Madaxweyne Cirro oo u ambabaxay Mareykanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda gooni usu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta safar shaqo oo rasmi ah ugu ambabaxay dalka Maraykanka, isaga oo sii mari doona Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, sida ay baahisay madaxtooyada Somaliland.
Safarkan oo ah kii ugu horreeyey ee uu Madaxweyne ahaan ku tago Maraykanka, ayaa la sheegay inuu muhiim u yahay xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo horumarinta qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.
Inta uu ku guda jiro safarka ku , madaxweynuhu waxa uu kulamo la yeelan doonaa masuuliyiin iyo dhinacyo muhiim ah, isaga oo gudbinaya codka, danaha iyo himilada Shacabka Somaliland, sida ay madaxtooyadu ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barta Facebook.
Safarkani waxa uu muujinayaa in Somaliland ay dunida kula macaamilayso kalsooni, masuuliyad iyo aragti Qaran, isla markaana ay diyaar u tahay iskaashi istiraatiji ah oo ku dhisan danaha wadajirka ah, ayaa lagu yiri qoraalka.