Maamulka Koofur Galbeed: "Labo Shabaab inay wada shaqeeyaan shaki kuma jiro"

Xigashada Sawirka, Maamulka Koofur Galbeed
Xaaladda magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa haatan deggan kaddib dagaal culus oo saaka aroortii ka qarxay bartamaha iyo hareeraha magaalada. Khasaare xoog leh ayaa la soo weriyay oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
Illo wareedyo ku dhow Isbitaalka Guud ee Baydhabo ayaa BBC-da u sheegay in dad gaaraya 25 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan la dhigay Isbitaalka.
Maamulkii hore ee Koonfur Galbeed ee Cabdicasiis Laftagareen, ayaa sheegay in saaka ay duullaan ku qaadeen saldhigyada ciidamada dawladda ee gudaha iyo daafaha magaalada Baydhabo.
Maamulka Cusub ee Koonfur Galbeed ee Aadan Madoobe ayaa iyagana sheegay in iska difaaceen weerar ay ku tilmaameen "in ay si wadajira u soo qaadeen al-Shabaab iyo miliishiyada Laftagareen."
Afhayeenka cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Sheekh Cabdillaahi Xaayow, oo BBC uga warramay sida ay xaaladdu tahay ayaa sheegay in xaaladda ay haatan deggan tahay, oo isu socodka dadweynaha iyo shaqada iyo wax walba ay si wanaagsan u socdaan.
"Abbaare saalaaddii subax markii la tukaday waxaa magaaalada soo weeraray kooxda nabad-diidka ah ee al-Shabaab, sida caadaeeda ahayd ee lagu yaqaannayna waxay dagaalka ku bilaabeen qaraxyo dad iyo baabuurba ah iyo is miidaamin. Marka wixii markaas ka dambeeyayna ciidamada qalabka sida iyo ciidanka birmadka ee Koofur Galbeed waxay gudanayeen waajibaadkooda ilaa iyaga laga sifeeyo magaalada," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Telefishanka Koonfur Galbeed
Waxaa jiray muuqaallo baraha bulshada lasoo dhigay oo muujinayay dhalinyaro ka tirsan ciidamada maamulkii hore ee Koofur Galbeed, balse afhayeenka ayaa sheegay in magaalada Baydhabo ay soo weerareen al-Shabaab ayna u hayaan caddeyn ayna soo bandhigi doonaan.
"Qoladaan koobi Shabaabka ah oo beryihii dambe Shabaabka la xirtay. la tacaamula oo Shabaabka ku daba dhuunta ee magaalada noo qabta nimanyohow Shabaabow kaalaya garab nasiiya hadday yiraahdeen iyo haday u dhaarteenba ayagay u taallaa. Labo Shabaab inay wada shaqeeyaan shaki kuma jiro." Ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray in khasaaraha aan hadda la ogeyn, balse lagu howlan yahay oo warbixin buuxdana dib laga soo sheegi doono.
Muxuu maamulkii hore ee Laftagareen ka yiri?

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Afhayeenkii hore ee maamulkii Cabdicasiis Laftagareen, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa dhankooda sheegay in ciidankooda ay weerar ku qaadeen magaalada Baydhabo, kaas oo uu sheegay inuu ahaa "mid qorsheysan oo ujeeddo gaar ah laga lahaa laguna doonayay in lagu naafeeyo kuwa uu sheegay inay dalka kusoo duuleen" .
"Aad baan uga xunnahay. Dabcan horena waan u sheegnay waxa dhimanaya waa innamayada. Meel dagaal ka dhacayna labada dhinacba khasaare waa soo gaari karaa. Xitaa shacabkaa khasaare soo gaari karaa maaddaama lagu dul dagaallamayo," ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in dhankooda ay dagaalka saakay kaga dhinteen labo askari halka ay shan kalena kaga dhaawacmeen.
Mar aan weydiinnay in iyaga iyo al-Shabaab ay saakay dagaalka soo wada qaadeen, maaddaama dagaalku ku billowday qaraxyo, kuwaasoo lagu yaqaanno dagaallamayaasha al-Shabaab, ayaa wuxuu Ugaas Xasan sheegay inay tahay borobogaando lagu diidayo guulaha ciidankooda.
"Annaga iyo al-Shabaab isku ajnade ma nihin, isku aragtina kama nihi dagaalka kumana midoobi karno inaan hal saf kasoo dagaallano. Ciidamada Daraawiishta Koofur Galbeed baa weerarkaas qaaday aniga ayaana goob-joog ka ahaa," ayuu yiri.
Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen - balse isagu sheegay inuu weli yahay madaxweynaha saxda ah ee maamulkaasi - ayaa dhowaan beeniyay in xiriir uu kala dhaxeeyo al-Shabaab kadib markii dowadda federaalka ah iyo maamulka cusub ee Koonfur Galbeed ay ku eedeeyeen wada shaqeyn in ay kala dhaxeyso Shabaab iyo ciidamo isaga taabacsan oo ku sugun duuleedka Baydhabo.
Laftagareen oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dadka reer Koonfur Galbeed ay u adkeysan la'yihin dhibaatada lagu hayo shacabka deegaannadaasi, isla markaana ay doonayaan in ay ka dulqaadaan wax uu ku tilmaamay ciidamo ku soo duulay oo deegaanno kale laga keenay.















