You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Imaaraadka oo joojiyay dhammaan ganacsigii iyo is-weydaarsigii maaliyadeed ee uu la lahaa Iran iyo Iran oo ka jawaabtay

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Imaaraadku sheegay in Iran dhankeeda looga soo riday laba gantaal hase-yeeshee Iran ayaa arrintaas ku tilmaantay mid aan sax ahayn.

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Kooriyada Koonfureed oo ka jawaabtay warkii ka soo yeeray Trump

    Kuuriyada Koonfureed waxay sheegtay in dhoollatusyada milatari ee ay hadda wadajir ula waddo Maraykanka la soo afjari doono lix maalmood ka hor waqtigii loo qorsheeyay, sidoo kalena la yareyn doono baaxaddooda.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa amray in dhoollatusyada la dhimo. Wuxuu ku tilmaamay kuwo aan habboonayn oo cadaawad ku ah Kuuriyada Waqooyi.

    Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in madaxweynaha Maraykanku uu rajaynayo inuu Kim Jong Un, hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, la kulmo dabayaaqada sanadkan.

    Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Lee Jae Myung, ayaa ku baaqay in dalkiisu yeesho awood difaac oo madax-bannaan oo xoog badan, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu yareynayo ku-tiirsanaanta Maraykanka ee dhinaca difaaca.

  2. War deg deg ah, Wararka waxaa ugu waaweyn Imaaraadka iyo Iran oo khilaaf ka dhex qarxay, Uk iyo Ruushka oo hadallo dhiilo leh hawada isu marinaya. Xuutiyiinta oo weeraray xaruumo shidaal oo Sacuudigu leeyahay iyo colaaddi Mareykanka iyo Iran oo meesheedii ka sii socota

  3. War deg deg ah, Iran oo si adag uga falcelisay tallaabada Imaaraadka

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa beeniyay sheegashada Imaaraadka Carabta ee ah in Iran ay gantaallo ku ridday dalkooda.

    War-saxaafadeed uu soo saaray, Baghaei wuxuu sheegay in “eedeymaha” Imaaraadku ay yihiin kuwa aan sal iyo raad lahayn. Wuxuu sheegay in tallaabada Imaaraadku ay ka hor imaaneyso mabda’a deris-wanaagga, isla markaana ay carqaladeynayso dadaallada lagu xoojinayo kalsoonida iyo ka hortagga sii xumaanshaha amni-darrada gobolka.

    Saacado kaddib markii Imaaraadku sheegay in laba gantaal oo ballistic ah laga soo tuuray Iran, Abu Dhabi waxay ku dhawaaqday inay hakisay dhammaan macaamiladii ganacsi iyo maaliyadeed ee ay la lahayd Iran ilaa amar dambe. Wasaaradda Difaaca Imaaraadka ayaa sheegtay in mid ka mid ah gantaallada uu ku dhacay meel ka baxsan biyaha dhuleed ee dalka, halka kan kalena uu ku dhacay ciidda Imaaraadka..

    Iran, si kastaba ha ahaatee, waxay ku adkeysaneysaa in sheegashada Imaaraadku aysan sax ahayn. Khilaafkan cusub wuxuu kusoo beegmayaa xilli xiriirka labada dal uu mar kale aad u xumaaday, iyadoo horey loo soo sheegay weerarro iyo eedeymo la xiriira maraakiibta Imaaraadka ee marayay marin-biyoodka Hormuz

  4. War deg deg ah, Imaaraadka oo qaaday tallaabo caro leh kadib markii gantaallo lagu weeraray

    Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inuu hakisay dhammaan xiriirradii ganacsi iyo maaliyadeed ee ay la lahaayen Iran ilaa amar dambe, kaddib markii ay sii xoogeysatay xiisadda gobolka.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa sheegtay in go’aanka uu ka dhashay dagaalka sii kordhaya oo khatar ku ah nabadda iyo amniga gobolka iyo caalamkaba.

    Saacado ka hor inta aan go’aanka la shaacin, Wasaaradda Difaaca Imaaraadka ayaa sheegtay inay ogaatay laba gantaal oo ballistic ah oo Iran laga soo tuuray oo ku wajahnaa Imaaraadka.

    Sida ay wasaaraddu sheegtay, mid ka mid ah gantaallada wuxuu ku dhacay meel ka baxsan biyaha dhuleed ee Imaaraadka, halka kan kalena uu ku dhacay meel ka mid ah ciidda Imaaraadka.

    Tan iyo markii ay bilowdeen weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran, Imaaraadku wuxuu ka mid ahaa dalalka gobolka ee ay saameeyeen weerarrada Iran.

    Xiisadda cusub ayaa hadda mar kale sare u qaaday khatarta amni ee Imaaraadka, iyadoo labada dhinac ay hore ugu jireen xaalad dagaal iyo xiisad aad u daran.