Caqabadaha ay weriyeyaasha Soomaaliya kala kulmaan xog helista

- Author, Fardowsa Sheekh Cabdiraxmaan
- Published
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Helitaanka xog sax ah oo la hubiyay ayaa ah tiirka ugu muhiimsan ee saxaafadda, balse weriyeyaasha ka howlgala Soomaaliya waxay la kulmaan caqabado kala duwan oo mararka qaar adkeeya in ay helaan xog la hubo oo la isku halleyn karo, degdeg ah oo ay bulshada ugu gudbiyaan. Caqabadahan waxay ka imaan karaan xaaladda amni, hay'adaha dowladda, helitaanka ilaha xogta iyo sidoo kale duruufaha dhaqaale iyo farsamo ee ay warbaahintu ku shaqeyso.
Barnaamij dood oo ay BBC Somali qabatay ayaa waxaa kasoo qeyb-galay qaaar kamid ah hawl-wadeennada warbaahinta gudaha oo iskugu jiray warbaahinta tooska iyo tan baraha bulshada.
Dhammaan ka qeyb-galayaashu waxa ay isku raaceen in caqabaduhu ay jiraan meel kasta oo Soomaaliya ah, waxayna sheegeen in muddooyinkii dambana ay soo korortay in xafiisyada dowladda ay diidaan in ay warbaahinta siiyaan xogaha ay u baahan yihiin.
Burhaan Diini Faarax, agaasimaha Telefishinka Caafimaadka horena uga soo shaqeeyey warbaahinta maxalliga ah qeybaheeda kala duwan ayaa yiri: "dowladda Soomaaliya waxa ay kamid tahay ilaha warka la helo, iyadu warkeedu waa kooban yahay, oo hadda wasaraad kasta ama hay'ad kasta qeyb-gaal gaar u ah (Bog online ah) marka waxaa laga yaabaaa in aadan xog badan helin, oo war wayn oo jira oo aysan dowladda ka hadlin, ama si kale wasiir oo kale haddaa wacdo in aadan helin, mana aha mid sahlan".

Xigashada Sawirka, SRS/Social media
Sida ay sheegtay Naciimo Muuse Dallaf oo ah Xoghayaha guud ee Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP oo fadhigiisu yahay magaalada Garowe, si lamid ah weiyeyaasha maagalada Muqdisho waxa ay la kulmaan caqabado iskugu jir "xarig, cadadaadis iyo in aan loo oggoleyn in ay toos uga soo tebiyaan xarumaha dowladda."
Sidoo kale Naciimo waxa ay ka dhawaajisay in hay'adaha qaar ay xogta bixiyaan oo keliya marka ay iyagu doonayaan, halka codsiyada weriyeyaasha qaarkood ay qaataan waqti dheer in laga jawaabo ama aan jawaab laga helin.
"Waa laga yaabaa inaan dhinaca amniga ku kala duwannahay balse dhinacydada kale oo dhan waa ka simannahay, warbaahinta Soomaaliya haddii ay Muqdisho joogaan iyo haddii ay Puntland joogaan, waxa kow u liidannaa waa xogta la'aanta, dowladdu xogtii ay xiratay waxa ya la hadlaan kaameradooda", ayey tiri Naciimo.
Eedeynta ay soo jeediyeen Naciimo iyo Burhaan ayaan weydiinnay agaasimaha waaxda istaraatiijiyadda ee wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaliya, Cabdishakuur Cali Axmed, waxa uuna sheegay in xog bixintu ay ku xiran tahay xaaladda ay warbaahinta ku dooneyso xogta, sheekooyinka qaarkoodna ay yihiin kuwa la xiriira aminga oo looga hadli karin sidii la doono.
Caqabadaha kale ee warbahintu la kulanto
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xaaladda amniga ayaa iyaduna caqabad weyn ku ah weriyeyaasha. Qaar ka mid ah goobaha dalka waxaa ka jira khatarro amni oo xaddida dhaqdhaqaaqa saxafiyiinta. Weriyaha doonaya inuu goob dhacdo ka dhacday tago si uu indhihiisa ugu soo arko ama uu dadka deegaanka ula hadlo, waxaa laga yaabaa inuu wajahdo khatar amni ama uusan awoodin inuu goobta gaaro.
Dhanka bad-qabka weriyaha waa arrinta ugu wayn ee ay walaaca ka qabaan ururada saxaafadda gudaha iyo caalamkaba, horraantii bisha Sebtember ayey ahayd markii mid kamid ah weriyeyaasha magaalada Baydhabo uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dagaal ka dhacay magaaladaasi.
Sidoo kale, bishii Maarso isla sanadkaan Kismaayo waxaa lagu dilay AUN weriye Abshir Khalif Shide, dilkaas oo uu ka hadlay Khaled El-Enany, Agaasimaha Guud ee UNESCO, isaga oo cambaareeyay dilka loo geystay.
"Waxaan cambaareynayaa dilka loo geystay shaqaalaha warbaahinta Abshir Khalif Shide Omar, waxaanan ku baaqayaa in si madax-bannaan oo dhammaystiran loo baaro duruufihii ku xeernaa dilka".
"Weriyeyaashu waxay door muhiim ah ka qaataan wargelinta bulshada iyo hubinta in xogtu si xor ah u gaarto dadweynaha. In dadka dambiyada ka geysta falalka ka dhanka ah shaqaalaha warbaahinta aan lala xisaabtamin waa arrin aan la aqbali karin".
Caqabad kale waa helitaanka dukumentiyada iyo xogta dadweynaha. Xogta ku jirta warbixinnada dowladda, miisaaniyadaha, heshiisyada, tirakoobyada iyo dukumentiyada kale mar walba si fudud uma helaan weriyeyaashu, haddii ay helaan waxaa weli jira aqoon yari la xiriirta habka loo tebinayo sida uu qabo Ismaaciil Cali oo ah khabiir saxaafadeed.
Waxaa sidoo kale jira caqabado la xiriira tayada iyo xaqiijinta xogta baraha bulshada. Baraha bulshada ayaa noqday meel muhiim ah oo laga helo warar degdeg ah, gaar ahaan marka ay dhacdo xaalad degdeg ah. Hase yeeshee, sawirro, muuqaallo iyo warar aan la hubin ayaa si dhaqso ah u faafi kara.
Munasar Maxamed, waa mid kamid dhalinyarada baraha bulshada kusoo gudbiya xogaha gudaha Soomaaliya, horena uga soo shaqeeyay warbaahinnada caadiga, waxa uu BBC-da u sheegay inay ku xaqiijiyaan xogta muqaalka soo gaara, iyaga oo hubinaya run ahaantiisa.
Inkasta oo Munasar uu sheegay in ay ka halis yar yihiin marka loo eego warbaahinta gudaha dalka ku sugan. "Cidda muuqaalka uu quseeyo ayaan la hadalnaa waxaana weydiinnaaa waxa ka jira muuqaalkaas, waad iska garan gartaa marka qof mas'uul ah dad shacab ah xog kasoo gudbiyaan caqabaddeeda, balse faa'iidoo badan ayey leedahay".
Xaddidaadaha dhaqaale iyo farsamo ayaa iyaguna saameeya awoodda warbaahinta, Naciimo Dallaf oo aan si gaar u weydiinnay waxa ay keeni karto ayaa tiri: "Arrintani waxay keeni kartaa in wararka ka imanaya caasimadda iyo magaalooyinka waaweyn ay ka bataan kuwa ka imanaya deegaannada kale".
Tirada weriyeyaasha xarigga la kulmay
Puntland waa maamulka ugu yar ee weriyeyaal lagu xiray sanadkan gudahiisa, sida ay sheegtay xoghayaha ururka saxafiyiinta Puntland MAP, afar weriye ayaa lagu xiray meelo kala duwan oo Puntland ah. "Qaar kamid ah sababta loo xiray waa in ay isku dayeen in ay tebiyeen qalalaase dhanka dakadda Boosaaso ee gobolka Bari ka taagnaa, qaar kalena kaliya in ay soo gudbiyeen aragtida dadweynaha. " Ayay tiri.
Guud ahaan Soomaaliya sanadkan 2026 waxaa lagu xiray in ka badan 75 weriye, sida uu ururka bad-baadada Saxafiyiinta Soomaaliyeed tir- koob uu soo saaray ku sheegay, taas oo ay ku tilmaameyn in inta ugu badan lagu xiray Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaaliland, inkasta oo aysan BBC si madax bannaan u xaqiijin karin.
Sanad kasta 28 Sebteember, ayaa la maamuusaa hawlaha iyo shaqooyinka ay hayaan weriyeyaasha ku shaqeeya war soo tebinta, kuwaas oo meelo kala oo caalamka ah kala kulma caqabado kala duwaan oo halis badan, qaarkoodna waxa ay ku waayaan noloshooda.



























