Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Muxuu yahay hadalka doodda iyo falcelinta badan dhaliyay ee uu sheegay duqa New Yorka Mamdani?
Hadalkii Duqa New York Zohran Mamdani ee sannad-guuradii saddexaad ee weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar lagu qaaday Israel ayaa Arbacadii dhaliyay muran, iyadoo malaayiin jeer laga daawaday baraha bulshada.
Mamdani ayaa muddo dheer dhaliilayay Israel, gaar ahaan sida ay ula dhaqanto Falastiiniyiinta tan iyo duullaankii 2023.
Hase yeeshee, hadalkiisa sannad-guurada ayaa si gaar ah loo dhaliilay. Dadka dhaliilay ayaa sheegay in Arbacadii ay ahayd maalin ay madaxda la doortay ka fogaadaan hadallada kala qaybin kara bulshada.
Mamdani wuxuu hadalkiisa ku bilaabay cambaareynta weerarkii Xamaas, isagoo ku tilmaamay dembi dagaal oo aad u xun. Balse inta badan hadalkiisa wuxuu ku dhaliilay hawlgallada milatari ee Israel, isagoo ku tilmaamay xasuuq ka socda Gaza.
Maxuu Mamdani sheegay?
Mamdani ayaa ka qoray weerarkii 7-dii Oktoobar 2023:
"Maanta waa maalin si qoto dheer u xanuun badan dad badan oo reer New York ah. Waxaa laga joogaa saddex sano dembiyadii dagaal ee foosha xumaa ee dhacay 7-dii Oktoobar.
Maalintaas, Xamaas waxay dishay in ka badan 1,100 qof oo Israa'iiliyiin ah, waxayna afduubatay 251 qof oo kale.
Waxaan tacsi iyo murugo la wadaageynaa saaxiibbadayada iyo deriskayaga badan ee weli la tacaalaya xanuunka khasaarahaas aan la qiyaasi karin."
Dhibaatadani ma bilaaban maalintaas, mana aysan ku dhammaan. Way sii socotay, iyadoo isu beddeshay xasuuq uu dowladda Israel ka geysatay Gaza, kaas oo lagu dilay in ka badan 74,000 oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan in ka badan 21,000 carruur ah. In ka badan 1,400 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay xitaa kadib waxa loogu yeero xabbad-joojinta."
"Xanuunkani wuxuu sii xoogeysanayaa marka bam kasta oo Israel ay ku tuurto ambalaasyo ku sugaya bannaanka isbitaallada, weerar kasta oo drone ah oo lagu bartilmaameedsado dhisme la deggan yahay ama wariye, iyo shixnad kasta oo gargaar ah oo laga celiyo xadka. Dad badan oo reer New York ah ayaa la tacaalaya xanuunkan aan loo adkeysan karin, waxaana murugada la wadaageynaa dadkaas, annagoo og in canshuurahayaga lagu maalgeliyo dembiyadan dagaal."
"Saddex sano kadib, waa inaan diidnaa inaan aqbalno adduun ay weli ka jiraan qabsasho iyo midab-takoor, halka dembiyada dagaalkana aan lala xisaabtamin, dowladda federaalkuna ay sii waddo ku lug lahaanshaheeda shixnad kasta oo hub ah. Si aan u maamuusno dadka dhintay, waa inaan u dagaallannaa adduun qof kasta uu ku noolaan karo xorriyad, ammaan iyo sharaf."
Ben Shapiro, oo ah aasaasaha shirkadda Daily Wire iyo daadihiyaha barnaamijka siyaasadeed ee The Ben Shapiro Show, ayaa ka falceliyay qoraalka Mamdani, isagoo yiri:
"49 eray ayuu u huray xuska Yuhuuddii lagu dilay 7-dii Oktoobar. 141 eray ayuu ku sheegay in Israel ay wax walba mas'uul ka tahay, isla markaana xalka keliya uu yahay in awood, lacag iyo maamul dheeraad ah loo dhiibo dadka doonaya inay burburiyaan Israel."
Nikki Haley, oo ahayd safiiradda Mareykanka ee Qaramada Midoobay xilligii ugu horreeyay ee Trump, ayaa sidoo kale cambaareysay hadalka Mamdani. Waxay baraha bulshada ku qortay:
"Waxaad isku dayaysaa inaad hal mar Israa'iiliyiinta dhunkato, isla markaana aad dharbaaxdo, waana wax laga xishoodo."
Haley waxay sidoo kale qortay:
"7-dii Oktoobar, Xamaas waxay kufsatay, gubtay oo dishay Israa'iiliyiin iyo Mareykan, iyadoo qaar ka mid ah lagu dilay indhaha eheladooda hortooda. Dad kale ayay afduubteen oo bilo badan jirdil u geysteen. Si kasta oo aad isku daydo inaad si wanaagsan u hadasho, tani waa nacayb Yuhuudda loo qabo. Israa'iiliyiintu waxay xaq buuxa u leeyihiin inay is-difaacaan. Haddii arrintani ay ka dhici lahayd Mareykanka, waxaad hubin kartaa inaan annaguna is-difaaci lahayn."
Siyaasadda Mamdani
Hadalkii Mamdani, oo in ka badan 15 milyan oo jeer la daawaday, ayaa dhaliyay cambaareyn ballaaran, iyadoo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha xisbiga Dimuqraadiga ay aragti ka duwan ka muujiyeen dagaalka.
Xildhibaan Dan Goldman oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee New York ayaa hadalka ku tilmaamay "mid si qoto dheer u gefaya oo aflagaaddo ah."
Goldman ayaa Politico u sheegay: "Waxaa jira 364 maalmood oo kale oo arrintan looga hadli karo. Maalintan waa inaan diiradda saarno waxa dhammaan dhinacyadu u arkaan weerar argagixiso oo aad u xun."
Wuxuu intaas ku daray: "Hadalkii duqa maanta wuxuu u muuqdaa inuu Israa'iiliyiinta ku eedeynayo weerar dhacay saddex sano ka hor. Si kasta oo aad uga aragto colaadda iyo wixii dhacay ka hor ama ka dib, ma jirto wax cudurdaar u ah in dhibbanayaasha la eedeeyo."
Xukuumadda Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa wajahaysa dacwad ka socota Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC), oo la xiriirta howlgallada milatari ee Gaza. Israel ayaa diiddan eedda ah inay xasuuq ka geysatay Gaza.
Hadalkii Mamdani wuxuu si weyn uga duwanaa hadalladii madaxda kale ee la doortay ee New York. Madaxda kale waxay si gaar ah diiradda u saareen dhacdooyinkii 7-dii Oktoobar, mana aysan xusin dhacdooyinkii ka dambeeyay.