War deg deg ah, Wadaad hore oo Kaniisadeed oo xabsiga la dhigay kadib markii lagu helay dambiyo xadgudub galmo ah
Xigashada Sawirka, ABC News/David Weber
Wadaadkii hore ee Katooliga Australia, Christopher
Saunders, ayaa lagu xukumay lix sano iyo bar xabsi ah, kaddib markii lagu helay
inuu fara xumen ku sameyay laba nin oo dhalinyaro ah oo asal ahaan ka soo jeeda
dadka asaliga ah ee Australia.
Saunders, oo 76 jir ah, ayaa bishii Agoosto lagu helay 13
dambi oo ay ku jiraan hal kufsi iyo 12 kiis oo weerar galmo ah. Waxa uu u fursad
u heli doonaa sii-dayn sharci ah bisha Febraayo 2031.
Xadgudubyadu waxay dhaceen intii u dhaxaysay 2008 iyo
2019, xilli uu ahaa hoggaamiyaha Diocese-ka Broome ee gobolka Kimberley. Waxaa
lagu helay inuu dhallinyarada dhunkaday, taabtay oo damcay, halka hal kiisna
lagu helay inuu kufsi u gaystay wiil dhallinyaro ah.
Saunders ayaa wadaad noqday 1976, waxaana loo magacaabay
Bishop-ka Broome sanadkii 1996. Waxa uu xilka iska casilay 2020, kaddib markii
eedeymaha xadgudubka galmo ay soo baxeen.
War deg deg ah, Shaqaale laga daadgureeyay Markab lagu weeraray Marinka Hormuz oo
Ciidamada Cirka ee Cumaan ayaa daadgureeyay 10 shaqaale ah
oo dhaawacmay, kuwaas oo saarnaa markab shidaal oo wata calanka Panama, kaddib
markii markabka lagu weeraray marinka Hormuz.
Wasaaradda Difaaca Cumaan ayaa sheegtay in markabka On
Peace lagu bartilmaameedsaday Talaadadii, meel 17 kiiloomitir u jirta
dekedda Lima ee Cumaan.
Weerarka ayaa sababay inuu dab ka kaco dusha sare ee
markabka.
“Shaqaalaha markabka waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla
Khasab, halkaas oo lagu daweynayo,” ayay Wasaaradda Difaaca Cumaan ku sheegtay
bayaan ay soo dhigtay barteeda X.
War deg deg ah, Messi oo si rasmi ah uga fariistay xulka Argentina
Xigashada Sawirka, Getty Images
Lionel Andrés Messi ayaa si rasmi ah uga fariistay
ciyaaraha xulka qaranka Argentina, kaddib markii uu ciyaaray kulankiisii ugu
dambeeyay ee xulka.
Messi ayaa xalay si weyn loogu sagootiyay ciyaar
saaxiibtinimo oo Argentina ay 3-0 kaga adkaatay Benin, taas oo ka dhacday
garoonka Monumental ee Buenos Aires, iyadoo ay daawanayeen in ka badan 85,000
oo taageerayaal ah.
Messi ayaa dhaliyay gool rigoore ah, wuxuuna caawiyay
labada gool ee kale oo ay dhaliyeen Nicolás Otamendi iyo Nico Paz. Kulanka ayaa
ahaa kii 208-aad ee uu u ciyaaro Argentina, isagoo dhaliyay 126 gool intii lagu
jiray 21 sano oo uu xulka matalayay.
Messi, oo kabtan u ahaa Argentina, wuxuu xulkiisa ku
hoggaamiyay hanashada Koobka Adduunka 2022 ee Qadar, sidoo kalena wuxuu kula
guuleystay laba koob oo Copa América ah iyo biladdii dahabka ahayd ee
Olombikada 2008.
Wuxuu sidoo kale Argentina la gaaray finalka Koobka
Adduunka 2014 iyo 2026, balse labada jeerba way guuldarreysteen, iyadoo Germany
ay ka qaaday 2014, Spain-na ay kaga adkaatay finalka 2026.
Messi ayaa hadda sii wadan doona ciyaaraha kooxdiisa Inter
Miami ee Maraykanka. Intii uu xirfaddiisa ciyaareed ku jiray, wuxuu sidoo kale
u soo ciyaaray Barcelona ee Spain iyo Paris Saint-Germain ee Faransiiska.
Cilmi-baaris: Maxey aqoonyahanndu ka yiraahdeen arrintaan xilliga hurdada la isku arko?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixin lagu daabacay mareegta Qaranka ee daawada Mareykanka iyo cilmi-baarayaal ka socda Jaamacadda Caafimaadka ee Tongji ee Shiinaha ayaa isbarbardhig ku sameeyay shahwo rag laga qaaday, waa kuwa sida lama filaanka ah u shahwo-baxa iyo minida rag caafimaadka qaba.
Xaaladdan, oo loo yaqaan shahwa-baxa aan ku tala galka ahayn (involuntary ejaculation), waxaa lagu gartaa in ninku uu la kulmo dhibaato shahwo-bax, xitaa haddii isla fal-galka si dhaqso ah uu dhaco.
Cilmi-baaristu waxay sheegtay in xaaladdani tahay sababta ugu weyn ee 72% ilma la'aanta ragga sababta mararka qaar. Ragga la kulma biyo-baxa aan ku tala galka ahayn, waxay dhibaato ku qabaan inay shahwo baxaan marka ay galmo samaynayaan ama xitaa marka dareenkoodu kacsanyahay iyaga oo hurda.
Shahwada waxaa laga qaaday 91 nin oo la ildaran xaaladdan biyo-baxa hurdada ku yimaada, iyadoo la adeegsanayo qalab gaar ah oo ku shaqeeya gariir (PVS iyo EEJ).
Gunaanadkii daraasadda ayaa muujisay in shahwada laga helo hab dhaqameed (intii uu hurdo ku biyo-baxayo) ay 30.6% u badan tahay inay dhaqso u dhaqaaqdo (motility), isla markaana ay 61.4% u badan tahay inay lahaato qaab-dhismeed isku mid ah marka loo eego hababka kale ee shahwada lagu helo.
Daraasadaha waxay muujinayaan in ragga aan ka warqabin biyo-baxa xilliga hurdada ay leeyihiin shahwo tayo fiican leh.
Maaddaama biyo-baxa xilliga hurdada uu yahay xaalad aan la saadaalin karin goorta ay dhici doonto, ragga waayo-aragnimadaas lahaa saddexdii bilood ee la soo dhaafay waxaa lagula taliyay in ay xirtaan habeenkii qalab marka ay hurdaan si ay u keydiyaan muunad shahwo ah cilmi-baarista awgeed.
Daraasad kale oo lagu daabacay mareegta Machadka Qaranka ee Caafimaadka Taranka ee Ragga iyo Dumarka ee Maraykanka waxay qiimeysay awoodda ragga dhibaatada ku qaba dareenka inay ku bacramin karaan lammaanayaashooda iyagoo adeegsanaya shahwada laga helay intii ay huradayeen.
Daraasaddu sidoo kale waxay sheegtay in inkastoo tayada shahwada laga helo biyo-baxa hurdada ay kala duwanaan karto ragga dhexdooda, haddana waa la adeegsan karaa si cilmi ah, si loogu xiro ugxanta dumarka, iyadoo la iska ilaalinayo hababka adag sida kuwa koronto ama qalliin lagu sameeyo oo shahwada lagu helo.
Dr. Kamaraj wuxuu yiri:"Qof kasta laga bilaabo wiilasha 12 jirka ah ilaa ragga waayeelka ah wuu ku shahwa-bixi karaa intuu hurdo. Ilmala'aan ama shahwo yari laguma xiro mini-baxa xilliga hurdada la arko. Jirka bani'aadamku wuxuu soo saaraa shahwo cusub mar kasta oo qofku biyo-baxo. Hurdo ama adeegsiga gacanta midkoodna ma saameeyo awoodda taranka ee ninka."
War deg deg ah, Jarmalka oo xiray madaxii hore ee sirdoonka iyo arrimo khatar ah oo loo haysto
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxii hore ee sirdoonka Jarmalka, August Hanning, ayaa la xiray iyadoo looga shakisan yahay basaasnimo iyo inuu isku dayay inuu sirta dowladda u gudbiyo quwadaha shisheeye.
Baarayaasha ayaa sheegay in Mr. Hanning, oo muddo toddobo sano ah madax ka ahaa hay’adda sirdoonka dibadda ee Jarmalka, BND, uu xog sir ah ka iibsaday kaaliyihiisii hore, kadibna uu xogtaas u adeegsaday diyaarinta falanqaynno uu u gudbinayay hay’ad sirdoon oo shisheeye.Kaaliyihii hore ayaa isagana la xiray.
Mas’uuliyiintu ma aysan sheegin quwadaha shisheeye ee arrintan ku lugta lahaa, balse warbaahinta Jarmalka ayaa sheegtay in xogtaasi ay ku jireen qiimaynno xasaasi ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran iyo ciidamada milatariga Ruushka.
Qareennada Mr. Hanning ayaa diiday eedeymaha loo jeediyay.
War deg deg ah, Xuutiyiinta oo weerarro ku beegsaday garoomo diyaaradeed oo Sacuudiga ku yaalla iyo faahfaahin ka soo baxaysa
Xafiiska Warfaafinta ee Hay’adda Ammaanka Cadan ayaa
sheegay in laba gantaal oo ay Xuutiyiintu rideen lagu bartilmaameedsaday
garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Cadan, iyadoo aan la soo sheegin wax
dhaawac ah.
Weerarradan ayaa dhacay xilli dagaal dhowr jiho ah uu Yemen
ka socdo isla markaana iska horimaadyadu sii xoogeysanayan. Ciidamada dowladda
Yemen ee Sacuudigu taageero ayaa wada weerar ay ku doonayaan inay dib ugu
qabsadaan deegaanno ay Xuutiyiintu la wareegeen toddobaadyadii u dambeeyay,
gaar ahaan xeebaha galbeed iyo nawaaxiga marinka Bab al-Mandab.
Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu
yaraan saddex qof ay ku dhaawacmeen weerarro lagu qaaday garoomada Jizan iyo
Najran ee ku dhow xuduudda Yemen.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga si rasmi ah uma xaqiijin weerar
lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor Khalid ee Riyad, balse
website-ka Flightradar24 oo la socda dhaqdhaqaaqa diyaaradaha ayaa sheegay in
hawada garoonka si ku-meel-gaar ah dhowr jeer loo xiray.