Wasiirka Caafimaadka Iran: 18 qof ayaa ku dhintay, 108 kalena ku dhaawacmay weerarradii Maraykanka ee xalay
Wasiirka Caafimaadka Iran, Mohammad Reza Zafarghandi, ayaa sheegay in 18 qof ay ku dhinteen, 108 kalena ay ku dhaawacmeen weerarro xalay ka dhacay gobollo kala duwan oo dalkaas ah.
Weerarradan ayaa ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee uu Maraykanku qaado tan iyo dagaalkii 40-ka maalmood socday.
Buuraha Sirik ayaa ka mid ahaa goobihii ay duqeymaha Maraykanku beegsadeen.
Mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegay in afar qof, oo ay ku jireen haweeney iyo ilmo ka qaybgalayay xaflad aroos, lagu dilay, halka 65 kalena ay ku dhaawacmeen weerarrada Maraykanka.
Pejman Shahrokhi, oo ah madaxa Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Hormozgan, ayaa sheegay in lix ka mid ah dadka ku dhaawacmay dhacdadii buuraha Sirik ay ku jiraan qaybta daryeelka gaarka ah, halka 26 kalena lagu daweynayo qaybta qalliinka.
Isaga oo ka jawaabaya su’aal ay BBC Persian weydiisay, afhayeenka Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM), Kabtan Tim Hawkins, ma uusan beenin wararka ku saabsan weerarka, balse wuxuu sheegay inuu "og yahay" warbixinnada la helay.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamada Maraykanku aysan waligood si ula kac ah u beegsan dadka rayidka ah.
Gobolka Khuzestan, waxaa la sheegay in toddoba qof lagu dilay, siddeed kalena lagu dhaawacay weerarro ka dhacay goobo ku yaalla Ahvaz iyo Aghajari.