Netanyahu oo sheegay in ninkii weeraray diyaaradda Flydubai uu aaminsanaa "fikir xagjirnimo Islaami ah oo lagu soo barbaariyay"

Benjamin Netanyahu
    • Author, Olivia Ireland
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in baaritaannada hordhaca ahi ay muujinayaan in ninkii toorreyda la dhacay duuliyihii kale islamarkaana isku dayay inuu la wareego diyaaraddii Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv uu soo maray hab lagu xagjiraynayo fikirka Islaamiga ah.

Diyaaradda Flydubai ayaa hoos uga dhacday in ka badan 17,000 fiit (5,200 mitir) laba saacadood kadib markii ay safarka billowday Arbacadii, ka hor inta aanay rakaabka iyo shaqaaluhu ka adkaan weeraryahanka oo ay dib ula wareegin gacan-ku-haynta diyaaradda, taasoo ugu dambayn si nabad ah ku degtay.

Netanyahu ayaa wareysi uu siiyay Fox News ku sheegay in ay u muuqato "mid aad u suuragal ah" in weeraryahanka, oo uu sheegay inuu yahay muwaadin u dhashay Cumaan, "uu damacsanaa inuu soo rido diyaaradda."

Dhanka kale, wakaaladda wararka dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in halkaas laga bilaabay baaritaanno lagu ogaanayo in dhacdadan ay xiriir la lahayd fal argagixiso ama ujeeddo argagixiso.

Israa'iil

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudi Carabiya, oo ah dalka ay diyaaraddu si degdeg ah ugu degtay, ayaa sheegtay in duuliyaha iyo duuliye-ku-xigeenka labadaba loo celiyay Imaaraadka Carabta subaxnimadii Khamiista, kaddib markii kooxaha caafimaadku xaqiijiyeen in xaaladdooda caafimaad ay u saamaxayso safarka.

Mas'uuliyiinta Imaaraadka ayaa hore u sheegay inay iyagu leeyihiin awoodda sharci ee baaritaanka dhacdadan, maaddaama diyaaraddii weerarku ka dhacay ay ka diiwaangashan tahay dalkaas isla markaana ay ku duulayso calankiisa.

Netanyahu ayaa Fox News u sheegay in markii weeraryahanka ay rakaabka iyo shaqaaluhu ka adkaadeen oo ay xireen, uu ku qaylinayay shaqaalaha diyaaradda isagoo leh: "I dila, i dila."

Netanyahu wuxuu intaas ku daray: "Sidaas darteed way caddahay inuu doonayay inuu is dilo; arrintaas shaki kuma jiro."

Smit
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Haddii aad taas ku darto wixii aan hadda kuu sheegay ee ku saabsan u janjeeridda fikirka Islaamiga ah iyo xagjirnimada laga helay taariikhdiisii hore, waxaan u malaynayaa inay taasi na siinayso tilmaam aad u wanaagsan," ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay inuusan weli doonayn inuu soo saaro gunaanad rasmi ah oo ku saabsan sababta weerarka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo mas'uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa labaduba warbaahinta u sheegay in ay jirto suuragalnimo ah in Iiraan ay ku lug lahayd dhacdada, inkastoo aysan si toos ah mas'uuliyadda ugu saarin Tehran.

Trump ayaa Khamiistii wariyeyaasha u sheegay in Iiraan ay la kulmi doonto "weerar aad u xooggan" haddii la caddeeyo inay ku lug lahayd weerarka.

Netanyahu ayaa markii la waydiiyay sida duuliyaha la tuhunsan yahay, oo u dhashay Cumaan, ugu suurtagashay inuu ka shaqeeyo duullimaad ku socday Israa'iil, sheegay in duuliyeyaasha ka socda dalalka aan xiriirka diblomaasiyadeed la lahayn Israa'iil sida caadiga ah aan loo oggolayn inay halkaas u duulaan.

Wuxuu raaciyay: "Sida muuqata waxaa jiray dalool ama nusqaan dhanka nidaamka ah, arrintaasna hadda waan ka shaqaynaynaa. Waa inaan sheegaa in dowladda Imaaraadka ay si buuxda noola shaqaynayso, sidaas darteed labadeennuba waxaan danaynaynaa inaan xaqiijinno inaan tani mar kale dhicin."

Dalka Cumaan weli si rasmi ah xiriir diblomaasiyadeed ulama uusan yeelan Israa'iil, si ka duwan Imaaraadka Carabta.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale mar hore isla shabakaddaas lagu waydiiyay haddii ay jiraan wax tilmaamaya ku lug lahaanshaha Iiraan, wuxuuna ku jawaabay: "Weli waa goor hore in arrintaas wax laga yiraahdo."

Labadaba Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ku tilmaamay duuliyihii la tooreeyay, oo ah muwaadin Hindi ah Kabtan Smit Machchhar, inuu yahay "halyey".

Danjiraha Hindiya ee Imaaraadka Carabta, Deepak Mittal, ayaa Khamiistii booqday Kabtan Machchhar isagoo ku jira isbitaal, sida ay xaqiijisay Safaaradda Hindiya ee Imaaraadka iyada oo qoraal ku baahisay baraha bulshada.

Safaaraddu waxay sheegtay in Kabtan Machchhar uu "caafimaad ahaan wanaagsan yahay islamarkaana si fiican uga soo kabanayo dhaawacyadiisa."

Smit Machchhar
Qoraalka sawirka, Dowladda Hindiya ayaa ammaantay Smit Machchhar

Natiijooyinka hordhaca ah ee baaritaan gaar ah oo ay Israa'iil ka waddo dhacdadan ayaa muujinaya in ninka lagu eedeeyay weerarka uu damacsanaa inuu soo rido diyaaradda, sida ay BBC Arabic u sheegeen ilo amni oo Israa'iili ah.

Ishaasi waxay sheegtay in baaritaanka, oo ay hoggaaminayso hay'adda sirdoonka Israa'iil ee Mossad, lagu wareystay rakaabkii markii ay gaareen magaalada Tel Aviv, si loo ogaado wixii dhab ahaantii ka dhacay gudaha diyaaradda.

Diyaaradda Flydubai, duullimaadka lambarkiisu yahay FZ1073, oo ay saarnaayeen in ka badan 170 qof, ayaa ka duushay Garoonka Caalamiga ah ee Dubai ee Imaaraadka Carabta saacaddii 03:05 GMT (07:05 waqtiga maxalliga ah), iyadoo ku sii jeedday Garoonka Ben Gurion.

Laba saacadood kadib, hoos-u-dhac dhan 17,000 fiit (5,200 mitir) ayaa laga diiwaangeliyay xogta raadraaca diyaaradaha ee mareegta Flightradar24, daqiiqado yar kadibna diyaaradda ayaa dirtay calaamadda xaaladda degdegga ah.

Qiyaastii saacaddii 05:40, diyaaradda oo muddo kooban gashay hawada dalka Urdun, ayaa dib ugu laabatay hawada Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay ka billowday hoos-u-degitaan gacanta lagu maamulayey, ka hor intii aysan si nabad ah ugu degin Garoonka Diyaaradaha ee Tabuk ee waqooyi-galbeed Sacuudi Carabiya.

Shirkadda Flydubai ayaa tan iyo markaas hakisay duullimaadyadii u dhexeeyay Dubai iyo Tel Aviv, iyadoo baaritaan u gaar ah ka waddo dhacdada.

Wasaaradda Gaadiidka ee Israa'iil ayaa sheegtay in hakinta duulimaadyadu ay waafaqsan tahay amarkii uu bixiyay Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Shirkadaha diyaaradaha ee Israa'iil, oo ay ku jiraan El Al, Israir iyo Arkia, ayaa sheegay in ay diyaariyeen duulimaadyo gurmad ah oo ka billaabanaya Dubai maalinta Jimcaha si dib loogu soo celiyo rakaabkii ku xayirmay halkaas.

Wasaaradda Gaadiidka ayaa sidoo kale sheegtay inay codsi degdeg ah u dirtay shirkadda diyaaradaha ee Etihad Airways, si loo kordhiyo tirada duulimaadyada u dhexeeya Abu Dhabi iyo Tel Aviv.