TOOS, Mareykanka oo baaraya in gantaal uu ku dhacay aroos ka dhacayay Iiraan

Gantaallada Mareykanka ayaa isla maalintaas la riday, iyadoo laga jawaabayay weerar Iiraan ay ku qaadday ciidamada Mareykanka, laakiin afhayeenka Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in "aysan waligood bartilmaameedsanayn dadka rayidka ah".

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Tirada dadka ku dhintay Nepal oo gaartay 1,287, iyadoo 5,083 qofna ay weli maqan yihiin

    Hay'adda maareynta masiibooyinka ee Nepal ayaa sheegtay in ilaa hadda la helay meydadka 1,287 qof, halka lagu qiyaasay in 5,083 qof ay weli maqan yihiin.

    Tani waa koror ku yimid xogtii hore ee ay bixisay booliiska dalkaas, taas oo sheegaysay in 1,280 qof ay dhinteen, 4,798 qofna ay maqnaayeen.

    Warar la xiriira:

  2. Qiimaha saliidda oo weli sarreeya inkastoo ay joogsadeen weerarradii u dhexeeyay Iran iyo Mareykanka 24-kii saac ee la soo dhaafay

    Ka dib markii uu qiimaha shidaalku si weyn u kacay kadib weerarradii Mareykanka ee fiidnimadii Talaadada iyo jawaabtii aargoosiga ahayd ee Iran ay bixisay subaxnimadii Arbacada, qiimaha shidaalka ee suuqyada caalamka ayaa weli ku dhow $100 halkii foosto, inkastoo aan la soo sheegin wax iska horimaad cusub ah maalintii Khamiista.

    Qiimaha foostada shidaalka nooca "North Sea Brent" ayaa maalintii Khamiista lagu sheegay $95.89, taas oo ku dhow qiimihii ay lahayd subaxnimadii Arbacada kadib duqeymihii cirka ee Mareykanka uu ku qaaday 40 goobood oo ku yaalla koonfurta Iran.

    Arrintan ayaa timid iyadoo toddobaadkii hore qiimaha saliidda Brent uu ahaa $85 halkii foosto.

    Warar dheeraad ah:

  3. War deg deg ah, Labo qof oo sagaal maalmood kadib laga soo badbaadiyey daadadkii xoogga badnaa ee Nepal

    Nepal

    Xigashada Sawirka, NEA

    Laba qof ayaa iyagoo nool laga soo badbaadiyey godka mashruuca korontada biyaha ee Trishuli 3A ee Nepal, sagaal maalmood kadib daad xooggan oo ku dhuftay dalka, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 1,200 qof.

    Kooxo samatabixin ah ayaa weli wada dadaallo lagu badbaadinayo dad kale oo la sheegay inay ku xanniban yihiin gudaha godka.

    Suresh Raut, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Korontada Nepal, isla markaana goobta samatabbixinta ku sugnaa, ayaa BBC u sheegay in samatabixiyayaashu ay oksijiin siinayaan qofka la soo badbaadiyey, kaas oo mas’uuliyiintu sheegeen inuu yahay Sanjaya Shah.

    Warar la xiriira:

  4. Faa'iidada muhiimka ah ee quraacda

    Cunista quraac badan iyo casho yar ayaa kaa caawin karta dhimista miisaankaaga, ayay yiraahdeen cilmi-baareyaashu.

    Markii ay saynisyahannadu sameynayeen cilmi-baarista waxay si sax ah u xakameeyeen cuntada dadka, si ay isu barbar dhigaan saamaynta quraacda culus iyo cashada culus.

    Kooxda Jaamacadda Aberdeen waxay dadkii ay tijaabiyeen ka heleen dad dhimay kalooris, si isku mid ah mar kasta oo ay cunaan cuntadooda ugu culus ee maalinta.

    Laakiin, rabitaankooda cuntada ayaa si aad ah hoos ugu dhacay kaddib markii ay billaabeen cunista quraacda culus, taas oo sahlaysa in uu qofka ka taxaddaro dheelitirka cuntadiisa.

    Cilmi-baareyaashu waxaa kale oo u soo baxday hal fikrad oo ah in habeenku uu yahay wakhtiga ugu xun ee cunto la cuno, sababtoo ah saacaddaas dheef-shiidka ayaa cuntada u beddelaya kiimiko, gaar ahaan marka uu qofku hurdo.

  5. Mas'uuliyiinta iyo dadka deegaanka oo ku dhibtoonaya inay damiyaan dab ka kacay Buurta Kilimanjaro

    Kilimanjaro

    Xigashada Sawirka, Jackson Mauki

    Mas'uuliyiinta iyo dadka deegaanka ee waqooyiga Tanzania ayaa ku howlan daminta dab ka kacay jiirarka Buurta Kilimanjaro, oo ah buurta ugu dheer qaaradda Afrika.

    Dabku wuxuu ka socdaa aag ku yaalla joog dhan qiyaastii saddex kun iyo afar boqol oo mitir oo ka sarreeya heerka badda.

    Mas'uul ka tirsan Hay'adda Beeraha Qaranka ee Tanzania ayaa u sheegay BBC-da inaan weli la ogeyn waxa sababay dabka.

    Buurta Kilimanjaro, oo muhiim u ah noolaha kala duwan iyo dalxiiska, ayaa sanadihii u dambeeyay wajahday dab-weyn oo kale oo khasaare geystay.

    Sannadkii 2023-kii, dab socday muddo toddobaad ku dhow ayaa baabi'iyay dhul baaxaddiisu dhan tahay 17 kiiloomitir oo laba-jibbaaran, taas oo u dhiganta qiyaastii boqolkiiba hal qayb oo ka mid ah aagga kaydka dabiiciga ah ee buurta.

    Warar dheeraad ah:

  6. Mareykanka oo baaraya in gantaal uu ku dhacay aroos ka dhacayay Iiraan

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Milatariga Mareykanka ayaa baaraya sheegashada Iran ee ah in duqeymo ay ka fuliyeen dalkaas ay dileen ugu yaraan afar qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah, xilli uu aroos ka socday koonfurta Iran, sida uu sheegay Madaxweyne-ku-xigeenka Mareykanka JD Vance.

    Ururka Bisha Cas ee Iran (IRCS), oo ah hay’ad samafal oo bani’aadamnimo, ayaa sheegay in firirka gantaal uu Talaadadii ku dhacay xafladda arooska oo ka dhacaysay guri ku yaalla magaalada Sirik. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baqaei, ayaa dhacdada ku tilmaamay “dambi dagaal”.

    Gantaallada Mareykanka ayaa la riday isla maalintaas, kaddib markii Iran ay isku dayday inay weerarro ku qaaddo ciidamada Mareykanka. Hase yeeshee, afhayeen u hadlay Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku “marnaba aysan bartilmaameedsan rayidka”.

    Vance oo Khamiistii hadlay ayaa sheegay inuu “si weyn uga shakisan yahay” wararka ku saabsan duqeynta la sheegay, balse wuxuu xaqiijiyay in Mareykanku uu baaritaan ku samayn doono.

    “Waxaan oran karaa warbaahinta dowladda Iran ma ahayn ilo si wanaagsan uga warbixiya waxa ka dhacaya colaaddan ilaa hadda. Sidaas darteed, aad ayaan uga shakisanahay arrintan,” ayuu Vance ka sheegay kulan warbaahineed oo ka dhacay Aqalka Cad.

    “Waxaan ogahay in aan baaritaan wadno.”

    Iran ayaa weerarro cusub ku qaadday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Kuwait iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo ka jawaabaysa duqeynta la sheegay.

    Warar dheeraad ah:

  7. Kuuriyada Koonfureed oo isu diyaarinaysa inay ciidamo u dirto Marinka Hormuz

    Kuuriyada Koonfureed oo isu diyaarinaysa inay ciidamo u dirto Marinka Hormuz

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Warbaahinta Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in dowladda dalkaasi ay diyaarinayso in ay u dirto qalab iyo ciidamo milatari si ay uga qayb qaataan waxa loogu yeero “xaqiijinta xorriyadda isu-socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz”, iyadoo qorshuhu yahay in hawlgalkan la bilaabo ka hor dhammaadka sanadkan.

    Reuters ayaa Khamiistii, 3-dii Sebtembar, qortay in warbaahinta Kuuriyada Koonfureed, oo soo xiganaysa ilo ka tirsan dowladda iyo milatariga, ay sheegtay in Seoul ay waddo tallaabooyinka sharci ee lagama maarmaanka ah si ay u hesho oggolaanshaha Baarlamaanka ee dirista ciidamada.

    Sida ay wararku sheegayaan, kaddib marka qorshahan ay dib u eegto Golaha Wasiirradu, dowladda ayaa qorshaynaysa inay bishan Baarlamaanka u gudbiso codsi rasmi ah oo ku aaddan ansixinta dirista ciidamada.

    Suurtagalnimada in Kuuriyada Koonfureed ciidamo dirto ayaa soo baxaysa xilli xiisadaha amni ee ka jira Marinka Hormuz ay sare u kaceen toddobaadyadii u dambeeyay, sidoo kalena ay kordheen weerarrada lagu qaadayo maraakiibta ganacsiga.

    Dalal dhowr ah ayaa sidoo kale baaraya habab ay uga qayb qaadan karaan ilaalinta amniga maraakiibta ee marin-biyoodkan istiraatiijiga ah.

    Mas’uuliyiinta dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin wararkan.

    Warar dheeraad ah:

  8. Netanyahu: Xukuumadda Iiraan waxay ‘dhici kartaa dhawaan’

    Netanyahu

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in xukuumadda Iiraan ay burburi doonto mustaqbalka dhow.

    Netanyahu oo ka hadlayay munaasabad ay ka qaybgaleen saraakiil sare oo ka tirsan milatariga Israa’iil ayaa sheegay in dowladda Iiraan ay “hadda ku jirto xaalad aad u jilicsan. Waxay ka daciifsan tahay sidii hore, waxayna u dagaallamaysaa sidii ay u badbaadin lahayd jiritaankeeda.”

    “Waxaan ku kalsoonahay inaan meesha ka saari karno khatartan mar keliya oo dhammaad ah, isla markaana aan ridno xukuumaddan. Tani waa hawsha ugu muhiimsan ee weli na hor taalla. Waan ku sii dhawaanaynaa, mana aha wax aan suurtagal ahayn, waana wax aan gaari karno,” ayuu yiri.

    Netanyahu ayaa sidoo kale ka hadlay bartilmaameedyada weerarrada Iiraan ee dagaalka ay kula jirto Mareykanka, isagoo yiri: “Ma aha wax iska dhacay inaysan na weerarin. Waxay weeraraan qof walba, laakiin nama weeraraan.”

    Wuxuu intaas ku daray in Iiraan ay ogtahay “awoodda Israa’iil.”

    Hadallada Netanyahu ayaa imanaya xilli ay soo dhowaanayaan doorashooyinka guud ee Israa’iil oo loo qorsheeyay 27-ka Oktoobar, iyadoo qaar ka mid ah sahannada ra’yiga dadweynuhu muujinayaan inuu ka dambeeyo mucaaradkiisa.

    Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa Benjamin Netanyahu ku eedeeya inuu ku guuldarreystay wax ka qabashada Iiraan.

    Warar dheeraad ah:

  9. Madaxweynaha Kenya oo amar ku bixiyay in tallaabo adag laga qaado ajaanibta ka shaqeysa ganacsiyada yaryar

    Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa amar ku bixiyay in tallaabo adag laga qaado ajaanibta ka ganacsata ganacsiyada yaryar, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo ganacsatada yaryar iyo kuwa wax ku iibiya waddooyinka ee dalka.

    Ku dhawaaqistiisa ayaa ku soo beegmaysa xilli uu sii xoogeysanayo doodda ku saabsan tirada sii kordheysa ee muhaajiriinta Afrikaanka ah ee ku lug leh dhaqaalaha ballaaran ee aan rasmiga ahayn ee Kenya.

    "Laga bilaabo toddobaadka dambe, dhammaan ganacsatada [ajaanibta ah] ee ka shaqeysa ganacsiyada yaryar waa inay xiraan," ayuu yiri, isaga oo sidoo kale ballanqaaday in la dedejin doono sharci la soo jeediyay oo ajaanibta looga mamnuucayo qaybo ka mid ah ganacsiga.

    Ruto wuxuu sheegay in Kenya ay weli soo dhoweynayso maalgashiga shisheeye, balse uu ku dooday in maalgashadayaasha — oo ay ku jiraan ganacsatada Shiinaha — ay tahay inay abuuraan shaqooyin oo ay kordhiyaan wax-soo-saarka, halkii ay dadka Kenyaanka ah kula tartami lahaayeen ganacsiyada yaryar.

  10. Ruushka oo Mareykanka ka diiday inuu ka fogaado Iiraan

    Ruushka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ruushka ayaa diiday digniintii Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Scott Bessant ee ahayd in dalalka kale ay joojiyaan taageerada Iran oo ay “iska fogeeyaan”.

    Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka ayaa dhawaan sheegay: “Waxaan Iran ku soo rogeynaa cunaqabateyn aan hore loo arag... Sida ugu dhaqsaha badan ee loo soo afjari karo colaaddan waa in aan cidina wax taageero ah siin taliska Iran.”

    Hase yeeshee, codsigan ayaa jawaab adag kala kulmay dalal ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Ruushka.

    Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa Khamiistii sheegay, sida ay werisay wakaaladda wararka Interfax: “Waxaan leennahay saaxiibbo iyo shuraako, waxaana sii wadi doonnaa, sidoo kalena sii horumarin doonnaa, dhammaan xiriirradaas saaxiibtinnimo iyo iskaashiga ku dhisan.”

    Mr. Peskov ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanku uusan awood u lahayn inuu “keligiis yeesho ama koontaroolo” xiriirrada uu dal kale la leeyahay.

    Warar dheeraad ah:

  11. Bunka iyo shaaha, midkee faa'iido badan u leh jidhkeenna

    Waxaa jira tartan xooggan oo ka dhaxeeya cuntooyin iyo cabbitaannada oo qaar badan kala doorashadooda lagu xifaaltamo, sida bariiska iyo baastada, hamburger iyo pizza, iyo qaar kale.

    Si la mid ah bunka iyo shaaha ayaa tartan kale oo caalami ah uu ka dhaxeeyaa.

    Soomaalidu waxa ay ka mid tahay dadka ugu cabbista badan shaaha marka loo barbar dhigo bulshooyinka kale ee gobolka. Waxaana iska cad in cabbista shaahu ay mar walba ka horrayso midda bunka ee bulshada Soomaalida dhexdeeda.

    Ugu yaraan sannad walba waxa soo baxa daraasado caafimaad oo la xidhiidha faa'iidooyinka ama faa'iido darrada ka dhalan karta qaababka loo isticmaalo labadan cabbitaan.

    Daraasad caafimaad oo hadda ka hor la saaray waxa ay daaha ka qaadday in cabbitaanka koob shaaha ah ama kafee ah maalin kasta ay kaa ilaalin karto da'da, sidoo kalena ay ka hortagi karto daciifnimada jirka iyo gabowga.

  12. Saddex duuliye Iiraani ah oo lagu dilay duqeymaha Mareykanka

    Wakaaladda wararka Tasnim ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in “saddex duuliye oo ka tirsan ciidanka” lagu dilay weerarradii Maraykanku ku qaaday Iran “labo habeen ka hor.”

    Warbaahintan oo xiriir dhow la leh Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ma aysan soo bandhigin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobta iyo sida duuliyayaashan loo dilay.

    Sida ay sheegtay Tasnim, magacyada duuliyeyaashu waxay kala yihiin Mojtaba Bagheri, Hamed Okati, oo ka tirsanaa ciidamada badda, iyo Hossein Mahdaviyan, oo ka tirsanaa ciidamada cirka.

    Wakaaladdu waxay sidoo kale war kale ku baahisay magacyada lix xubnood oo kale oo ka tirsanaa “ciidamada milatariga” ee Iran, iyadoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah, waxayna sheegtay in lagu dilay weerarro ka dhacay “qaybaha koonfureed ee dalka.”

    Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa labo maalmood ka hor sheegay inuu weerarro ka fuliyay dhowr magaalo oo ku yaalla koonfurta Iran.

    Sida ay Iran sheegtay, marka laga soo tago weerarkii lagu qaaday Kohstak ee Sirik, toddoba qof ayaa lagu dilay, siddeed kalena waa lagu dhaawacay weerarro ka dhacay goobo ku yaalla Ahvaz iyo Aghajari, oo ka tirsan gobolka Khuzestan. Ugu yaraan mid ka mid ah dadka dhintay ayaa lagu sheegay inuu ahaa xubin ka tirsan “ciidamada amniga shacabka.”

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa sidoo kale xaqiijiyay in afar xubnood oo ka tirsanaa Ciidanka Cirka iyo Hawada ee IRGC lagu dilay gobolka Kermanshah. Sida ay sheegayaan wararku, saddex xubnood oo ka tirsanaa ciidamada Basij ayaa sidoo kale lagu dilay kadib weerarkii Maraykanku ku qaaday Jasiiradda Lavan.

    Warar dheeraad ah:

  13. In ka badan 80 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku qallibantay Jasiiradaha Islands

    Jasiiradda

    Xigashada Sawirka, Reuters

    In ka badan 80 qof, oo ay ku jiraan ilmo yar, ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen doon ku dul sabbeyneysay Badweynta Atlaantik muddo 27 maalmood ah. Kooxaha Samatabbixinta Badda ee Isbaanishka ayaa markabka ka helay meel qiyaastii 65 mayl badeed koonfur-galbeed ka xigta magaalada xeebta ee Gran Canaria ee Arguineguín Arbacadii waxayna heleen 44 qof oo badbaaday, iyadoo shan meyd ah ay sidoo kale saarnaayeen.

    Doontu waxaa la rumeysan yahay inay ka baxday Gambia oo Galbeedka Afrika ah horraantii Agoosto iyadoo ay saarnaayeen 127 qof.

    Haweeney u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha Helena Maleno Garzón, oo ah aasaasaha hay'adda samafalka ee Isbaanishka Caminando Fronteras, ayaa sheegtay in 83 qof ay dhinteen.

    Samatabbixiyeyaasha ayaa lagu qasbay inay ka tagaan shanta meyd ee ay heleen xaaladaha badda ee kacsan awgood, sida ay sheegtay Maritime Rescue.

    Ururku wuxuu sheegay inaysan xaqiijin karin inta qof ee asal ahaan saarnaa markabka maaddaama uusan ku jirin meel ay ka soo degto.

    Waxaa la sheegay in 44-ta qof ee badbaaday ay yihiin rag ka yimid Saxaraha ka hooseeya Afrika, sida ay ku sheegtay bayaan ay soo saartay Maritime Rescue. "Markii samatabbixintu dhammaatay, xaaladaha cimilada xun ee aagga - oo leh dabaylo 20-gunti ah iyo hirar 2.5m ah - ayaa ka dhigay mid aan suurtogal ahayn in la soo helo shanta meyd ee laga helay markabka," ayay raacisay.

    Saddex ka mid ah dadkii badbaaday ayaa diyaarad loogu qaaday isbitaal iyagoo xaalad halis ah ku jira.

    Warar dheeraad ah:

  14. Madaxweyne Cirro oo u ambabaxay Mareykanka

    Cirro

    Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha JSL; naqshadeynta: BBC.

    Qoraalka sawirka, Cirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda gooni usu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta safar shaqo oo rasmi ah ugu ambabaxay dalka Maraykanka, isaga oo sii mari doona Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, sida ay baahisay madaxtooyada Somaliland.

    Safarkan oo ah kii ugu horreeyey ee uu Madaxweyne ahaan ku tago Maraykanka, ayaa la sheegay inuu muhiim u yahay xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo horumarinta qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.

    Inta uu ku guda jiro safarka ku , madaxweynuhu waxa uu kulamo la yeelan doonaa masuuliyiin iyo dhinacyo muhiim ah, isaga oo gudbinaya codka, danaha iyo himilada Shacabka Somaliland, sida ay madaxtooyadu ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barta Facebook.

    Safarkani waxa uu muujinayaa in Somaliland ay dunida kula macaamilayso kalsooni, masuuliyad iyo aragti Qaran, isla markaana ay diyaar u tahay iskaashi istiraatiji ah oo ku dhisan danaha wadajirka ah, ayaa lagu yiri qoraalka.

  15. Madaxweynaha Kenya oo amray in baaritaan lagu sameeyo ganacsatada ajaanibta ah

    Madaxweyne Ruto

    Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Kenya

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Ruto

    Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa amar ku bixiyay in dadka ajaanibta ah ee ku hawlan ganacsiyada yaryar gaar ahaan iibinta badeecadaha tafaariiqda ee dalka Kenya ay joojiyaan, isagoo sheegay in dowladda ay qaadi doonto tallaabooyin lagu ilaalinayo ganacsatada gudaha, lagana hortagayo tartanka aan caddaaladda ahayn.

    Isagoo ka hadlayay kulan uu Arbacadii, 2-dii Sebtembar, Qasriga Madaxtooyada ee Nairobi kula yeeshay ganacsatada ganacsiyada yaryar, kuwa dhexdhexaadka ah iyo kuwa waaweyn (MSME), Ruto wuxuu soo hadal qaaday walaac laga muujiyay in qaar ka mid ah dadka ajaanibta ay dalka ka sameysteen ganacsiyo ay ku iibiyaan badeecado ay ka mid yihiin bustayaal iyo alaabooyin kale, taas oo ay si toos ah ugu tartamayaan ganacsatada yaryar iyo kuwa tafaariiqda iibiya ee gudaha.

    Madaxweynuhu wuxuu sheegay in hindise-sharciyeed haatan horyaalla Baarlamaanka Kenya uu ujeedkiisu yahay in laga hor istaago muwaadiniinta ajaanibta ah inay ku lug yeeshaan noocyo ganacsi oo gaar ah oo dalka ka jira.

    Wuxuu ugu baaqay ganacsatada iyo daneeyayaasha kale inay ka doodaan sharciga la soo jeediyay ka hor inta aan la ansixin, si loo hubiyo in la xiro dhammaan meelaha sharciga ka baxsan ee u oggolaan kara ajaanibta inay ku lug yeeshaan ganacsiga tafaariiqda iyo ganacsiyada kale ee yaryar.

    “Waxaa jira hindise-sharciyeed Baarlamaanka horyaalla oo qeexaya in ay jiraan qaar ka mid ah hawlaha ganacsi ee aysan ajaanibtu ka samayn karin Kenya. Sida uu sharcigu dhigayo, waxaan rabaa inaad fariisataan oo aad ganacsatada kala tashataan, maadaama aan weli la ansixin, si aan u xirno dhammaan meelaha sharciga ka baxsan si uusan qof Shiinaha ka yimid uga noqon ganacsade tafaariiqle ah,” ayuu yiri Ruto.

    Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xitaa inta dowladda ay sugayso in Baarlamaanku ka doodo oo uu ansixiyo sharciga la soo jeediyay, la qaadi doono tallaabooyin maamul oo lagu wajahayo muwaadiniinta ajaanibta ah ee ka shaqeeya tafaariiqda iyo ganacsiyada yaryar.

  16. Maxaa ka jira inay isu milmeen Al-Shabaab iyo ciidanka Laftagareen?

    Al-Shabaab

    Xigashada Sawirka, AP

    Qoraalka sawirka, Al-Shabab

    Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen balse isagu sheegay inuu weli yahay madaxweynaha saxda ah ee maamulkaasi, ayaa beeniyay in xiriir uu kala dhaxeeyo al-Shabaab kadib markii dowadda federaalka ah iyo maamulka cusub ee Koonfur galbeed ay ku eedeeyeen wada shaqeyn in ay kala dhaxeyso Shabaab iyo ciidamo isaga taabacsan oo ku sugun duuleedka Baydhabo.

    Laftagareen oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dadka reer Koonfur Galbeed ay u adkeysan la'yihin dhibaatada lagu hayo shacabka deegaannadaasi, isla markaana ay doonayaan in ay ka dulqaadaan wax uu ku tilmaamay ciidamo ku soo duulay oo deegaanno kale laga keenay. Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC:

  17. Laftagareen oo sheegay in ciidamadiisa duleedka Baydhabo jooga aaney kaligood ahayn

    Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed
    Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed

    Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa shegay in ciidamada isaga taabacsan ee jooga duleedka magaalada Baydhabo ay la socdaan wasiirro, agaasimayaal iyo guddoomiyaal horey uga tirsanaa maamulkiisii.

    Wuxuu sheegay in ay duurka ku shaqeeyaan isla markaana ay qabtaan howlahoodii caadiga ahaa.

    Qodobkaan ayaa madaxweyne hore Lafta gareen ku sheegay waraysi uu siiyay BBCSomali, isagoo intaa ku daray in ciidamadiisu aaney ka dheereyn magaalada.

    Dhanka kale, Golaha wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmo ka hor mar kale ku eedeyay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen in ciidamada isaga taabacsan ay ku biireen al-Shabaab oo ay isku deegaanno joogaan isla markaana khal-khal amni ku hayaan deegaannada Koonfur Galbeed.

    War laga soo saaray shir golaha wasiiradu maanta yeesheen ayaa lagu sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay ciidamada madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed iyo kuwa al-Shabaab ay si isku mid ah ula dhaqmi doonaan.

    Warkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan uu beeniyay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen in wax xiriir ah uu ka dhaxeeyo al-Shabaab iyo ciidamada isaga taabacsan ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo.

    Wuxuu sheegay in ujeedka ciidamadiisa ay tahay in ay dadka reer Koonfur Galbeed ka dul-qaadaan wax uu ku tilmaamay dulmi iyo tacaddi lagu hayo.

    Sidoo kale akhriso:

  18. War deg deg ah, Iska hor imaad aga soo sheegayo magaalada Baydhabo

    Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada mamulka KGS iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen

    Xogta aan halkaas ka heleyo waxay sheeegeysaa, in dadka deegaanku ay arkeen ciidamo jihooyin kala duwan ka soo galaya magaalada, inkastoo uusan jirin dagaal xooggan oo haatan dhex maraya labada dhinac.

    Dadka deeganka waxay kaloo sheegeen inay arkeen ciidamo afka u duuban yahay, balse BBC-da si madax banana uma xaqiijin karto waxa ay yihiin ciidankaas.

    Isu socodka magaalada ayaa hakad galay iyadoo dadka ay intooda badan ku sugan yihiin guryaha, iyagoo ka cabsi qaba waxa ka socda magaalada.

    Weerarkan ayaa bilowday aroortii, gaar ahaan markii laga soo baxay salaadda subax.

    Wixii ka ka soo kordha iska hor imaadkan Baydhabo, halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonaa.

    Sidoo kale akhriso: