Qalibaf: Haddii Maraykanku uu xoojiyo go'doominta dhanka badda, waxaan uga jawaabi doonnaa qaab militari
Muuqaal uu Mohammad Bagher Ghalibaf ugu magac daray “Wadahadalka Dadka” ayaa lagu baahiyay warbaahinta Iran, kaas oo Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran uu kaga hadlay arrimo kala duwan.
Ghalibaf, oo ah madaxa wadaxaajoodayaasha Iran, ayaa sheegay:“Haddii cadowgu noo diido inaanan Shidaal ka dhoofin Gacanka Faaris, cidna ma awoodi doonto inay shidaal dhoofiso.”
Waxa kale oo uu sheegay in ujeeddada cadowga ee dagaalka isku-dhafka ah ay tahay inuu dalka ka abuuro qalalaase gudaha ah, oo ay weheliyaan falal argagixiso iyo weerarro milatari oo kooban.
“Haddii ay sii xoojiyaan go’doominta, waxaan si dhab ah uga jawaabi doonnaa dhinaca milatariga, qof walbana wuu khasaarayaa,” ayuu yiri.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in “haddii Maraykanku uusan fulin waajibaadkiisa, aan ku qasbi doonno inuu fuliyo annagoo adeegsanayna luuqadda awoodda.”
Waxa kale oo uu sheegay in siyaasadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, sida uu dhigayo amarka Hoggaamiyaha Kacaanka, ay tahay in la fuliyo qodobbada heshiiska is-afgaradka.
Ghalibaf ayaa ugu baaqay “dhammaan siyaasiyiinta dhinacyada kala duwan iyo dadka aan xil rasmi ah hayn” inay meel iska dhigaan “khilaafaadkii bilihii la soo dhaafay.”
Sida uu sheegay, intii uu socday xilliga ay meesha ka baxday go’doomintii badda ee Maraykanka, Iran waxay dhoofisay in ka badan 80 milyan oo fuusto ooShidaal ah, iyadoo sidoo kalena qaaday tallaabooyin wanaagsan oo ku saabsan soo dejinta badeecadaha aasaasiga ah.