Kenya: Siyaasigan da'da yar ee lala barbardhigay 'Obama' ma isu beddeli kartaa taageerada uu haysto fursad uu ugu tartamo xilka madaxweynaha Kenya?

Sifuna
Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Inkasta oo uusan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin inuu u tartamayo xilka madaxweynaha, haddana qaar ka mid ah dhallinyarada Kenya ayaa durba go'aansaday in Senator Edwin Sifuna uu yahay musharraxa ay doonayaan inuu dalka hoggaamiyo doorashada sannadka dambe.

Siyaasigan oo lagu yaqaan hadalladiisa adag, sida degdegga ah ee uu uga jawaabo doodaha iyo tirada sii kordhaysa ee dadka ka soo qaybgalaya isu-soo-baxyadiisa siyaasadeed, ayaa 44-jirkan ku soo biiraya saaxadda siyaasadda isagoo ah shakhsi cusub oo aan la filayn.

Waxa uu wajihi karaa tartan uu kula jiro Madaxweyne William Ruto oo 59 jir ah, sidoo kalena waxa uu caqabad ku noqon karaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee iyaguna doonaya inay u tartamaan xilka madaxweynaha.

Qaar ka mid ah taageerayaashiisa ayaa la barbardhigay Barack Obama oo da'yar, kaas oo malaayiin qof soo jiitay intii uu ku jiray ololihiisii taariikhiga ahaa ee doorashadii madaxtinimada Maraykanka ee 2008, isaga oo dadka ku kasbaday farriintiisa ku saabsan rajada iyo isbeddelka.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa ka digaya in buunbuuninta caannimada Sifuna ay ka hor martay awooddiisa siyaasadeed ee dhabta ah.

Waxay sheegeen in caannimadiisa ballaaran ay inta badan ka timid baraha bulshada, halkii ay ka ahaan lahayd shabakad taageerayaal xooggan oo uu ku leeyahay heerka hoose ee bulshada.

Sifuna, laftiisu wuu ka gaabsaday inuu ka hadlo damaciisa ku aaddan u tartamidda xilka madaxweynaha, isaga oo ku adkaysanaya in mudnaanta koowaad ee xilligan ay tahay dhismaha mucaarad mideysan oo ka adkaan kara Ruto.

"Bal isuga, arrimahaas waxaa laga hadli doonaa waqti dambe," ayuu dhawaan wariyeyaasha ugu sheegay magaalada Nairobi, markii wax laga weydiiyay damaciisa ku aaddan u tartamidda xilka madaxweynaha iyo sida uu doonayo inuu caannimadiisa sii kordhaysa ugu beddelo codad doorasho.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Caannimadiisa ayaa sii kordhaysa xilli muhiim u ah siyaasadda Kenya, kadib geeridii hoggaamiyihii mucaaradka ee muddada dheer Raila Odinga, kaas oo muddo tobannaan sano ah saameyn weyn ku lahaa siyaasadda dalka.

Odinga, oo shan jeer isku dayay inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha balse ku guuldarreystay, ayuu Sifuna, u ahaa la-taliyihiisa siyaasadeed.

Sannadkii 2018-kii, ayuu u magacaabay xoghayaha guud ee xisbiga Orange Democratic Movement (ODM), oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee ugu waaweyn Kenya.

Muddo sanado ah, Sifuna waxa uu ka mid ahaa difaacayaasha ugu waaweyn ee Odinga, isaga oo si adag uga hor iman jiray siyaasiyiinta ka soo horjeeday.

Geeridii Odinga kadib, khilaafka gudaha xisbiga ODM, ayaa sii xoogaystay, gaar ahaan arrinta ku saabsan in xisbigu sii wado wada-shaqaynta dowladda Madaxweyne William Ruto iyo in kale.

Halka qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee xisbiga ay taageereen in xiriir dhow lala yeesho madaxweynaha, Sifuna ayaa si weyn uga soo horjeestay qorshahaas. Waxa uu ku dooday in mucaaradku ay tahay inay dowladda kula xisaabtamaan waxqabadkeeda, halkii ay gacan ka geysan lahaayeen sii joogisteeda talada.

Mowqifkaas ayaa sabab u noqday in uu waayo xilkii xoghayaha guud ee ODM iyo sidoo kale xil hoggaamineed oo uu ka hayay Aqalka Senate-ka, oo ah aqalka sare ee baarlamaanka Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, arrin soo afjari kartay xirfadda siyaasadeed ee siyaasi kale ayaa u muuqata inay Sifuna siisay dhiirrigelin siyaasadeed oo cusub.

Falanqeeyaha siyaasadda Davis Ngemu, ayaa sheegay in Sifuna, uu hadda ka mid noqday codadka ugu saamaynta badan dhaqdhaqaaqa Linda Mwananchi, oo macnihiisu guud ahaan yahay "Difaaca muwaadinka"

Sifuna

Isu-soo-baxyada siyaasadeed ee uu ku qabto gobollo kala duwan oo dalka ah ayaa waxaa ka soo qaybgalaya dadweyne aad u badan, iyadoo Sifuna uu si gaar ah saamayn weyn ugu yeeshay dhallinyarada.

Farriintiisa siyaasadeed ayaa sidoo kale taabanaysa qaar ka mid ah cabashooyinkii dhaliyay dibadbaxyadii ay dhallinyaradu hoggaaminayeen ee Kenya ka dhacay 2024-kii. Xilligaas, kumannaan qof ayaa waddooyinka isugu soo baxay si ay uga mudaaharaadaan canshuur kordhin la soo jeediyay, waxayna dalbadeen in dowladda lagula xisaabtamo waxqabadkeeda.

Si ka duwan siyaasiyiin badan oo ruug-caddaa ah oo saamaynta weyn ku leh Kenya, Sifuna laguma yaqaan inuu xiriir dhow la leeyahay dabaqadda dadka bilyaneerrada ah ee dalka. Arrintan ayaa sii kordhisay taageerada uu ka haysto dadka ka daalay saamaynta lacagtu ku leedahay siyaasadda, isla markaana doonaya inay arkaan weji cusub kadib sannado badan oo isla siyaasiyiintii hore ay saaxadda siyaasadda ka muuqdeen.

Falanqeeyaha siyaasadda Macharia Gaitho, ayaa ku tilmaamay Sifuna "nin ku habboon xilligan aan joogno", isaga oo sheegay inuu matalo "awoodda iyo hal-abuurka jiil ku dhiirranaya inuu sawirto mustaqbal cusub oo geesinimo leh, kana madax bannaan nidaamyada soo jireenka ah ee maamulka".

Gaitho, ayaa ka digay in mustaqbalka siyaasadeed ee Sifuna aanu weli caddayn.

"Sifuna waxa uu ku jiraa safar siyaasadeed oo, haddii si habboon loo hago, gaarsiin kara hoggaanka ugu sarreeya Kenya; hase yeeshee, waxa kale oo uu ku fashilmi karaa haddii uu awoodi waayo inuu la tartamo hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya dalka," ayuu Gaitho ku qoray wargeyska Daily Nation ee Kenya.

Falanqeeye kale oo siyaasadeed, Barrack Muluka, ayaa sheegay in Sifuna ay tahay inuu hadda caannimadiisa u beddelo dhaqdhaqaaq heer qaran ah oo leh awood uu muddo dheer ku sii jiro.

"Haddii kale, senatarka waxaa lagu xusuusan doonaa oo keliya siyaasi muddo kooban soo shaac baxay, waana waxa ay doonayaan dadka ka soo horjeeda," ayuu yiri Muluka.

Sifuna

Sifuna, ayaa durba qaaday tallaabooyin uu ku dhisayo xisbi siyaasadeed oo isaga u gaar ah. Bishii October, ayuu ku dhawaaqay aasaaska xisbiga The Equitable Party (TEP), waxaana loo magacaabay hoggaamiyaha xisbiga. Xulafadiisa ayaa taageeray in uu noqdo musharraxa ay doorbidayaan ee madaxweynenimada, haddii uu go'aansado inuu xilkaas u tartamo.

Tan iyo markaas, xisbigu waxa uu bilaabay hannaanka lagu beddelayo magaciisa, si loogu bixiyo Linda Mwananchi Movement, inkasta oo qorshaha magac-beddelka uu weli wajahayo caqabado maamul.

Intii lagu guda jiray munaasabaddii lagu daahfurayay xisbiga, Sifuna waxa uu soo bandhigay qorshe dhaqaale oo looga golleeyahay in lagu yareeyo culayska dhaqaale ee haysta dadka caadiga ah ee Kenya.

Waxa uu ballanqaaday inuu meesha ka saarayo canshuurta guryaha ee nidaamkeedu adag yahay, baabi'inayo canshuurta qiimaha lagu kordhiyo (VAT) ee laga qaado shidaalka iyo korontada, la dagaallamayo musuqmaasuqa iyo ku takrifalka hantida dowladda, isla markaana ballaarinayo fursadaha dhaqaale ee dhallinyarada.

Waxa uu sidoo kale dhaliilay lacagaha laga qaado dadka Kenyaanka ah ee ku biiraya nidaamka cusub ee caymiska caafimaadka dowladda, isaga oo sheegay in dadka laga qaadayo lacag ka badan intii loogu talagalay.

Sifuna, waxa uu ku nuuxnuuxsaday in la dagaallanka musuqmaasuqa iyo dhimista kharashaadka dowladda ee aan loo baahnayn ay fursad siinayaan in canshuuraha la dhimo.

Sifuna

Waxa uu sheegay in khubaro ay diyaarinayaan warbixin faahfaahsan oo sharxi doonta sida loo hirgelin karo talooyinkiisa.

Iyadoo sumcaddiisa siyaasadeed ay sii kordhayso, waxa uu wajahayaa dhaleecayn sii xoogaysanaysa oo uga imanaysa Madaxweyne William Ruto, kaas oo marar badan magaciisa ku soo hadal qaaday isu-soo-baxyada dadweynaha.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ku jeesjeesay Sifuna, isaga oo ugu yeeray "nin xor ah", halka uu xisbigiisa cusub ee siyaasadeedna ku tilmaamay "xisbi maran".

Ruto, ayaa senator-ka ku eedeeyay inuu ku guuldarreystay inuu soo bandhigo qorshayaal kale oo lagu kalsoonaan karo oo lagu beddeli karo siyaasadaha dowladda. Waxa uu sidoo kale ka digay in la joojiyo barnaamijka guryaha la awoodi karo ay khatar gelin doonto shaqooyin badan.

Waxa kale oo uu ku andacooday in madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, uu yahay qofka dhaqaale ahaan taageera Sifuna si uu u wiiqo dowladdiisa.

Kenyatta si fagaare ah uma uusan beenin eedeymahaas. Balse, waxa uu u muuqday inuu aqbalay kaftanka loogu yeerayo "sponyo" oo ah eray afka-suuqa ah oo loola jeedo qof dhaqaale ahaan ku taageera ama maalgelin siiya qof kale.

Is-weydaarsiga hadallada ee sii noqonaya kuwo shakhsi ah ayaa muujinaya sida soo bixitaanka Sifuna ee siyaasadda uu qayb uga noqonayo loollan siyaasadeed oo ballaaran, kaas oo sii xoogeysanaya ka hor doorashooyinka 2027.