You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Magaalo laga dhisayo Dayaxa; riyada cusub ee Elon Musk ma hirgeli kartaa?
Elon Musk ayaa dhawaan ku dhawaaqay qorshe lagu dhisayo magaalo ku taalla Dayaxa, taas oo uu sheegay in lagu hirgelin karo wax ka yar toban sano, isla markaana awood u yeelan karta inay si madax-bannaan u korto oo u horumarto.
Elon Musk wuxuu sheegay in, halkii ay SpaceX diiradda saari lahayd dhismaha magaalo ku taalla Mars, ay hadda mudnaanta siinayso dhismaha magaalo ku taalla Dayaxa.
Maxaa sababay isbeddelkan, maxaase laga ogyahay qorshaha lagu dhisayo magaaladan Dayaxa?
Weli ma jiro qorshe rasmi ah oo faahfaahsan, oo ay la socdaan khariidado farsamo oo magaalada ah, balse waxaa jira aragti uu Elon Musk ku baahiyay bartiisa X.
Wuxuu soo jeediyay in la sameeyo degsiimo joogto ah oo ay dadku ku noolaan karaan, degsiimo muddo ka dib la horumarin karo lana ballaarin karo iyadoo la adeegsanayo khayraadka Dayaxa, isla markaana laga faa'iidaysanayo duullimaadyada joogtada ah ee loo tagayo Dayaxa.
Qoraal uu ku daabacay shabakadda X, Musk wuxuu sheegay in yoolkan lagu gaari karo "wax ka yar 10 sano, halka Mars ay qaadan doonto in ka badan 20 sano."
Wuxuu yiri: "Hadafka SpaceX isma beddelin; waa in la ballaariyo fahamka iyo nolosha aadanaha oo laga gudbo Dhulka loona gudbo xiddigaha."
Musk wuxuu sharaxay in safarka Mars uu suurtagal yahay oo keliya marka "meerayaashu ay 26-kii biloodba mar isu galaan meel ku habboon midba midka kale, safarkuna uu qaato qiyaastii lix bilood."
"Taas beddelkeeda, waxaan Dayaxa u safri karnaa 10-kii maalmoodba mar, safarkuna wuxuu qaadanayaa laba maalmood oo keliya, taas oo ka dhigan in aan horumarinta iyo dhammaystirka magaalada Dayaxa uga dhigi karno si aad uga dhakhso badan magaalada Mars," ayuu intaas ku daray.
Elon Musk wuxuu sheegay in hadafka SpaceX uu weli yahay in la fuliyo qorshihii muddada dheer ay ku dhisi lahayd magaalo ku taalla Mars, wuxuuna sheegay in geeddi-socodku bilaaban doono "qiyaastii shan ilaa toddoba sano gudahood." "Laakiin mudnaanta koowaad waa in la xaqiijiyo mustaqbalka ilbaxnimada aadanaha, Dayaxuna waa waddo ka dhakhso badan oo lagu gaari karo yoolkan," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Taageerayaasha iyo dadka raacsan Elon Musk ee baraha bulshada ayaa si degdeg ah u sameeyay oo wadaagay sawirro iyo tusaalooyin muujinaya sida ay magaaladu ugu ekaan karto Dayaxa. Qaar ka mid ah waxay sidoo kale isticmaaleen aaladda sirdoonka macmalka ah ee Elon Musk, Grac.
Hadallada Elon Musk waxay la jaanqaadeen warbixin ay soo saartay Wall Street Journal, taas oo sheegtay in SpaceX ay maalgeliyayaasha u sheegtay inay mudnaanta siin doonto hawlgallada Dayaxa, isla markaana ay dib u dhigi doonto dadaallada safarka Mars, iyadoo qorshuhu yahay in Maarso 2027 la sameeyo degitaan Dayaxa ah oo aan dad wadin.
Isbeddelkani wuxuu ka duwan yahay diiraddii muddada dheer ee Elon Musk ku hayay Mars oo ahayd meesha ugu weyn ee SpaceX ay u socoto. Sannadkii hore wuxuu sheegay in shirkaddu qorshaynayso inay hawada u dirto dayax-gacmeed Mars taga dhammaadka 2026, iyadoo hawlgalku yahay mid aan dad wadin.
Isagoo ka jawaabaya qoraal lagu daabacay shabakadda X bishii Janaayo ee la soo dhaafay, Musk wuxuu yiri: "Maya, waxaan si toos ah u aadaynaa Mars. Dayaxu waa mashquulin."
Elon Musk wuxuu leeyahay taariikh dheer oo ku saabsan dejinta waqtiyo aad u muhiimadi badan oo loogu talagalay mashaariic ay ka mid yihiin baabuurta korontada ku shaqeeya iyo tignoolajiyada is-wadista, kuwaas oo marar badan aan u hirgelin sidii qorshuhu ahaa.
Sida loo samayn karo
Sida loo samayn karo
Dr. Song Woo Lim, oo ah bare sare oo ku takhasusay adeegsiga hawada sare, sahaminta iyo qalabka hawada sare ee Jaamacadda Surrey ee dalka Ingiriiska, ayaa qorshaha SpaceX ee ah in saldhig laga dhiso Dayaxa ku tilmaamay mid "hammi weyn leh," balse aanu ahayn "sheeko mala-awaal cilmiyeed."
Wuxuu BBC u sheegay: "Aasaaska qorshahan waa in ciidda Dayaxa laga soo saaro ogsijiin, biyo iyo qalabka dhismaha, kuwaas oo ah habab aan horeba Dhulka uga isticmaalno. Aragti ahaan, waa suurtagal."
Dr. Lim wuxuu sharxayaa in caqabadda ugu weyn ay tahay in la ogaado in nidaamyadani si la isku halayn karo uga shaqayn karaan deegaanka adag ee Dayaxa, kaas oo lagu yaqaan heerkul aad u daran, boor aad u khafiif ah, cuf-jiidad hooseeya iyo ilo tamareed oo kooban. "Ka hor inta aynaan ku tiirsanaan nidaamyadan, waxaan u baahanahay inaan si habboon ugu tijaabino dusha Dayaxa," ayuu yiri.
Wuxuu tilmaamay in hay'adaha dowladda ee hawada sare ay badanaa u socdaan si "taxaddar leh," sababtoo ah waxay ku tiirsan yihiin maalgelinta dadweynaha iyo wareegyada siyaasadeed ee muddada dheer, taas oo uu sheegay inay "xaddidayso xawaaraha lagu tijaabin karo fikradaha cusub.".
"Haddii nidaamka cusub ee gantaalka shirkaddu u shaqeeyo sidii loo qorsheeyay, wuxuu qalab u diri karaa Dayaxa si joogto ah oo kharash yar, taas oo dedejin karta horumarka," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Dr. Ugur Gün, oo ah agaasimaha Xarunta Daraasaadka Hawada Sare iyo Tamarta ee Jaamacadda J.D. Goenka ee dalka Hindiya, ayaa sheegay in Dayaxu uu leeyahay faa'iido muhiim ah marka loo eego Mars marka laga hadlayo degsiimooyinka ugu horreeya ee aadanaha: in sahayda si degdeg ah loo diri karo, isla markaana si dhaqso ah looga jawaabi karo xaaladaha degdegga ah.
"Haddii wax qaldamaan oo aad halkaas ku leedahay deegaan ay dadku ku nool yihiin, waxaad isla markiiba diri kartaa hawlgal gargaar," ayuu BBC u sheegay, isagoo xusay in safarka Dhulka ilaa Dayaxa uu caadi ahaan qaato "laba ilaa saddex maalmood."
Si kastaba ha ahaatee, Dr. Lim wuxuu ka digayaa in in la gaaro "magaalo si dhab ah isugu filan oo ku taalla Dayaxa" ay weli tahay yool fog.
"Aad ayay uga adag tahay in cunto la soo saaro iyadoo aan nafaqo laga keenin Dhulka, isla markaana la abuuro nidaam wax walba dib loogu warshadeeyo loona isticmaalo," ayuu yiri. Gaarista yoolkan waxay u badan tahay inay qaadato tobannaan sano. "Sidaas darteed, aragtidani waa mid la gaari karo, laakiin si tartiib ah oo tallaabo-tallaabo ah ayay u hirgeli doontaa, ee hal mar laguma wada gaari doono."
Clive Neal, oo ah barafasoor ku takhasusay farsamada madaniga iyo deegaanka iyo cilmiga dhulka ee Jaamacadda Notre Dame ee dalka Maraykanka, isla markaana cilmi-baare ka ah sahaminta Dayaxa ee aadanaha, ayaa ku raacay.
Wuxuu BBC-da u sheegay: "Ilaa baaritaan dhammaystiran lagu sameeyo si loo aqoonsado khayraadka Dayaxa, lana ogaado in soo saaristoodu dhaqaale ahaan suurtagal tahay, ma ogaan doonno meesha ugu habboon ee laga dhisi karo magaalo si tartiib-tartiib ah u ballaaranaysa, magaalo u baahan khayraad la heli karo oo la soo saari karo."
Dr. Lim wuxuu aaminsan yahay inay tahay suurtagal "dhab ah" in "saldhig yar oo Dayaxa ku yaalla" uu 10-ka sano ee soo socda awood u yeesho inuu soo saaro qayb ka mid ah ogsijiinta uu u baahan yahay, waxaana laga yaabaa inuu xitaa soo saaro biyo. "Taasi waxay noqon lahayd horumar weyn," ayuu yiri.
Jeffrey Hoffman, oo ah cirbixiyeen hore oo NASA ka tirsanaa, isla markaana hadda ah barafasoor ku takhasusay farsamada duulista iyo hawada sare ee Machadka Teknolojiyadda Massachusetts MIT, ee dalka Maraykanka, wuxuu aaminsan yahay in haddii SpaceX iyo Blue Origin, oo ah shirkadda tignoolajiyada hawada sare ee uu leeyahay aasaasaha Amazon Jeff Bezos, ay si guul leh u horumariyaan qalabka Dayaxa lagu degayo, "waxaan durba dabooli karnaa baahiyaha saadka ee saldhig Dayaxa ku yaalla."
"Laakiin Mars weli waa tallaabo aad u fog," ayuu BBC u sheegay.
Si kastaba ha ahaatee, aqoonyahan Jeffrey Hoffman wuxuu sheegay in khibradda laga helo dhisidda deegaano Dayaxa ku yaalla oo waara, ugu dambayn loo adeegsan karo in saldhig laga sameeyo Mars.
Dr. Gowen ayaa ku raacay, isagoo intaas ku daray in marka saldhig laga sameeyo Dayaxa, in Mars loo safro ay aad u fududaan doonto, maadaama Dayaxu u noqon karo "barxad laga sii duulo."