Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

TOOS, Dad ku dhintay weerarro lagu qaaday garoomada diyaaradaha ee Abha iyo King Khalid ee dalka Sacuudiga

Dad ku dhintay weerarro lagu qaaday garoomada diyaaradaha ee Abha iyo King Khalid ee dalka Sacuudiga

Kooban

Tebin toos ah

  1. Araqchi: Waxaan ka jawaabi doonnaa soo-jeedinta Mareykanka maalmo gudahood

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in Iran ay weli ka fiirsanayso jawaabta Mareykanka ee ku aaddan soo-jeedin ah in marinka Hormuz dib loo furi karo muddo toddoba maalmood gudahood ah.

    Sida ay sheegtay wakaaladda Tasnim, Mr. Araqchi ayaa yiri: "Waxaan soo bandhignay qorshaheenna, kaas oo aan u bixinnay 'Qorshaha Toddobada Maalmood', waxaana sidoo kale maqalnay aragtida dhinaca Mareykanka ee ku aaddan qorshahaas."

    Wuxuu intaas ku daray: "Hadda waxaan dib u eegis ku sameyneynaa aragtida Mareykanka, waxaana filayaa inaan jawaabteenna bixin doonno maalmaha soo socda gudahood."

    Wuxuu sidoo kale sheegay in geeddi-socodka diblomaasiyadeed uu socdo, isla markaana farriimo la is-weydaarsanayo iyadoo la adeegsanayo dhexdhexaadiyeyaal.

    Warar dheeraad ah:

  2. Xogo dheeri ah oo laga helayo ciidamada Eritrea oo la sheegayo in ay gudaha u galeen Itoobiya

    Ciidamo Eritrean ah ayaa galay waqooyiga Itoobiya, iyagoo ku sii jeeda deegaan ay iska horimaadyo ka socdaan oo u dhexeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo ciidamada gobolka, sida ay BBC-da u sheegeen dadka deggan magaalada Adigrat ee Tigray.

    Dagaallada gobolka ayaa billowday laba toddobaad ka hor, kaddib bilo ay jireen xiisado u dhexeeyay dowladda Itoobiya iyo xisbiga maamula Tigray, TPLF.

    Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeynaya inuu jebiyay heshiiskii 2022-kii soo afjaray dagaal sokeeye oo socday laba sano.

    Itoobiya ayaa sidoo kale Eritrea ku eedeysay inay taageerto TPLF, taas oo Asmara ay hore u beenisay.

    Xiisadda cusub ayaa timid kaddib markii bishii Sebtembar la sameeyay isbahaysi cusub oo ay ku mideysan yihiin kooxo hubeysan oo ka jira Itoobiya, kaas oo ay TPLF ka mid tahay.

  3. Hiiraan: Al-Shabaab oo rasaas ku furay dad joogay suuq laga dukaameysto

    Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, sagaal kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii rag hubeysan oo ka tirsan ururka al-Shabaab ay rasaas ku fureen suuq laga tukaamaysto maalinta khamiista ah oo ku yaala deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.

    Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa BBC-da u sheegay in rasaasta dadka lagu furay ay timid kaddib markii rag hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab oo suuqa yimid ay damceen in ay qoriga ka dhigaan nin hubeysan oo joogay suuqa, kaas oo diiday in uu qorigiisa dhigo, deetana waxaa halkaas ka bilaabatay tacshiirad ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dhawr iyo toban qof.

    Sidoo kale akhri:

  4. Araqchi: Khasaaraha qalabka milatari ee Mareykanka ayaa aad uga badan tirooyinka rasmiga ah

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray qalabka milatari ee Mareykanka uu aad uga badan yahay tirooyinka la shaaciyey.

    “Bishii May, Adeegga Cilmi-baarista Kongareeska Mareykanka ayaa qiray in ciidamada qalabka sida ee Iran ay burburiyeen 42 diyaaradood oo milatari oo Mareykan ah. Hadda tiradu waxay gaartay 81,” ayuu ku qoray qoraal uu soo dhigay barta bulshada ee X.

    Mr Araqchi ayaa sii raaciyay: “Caddeyntu maxay tahay? Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) xitaa uma oggola senator ka tirsan Kongareeska inuu booqdo oo kormeero saldhigyada ay sheegayaan inay xaaladdoodu gebi ahaanba caadi tahay.”

    Abbas Araqchi ayaa qoraalkiisa ku daray: “Dadka arrintan weligood laguma ‘khiyaamayn’ karo.”

    Warar dheeraad ah:

  5. War deg deg ah, War degdeg: Israa'iil oo qaadday talaabo ka dhan dowladda Ingiriiska iyo xaalad Qudus ka taagan hadda

    Israel ayaa sheegtay in inta badan diblomaasiyiinta Britain ay ka bixi doonaan qunsuliyadda Britain ee Bariga Qudus, balse dowladda Britain waxay ku adkaysatay in dhismaha “aan la xirayn”, isla markaana uu sii shaqayn doono isagoo ah “Hawlgalka Britain”.

    “Ma aanan doonayn in arrintu halkaas gaarto,” ayuu baraha bulshada ku qoray Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Gideon Saar. Wuxuu sheegay in 20 diblomaasi iyo qunsulka guud ay ka bixi doonaan Israel, halka koox ka kooban toddoba qof ay dhismaha ku sii nagaan karaan, iyagoo qabanaya hawlo “aad u kooban”.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain Ed Miliband ayaa sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha “si ku-meel-gaar ah looga saaray” sababo amni awgood, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in hawlgalku “la shaqayn doono shacabka Falastiiniyiinta”.

    Israel ayaa bishii Sebtembar sheegtay inay xiri doonto qunsuliyadda, taas oo jawaab u ahayd cunaqabatayntii Britain ku soo rogtay deegaameynta Israel ee Daanta Galbeed ee la haysto, kuwaas oo sharciga caalamiga ah uu u arko kuwo sharci-darro ah.

    Dowladda Britain ayaa dadaalkii ugu dambeeyay ku bixisay inay Israel ka dhaadhiciso inaan la xirin qunsuliyadda ka hor waqtigii kama dambaysta ahaa ee Khamiista maanta ah, kaddib markii dowladda Israel ay sheegtay inay qunsuliyadda xiri doonto 30 maalmood gudahood laga bilaabo markii Britain ku dhawaaqday cunaqabataynta.

    Qunsuliyadda, oo markii ugu horreysay la aas-aasay 1838, waxay qaabilsan tahay xiriirka Britain ay la leedahay Falastiiniyiinta ku nool Qudus, Daanta Galbeed iyo Gaza.

    Waxay ka duwan tahay safaaradda Britain ee Tel Aviv, oo ah xarunta ugu weyn ee xiriirka diblomaasiyadeed ee Britain iyo Israel.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Gideon Saar ayaa sheegay in dalkiisu uu hirgeliyay tallaabooyinkii lagu dhawaaqay 8-dii Sebtembar, kuwaas oo jawaab u ahaa cunaqabataynta Britain.

  6. War deg deg ah, Suuriya oo qaadaysa tallaabo xaaladda Yemen sii hurin karta

    Suuriya ayaa si taxaddar leh uga fiirsanaysa suurtagalnimada inay taageero militari siiso xulafadeeda ugu weyn ee Sacuudiga, xilli dagaal ka socdo Yemen.

    Sida ay Reuters ku warrantay, iyadoo soo xiganaysa sarkaal Mareykan ah iyo sarkaal militari oo Suuriyaan ah oo arrintan xog-ogaal u ah, waxaa weli socda wadahadallo ku saabsan fursadaha ciidamo Suuriyaan ah loogu diri karo Yemen.

    Ilaha ayaa sheegay in mid ka mid ah fursadaha la tixgelinayo uu yahay in Suuriya ay bixiso taageero difaac ah, si Sacuudigu isaga difaaco weerarrada Xuutiyiinta.

    Waxaa sidoo kale la tixgelinayaa in la diro ciidamo ka qayb qaadan kara howlgallo weerar ah, kuwaas oo taageeri lahaa ciidamada Yemen ee Sacuudigu taageero, si ay ula dagaallamaan Xuutiyiinta.

    Warbixintu waxay tilmaamaysaa in haddii go’aan kama dambeys ah lagu gaaro dirista ciidamo, ay suuragal tahay in Suuriya ay si weyn ugu lug yeelato dagaalka Yemen.

    Warbixin la mid ah waxaa sidoo kale baahisay warbaahinta Mareykanka ee Axios, taas oo sheegtay in qorshayaashu ay weli ku jiraan marxaladihii hore, isla markaana aan si rasmi ah looga xaqiijin dhinacyada Suuriya ama Sacuudiga.

    Haddii qorshahan la hirgeliyo, wuxuu noqon karaa isbeddel weyn oo ku yimaada iskaashiga militari ee gobolka, wuxuuna kordhin karaa cadaadiska lagu hayo kooxda Xuutiyiinta ee dagaalka Yemen.

  7. Xaggee ayay ku dambeeyeen saaxiibbadii halganka ee madaxweynaha Eritrea uu 25 sano xabsiga ku hayay? Muxuuse ahaa dalabkoodu?

    Tan iyo markii Eritrea ay noqotay dal madax-bannaan, madaxweynaha dalka, Isaias Afwerki, ayaa xukunka hayay. Saraakiil sare oo si rasmi ah uga dalbaday inuu sameeyo isbeddello siyaasadeed ayuu xabsiga dhigay, waxaana hadda laga joogaa 25 sano tan iyo markii la waayay meel ay ku sugan yihiin.

    Saraakiisha loo yaqaan Kooxda 15-ka (G15) waxay xilal sare ka soo qabteen halgankii xornimada Eritrea iyo wixii ka dambeeyay. Kadib markii ay si cad u dalbadeen in isbeddel siyaasadeed lagu sameeyo dalka, waxaa la xiray 8-dii Sebtembar 2001, tan iyo markaasna lama oga halka ay ku sugan yihiin.

  8. War deg deg ah, Nin cirbad lagu dilay iyo walaac laga muujiyay arrintaan oo soo badanaysa

    Jamaal Howard, oo ku jiray xabsiga dadka lagu xukumay dilka, ayaa Arbacadii lagu dilay cirbad sun ah waxaana arrintaan ay ka dhacday gobolka Texas ee Mareykanka.

    Howard oo 46 jir ahaa ayaa lagu helay inuu sanadkii 2000 dilay shaqaale dukaan xilli uu dhac ka gaysanayay goobtaas.

    Qareennadiisa ayaa isku dayay inay joojiyaan fulinta xukunka, kaddib markii Christa Pike ay toddobaadkii hore ka badbaaday isku day dil oo isla habka cirbadda sunta ah ah.

    Waxay sheegeen in walaac laga qabo isticmaalka maaddada pentobarbital, oo Texas qorsheysay inay u isticmaasho Howard, isla maaddadii loo adeegsaday Pike.

    Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa diiday codsiyada qareennada.

    Qareennada Howard ayaa sidoo kale ka codsaday Guddoomiyaha Texas Greg Abbott inuu 30 maalmood dib u dhigo fulinta xukunka, si ay u helaan xog dheeraad ah oo ku saabsan dawada la qorsheeyay in loo isticmaalo.

    Codsigaas ayaa sidoo kale la diiday.

    Ugu dambeyn, Howard ayaa cirbadda lagu duray, waxaana lagu dhawaaqay inuu geeriyooday 8:03 fiidnimo ee xalay, waqtiga Texas.

  9. Maxaad ka taqaannaa madaxweyne Afrikan ah oo bedelay magaciisa iyo sababta?

    Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa si rasmi ah u wax uga baddalay magacyadiisa si uu ugu daro magac loo bixiyay markii uu yaraa.

    Magacaas oo la yirhaado 'Tibuhaburwa' waxaana luqadda Runyankore loola jeeda "Qofka aan qaadan talada ama la sixi karin"

    Arrintan ayaa hadal badan ka dhex dhalisay baraha bulshada Uganda, halka dadka qaar ay la yaaban yihiin waxa ay aheyd shaqada la taliyeyaasha madaxweynaha markii uu gaarayay go'aankaas.

  10. War deg deg ah, Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad howgal ku jirtay oo Sacuudigu leeyahay

    Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo nooca Bayraktar Akinci ah oo lagu sameeyo Turkiga, taas oo ay sheegeen inuu leeyahay Sacuudigu.

    Xuutiyiintu waxay sheegeen in diyaaradda ay hawlgallo ay ku tilmaameen “ kuwa colaadeed” ka waday gobolka Tacis.

    Afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa sheegay in diyaaradda lagu soo riday “hub ku habboon”.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in kooxda ay gantaallo ballistic ah ku bartilmaameedsatay goobo ay ku sugnaayeen ciidamo iyo maleeshiyaad Sacuudigu taageero oo ku dhow marinka Bab al-Mandab.

    Yahya Saree ayaa sidoo kale hore u sheegay in Xuutiyiintu ay gantaal ku weerareen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee Riyad.

    Tani waa markii saddexaad toddobaadkan ee ay kooxdu sheegato inay weerartay garoonka.

    Sacuudiga ayaa sheegay in hal qof oo u dhashay Sudan uu ku dhintay weerarka, halka siddeed qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

  11. Muxuu yahay cudurka ay u geeriyoodeen gabdhahan mataanaha ahaa ee saacadaha kooban kala dambeyay?

    Sheekadan ayaa soo jiidatay dareenka dadweynaha, ma aha oo keliya geerida mataanaha oo ku geeriyooday laba maalmood gudahood, balse sidoo kale xiriirka dhow ee ka dhexeeyay iyo in waalidkood ay ka shaqeeyaan waaxda caafimaadka Nigeria, ayaa sheekada ka dhigtay mid Dareen gaar ah leh.

    Dr. Hadiyah Usman iyo Dr. Aidah Usman, oo labaduba 28 jir ahaa, waxay tan iyo carruurnimadoodii la noolayeen cudurka sickle cell.

    Marka laga soo tago murugada ka dhalatay geerida labada gabdhood ee muddada laba maalmood gudahood ah, dhacdadani waxay sidoo kale iftiiminaysaa saameynta uu cudurka sickle cell weli ku leeyahay Nigeria, oo ka mid ah dalalka adduunka ee ay ugu badan yihiin dadka qaba cudurkan.

  12. War deg deg ah, Markabkii dagaalka ee Mareykanka ee muddada badda ku jiray oo xog dheeri ah ka soo baxayso

    Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa ammaanay shaqaalaha markabka diyaaradaha Abraham Lincoln, kaas oo muddo dheer ku maqnaa howlgallo intii uu socday dagaalkii Iran.

    Markabku wuxuu in ka badan siddeed bilood ku qaatay badda isaga oo aan deked ku xiran. Warar ayaa sheegayay in shaqaaluhu la kulmeen niyad-jab, sahay yari iyo isku-dayo isdil ah.

    Hegseth oo markabka booqday ayaa warbaahinta ku eedeeyay inay isku dayayso inay shaqaalaha ka dhigto astaan muujinaysa hawlgal fashilmay. Wuxuu sheegay in shaqaaluhu muujiyeen geesinimo aan caadi ahayn.

    Hegseth ayaa sidoo kale sheegay in inkastoo hawlgallada dagaalku ahaayeen kuwo aad u xooggan, haddana cutubku uusan wax dhimasho ah ama shil diyaaradeed la kulmin.

    Markabka Abraham Lincoln ayaa la filayaa inuu toddobaadkan dambe ku soo xirto dekedda San Diego ee xeebta galbeed ee Mareykanka.

  13. War deg deg ah, Dadka waxyeelladu ka soo gaartay weerarka garoomada diyaaradaha Sacuudiga oo la shaaciyay dalalka ay u dhasheen

    Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay dhinteen, 36 kalena ay ku dhaawacmeen laba weerar oo lagu qaaday garoomada diyaaradaha Abha iyo King Khalid International ee Riyad. Mas’uuliyiintu ma sheegin cidda ka dambeysay weerarrada.

    Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in mid ka mid ah weerarrada uu dhacay Talaadadii, halka kan kalena uu dhacay Arbacadii.

    Weerarka lagu qaaday garoonka Abha ayaa waxaa ku dhintay laba haween ah oo degganaa Sacuudiga, kuwaas oo u kala dhashay Morocco iyo Algeria, halka 28 qof ay ku dhaawacmeen.

    Garoonka caalamiga ah ee King Khalid waxaa ku dhintay qof u dhashay Sudan, halka siddeed qof ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan shan Sacuudiyaan ah, laba Masri ah iyo hal Pakistani ah. Dhaawacyada ayaa isugu jiray kuwo fudud ilaa kuwo culus.

    Xuutiyiinta Yemen oo ay Iran taageerto ayaa hore u sheegay inay bartilmaameedsadeen labada garoon.

  14. Duqeymo cirka ah oo ay Ruushku ka fuliyeen Ukrain oo dilay 20 qof

    Duqeymo cirka ah oo ay Ruushku ka fuliyeen guud ahaan Ukraine ayaa lagu soo warramayaa in ay galaafteen ugu yaraan 20 qof, islamarkaana ay waxyeello u geysteen dhismayaal badan.

    Magaalada Pryluky oo bariga Kyiv ku taalla, 14 qof ayaa la soo sheegay in ay dhinteen, kaddib markii dhisme dabaqyo ah uu burburay. Shaqaalaha gurmadka ayaana weli baadigoobaya dad laga yaabo inay ku hoos jiraan burburka.

    Caasimadda Kyiv-na, ugu yaraan laba qof ayaa lagu dilay, kooxaha gurmadka waxay halkaas ka wadaan hawlo faydayo gantaal ballistic ah oo Ruushku soo riday balse aan qarxin.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa weerarrada ku tilmaamay “hadiyadda dhalashada” ee ciidanka Ruushka ay u direen Vladimir Putin, kaas oo maanta 74 jirsanaya.

  15. Ciidamada Eritrea oo ku soo dhawaaday gobolka Tigray ee Itoobiya

    Wararka ka imanaya gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamo Eritrean ah lagu soo daabulay agagaarka magaalada Adigrat maalmihii u dambeeyay.

    Mas’uul ka tirsan maamulka deegaanka ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in gawaari waaweyn oo xamuul ah, kuwaas oo siday ciidamo ku labisan dareyska militariga Eritrea, lagu arkay waddo qiyaastii 40 kiiloomitir koonfur ka xigta xadka Eritrea.

    Kolonyo kale ayaa la arkay iyadoo u sii socota magaalada Idaga Hamus, taas oo qiyaastii 20 kiiloomitir koonfur ka xigta Adigrat.

    Daabulka ciidamadan ayaa yimid kaddib markii ciidamada dowladda Itoobiya ay dhammaadkii toddobaadka dib ula wareegeen caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle, oo ay gacanta horay ugu hayeen fallaagada Tigray.

    Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeysay inay taageerayso Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF), waxayna toddobaadkii hore xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Asmara.

    Cabsida laga qabo in colaaddu ay ku fido gobolka oo dhan ayaa sii kordhaysa tan iyo markii dagaalladu ka dhex qaraxday fallaagada Tigray iyo ciidamada dowladda federaalka bishii Sebtembar.

  16. Nin rakaab ah oo saarnaa diyaaradda Kenya Airways oo geeriyooday

    War-saxaafadeed ay soo saartay Arbacadii, shirkadda Kenya Airways ayaa lagu sheegay in dhacdadu ay dhacday Talaadadii, 6-dii Oktoobar, iyadoo ku jirtay duulimaadkeeda Nairobi-Lagos.

    Sida laga soo xigtay shirkadda diyaaradaha, ninka rakaabka ayaa la sheegay in uu taagnaa abbaare 9:20 fiidnimo waqtiga Nigeria, qiyaastii 20 daqiiqo ka hor inta uusan duulimaadku ka degin Lagos.

    Shaqaalaha diyaaradda ayaa bixiyay gargaar degdeg ah waxayna raaceen habraacyo degdeg ah iyadoo diyaaraddu ay sii socota garoonka diyaaradaha ee Murtala Muhammed.

    Diyaaraddu waxay degtay 9:41 fiidnimo, halkaas oo ay kula kulmeen shaqaalaha caafimaadka.

    "Ka dib baaritaan dheeraad ah, shaqaalaha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in rakaabka uu geeriyooday," ayay tiri shirkadda Kenya Airways.

    Shirkadda diyaaradaha ma aysan shaacin aqoonsiga rakaabka ama sababta looga shakisan yahay dhimashada.

    Shirkadda Kenya Airways waxay sheegtay inay la shaqeyneyso qoyska rakaabka, maamullada maxalliga ah iyo hay'adaha duulista ka dib dhacdada.

    "Waxaan tacsi u diraynaa qoyska iyo asxaabta marxuumka," ayay tiri shirkadda.

  17. Daqiiqad aamusnaan ah oo laga sameeyay guud ahaan Israa'iil xuska sannad-guuradii saddexaad ee weerarkii 7-dii Oktoobar.

    Waxaa guud ahaan Israa'iil laga sameeyay daqiiqad aamusnaan ah oo lagu xusayay sannad-guuradii saddexaad ee weerarkii 7-dii Oktoobar.

    Saddex sano ka hor, ciidamada Xamaas ayaa weerar ku qaaday Israa'iil. Weerarkaas waxaa ku dhintay in ka badan 1,100 qof, halka ciidamada Xamaas ay qabsadeen 251 qof oo kale.

    Munaasabado lagu xusayo dadkii ku dhintay weerarradaas ayaa sidoo kale ka dhacaya magaalooyin kala duwan oo caalamka ah.

    Boqolaal qof ayaa waaberigii isugu soo baxay magaalada Sydney ee dalka Australia, si ay u xusaan sannad-guuradii saddexaad ee weerarradii 7-dii Oktoobar.

    Intii lagu guda jiray hawlgallada milateri ee aargoosiga ahaa, Israa'iil waxay dishay in ka badan 74,000 oo qof, waxayna burburisay qayb weyn oo ka mid ah dhulkaas.

  18. Kenya oo sheegtay in ay aqoonsatay 57 qof oo xiriir la sameeyay bukaankii Ebolaha u dhintay

    Kenya ayaa sheegtay in ay aqoonsatay 57 qof oo xiriir la sameeyay bukaankii ugu horreeyay ee Ebola qaba ee dalka laga helay, iyadoo 10 ka mid ahaa dadkaas la karantiilay. Wasaaradda Caafimaadka ayaa xoojinaysa la socodka iyo raadinta dadka la kulmay bukaanada.

    Xoghayaha Joogtada ah ee Caafimaadka Dadweynaha Mary Muthoni ayaa sheegtay in tirada dadka xiriirka la sameeyay dadkaas filayo inay kororto iyadoo saraakiisha caafimaadku ay sii wadaan raadinta dadka la aqoonsaday inta lagu jiro baaritaanka bilowga ah.

    Muthoni waxay sheegtay in dhammaan mas'uuliyiinta caafimaadka ee dalka oo dhan la ogeysiiyay si loo hubiyo in kiisaska looga shakisan yahay Ebola la aqoonsado oo si dhakhso ah wax looga qabto.

    Waxay ka hadlaysay shirka daneeyayaasha ee ka dhacay xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Nairobi.

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Patrick Amoth, ayaa sheegay in nidaamka caafimaadka ee dalka uu sii wado diyaar garowga, iyadoo mas'uuliyiintu ay la socdaan wax kasta oo cusub iyo sidoo kale inay diyaariyaan xarumo dheeraad ah haddii loo baahdo.

  19. War deg deg ah, Mareykanka oo tilmaamay shaqsiyaadka arrinta Iran ay kala hadlayaan iyo waxa ay kala hadlayaan

    Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka J.D. Vance ayaa Reuters u sheegay in Washington ay weli wadahadallo kula jirto madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Iran.

    Vance ayaa sheegay in soo afjaridda dagaalka ay u baahan tahay in Iran ay si “macno leh” u yareyso awoodda ay u leedahay kobcinta uranium-ka, halkii ay kaliya ballanqaadi lahayd inay mustaqbalka yareyn doonto.

    Vance oo wareysi siiyay Reuters kaddib markii uu ka qeyb galay isu-soo-bax ololaha xisbiga Jamhuuriga ee Alaska, ayaa sheegay in Washington aysan hubin sida Tehran u gaari doonto go’aannada la xiriira wadahadallada nukliyeerka.

    Wuxuu sheegay in ujeeddada ugu dambeysa ee dagaalku tahay in laga hortago faafitaanka hubka nukliyeerka ee Bariga Dhexe.

    Vance ayaa sidoo kale meesha ka saaray hadal-heynta ku saabsan inuu u tartami karo doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 2028, isagoo sheegay in hadda diiradda uu saarayo guusha xisbiga Jamhuuriga ee doorashooyinka dhexe ee dalka.

  20. War deg deg ah, Xuutiyiinta oo madaafiic la dhacay Cadan yo deegaanno kale oo Yemen ka tirsan

    Xafiiska warbaahinta ee Agaasinka Amniga Cadan ayaa sheegay in laba gantaal oo Xuutiyiintu rideen lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Cadan, subaxnimadii saaka. Lama soo sheegin wax khasaare ah.

    Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay in uu qabtay oo burburiyay gantaal ballistic ah oo Xuutiyiintu u rideen magaalada Khamis Mushait ee koonfurta Sacuudiga.

    Isbahaysigu wuxuu sheegay in hanjabaadaha gantaalladu ka yimaadeen Sanca, oo ay Xuutiyiintu maamulaan, iyo gobollada Saada iyo Camraan.

    Dhinaca kale, telefishinka Al-Masiirah ee taageera Xuutiyiinta ayaa sheegay in ciidamada Sacuudigu weerar ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee Ibb iyo Taiz. Ilaa hadda ma jirto xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan weerarkaasi.

    Isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo ayaa Talaadadii sheegay inuu qabtay gantaal Xuutiyiintu u soo rideen dhanka Sacuudiga, xilli ciidamada dowladda Yemen ay wadaan howlgallo ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan dhul horey looga qabsaday.

    Afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa sheegay in kooxdu weli gacanta ku hayso dhammaan goobihii ay bishii hore qabsatay, gaar ahaan dhulka ku teedsan xeebta Badda Cas.

    Ciidanka Yemen ayaa iyaguna sheegay in ay Xuutiyiinta ka saareen deegaanno ku dhow marinka Bab al-Mandab iyo magaalada dekedda ah ee Mocha.

    Si madax-bannaan looma xaqiijin karo sheegashooyinka dhinacyada dagaalka, maadaama xaaladda dhulka ay si degdeg ah isu beddelayso, isla markaana ay adag tahay in saxafiyiintu gaaraan goobaha colaadda.

    Dhanka kale, Wasaaradda Caafimaadka ee Xuutiyiinta ayaa sheegtay in lix qof oo hal qoys ah, oo ay ku jiraan afar carruur ah, lagu dilay duqeyn cirka ah oo Sacuudigu ka fuliyay tuulo ku taalla gobolka Hajjah.

    Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in Isniintii ay bartilmaameedsadeen garoonka diyaaradaha Riyad iyo warshad sifaysa shidaalka oo ay leedahay shirkadda weyn ee Sacuudiga ee Aramco.