War deg deg ah, War degdeg: Israa'iil oo qaadday talaabo ka dhan dowladda Ingiriiska iyo xaalad Qudus ka taagan hadda
Israel ayaa sheegtay in inta badan diblomaasiyiinta Britain ay ka bixi doonaan qunsuliyadda Britain ee Bariga Qudus, balse dowladda Britain waxay ku adkaysatay in dhismaha “aan la xirayn”, isla markaana uu sii shaqayn doono isagoo ah “Hawlgalka Britain”.
“Ma aanan doonayn in arrintu halkaas gaarto,” ayuu baraha bulshada ku qoray Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Gideon Saar. Wuxuu sheegay in 20 diblomaasi iyo qunsulka guud ay ka bixi doonaan Israel, halka koox ka kooban toddoba qof ay dhismaha ku sii nagaan karaan, iyagoo qabanaya hawlo “aad u kooban”.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain Ed Miliband ayaa sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha “si ku-meel-gaar ah looga saaray” sababo amni awgood, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in hawlgalku “la shaqayn doono shacabka Falastiiniyiinta”.
Israel ayaa bishii Sebtembar sheegtay inay xiri doonto qunsuliyadda, taas oo jawaab u ahayd cunaqabatayntii Britain ku soo rogtay deegaameynta Israel ee Daanta Galbeed ee la haysto, kuwaas oo sharciga caalamiga ah uu u arko kuwo sharci-darro ah.
Dowladda Britain ayaa dadaalkii ugu dambeeyay ku bixisay inay Israel ka dhaadhiciso inaan la xirin qunsuliyadda ka hor waqtigii kama dambaysta ahaa ee Khamiista maanta ah, kaddib markii dowladda Israel ay sheegtay inay qunsuliyadda xiri doonto 30 maalmood gudahood laga bilaabo markii Britain ku dhawaaqday cunaqabataynta.
Qunsuliyadda, oo markii ugu horreysay la aas-aasay 1838, waxay qaabilsan tahay xiriirka Britain ay la leedahay Falastiiniyiinta ku nool Qudus, Daanta Galbeed iyo Gaza.
Waxay ka duwan tahay safaaradda Britain ee Tel Aviv, oo ah xarunta ugu weyn ee xiriirka diblomaasiyadeed ee Britain iyo Israel.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Gideon Saar ayaa sheegay in dalkiisu uu hirgeliyay tallaabooyinkii lagu dhawaaqay 8-dii Sebtembar, kuwaas oo jawaab u ahaa cunaqabataynta Britain.