Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen, G7 waxay ku sheegeen in dalalka xubnaha ahi ay ku heshiiyeen inay iska ilaaliyaan xayiraadaha dhoofinta tamarta iyo wax soo saarka tamarta dhexdooda.
Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK (UKMTO) ayaa sheegtay aroortii hore ee Sabtida in markab shidaal uu ku dhacay gantaal ama walax aan la aqoonsan, qiyaastii 4 mayl-badeed dhanka bari kaga beegan Cumaan.
Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in dhammaan shaqaalaha markabka la soo sheegay inay badqabaan, isla markaana aanay xilligan jirin wax war ah oo sheegaya waxyeello deegaanka soo gaartay.
Hay’addu waxay hore u sheegtay in Jimcihii markab shidaal uu gantaal ku dhacay isagoo ka sii baxayay marin-biyoodka Hormuz, taas oo sababtay dab yar iyo koronto ka go’day markabka.
Trump oo carrabaabay xilliga uu dhammaan karo dagaalka Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo ka hadlayay isu soo
bax olole doorasho oo ka dhacay magaalada Mobile ee gobolka Alabama, ayaa mar
kale sheegay in dagaalka Iiraan uu dhammaan doono "malaha wax yar kadib
doorashooyinka dhexe."
Warbaahinta NBC News ayaa sheegtay in Trump toddobaadyadii u
dambeeyay marar badan ku celceliyay hadalladan, xilli uu sii kordhayo tirada
Maraykan ka soo horjeeda dagaalka Iiraan.
Khudbaddiisa, Donald Trump wuxuu ka hadlay dhibaatooyinka
dhaqaale ee Iiraan, isagoo ku andacooday in sicir-bararka dalkaasi uu gaaray
qiyaastii 310%.
Trump wuxuu sidoo kale u sheegay dadkii isu soo baxay: "Dagaalkani
si dhakhso ah ayuu u dhammaan doonaa, malaha isla marka doorashadu dhammaato.
Laakiin marka uu dhammaado, qiimaha shidaalku si weyn ayuu hoos ugu dhici
doonaa."
Wuxuu dhowr jeer ku celiyay in dagaalkani uu mar dhow dhammaan
doono, "si uun ama si kale."
Sida lagu sheegay warbixintan, hadallada Donald Trump ayaa
imanaya xilli xogta la heli karo ay muujinayso in celceliska qiimaha hal gaaloon
oo shidaal ah gudaha Maraykanka uu hadda yahay $3.94.
Kooxda G7 ayaa ku heshiisay inay suuqa kusii deyso 100
milyan oo foosto oo shidaal cayriin ah iyo naafto ah, si loo yareeyo
cadaadiska dhanka sahayda ee sababay in qiimaha shidaalku si weyn u kaco.
Kooxdan oo uu ku jiro Maraykanka, ayaa sheegtay in
tallaabadan ay ka mid noqon doonto sii deyn ballaaran oo naafto ah
maalmaha soo socda.
Madaxweyne Donald Trump ayaa hore ugu hanjabay inuu
mamnuuci doono dhoofinta naaftada Maraykanka, taasoo ah tallaabo hoos u dhigi lahayd
cadaadiska qiimaha ee saaran macaamiisha Maraykanka ka hor doorashooyinka dhexe
ee bisha Noofambar, balse kor u qaadi lahayd qiimaha shidaalka ee dalalka kale.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen, G7 waxay ku sheegeen in
dalalka xubnaha ahi ay ku heshiiyeen inay iska ilaaliyaan xayiraadaha
dhoofinta tamarta iyo wax soo saarka tamarta dhexdooda.
Kooxda G7 waxaa xubno ka ah Maraykanka, Boqortooyada
Ingiriiska, Canada, Japan, Jarmalka, Talyaaniga iyo Faransiiska, waxaana
sidoo kale shirarkeeda ka qayb gala Midowga Yurub.
Trump ayaa uga digay inuu joojin doono dhoofinta naaftada
Maraykanka haddii dalalka Yurub aysan oggolaan inay suuqyada keenaan qayb ka
badan kaydadkooda shidaalka.