Garsoore Maraykan ah oo Trump u oggolaaday inuu soo afjaro sharci kumannaan Itoobiyaan ah ka ilaalinayay in la musaafuriyo

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Garsoore heer federaal ah ayaa Talaadadii u oggolaaday maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu soo afjaro ilaalinta sharci ee la siiyay in ka badan 5,000 Itoobiyaan ah, taas oo u saamaxaysay inay ku noolaadaan ksna shaqeeyaan gudaha Mareykanka.

Garsooraha Maxkamadda Degmada Mareykanka ee Boston, Brian Murphy, ayaa qaaday xannibaaddii ugu dambeysay ee garsooreyaashu saareen go'aanka Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka (DHS) ee lagu joojinayo Xaaladda Ilaalinta Ku-meelgaarka ah (TPS) ee dalalka qaarkood. Tallaabadan ayaa timid kadib markii Maxkamadda Sare ee Mareykanka ay bishii Juun u oggolaatay maamulka Trump inuu soo afjaro ilaalinno la mid ah kuwaas oo loo fidiyay kumannaan qof oo ka soo jeeda Haiti iyo Suuriya.

Go'aanka Maxkamadda Sare, oo ay taageertay aqlabiyadda muxaafidka ah ee 6-3, ayaa xaddiday awoodda garsooreyaasha ay ugu eegaan tallaabooyinka DHS ee maamulka Trump ku doonayo inuu ku soo afjaro TPS-ka 13 dal, kuwaas oo muhaajiriinta u qalanta siinayay ilaalin bani'aadamnimo.

James Percival, oo ah la-taliyaha guud ee DHS, ayaa soo dhaweeyay go'aanka, isagoo qoraal uu baraha bulshada ku daabacay ku yiri: "Dhammaan joojinta TPS-ka hadda way dhaqan galeen!"

"Nolosha kumannaan Itoobiyaan ah ayaa halis ku jirta"

Joojinta TPS-ka Itoobiya ayaa waxaa ka horyimid muwaadiniin Itoobiyaan ah iyo ururka u dooda bulshada African Communities Together, kuwaas oo muujiyay niyad-jab ku aaddan go'aanka Talaadadii.

"Dhibaatada Itoobiya wali way socotaa, go'aankanna wuxuu nolosha kumannaan Itoobiyaan ah oo ku nool Mareykanka gelinayaa khatar aad u weyn," ayay tiri Diana Konaté, oo ah ku-xigeenka agaasimaha fulinta ee ururka u qaabilsan siyaasadda iyo u doodista.

TPS, oo uu dhigayo sharciga federaalka Mareykanka, waxaa loo heli karaa dadka dalalkooda ay ka dhaceen musiibooyin dabiici ah, colaado hubeysan ama xaalado kale oo aan caadi ahayn. Waxay dadka u qalma siisaa oggolaansho shaqo iyo ilaalin ku-meelgaar ah oo ka dhan ah masaafurinta.

Maamulkii madaxweynihii hore ee Dimuqraadiga Joe Biden ayaa markii ugu horreysay TPS siiyay Itoobiyaanka horey ugu sugnaa Mareykanka laga bilaabo 2022, isagoo sabab uga dhigay baahida loo qabo in muwaadiniinta Itoobiya laga ilaaliyo colaadda hubeysan iyo dhibaatooyinka bani'aadamnimo.

DHS, ayaa xilligii ay wasiir ka ahayd Amniga Gudaha Kristi Noem, waxay bishii Diseembar ku dhawaaqday inay soo afjari doonto ilaalintaas, iyadoo sheegtay in xaaladaha Itoobiya aysan hadda ahayn kuwo khatar weyn ku ah Itoobiyaanka haddii ay si nabad ah ugu laabtaan dalkooda.

Murphy ayaa bishii Abriil xannibay tallaabada DHS, isagoo sheegay in waaxdu aysan raacin habraacyadii sharciga ahaa, isla markaana sababta ay u adeegsatay joojinta ilaalinta ay ahayd mid "marmarsiiyo ah."

Kadib go'aankii Maxkamadda Sare, Murphy wuxuu soo saaray amar cusub oo si ku-meelgaar ah u sii waday xannibaadda joojinta TPS-ka Itoobiyaanka, iyadoo uu eegayay haddii uu sii wadi karo hakinta tallaabada DHS sababo aanu go'aanka Maxkamadda Sare waxba ka qaban.

Doodaha waxaa ka mid ahaa in sharcigii 1990-kii ee lagu aasaasay TPS uu awoodda kordhinta ama joojinta ilaalinta masaafurinta siiyay xeer-ilaaliyaha guud, balse aanu siin DHS, oo la aasaasay kaddib weerarradii 11-kii Sebtembar 2001.

Garsooreyaal waday dacwado la mid ah oo khuseeya dadka ka soo jeeda Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Myanmar ayaa maalmahan dambe diiday dooddaas, Murphy-na Talaadadii ayuu sidaas oo kale sameeyay.

Wuxuu diiday dooddaas iyo sheegashooyin kale, balse wuxuu sheegay inuu u oggolaanayo dacwoodayaasha inay sii wataan dacwadda ku saabsan in tallaabada DHS ay ku salaysnayd cunsuriyad ama nacayb ku salaysan jinsiyad ama asal qaran, taas oo haddii ay jirto ka hor imaan karta Wax-ka-beddelka Shanaad ee Dastuurka Mareykanka.

Dacwoodayaashu waxay ku doodeen in maamulka uu iska indhatiray sida xaaladaha halista ah ee Itoobiya ay wali u sii jiraan, ayna joojinta TPS-ka Itoobiya qayb ka tahay hab lagu baabi'inayo ilaalinta masaafurinta dadka aan caddaanka ahayn iyo kuwa aan Yurub kasoo jeedin.