqon lahayd kharash aan loo baahnayn oo aan mudnayn in la galo,” ayay ku qoreen David Abramson iyo Evgeny Roshchin faallo ay u diyaariyeen Xarunta Falanqaynta Siyaasadda Yurub (CEPA).

    Warar dheeraad ah

  9. Wayne Rooney oo sheegay inuu mar ka fikiray inuu naftiisa dilo xilli uu u ciyaarayay Manchester United.

    Wayne Rooney
    Qoraalka sawirka, Wayne Rooney

    Wayne Rooney ayaa shaaca ka qaaday inuu mar ku fikiray inuu isdilo xilli uu u ciyaarayay kooxda Manchester United, isla markaana uu raadsaday caawimaad khabiir ku takhasusay caafimaadka dhimirka, si loo ogaado loona daweeyo dhibaatooyinkii uu la tacaalayay.

    Rooney, oo hore u ahaa kabtanka xulka qaranka England, ayaa Manchester United kaga soo biiray Everton sanadkii 2004-tii. Wuxuu kooxda u dhaliyay 253 gool, isagoo u saftay 559 kulan.

    Hase yeeshee, wareysi uu siiyay wariye Gabby Logan oo ka baxay barnaamijka Life at the Midpoint ayuu kaga hadlay dhibaatooyin waaweyn oo uu kala kulmay noloshiisa gaarka ah, xilli wiilkiisa curadka ah, Kai, uu yaraa. Kai ayaa hadda 17 jir ah.

    “Waxaa jirtay xilli aan laba maalmood qol isku xiray, khamrigana aan si joogto ah u cabbayay. Taasi waxay ahayd xilli aan heerkii ugu sarreeyay ka gaaray guulaha kubadda cagta,” ayuu yiri Rooney.

    Rooney oo 41 jir ah ayaa sheegay inuu la tacaalayay dareenno gudaha ah oo culus. Markii uu dhibaatadiisa kala hadlay xaaskiisa Colleen iyo hooyadii, ayuu garwaaqsaday inuu u baahan yahay caawimaad si uu uga gudbo.

    “Markaan dib u milicsado, waxaan fahamsanahay inaan ahaa qof danayste ah oo hunguri badan, balse way igu adkayd inaan aqoonsado dhibaatadayda. Ugu dambayn waxaan garwaaqsaday inaanan kaligay wajihi karin. Waxaan isku qarin jiray qol, sababtoo ah ma aanan rabin in Kai uu igu arko xaaladdaas,” ayuu yiri.

    “Waxaan gaaray heer aan ka fikiray inaan naftayda dilo. Ma jeclayn inaan dadka dhexgalo, waxaanan doonayay inaan keligay ahaado. Garoonka dhexdiisa waan ku faraxsanaa, laakiin bannaanka garoonka waxaan ku jiray xaalad aad u adag,” ayuu raaciyay Rooney.

    Warar dheeraad ah

  10. Danjire Mareykanka u fadhiya Itoobiya oo sheegay in dalkiisu taageerayo xasilloonida gobolka Tigray

    Danjiraha Mareykanka u fadhiya Itoobiya, Ervin Masinga
    Qoraalka sawirka, Danjiraha Mareykanka u fadhiya Itoobiya, Ervin Masinga

    Danjiraha Mareykanka u fadhiya Itoobiya, Ervin Masinga, ayaa sheegay in Mareykanku ay ka go’an tahay inuu taageero kobaca dhaqaalaha gobolka Tigray iyo dhismaha mustaqbal ku salaysan mabaadi’da dimuqraadiyadda.

    Danjiraha, safiiro kale, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiin kale oo caalami ah ayaa Isniintii booqasho wadajir ah ku tagay magaalada Mekelle. Halkaas ayay kulammo kula yeesheen hoggaamiyeyaasha gobolka iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah.

    War qoraal ah oo lagu baahiyay bogga safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Masinga uu carrabka ku adkeeyay in xasilloonida, ka-qaybgalka bulshada oo loo dhan yahay iyo hay’ado awood leh ay muhiim u yihiin kobaca dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin ay ka faa’iidaystaan dhammaan dadka Tigray.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in arrimahaasi ay lama huraan u yihiin ballaarinta fursadaha dhaqaale iyo in dhammaan qaybaha bulshada ay ka faa’iidaystaan horumarka gobolka.

    Danjiruhu wuxuu mar kale xaqiijiyay in Mareykanku ka go’an tahay inuu gargaar bani’aadannimo oo naf-badbaadin ah gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

    Wuxuu intaa ku daray in Mareykanku la shaqayn doono dadka Tigray, dowladda federaalka Itoobiya iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah, si gobolka Tigray iyo guud ahaan waqooyiga Itoobiya looga taageero dib u soo kabashada, xasilloonida iyo horumarka.

    “Waxaan diyaar u nahay inaan iskaashi la yeelanno dadka gobolka, dowladda federaalka iyo saaxiibbada caalamiga ah, si looga caawiyo gobolka inuu ka soo kabto caqabadihii uu soo maray, dibna ugu laabto horumarka,” ayuu yiri danjiruhu.

    Wafdigan heerka sare ah ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee magaalada taga tan iyo markii dowladda federaalku ay la wareegtay gacan ku haynta Mekelle.

    Wafdiga waxaa ka mid ahaa safiiro ka socday siddeed dal, saraakiil sare oo ka socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, iyo danjiraha Mareykanka.

    Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in wafdigu si toos ah u qiimeeyo xaaladda ka jirta Tigray, isla markaana uu taageerada loo baahan yahay ka bixiyo.

    Warar dheeraad ah

  11. Ma ogtahay khataraha ka imaan kara isticmaalka kaniiniga xanuun baab'iyaha adoon la tashan dhakhtar?

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Maalmahan dambe, gaar ahaan qeybta faallooyinka ee Facebook, Instagram iyo Tiktok, weedha ah "waxaad liqday Brufen" ayaa caan noqotay.

    Kenya, weedhan waxay caan ku noqotay kadib markii qof majaajiliste ah uu ku kaftamay sida hooyooyinka Afrikaanka ah u isticmaalaan daawada xanuunka yareysa ee Brufen si ay u daweeyaan xanuun kasta oo jirka ku dhaca ka hor inta aanu xanuunku sii xumaan.

    Lifaaqa hoose ku dhufo warbixinta oo dhameystiran

  12. Mareykanka oo lumiyay meeqaamkii ahaa dal laga ciribtiray Jadeecada

    Daawo
    Qoraalka sawirka, Daawo

    Mareykanka ayaa lumiyay maqaamkii uu ku lahaa dalalka si rasmi ah uga ciribtiray cudurka jadeecada, kaddib markii muddo laba sano ah ay sare u kaceen tirada dadka uu cudurku ku dhacay iyo dhimashada ka dhalatay.

    Hay’adda Caafimaadka ee Pan American Health Organization (PAHO), oo ka tirsan Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in nooc gaar ah oo fayraska jadeecada ah uu si joogto ah ugu faafayay qaaradda Ameerika muddo ka badan 12 bilood.

    Agaasimaha hay’adda, Jarbas Barbosa, ayaa sheegay in Mexico iyo Bolivia ay sidoo kale lumiyeen maqaamkii ahaa dalal jadeecada lagaciribtiray.

    Wuxuu dib u soo laba-kacleynta cudurka ku sababeeyay “farqiga weli ka jira heerka tallaalka dadka.”

    Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Mareykanka (CDC) ayaa dhankooda sheegay inay ka go’an tahay in dalku dib u helo heerka ciribtirka jadeecada, iyagoo ballaarinaya helitaanka tallaalka.

    Mareykanka ayaa sanadkan oo keliya laga diiwaangeliyay 5,400 oo kiis oo jadeeco ah iyo 10 qof oo cudurka u dhintay. Waa tiradii ugu badnayd ee la diiwaangeliyo tan iyo sagaashamaadkii.

    Warar dheeraad ah

  13. Maxay yihiin hawlaha Iimaaraadka ay ka qabtaan Soomaaliya?

    Calamada labada dal
    Qoraalka sawirka, Calamada labada dal

    Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qalabka warbaahinta dawladda kala hadlay shacabka ayaa si kulul u cambaareeyay faragalin uu sheegay in dalkiisa ay ku haysay muddo dheer dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

    "Muddo sannado ah, Imaaraadka Carabta waxay si joogto ah u faragelineysay arrimaheenna gudaha iyo siyaasaddeenna qarannimo, isaga oo hareer marayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sharciga ah" ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

    Howlaha ay imaaradka ka qabtaan soomaaliya

    Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya ka qabata hawlo kala duwan oo isugu jira ganacsi, amni, gargaar bini'aadannimo iyo saameyn siyaasadeed oo ay ku leedahay maamullada ka jira dalka iyo dowladda dhexe.

    Dhanka ganacsiga iyo dekedaha, Imaaraadku waxa uu door weyn ku leeyahay maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha Soomaaliya.

    Shirkadda DP World oo laga leeyahay Imaaraadka ayaa maamusha dekedda Berbera, waxaana mashruucaas ay ku maageliyeen lacag gaaraysa $442 milyan oo doollar.

    Dhanka amniga iyo tababarka ciidamada, Imaaraadka ayaa muddo sanado ah tababar iyo taageero siinayay cutubyo ka tirsan ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Booliska iyo Militariga.

    Dhanka gargaarka bini'aadannimo, Imaaraadka Carabta waxa uu Soomaaliya ka fuliyaa mashaariic gargaar ah, oo ay ka mid yihiin caawinta dadka ay saameeyeen abaaraha, daadadka iyo colaadaha. Imaaraadku wuxuu sidoo kale dhisay isbitaallo, dugsiyaal iyo ceelal biyoodyo, gaar ahaan gobollo iyo magaalooyin ka mid ah dalka.

    Warar dheeraad ah

  14. Rubio oo ku adkaystay inaysan jirin khatar degdeg ah oo Mareykanka ku wajahan

    Marco Rubio iyo Trump
    Qoraalka sawirka, Marco Rubio iyo Trump

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa beeniyay sheegashooyinka iyo walaaca ka dhashay cilado isdaba joog ah oo toddobaadkii la soo dhaafay ku yimid nidaamyada tiknoolajiyadda, isagoo sheegay inaysan jirin caddeyn muujinaysa inay dhacdooyinkaas xiriir leeyihiin.

    Rubio ayaa qiray in dadku ay ka walaacsan yihiin ciladahaas, kuwaas oo sababay in muddo saacado ah la hakiyo dhammaan duulimaadyada gudaha Mareykanka, isla markaana ay carqaladeeyaan adeegyada bangiyada iyo nidaamyada shirkadaha Apple iyo Microsoft.

    Hase yeeshee, isagoo la hadlayay wariyeyaasha ayuu yiri: “Mareykanku ma wajahayo weerarro nidaamsan. Dhacdooyinkani sinaba iskuma xirna, mid kastaana wuxuu leeyahay sabab u gaar ah.”

    Khubarada amniga internetka ayaa iyaguna sheegay inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in ciladahaasi xiriir leeyihiin. Waxay intaa ku dareen in dhibaatooyin badan ay u muuqdaan kuwo ka dhashay cusboonaysiinta nidaamyo tiknoolajiyadeed oo duugoobay.

    Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa cilado waaweyn laga soo sheegay nidaamyada Microsoft, taas oo hakisay adeegyo kala duwan oo shirkaddu bixiso, oo uu ku jiro iimaylka. Sidoo kale, cilad farsamo ayaa sababtay in dhammaan duulimaadyada Mareykanka la hakiyo dhowr saacadood.

    Dhibaatooyin kale ayaa laga soo sheegay nidaamyada Hay’adda Sirdoonka Qaranka Mareykanka (NSA), bangiyo dhowr ah iyo shirkadda Apple.

    Shirkad kasta iyo hay’ad kasta oo ay ciladuhu saameeyeen waxay sheegtay in dhacdadii ku timid aysan ka dhalan weerar dhanka internetka ah.

    Hadalkan Rubio ayaa yimid saacado kaddib markii agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka, Jay Clayton, uu arrintan kaga hadlay wareysi uu siiyay telefishinka Fox News. Wuxuu sheegay in ciladahaasi aysan ka dhalan weerarro dhanka internetka ah.

    Wuxuu sharaxay in hay’ado badan ay wax ka beddelayaan oo ay casriyeynayaan nidaamyadooda, taasina ay sababtay in adeegyada qaarkood ay hakad galaan.

    Rubio ayaa sidoo kale la weydiiyay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu ka walaacsan yahay in cabsida dadweynuhu ay keento in dadku badeecooyin kaydsadaan ama ay si degdeg ah lacagtooda ugala baxaan bangiyada, iyagoo ka baqaya ammaanka hantidooda.

    Rubio oo qiray in walaacaasi jiro ayaa sheegay in sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo ay tahay in dowladda Mareykanku dadweynaha u sharaxdo xogta ay ka hayso dhacdooyinkan.

    Warar dheeraad ah

  15. Milatariga Iran oo xaqiijiyay weerarka lagu qaaday saldhigga Cali Al-Saalim ee Kuwait

    Diyaaradaha dagaalka
    Qoraalka sawirka, Diyaaradaha dagaalka

    Saacad kaddib markii ciidamada milatariga Kuwait ay ku dhawaaqeen in la hawlgeliyay nidaamyada difaaca cirka si ay uga hortagaan gantaallo iyo hub kale oo lagu soo weerarayay dalka, milatariga Iran ayaa soo saaray bayaan uu ku xaqiijiyay weerarrada, iyagoo sheegay in bartilmaameedku ahaa saldhigga Cali Al-Saalim ee Kuwait, kaasoo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka.

    Bayaanka milatariga Iran oo la soo saaray subaxnimadii Arbacada ayaa lagu sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka loo adeegsado, nidaamyada difaaca ee Patriot iyo goobaha laga rido diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ay weerareen ciidamada Mareykanka ee saldhigga Cali Al-Saalim, iyagoo adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn oo wax burburiya.

    Bayaanka ayaa intaas ku daray: “Annagoo difaacayna Iran, uma hoggaansami doonno awood kasta, Jawaabtayada ku aaddan khatar kasta ama gardarro kasta waxay noqon doontaa mid go’aan leh, burbur xooggan geysanaysa, isla markaana aan ku koobnaan doonin xuduud juqraafiyeed.”

    Subaxnimadii Arbacada, digniinaha weerarrada cirka ayaa sidoo kale laga maqlay Baxreyn, iyadoo la soo sheegay qaraxyo dhowr ah.

    Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegtay in bartilmaameedka weerarradaasi uu ahaa nidaamyada raadaarka ee Mareykanka ee ku yaalla Baxreyn.

    Warar dheeraad ah

  16. Shabakadda sirta ah ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Mareykanka (NSA) oo muddo cilad ku timid

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Shabakad sir oo heerkeedu sarreeyo oo Hay’adda Sirdoonka Qaranka Mareykanka (NSA) u isticmaasho isgaarsiinta gudaha ayaa muddo aan la cayimin shaqayn weyday maalintii Talaadada, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.

    NSA, oo ah hay’adda sirdoon ee ugu weyn Mareykanka, ayaa sheegtay in cilad ku-meel-gaar ahi ay ku timid habsami u shaqaynta qaar ka mid ah nidaamyadeeda, xilli ay socdeen hawlo dayactir oo caadi ah, horayna loo sii qorsheeyay. Hase yeeshee, waxay xustay in awoodaha muhiimka u ah hawlgaladeeda aysan waxyeello soo gaarin.

    Wararka ayaa sheegaya in ciladdu saamaysay shabakadda NSANet, oo ay saraakiisha hay’addu u adeegsadaan dirista iyo helista xogta sirta ah ee heerka ugu sarreeya.

    Ciladdan ayaa timid xilli maalmihii u dambeeyay Mareykanka laga soo sheegay cilado farsamo oo isdaba joog ah, kuwaasoo saameeyay nidaamyada duulimaadyada, bangiyada iyo kaabayaasha kale. Mas’uuliyiintu dhammaan xaaladahaas waxay beeniyeen in ay ka dhasheen weerarro dhanka internetka ah ama arrimo dibadeed.

    Afhayeen u hadlay NSA oo BBC-da qoraal u diray ayaa sheegay: “Inkasta oo ciladdu saamaysay qaar ka mid ah nidaamyada gudaha, haddana adeegyada muhiimka u ah hawlgaladeennu si buuxda ayay u shaqaynayaan, awooddayada difaaca amniga qarankuna way sii socotaa.”

    Wuxuu intaas ku daray in kaabayaasha farsamo ee NSA loo qaabeeyay inay hawlgaladu sii socdaan xilliyada dayactirka la qorsheeyay ama marka ay dhacaan cilado lama filaan ah, iyadoo ay jiraan nidaamyo kayd ah oo dhowr heer ah.

    Hay’addu ma aysan sheegin goorta ay ciladdu bilaabatay ama goorta la filayo in la xalliyo.

    Dhowr warbaahin oo Mareykan ah ayaa sheegay in ciladdu aysan ka dhalan weerar dhanka internetka ah. Hase yeeshee, isku soo beeganka iyo isku xigxiga ciladaha saameeyay nidaamyada duulimaadyada iyo bangiyada Mareykanka ayaa soo jiitay dareenka dadweynaha.

    Warar dheeraad ah

  17. Iraan oo weerartay Kuwait iyo Baxreyn

    Mas’uuliyiin milatari oo Kuwait ka tirsan ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay in la hawlgeliyay nidaamyada difaaca cirka, iyagoo sheegay in “difaaca cirka ee Kuwait uu hadda ka hortagayo weerarro ay fulinayaan diyaarado aan duuliye lahayn oo cadowtinimo ah”.

    Taliska guud ee ciidamada Kuwait ayaa sheegay in dhawaaqyada qaraxyada laga maqlay dalka ay ka dhasheen gantaallo ama weerarro kale oo ay qabteen nidaamyada difaaca cirka ee dalka.

    Dhanka kale, warbaahinta Iran oo soo xiganaysa ilo Carbeed ayaa sheegtay in dhowr qarax laga maqlay gudaha Kuwait.

    Maalmihii la soo dhaafay, Iran ayaa sheegtay inay weerarro ku qaaday saldhigyada raadaarka ee Mareykanka ee ku yaalla Baxreyn, iyadoo arrintaas uga jawaabaysa duqeymo cirka ah oo Mareykanku ka fuliyay goobo ku yaalla xeebaha Gacanka Faaris, oo ay ka mid yihiin jasiiradaha Qeshm iyo Sirik.

    Iran ayaa sidoo kale ka digtay in haddii dalkeeda la weeraro ay bartilmaameedsan karto saldhigyada Mareykanka ee gobolka iyo xitaa kuwa ka baxsan gobolka.

  18. Diyaaradaha daroonka Turkiga oo faltanka cirka kaga yaabsaday kuwa Maraykanka ee F-16

    .

    Daroonka Turkiga ee loo yaqaan Bayraktar Kizil ayaa la sheegay in ay meel fog ka bartilmaameedsatay diyaaradaha dagaalka ee F-16 mar la tijaabinayay gantaalada hawada laysku weydaarsado. Arrintan ayaa lagu tilmaamay guul taariikhi ah oo laga gaaray dhinaca difaaca.

    "Waxaan dhidibbada u taagnay waa cusub oo taariikhi ah…Turkiga waxa uu noqday dalkii ugu horeeyay adduunka ee meel sare ka gaara taariikhda duulista" ayuu yiri Selcuk Bayraktar oo ah guddoomiyaha iyo madaxa shirkadda Bayraktar.

    Nidaamka loo yaqaan BVR oo ah kan raadaarada ku soo helaan diyaaradaha, waxaa loo adeegsadaa goobaha dagaalka marka diyaarad ama gantaal meel fog laga soo tuurayo lagu duqeynayo meel aan loo jeedin.

  19. War deg deg ah, Kuuriyada Koonfureed oo si la yaab-leh u uga hortagaysa qishka imtixaanaadka

    .

    Kuuriyada Koonfureed ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin cusub oo adag oo looga hortagayo in ardaydu khiyaameeyaan imtixaanka gelitaanka jaamacadaha ee Khamiista la qaadayo.

    Qalab elektaroonig ah lama oggolaan doono in la geeyo goobta imtixaanka. Sidoo kale, ka hor inta uusan imtixaanku bilaaban, waxaa la diri doonaa dhawaaq digniin ah oo aan la aamusiin karin, si loo ogaado qalab kasta oo qarsoon.

    Muraayadaha indhaha ee ardayda oo dhan waa la baari doonaa, waxaana laga doonayaa inay daboolaan badhamada dharka ay xiran yihiin.

    Isniintii, ardaygii kaalinta koowaad ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee xisaabaadka canshuuraha ee dalka ayaa qirtay inuu adeegsaday dhowr hab oo khiyaano ah, oo ay ka mid ahayd inuu dharkiisa ku xirto kamarad yar oo qarsoon.

  20. War deg deg ah, Buundo muhiim u ahayd Putin oo la burburiyay

    Ukraine

    Ukraine ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ku weerartay buundada Crimea, oo ah marinka ugu weyn ee isku xira Ruushka iyo dhulka Crimea ee uu Ruushku haysto.

    Ukraine ayaa sheegtay in weerarku uu jawaab u yahay duqeymaha Ruushka ee lagu bartilmaameedsaday kaabayaasha dhaqaalaha dalkaas.

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in weerarku ahaa wejigii toddobaad ee hawlgal socday dhowr toddobaad, kaas oo ay qorsheeyeen iskuna dubbarideen Hay’adda Ammaanka Ukraine iyo taliska milatariga dalkaas.

    Afhayeen u hadlay Kremlin-ka ayaa ka jawaabay tallaabada Ukraine, isaga oo sheegay in buundada dib loo dhisi doono, isla markaana ay noqon doonto mid ka tayo wanaagsan sidii hore.

    Dhanka kale, ciidamada Ruushka ayaa shalay weeraray laba buundo oo dul mara webiga Dnipro ee magaalada caasimadda ah ee Kyiv, iyo kaabayaal kale, sida uu sheegay duqa magaalada, Vitali Klitschko.